SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
»BAAQ AY WAXGARADKA SOOMAALIDA DENMARK KA SOO SAAREEN SIYAASADDA CUSUB EE SOOMAALIYA


Isku Aadka Horyaalka Yurub
(pdf)


MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 

Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi,

Aabe Mise Hooyo? 

Kadib bur burki ka dhacay dalkeena, waxyaalaha ugu weyn ee laga dhaxlay waxaa ka mid ah is afgaranwaaga ka dhex dhaca qoysaska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwi dibadda usoo qaxay. Waxyaalaha had iyo jeer leysaga hor yimaado waxa ugu weyn qaab nololeedka qoyska marka ay qurbaha ku nool yihiin. Waagi waddanka la joogay waxa dhici jirtay in ayan labada isqabta waxyaalaha qaar isugu iman, taasoo ay dabooli jirtay bay’adda aynu ku nooleyn.

 Dhanka Ragga waxa dhici jirtay in ninku uu heli jiray firaaq aad u baddan, oo marka uu shaqada ka yimaado wixi ka danbeeya, uu meeshuu doono aadi jiray, haddey noqon laheyd shirar, cibaado, kulamo kale, madadaalo, sports iyo wax allaale iyo wixi uu naftiisa ku qancin karo. Guriga wuxuu imaan jiray iyadoo ay wax walba diyaar u yihiin.

 Dhanka Dumarka, reerka waxa dhici jirtay inay lahaayeen Deris, Qaraabo, Saaxiibo, amaba ay heli kareen awood ahaan qof adeegto ah oo guriga uga shaqeeysa. Waxa dhici jirtay in gabadha howlaha guriga badanaa lala qeybsan jiray oo ayan dareemi jirin. Qaarkood waxaaba dhici jirtay inaanay waxba qaban, ciidan badani aawadeed.

 Qurbaha marki la yimid wax walba wey isbadaleen, qaraabo kuu gargaareysa maleh, adeegto kuu shaqeysa ma leh, saaxiibo waqti kuu haya maleh. Danti ayaa noo run sheegtay, odeygi meel ay wax marayaan aanba ogaan jirin wax dantu qasabtay in la yiraahdo saaxiib howsha dhankaaga ka qabo. Gabadhi heli jirtay caawinaada deriska ama qaraabada ha sheegin, oo waa in ay isku xisaabtantaa 100%.

 Haddaba waxa nolosheeni lasoo deristay arimo aynaan horey u aqoon, oo dhaqankeena ku  cusub. Ummaddaha kale ee Islaamka waa wax weligeed lagu soo dhaqmi jiray in reerku is caawiyo, oo odeygu uu reerka howlaha qaar ka qabto, laakiin annaga si kastuu ninku isugu dayo Soomaaliya inuu reerkiisa arimaha qaar ka caawiyo, daruufaha jira ayaan u saamaxeyn. Nasiib daro tii ayaa lagu tagay oo marki la yimid Qurbaha waxa dhacay isku dhac aan marnaba caadi aheyn.

 Dadku isku mid maaha, qaar baa markiiba la qabsaday noloshi qurbaha oo guryahooda looga nool yahay, nolol ku dhisan isfaham iyo isqadarin, oo qof walbaa uu garanayo kaalintiisa. Laakiin waxa jira kuwo aan illaa iyo hadda la qabsan nolosha, oo had iyo jeer uu ka dhex taagan yahay buuq iyo is afgaranwaa. Haddaba su’aashu waxey tahay maxaa ugu wacan buuqa faraha baddan iyo isafgraranwaagan joogtada ah? Jawaabtu waa labo arimood, mid ka timid dhanka raga iyo mid dhanka dumarka ah. Marka aan leeyahay dhanka raga kama wado rag oo dhan wey ka siman yihiin, sidoo kale marka aan oranayo dumarka, maaha inay gidiigood arintaas ku sifoobeen.

 Aan ku horeeyo tan ragga, waxa jira rag  illaa iyo hadda aaminsan inay joogaan waddanki, oo gabadha mar walba ku yiraahdaa maxaad isaga dhigaysaa qof yurub oo kale ah, aaway dhaqankaadi, sidee ayaan howsha kuu la qabtaa, miyaadan ogeyn  dumarka kuula midka ah ee jooga waddanki inay iyaga is dabiraan. Sidoo kale waxa jira rag had iyo jeer si aan caadi aheyn u isticmaala Qaadka ama balwado kale taasoo mashaakil weyn ku ah Qoyska. Waxa jira rag had iyo jeer gabadha ku heysta dhanka dhaqaalaha, oo aan chance u ogoleyn. Waxaad arkeysaa gabadhi oo caruurti horey iyo gadaal u kala wada, iyadaa geysa iskuulka, oo ka keenta, iyadaa taqtarka geysa oo ka keenta, iyadaa cuntada u karisa, soo adeegta, halka ninki ay dhici karto inuu marna jiifo marna qayilayo. Taas ayaa horseeda mar marka qaar in reerki uu sidaa ku bur buro. 

Dhanka kale waxa jira Dumar u dhaqma si aan caadi aheyn, oo ku faanaya anigey igu xiran tahay oo marna ninkeyga waan buriyaaa, marna waan soo ceshadaa. Booliiskaan ugu yeerayaa oo jeegada ayaa la qabanayaa. Waxa jira dumar fara baddan oo habeen iyo maalin taagan meeshi uu aroos ka jiraba, kuwaasoo waaga lagu bariisiyo. Aaway kaalinti Hooyonimo. Sidoo kale waxa jira dumar had iyo jeer ka shaqeeya lacagta hagbadda, oo ay dhici karto in caruurti laga dhuun qabto. Taas ayaa iyadana horseeda in uu dhaco bur burka reerka. 

Haddaba maxaa xal ah, dhibtu wey ka jirtaa labada dhinacba, haba lagu kala badnaadee, dhibta ugu baddan waxey ku dhacdaa dumarka, oo ma inkirayo, oo ragga ayaa u baddan kuwa doorkoodii aabonimo gabay, ee waxa isweydiin leh sidee xeego loo xagtaa, ilkona ku nabad galaan. Waxaan doonayaa inaan dhowr arimood, oo aan oran karo waa xal aan ku soo boodo:- 

-         In leysku Sabro:- Runti sabarku waa shey qaali ah, oo xitaa Quraankeena kariimka ah si weyn ayuu Allaah uga hadlay, oo dadka mu’miniinta ah marar baddan baa la leeyahay sabarka gargaarsada. Laakiin annagu wuu nagu yar yahay oo marki wax dhacaanba isla marki ayaa lala boodayaa. Waxaan oran lahaa haleysa siiyo waqti, oo haleysu sabro. Sabarka marna laguma khasaarayo.

-         In Leys qadariyo:- Run ahaanti haddaanan leys qadarin, oo qof walba aanan loo ogolaan doorkiisa waxa dhaceysa in reerku uu bur buro. Aabuhu waa inuu hooyada qadariya, oo doorkeeda u ogolaadaa. Sidoo kale hooyadu waa inay odeyga qadarisaa.

-         In leys Caawiyo:- Odeyga reerka haddii uu shaqo ku maqan yahay oo uu reerka usoo shaqeynayo waa wax la yaqaan, oo xilliguu firaaqada yahay gabdha haka caawiyo howsha guriga. Haddi uusan shaqeyn ugu yaraaan gabadha haka qabto howlaha la xiriira dibadda, sida adeega, geynta iskuulka caruuraha, geynta taqtarka i.w.m. 

-         Runta oo lagu dhaqmo:- Reerka waxyaalaha dumiyaa waxaa ugu weyn beenta ka timaada labada dhinac. Ogow gurigi been looga dhaqmaa wey adag tahay siduu u dhaqmo. Mar walbaa isku daya inaad wax walbaa ka run sheegtaan, haba qaraaraatee.

-         Balwada:- odeyga reerka ha isku dayo inuu ka fogaado balwadaha haddii uu doonayo inuu reerkiisa si fiican ugu dhaqmo, Balwadu waa waxa ugu weyn ee burburiya reeraha. 

-         Xafladaha:- Qofta haweenayda ah waxa u kheyr baddan inay gurigeeda joogto, oo iska ilaaliso Aroosyadan tirada baddan, oo qaarkood habeenki lagu dhaxo inay aado. Haddey dhacdo inay aroos aadeyso ha aado kuwa ay ka fursan weydo oo weliba la dhigayo maalinimada.

-         Qeylada:- iska ilaaliya midkiin midka kalee inuu had iyo jeer ku qeyliyo, intaad qeylin laheyd isku day si degan inaad wax isu fahansiisaan. Ogaada uma wanaagsana guriga iyo caruurta qeylada joogtada ah.

-         Ogow mar walba ma jirto qof wada fiican ama qof wada xun. Qofku hadduu dhinaca ku xun yahay waxaa jiraa meelo baddan oo kale uu ku fiican yahay. Ee walaalka Muslinka ahow ama Walaasha Muslimada ahey, ha qod qodin iinta qofka kale ee mar walba eeg waxyaalaha uu qofkaa ku fiican yahay.

-         Reerku mar walba waxa wanaagsan in ay kuwada joogaan Mawaddah iyo Raxma sidi uu quraanka sheegay, waxaan keeni kara waa iyadoo qofba, qofka kale u ogaalaado kaalintiisa.

-         Waano:- Qofka hadduu xun yahay, oo uu khaldkiisa baddan yahay waa la waaniyaa, oo waa loo sabraa aakhirka isagaa ama iyaddaa kasoo noqonaysa. Immisaa beerta ku jiri jiray oo maantana bulshada u ah hormuud.  Allaah wuxuu quraanka ku yiri waani, waanadu mu’minkey anfacdaaye.

-         Ogow guri bilaa Aabe ah ama bilaa Hooyo ah, ma hagaagayo oo aakhirki caruurtaas wax uun baa ka si noqonaya.

-         Ogow akhlaaqda caruurtu waxey wax baddan hagaagtaa markuu aabaha dhex joogo, oo isagey ku daydaan.

-         Iska ilaali inaad khalad khalad ku saxdo, oo waa in lakala roonaadaa. Hadduu midkiin khaldamo, isku daya inaad isu caqli celisaan.

-         Labada isqabaa ha is baraan inay isticmaalaan erayada soo jiidashada iska leh, sida ( Macaane, Honey, Qalbi, xabiibi, nafta, xayaati, iyo qaar kaloo ay dhici karto in leyga badiyo aniga ).

-         Iska ilaaliya inaad isu isticmaashaan erayada laga didayo sida ( Islaan yahay, habar yahay, odeyga. Erayadan booskooda ku badala gabadheydi ama wiilkeygi ama wixii la mid ah.

-         Iska ilaaliya dadka waxa ku baddan shayaadiinul insi, oo kala geeya guryaha, oo dadka had iyo jeer u kala warama. Waxaa dhacda dadka qaar inay usoo qasdaan in ay kala diraan haddey arkaan reer is dhaqanaya oo isku wanaagsan.

-         Gabadhu ha u ogolaato odeyga reerka inuu yahay kuu Allah u dhiibay qawaamada.

-         Ninkuna ha u dhaqo reerka sidi ay diintu sheegtay, oo ha ku daydo inuu qaado jidki dadki wan wanaagsanaa ee saxaabada Rasuulka iyo ahlul kheyrka. 

Waxaan qormadeydan kusoo afjarayaa, nolosha macaankeedu waa marka ay is fahmaan odeyga reerka iyo ooridiisa. Sida ay isku fahmi karaana waa iyagoo is, aamina, isu dul qaata, iska ilaaliya faragelinta dibadda, qof walbana looga mahad celiyo wanaaga uu kan kale u qabto, oon la raad raacin waxyaabihii hore ee tagay.  Soomaaliya haddii lagu jiray Honey Moon, maanta waxaa la joogaa qurbe, oo wax walba sidi hore maaha. Qurbaa la joogaa, oo  waxa baddan dadka noloshiina ka xun, waxa baddan cadow kale oo raba in reerka markuu kala tago, caruuraha inay u taliyaan, waxa jira dad baddan oo ku raaxeysta bur burka qoysaska, ee yaan fursad lasiin dadka noocaas ah. 

Qormadeydii waa iga intaas, haddii aan xaqa asiibay waxey u sugnaatay Allaah, haddii aan wax khaldayna waa nafteyda iyo sheydaan. 

Wabillaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 31, 2006

 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD