SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  •  Faarax Weheliye Caddow Sendiko "Haddii Muqdisho laga weeciyo Caasimadda ha loo diyaar garoobo 20-sano oo bur-bur iyo dib u dhac
  • WAFTIGII XAQIIQO RAADINTA OO U AMBABAXAY MAGAALADA GAROOWE EE CAASIMADA DGPL

Faarax Weheliye Caddow Sendiko "Haddii Muqdisho laga weeciyo Caasimadda ha loo diyaar garoobo 20-sano oo bur-bur iyo dib u dhac ah"

Faarax Weheliye Caddow Sendiko oo ah Siyaasi caan ah, isla markaana ah Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed, Xalayna ka qayb galayay barnaamijka Dood-wadaag ee habeen walba laga sii daayo Raadiyaha iyo Telefishinka Horn Afrik ayaa waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo isugu jira siyaasadda iyo Isboortiga.

Haddii aan soo qaadanno waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu ka hadlay Faarax waxaa ka mid ahaa keenista ciidammo shisheeye ee dalka, waxaana isagoo arrintaasi saddex u kala qaadaya uu yiri "Laba arrimood ee aan dhici karin waxa ay tahay in la keeno ciidammo Amxaaro ah oo ka yimaada waddanka Itoobiya ee boqolaal sano naga dhexeysay Cadaawaddu, Soomaaliduna ma aqbali karto, waana mid aan suurtogal ahayn, qodobka labaad ayaa isna ah in aan gebi ahaanba Ciidammo la keenin gudaha dalka Soomaaliya, taasina aan rajeynayo in aysan dhici doonin", Faarax waxa uu qodobka saddexaad ku sheegay in koox ciidammop ah oo ka socota waddammo oo ka socota waddan aysan ku jirin Itoobiya la keeno, si ay u waardiyeyaan goobaha muhiimka ah, sida Dekedda, Garoommada Diyaaradaha iyo Wasaaraddaha Dowladda. Sendiko ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd "Ka warran haddii Caasimadda si kumeel gaar ah meel kale loo geeyo?", waxaana uu ku jawaabay "Waa arrin iyana aan suurtogal ahayn, waayo taasi waxa ay xadgudub ku tahay Dastuurka la dhigtay, kalsooni ayaana ku qabaa Golaha Baarlamanka in uusan ansixin doonin labadaa arrimood ee waaweyn ee ah Keenista ciidammo shisheeye iyo Caasimadda oo Xamar laga beddelo, haddii ay taasi dhacdo oo loo isticmaalo sidii ay u dhacday doorashadii Madaxtinimada oo kale ha loo diyaar garoobo 20-sano oo kale oo dhibaato hor leh iyo bur-bur ku yimaada laga billaabo Madaxweyne illaa Baarlamaan". Faarax Sendiko oo ka jawaabay su’aal kale oo la xiriirtay dhinaca Nabadda iyo soo dhoweynta Dowladda waxa uu yiri "Waa la ogaa sidii loo soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamanka, in xitaa sidaa si ka daranna loo soo dhoweyn doono haddii Madaxweynuhu Xamar yimaado, Balidoogle illaa Xamar-na dadku waxay tubnaan doonaan hareeraha waddanooyinku, Xamar Madaxweynuhu wuu ku soo noolaa ee yuusan ka cabsan, Hawiye Hawiyihiisii hore wuu ka baxay, waxa uu soo qaatay afar iyo toban sano oo khibrad iyo waayo aragnimo ah, ma jirto cid laga cabsadaa oo Xamar joogta".

Mar sidoo kale Faarax wax laga su’aalay wufuudda ka meer-meereysa Magaallada Muqdisho ee ka kooban Wasiirrada iyo xildhibaannada waxa uu yiri isagoo diiradda saaraya Ra’iisul Wasaare Prof. Geeddi "Nin kastaa waxaa loo diray gobolkii uu ka dhashay, Geeddiyoow miyaadan dad lahayn, miyaadanse gobol lahayn, maxaad Xamar uga soo degi la’dahay, waan ku soo dhoweyneynaa, waan ku soo dhoweyneynaa, dhib ma laha haddii Ra’iisul Wasaaruhu uu safarkiisa inta Jowhar ka billaabo, soona maro gobollada kaddibna dib ugu soo laabto Muqdisho, balse haddii uu ka leex-leexdo imaan-shaha Xamar waxaan u arkeynaa arrin kale".

Mudane Sendiko oo wax laga weydiiyey su’aal ku saabsanayd mowqifka Golaha Samata-bixinta iyo in uu shaqeynayo maadaama dowlad dhalatay iyo sida ay isaga war qabaan oo ay u xiriiraan waqtigan, waxaana uu yiri "Cismaan Caato waad maqashaan, Muuse sidoo kale, Jeesna waadba og tihiin, dhammaan isku mowqif ayaan nahay, Golaha Samata-bixintu wuu jirayaa, Xisbi ayaana markii hore rabnay, laakiin mar kasta waan isla soconnaa waana is ognahay halka ay howshu mareyso". Mar uu ka haldyay Sendiko qaabka ilaha dhaqaalaha waxa uu yiri "Hawiyaha haddii aan si gaar ah carrabka ugu adkeeyo waxaan kula talinayaa in ay is taakuleeyaan, kulammo iyo fadhiyo badan wada yeeshaan, Dekedda iyo Airport-kana ay furan, waana arrin aad muhiim u ah, Dekadihii kale way shaqeeyaan, taladayduna waxay ku aaddan tahay in tallaabooyinka fiic-fiican la qaado", Faarax oo ka hadlayay dhinaca Xiisyada dowladdana waxa uu intaa raaciyey "Waa 90-Wasiir, mana garanayo meel 10-Xafiis ka dhismeyso ee goobaha la carrabaabayo in dowladdu degto, anigu ma garanayo haddii Sariirraha la is dulsaaranayo, dowladdana waxaan u taagannahay in aan ku soo dhoweyno Madaxtooyada, Madaxweynahana si diirran oo hufan dhulkiisa hooyo ugu soo dhoweyno".

Mar uu ka haldlayay dhinaca doorashadii Madaxtinimada xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ee lagu doortay C/llaahi Yuusuf Axmed ay ahayd mid lagu shubtay, isla markaana Sendiko uu carrabka ku dhuftay in shaqsi walba la siiyey 10,000-Dollar, isagoo sheegay in lacagtaasi ay si aad ah ula yaabeen xubnihii aan tiro lacag ah oo noocaasi ah horey aysan u soo marin.

Faarax Sendiko oo haddana u jalleecay dhinaca hub ka dhigista waxaa hadalladiisii ka mid ahaa "Maalin cad ayay dhaarteen in ay dowladda hubka faraha ka saarayaan, dhammaantoodna waa mas’uuliyiin ee waa in aysan ka bixin ballantii ay Qur’aanka ku galeen, haddii aysan is aaminaad jirin ciidammada kooxda yar ah ee horey aan u soo carrabaabay ee waardiyeynaysa goobaha muhiimka ah, sida Xafiisyada Dowladda, Dekedaha iyo Airport-yada in hubka loo dhiibaa, haddii kale gebi ahaantiisaba la gubaa". Sendiko mar arrinta Isboortiga Gobollada wax laga weydiiyey waxa uu sheegay in Somaliland Khamiistii ka been abuuratay Soomaaliya, isagoo caddeeyey in laba ciyaaryahan iyo hal tababare oo Soomaali ah loogu talo galay in ay ka qayb galaan Tartanka Half Marathon-ka Jabuuti, balse waxa uu sheegay in aan wax Tikidh ah loo soo dirin, hase yeeshee Somaliland arrintaasi ku ceeboobeen, kaddib markii ay ciyaaryahanno Jabuuti u dirsadeen, taasina ay ceeb xoog leh kala soo kulmeen "Adduunyadu ma aqoonsanayso wax la yiraahdo Somaliland, dhammaan ilihii ay la xiriireenna waxa ay u sheegeen in Isboortiga Soomaaliyeed oo dhan uu hoos tago G/Olombikada Soomaaliyeed.

W/Isku duway:- Faarax Maxamed Cali (Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com  


WAFTIGII XAQIIQO RAADINTA OO U AMBABAXAY MAGAALADA GAROOWE EE CAASIMADA DGPL

Galkacy (somalitalk) 22/2/05 talaado

waftigii xaqiiqo raadinta ahaa ee socday urur goboleedka Midowga Afrika (AU) iyo Jaamacadda Carabta (AL) ee shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay barqonimadii maanta koormeero kala duwan ku kala bixiyeen xarumaha dawladda gaar ahaan xarumaha ciidamada .

Meelaha ay booqashada ku tageen waxaa kamid ah Taliska Qaybta booliska , Saldhigga booilska , Xasbiga dhexe iyo guriga xarunta maamulka gobolka Mudug.

Guddigan waxay warbixinno kal duwan ka dhagaysteen taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug G/dhexe Aadan Nuur (Qaal) iyo taliyaha ciidanka daraawiishta gobollada Cayn iyo Mudug Col: Maxamed Muuse (Ilkodheere) , labadan masuula waxay guddiga u sheegay inay soo dhawaynayaan ciidamada shisheeye ee qaabilsan hubkadhigista isla markaana ay diyaar uyihiin inay ayagu ka qaybqaataan hubka dhigista.

Taliyayaasha ciidamada daraawiishta iyo Boolisku waxay ka sheekeeyeen hawlaha ay qabteen waxayna sheegeenin ciidanka booliska iyo daraawiishta gobolka mudug ay sameeyaan hawlo kala duwan oo looga hortagayo Burcada iyo waxyeelada ka dhanka ah dadweynaha, inkasta oo agabka ciidanka boolisku uu yahay mid aad u dayacan isla markaasna ubaahan in la dayactiro

Guddigan ayaa mar ay tageen xarunta maamulka gobolka Mudug waxaa isugu soo baxay dad boqolaal gaaraya oo doonayay inay ka bogtaan wafdiga , waxayna salaan ka qaateen guddiga xaqiiqo raadintu cutubyo kamid ah ciidankii xoogga dalka Soomaaliya ahaana kuwii ku sugnaa gobolka mudug.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac (Yabaq) ayaa guddiga uga waramay xaaladda hubka , wuxuu sheegay in badi hubka yaalla Puntland uu ku jiro gacanta dawladda inta dadwaynuhu hayaanna ay diyaar u yihiin in laga aruuriyo

Dhanka kale wafdigu waxay booqasho ku tageen xaafadda wadajir ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo si diiran kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta xaafadaasi oo ay kamid yihiin:- Iimaan Xasan Jiiroow oo ah gudoomiyaha maamulka koofurta, Cali Diiriye (Alloore), Col: C/laahi Cambare, iyo Suldaan C/laahi Jaamac (Seed).

Iimaan Jiiroow oo ku hadlayay magaca masuuliyiinta xaafadda wadajir ayaa ku nuux nuuxsaday inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan dawladda Fedderaalka ah balse aysan haatan diyaar u ahayn keenista ciidamo shisheeye oo la keeno gudaha dalka soomaaliya arinka oo ay la qabeen dhamaan shacabka koofurta.

 sahrosiglan@hotmail.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005


Kismaayo: Raashin Loo Qaybinayo Dadkii ay Soo gaartey Aafadii Badgariirku
Waxaana raashinkaas qaybinayahay'adda... Guji... Feb 22

Wafti Kasocda DFKMG oo Sahan ugu Bixi Doona Puntland
Waftiga oo uu hogaaminayo
wasiirka badda iyo kaluumaysiga waxaa kamid ah... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD