SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Fariin Ku socota Asad Caddaani & XOG WARAN KOOBAN

ASW, Bacda Salaan , waxan sigaar ah u salamayaa bahda Somalitalk oo mar aanan xasuusan karin isagu kaaya danbaysay, dabcan anigu dowladdii soomaliyeed ayan wax kasoo dhisayay oo aan ku mashquulsanaa iyaguna waxan rajaynayaa inay sidaas oo kale ugu mashquulsanayen Danta Umadda Somaliyeed ee Haadku Banaanka ku helay.

Waxan ugu horayntii ku faraxsanahay in Shaqsiyaad badan oo ka qayb qaatay Dooddan ku saabsan in lagaga maarmaan ay tahay in Somaliya loohelo ciidamo shisheeye iyo inaan loo baahnayn Ciidamo shisheeye oo inta badan kusoo aruurtay Asad Cadaani iyo Fahad , C/Waaxid iyo Abtigay Gaala'eri oo kusoo biiray isna, in fikirkan uusan wali fariisan oo kacsan yahay, lakin waxa mudan xaqiiqo in Gaala'eri uu ka xog ogaalsan yahay C/Waaxid ama Fahad, oo aan ogahay Fahad inuu Nbi joogo shirkana xog ogaal u yahay , Aniga Shiike ahaan Gaala'eri waan is'ognahay oo waxan wada joognay Embagathi xaqiiqaduna labadeedna si hoose oo fog ayan u og nahay haddaanan is indho tirayn.

Asad: Horta Asad waxan ku ogaa inuu joogo Laascaanood, kana tirsan yahay saraakiisha sarsare ee Radio Laascaanood , inta badanna uu shirka aad ola socday, waliba habaynkastaa uu lasoo xariirijiray xildhibaanada iyo shaqsiyaad kale oo siyaasiin ah, marka dooddu si kasta ha'ahaato ama afsomaliga siyaabo kala duwan haloo yiraahdo waxan qabaa Asad inuu waxa uu ku doodayo ay tahay mindhaa XOG-UUHAYO, waxan oran lahaa marka ASADOOW ayantan NET-ka wuu iska dhibbatay ee madama aad tahay sargaal idacadeed fadlan kajoog doodahan oo kale.

Arrintu waxay ila tahay aniga qofkastaa oo somali ahi waxa uu arkaa runta waxay tahay , war walaalayaalow waxan ognahay xaqiiqadee dowladda naloo dhisay aannu dabagalno oo ku cisayno iyada istiraatijyaeeda oo yaanan ka hordhicin, waxa hubanti ah in Ciidamo shisheeye somaliya lakenayo, oo waliba lagu cisaynayo wadamada safka hore, madama ay iyagu soo wadeen ama soo daadihaynayen shirka, Abtigay Gaala'eri wax wuu bidhaanshay lakin sifiican uuguma uusan habsan xaqiiqada arrintaas oo caano lahar ayuu ka yeeshay , taasna waxa saldhig u ah, Gaala Eri wa siyaasi isu soo sharaxay xildhibaanimo, marka waxa layiri UMULISO SIDAY WAX U'OGTAHAY WAX UMA SHEEGTO intas ayan oga harayaa gaala eri inuu gaabsadayna waan ku ayidsanahay.

Arrintan waxan oga soo harayaa waxa weeye inkastoo ayantan danbe aan ka maaganayay inaan NET-ka wax kusoo qoro ama doodahan oo kale aan kusoo dhexneqdo, haddana cawa waxbaan bidhaaminayay ee iga maahan wax soo qor, Hadda oo aan Fariintan qorayo waxan hubaa in ciidamo shisheeye somaliya joogaan oo waliba meelo badan joogan, midda kale yaan laga didine cviidama shisheeye sida uu sheegay Ra'isul wasaraha waxay awamiirta ka qaadanayan dowladda somali loo dhisay ee aan eegno, midda kale sidee ayay dowladdu ku shaqayn haddii aysan lahayn Ciidan ilasha dhaqdhaqaaqa dowladda , walaalayaal arrintu sidaad u aragtaan mahan, midda kale intii shirku socday ayaannu muran iyo XIIQ kusoo daalnay ee hadda yaanan wax aan inaga nala waydiinayn iskudaalin.

Wixii faahfaahin ah oo dheerad ah waxan idin diyaar ahay inaan xilliga aad u bahataan idinka qanciyo.

NB: Arrinta Somaliya waxa gacanta kuhaya African Security Cousil, Adduunka kalena iyaga ayuu oga danbayn taas ayaa RUN ah ee QAATA DADOOW Waxa kalena iska daaya.

Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike
faaraxbotan@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2005


»Dhex-dhexaadin  Fahad Iyo Asad , iyo Arragtidooda Ciidamada Shisheeye.. | C/Shakuur

»Asadoow! Ciidammo Itoobiyaan ah yeelimaynee Fahad iskadaa! | Xoday

»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad

»URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE | fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD