SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
»BAAQ AY WAXGARADKA SOOMAALIDA DENMARK KA SOO SAAREEN SIYAASADDA CUSUB EE SOOMAALIYA


Isku Aadka Horyaalka Yurub
(pdf)


MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 
Wararkii: Agoosto 31, 2006
  • Muqdisho: Markab muwaacino ah oo maanta ku soo xiranaya..
  • Dowladda Suudaan oo wada qorshe ah. in IGAD..
  • Shariif Xasan oo la kulmay Madaxweynaha wadanka suudaan..
  • Beesha Suleymaan Cabdalla oo Qaadacdey Maamulka looga…
  • Waaxdeeda Caafimaadka ee golaha maxaakiimta oo bilowday Dayactirka Xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka..
  • Laascaanood: mudaharaad ka dhacay magaalada laascaanod oo looga soo horjeedo faragalinta ethoipia.
  • Qoraagii najiib maxfuud oo ku  geeriyooday Qaahira
  • Midowga Yurub oo Liiskeeda Argaggaxisada ka saartay Axmed Yuusuf oo ka tirsanaa Al-barakaat

Markab muwaacino ah oo maanta ku soo xiranaya..

Waxaa maanta la filayaa in dekedda weyn ee Muqdisho uu ku soo xirto markab sida macaawino oo u raran hay’adda WFP, ee Qaramada Midoobey, waana markabkii ugu horreeyey oo hay’addaas leedahay oo ku soo xirta dekedda weyn ee Muqdisho 11-sano kaddib.

Khamiistii hore ayay aheyd markii dekeddaasi uu ku soo xirtay markabkii ugu horreeyey ee ganacsi, kaddib markii ay Golaha Maxaakiimta ay ku dhawaaqeen in dekedda ay furan tahay.

Imaanshaha markabkaan ee u raran WFP ayaa waxaa la filayaa iney ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo macaawinadaani hay’adda WFP ay ugu talagashay dadka tabaaleysan ee ku nool dalka.

Sannadkii hore ayey aheyd markii hay’adda WFP laga afduubtay markab macaawino u siday Soomaaliya, waxaana afduubtay kooxo burcad badeed ah oo ku sugnaa deegaankaa Xarar-Dheere, waxeyna saraakiisha WFP ay ka digeen xiligaasi in macaawinada markabkaasi la iibsado maadaama uu dad tabaaleysan wax u siday.

Dowladda Suudaan oo wada qorshe ah. in IGAD..

Iyadoo urur Gobaleedka IGAD uu ku kala qaybsan yahay ciidamo loo soo diro Soomaaliya kaddib markii wadamada Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha ay balanqaadeen in ay soomaaliya u soo dirayaan ciidamo, balse arrintaan ayaa waxaa moodaa inay dhex dhexaad ka tahay Dowladda Suudaan, oo la sheegay in ay haatan dooneyso in meel dhexe la isugu keeno dowlaha IGAD ee ku kala qyabsamay Arrimaha Soomaaliya, waxaa la filayaa in hadii ay hirgalaan wada hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta in ergey ka socda dalka Suudaan uu booqashooyin ku soo kala bixiyo wadamada IGAD.

Dowladda Ereteriya ayaa waxay horey iyadu ugu hanjabtay inay Soomaaliya u direyso Ciidamo haddii ay Ciidamo u diraan Wadamada Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha, hase yeeshee Dowladda Suudaan waxay dooneysaa in Ciidamo ka socda wadamada Afrika loo diro Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay ilaalin doonaan goobaha Dowladda oo qura

Shariif Xasan oo la kulmay Madaxweynaha.wadanka suudaan..

Waxa dhawaan magaalad Khartuum kulan ku wada yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golaha Maxaakiimta iyo Madaxweynaha Suudaan Al-Bashiir, waxa uuna Sheekh Shariif u gudbiyey Madaxweynaha mowqifka Golaha Maxaakiimta ee arrimaha Soomaaliya.

Habeenkii xalay ahaa ayaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan waxa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya, waxaa isna laga dhageystay Mowqifka Dowladda ee xal u helida Arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in 1-da bisha ay furmaan wada hadalada.

Beesha Suleymaan Cabdalla oo Qaadacdey Maamulka looga…

Aqoonyahano, waxgarad, siyaasiyiin iyo nabaddoono ka tirsan beesha Suleymaan Cabdalle ee Dir ayaa waxey soo saartay warsaxaafadeed ay ku wargelineyso dowladda federaalka, maamul goboleedka Puntland, Maxkamadaha Islaamiga ah iyo maamulka cusub ee Galmudug, in beeshooda aaney ka tirsaneyn maamulka dhawaan looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo.

Beeshu waxey warsaxaafadeedka ku sheegtay iney beeshu degto deegaanno aad u ballaaran oo kala ah: Towfiiq, Galhagoog, Ceel-dhanaane, Dhinowda, Garacad, Jarriiban, Balli-busle iyo, Seemade iyo tuulooyin badan.

“Kama soo horjeedno maamulka looga dhawaaqay Gaalkacyo, balse waxaan soo jeedineynaa in beesha Sacad ay ku dhawaaqday maamulkaasi, ay xaq dhawrto beelaha kale ee la dega” ayaa laguyiri war saxaafadeedkaasi, oo inaasi raaciyey, “Waxaa jira maamul kale oo daris la ah oo la yiraahdo Puntland, iyagana kama tirsanin ee waxaa naga dhaxeeya daris wanaag iyo Islaanimo, waxaana wanaagsan in arrintaasi la wada dhawro”.

Waxaana war saxaafadeedkaasi ku saxiixnaa xubno ay ka mid ahaayeen: Dr. Max’ed Aadan Cali, Dr. Khaliif Max’ed Nuur, Sheekh Mahad Max’ed Cali, Ing. Aadan Nuur Dhegood, Nabaddoon Max’ud Nuuryare Max’ed (Gaani), Nabaddoon Saciid Max’ud Xuseen, Suldaan C/llaahi Max’.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com


Waaxdeeda Caafimaadka ee golaha maxaakiimta oo bilowday Dayactirka Xaruntii hore ee Wasaaradda Caafimaadka..

Wasaaradii caafimaadka ayaa noqotay midii ugu horaysay oo ay golaha maxaakiimta islaamiga ahi ay iclaamiyeen inay dayac tiri doonaan ,madaxa caafimaadka golaha maxaakiimta islaamiga ah sh,muxaydiin maxamed cumar ayaa saaka shir jaraa,id ku qabtay xaruntii hore ee wasaaradii caafimaadka oo uu ka muuqdo burbur xoogan ,iyadoo aysan shaqayn mudo ka badan 15sano . 

Madaxa waaxda caafimaadka golaha maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Muxyadiin Maxamed Cumar” kulankeena manta wuxuu ku saabsan yahay soo celinta dhismihii wasaaradii caafimaadka ee ay lahaan jirtey dowladii hore iyo sidii loogu shaqayn lahaa dhismahaa laftiisa oo aan runtii isku dayey in aan so celino xarumihii caafimaadka sidoo kale waxaa kale oo aan inshaa alaahu soo celin doonaa unburutooriyadii ceelgaabta iyo meelaha la mid ka ah oo ay manta umaddu aysan ku xisaabtameynin si ay umadu u hesho xarumihii ay caafimadka u mari jireen nidaamkoodii iyo djismahoodii intaba : 

Madaxa caafimaadka sh,muxayadiin maxamed cumar ayaa sheegay inay dayac tiri doonaan xaruntan iyo xarumihii kale ee dowladii hore balse ay kala hor marin doonaan ,sidoo kale sh,muxayadiin ayaa sheegay inay tahay hoygan wasaarada caafimaadka oo ah mid ay si weyn ugu baahan yihiin shacabku waayo ayuu yidhi shacabku aad ayay ugu baahan yihiin inay helaan howlo caafimaad oo ku filan . 

Sidoo kale waxaa madaxa caafimaadka golaha maxaakiimta ku weheliyey goobtaasi gudoomiye ku xigeenka caafimaadka golaha maxaakiimta islaamiga ah sh,c/laahi cumar ciid iyo kuy xigeenka labaad maxamed xaashi fara cadde ,madaxa caafimaadka sh,muxayadiin ayaa saxaafadu waydiisay bal inuu noo sheego cida ku taageeraysa dhaqaalaha lagu dayac tirayo xarumahan burburka weyn uu ka muuqdo . 

Sh,muxayadiin ayaa ku jawaabay inay ku taageerayaan ganacsatada kala jooga dalka iyo dibadaba ,sidoo kale waxaa la waydiiyey idinku ma waxaad rabtaan inaad qaab dowladeed oo kale metshaan maxaa idinku qasbaya inaad arimahan noocan oo kala ah aad qabataan oo ah arimo dowladeed ayuu waxuu ku jawaabay ;anagu dowladna ma nihin ee waxaanu ku shaqaynaa rabitaanka shacabkayaga waxaanuna doonaynaa inaanu dib usoo noolayno kaabayaashii dhaqaalaha sida xaruntan caafimaadka oo kale iyo kuwii lamidka ahaaba . 

Si kastaba ha ahaatee sh,muxaydiin ayaa manta shirkiisa jaraa,id ku qabtay xarun uu ka muuqdo burbur aan lasoo koobi Karin balse dadka qaarkiis ku noqotay fajaciso halka dadka qaar ay u arkaan yididiilo wanaagsan oo ay wadaan golaha maxaakiimta islaamiga ahi. 

Muuse Maxmuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623


Laascaanood: mudaharaad ka dhacay magaalada laascaanod oo looga soo horjeedo faragalinta ethoipia.

waxaa subaxnimadii Arbacada ka dhacay magaalada laascaanood mudaharaad wayn kaasi oo looga soo horjeedo ciidamo la sheegay in ay soo galeen gudaha dalka somalia  gaar ahaana magaalooyinka gaalkacyo iyo baydhabo.

mudaharaadkan intii uu socday wax dhib ah ma gaysan dadkuna waxay socoda ku marayeen wadooyinka waawayn ee gudaha magaalada laascaanood.

Maxamed Maxamuud faarax indho buur oo kamid ah masuuliyiintii soo qaban qaabisay banaan baxan lagudiidanaa ciidamo ethiopian ah oo la sheegay in ay ku soo fooleyihiin magaalada laascaanood ayaa   sheegay in Madaxweyne ku xigeenka puntland uu kula kulmay magaalada laascaanood saraakiil Ethiopian ah taas weeye taanu ka soo horjeednaa oo aanu saaka banaan baxan u dhignay" Ayuu Yidhi mr indho-buur oo ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii mudaharaadka maanta ka dhacay magaalada laascaanood ee gobalka sool.

Mudaharadkani waa kii ugu horeyaya ee lagaga soo horjeedo ciidamada la shegay in ay soo galeen gudaha dalka  somalia ee ethoipinka ah ee ka dhacay laascaanood.

Mudaharaadkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay magaaladaasi laascaanood ku sugan yahay  madax wayne ku xigeenka puntland  kaasi oo baryahan ka waday magaaladaasi  sidii ay ku yeelan lahayd golaha deegaanka ee degmada laascaanood isla markaana la xaliyaya khiulaaf badan oo ka jiray magaalada laascaanood.

 

A/rizak koronto
Garowe puntland


Qoraagii najiib maxfuud oo ku  geeriyooday Qaahira

30.8.2006 

qoraaga najiib maxfuud
 

waxaa saaka (Agoosto 30) magaalada qaahira kugeeriyooday qoraaga caanka ee reer masar najiib maxfuud.

najiib maxfuud ayaa mudo xanuunsanaa wuxuuna ahaa ninkii ugu ruwaayad qoris badnaa dhamaan dunida carabta,janasada najiib maxfuud waxaa kasooqayb galidoona madaxwaynaha masar iyo mas uuliyiin kale oo dowlada masar kamid ah, waxayna noqon doontaa janaasad ay ka qayb galidoonaan ciidan xooga dalka soomaaliyeed,waxaana janaasadaas lagu tukan doona masjidka al-rushdan ee xaafada madiinatu nasr,najiib mafxuud isaga ka dar daarmay in janasadiisa lagu tukado masjidkaa al rushdan.najiib maxfuud ayaa ahaa nin isagu adabka aad ugu yaqiinay wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyey dalka masar ee qaatay abaal marinta nobel ee xaga wax qorista,janasadisa waxa kaloo tacsi kasoo direy madaxwayne bush iyo madaxwaynaha faransa chec chirac.qoraagu wuxuu kudhintay 95 jir isagoo ah,

najiib maxfuud ayaa qoray in kabadan 50 riyaawaayadood oo ubadanaa sheekooyin,iyo qisooyin aad looxiiseenjirey,kutubtii uuqoray waxa ugu cansanaa {bayna qasrayn oo lamacna ah labadii qarsi dhexdooda} iyo iyo qasri qowq iyo weliga arlaadu xaaratana oo aaniga abdirizak ahaan hada hayo kitaabkan kitaabka awlaadu xaaratana ayaa jamacada azhar ay mamnuucday in ladaabaco.

taariikhdiiisa oo kooban

qoraa rer masar u ooyeen
 

wuxuu dhashay 1911 wuxuuna kudhashay magalada qahira,wuxuuna kabaxay jamacada qahira wuxuuna kasoo shaqeeyey masaarada awqafta.

hada kahor aya nin isagu xag jir ah toorey la beegsaday najiib maxfuud isagoo dhaawacay kadib dowlada ayaa aad u ilaalin jirtay qoraaga,1994 falkaas dhacawa lagu fuliyey ayaa waxaa kadanbeyey fatwo uusoosaarat sheekh cumar cabdirahman kasoo katirsanaa jamacada ukhwaanul al-muslim ragooda sar sare.

beri ayaa najiib maxfud lagu aasi donaa xabaalaha taariikhiga ah ee magaalada qaahira

abdirizak A.kaneec
kaneec1@hotmail.com


Midowga Yurub oo Liiskeeda Argaggaxisada ka saartay Axmed Yuusuf oo ka tirsanaa Al-barakaat

Agoosto 30: War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Sweden ayaa lugu sheegay in kadib markii Mareykanka liiska dadka uu ku xirriiriyey argagaxisada uu ka saaray midkii ugu dambeeyey ee sadexdii dhalinyarro ee soomaalida sweden ahaa kana tirsanaa shirkadii xawaalada Al-barakaat ee albaabada la iskugu laabay, ayaa dhinacoodana waxey shaaca ka qaadeen in laga bilaabo maanta oo 30 agoosta ee sanada 2006 uusan kamid aheyn shaqsiyaadka lugu xirriiriyey argagaxisada. Warka oo dhan... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 31, 2006

 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD