SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

Cali Ciir Ama Ciidan Hel

 “Saaxiibada Cali iyo halganka C/llaahi tayada gaashaan-buurta Shariifka”

W/D: Cabdiwali Max’ed Axmed
E-Mail: Indho33@hotmail.com 

 kastoo qarnigaan 21-aad adduunka ay ku badan yihiin ujeeddooyinka ku dhisan danaha gaarka ah, haddana Soomaalidu waxey ku maah maahdaa, {Nabar aad fileysay nusqaan mooyee naxdin ma laha}, Soomaalida oo jahawareer muddo soo jiitamayey oo uu ugu weyn yahay dowlad la’aan iyo kala dambeyn la’aan  lasoo daristay waxyaabihii caamka ahaa ee dadka ka dhaxeyn jiray ayaa waxaa caadi noqotay muddadii 15-ka sano aheyd in halkii lag raadin lahaa maslaxadda ummadda in laga doorbido in la raadiyo dano gaar ah oo hadba lagu doono xoog iyo xeelad tii ay ku hollan tahay.

15-kii Oktoobar 2002-dii waxaa magaalada Eldored ee ku taalla galbeedka dalka Kenya ka furmay shir dib u heshiisiin ah oo Soomaalida la isugu yeeray in ay uga arrinsadaan masiirkooda heshiisna ay ku gaaraan halkaas kuna dhistaan dowlad loo dhanyahay oo u adeegta dadkeeda, khilaafaad iyo is jiid jiid badan kaddib, waxaa shirkii loo wareejiyey deegaanka Mbagathi ee duleedka magaalada Nairobi, waxaana halkaasi lagu dhisay Baarlamaan ka kooban 275, kaddibna waxey doorteen guddoomiye, kaddibna waxey doorteen Madaxweyne, Madaxweynihiina wuxuu magacaabay Ra’isul wasaare, Ra’isul wasaarihiina wuxuu dhisay xukuumad.

Soomaalidu siyaasadda waxey ka taqaanaa nooca laba rogaalka, oo ku dhisan in aan xulufo la’aan aan la gaari karin wax guul ah marka ay joogto meel marinta dano siyaasadeed, taasina waxaa dadiil u ah wixii dhacay kaddib dhismihii Xukumada Cali Max’ed Geedi, hadda oo sanad ka badan laga joogo magacaabistii Cali Max’ed Geedi ayaa waxaa soo baxay in maanta khilaaf weyn oo gaaray in beesha caalamka horteeda la iska dacweeyo uu dhex yaalo Madaxweyne C/lllaah Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ahaa saaxiibo aad isugu dhow, taas bedelkeedana ay maanta taagan tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo mudo sanad ka badan siyaasadda ku coloobay ay isku mowqif ku yihiin geedi socodka siyaasadda Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Soomaalida marka hab dhaqankooda la eego waxaa lamaga maarmaan ah in laga fekero labo qodob oo kala ah in Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’isul Wasaaraha Xukumadda KMG ah ee hadda siyaasad ahaana diiday qorshaha Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo in badan oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka in meel marinta siyaasadiisu ay ku xiran tahay labada qodob ee ah Cali ciir ama ciidan hel taasoo ah mar haddii Madaxweynihii iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka ay iclaamiyeen in 26-ka Feberaayo la isugu yimaado magaalada Baydhabo Calina uu ka mid yahay Xildhibaanada laga sugayo fadhigaas waxaa u furan waa laba qodob midood midda koowaad waa in Ra’isul wasaaruhu xeer jajab ka galo sidii meel dhexe la isugu keeni lahaa isaga iyo labada mas’uul ee ugu sarreysa dowladda taanaasulna uu ka sameeyo waxyaabaha sida gaarka ah isaga ula xiriira fashilkana ku keeni kara qabsoomidda kulanka Baarlamaanka si uu ugu badbaado xilkiisa isfahamna uu dhex maro isaga iyo madaxda kale iyo qodobka labaad oo ah in Geeddi uu bilaabo arrin uusan xil isaga sarin oo ah sidii uu u heli lahaa saaxiibo tiro iyo misaan ku leh Baarlamaanka dhexdiisa isla markaana uu ku dadaalo sidii uu iskaashi uga heli lahaa siyaasiyiin ama ha ahaadeen hogaamiyayaasha hubeysan ama kuwa gacanta ku haya gobolo muhim u ah dowladda.

Haddii uu Cali helo saaxiibo tiro iyo tayo ku leh gudahah Baarlamaanka waxaa imaaneysa in gorgortan ay gali weyso in laga qanciyo Cali Max’ed Geeddi waxyaabaha uu tabanayo waxaa kale oo ayaduna muhiim ah in Ra’isul wasaare Geeddi uu helo siyaasadda hogaamiyayaal miisaan ku leh gobalada dalka iyo tan dowladda nafteeda, haddii labadaas qodob ay u suuragasho Ra’isul wasaaraha waxaa shaki galaya qabsoomidda kulanka Baydhabo, taasoo macnaheedu yahay in Cali uu helay ciidan ka gacan siiyo marxaladda adag ee siyaasaddiisu gashay, laakiin, waxaa arrintaas barbar socota culeyska Cali Max’ed Geeddi uu yeelan karo haddii uu waayo labadaas qodob oo muhimka u ah, sababtoo ah haddii Cali waayo saaxiibo xildhibaano ah iyo rag miisaan ku leh doorka siyaasadda dalka, waxaa u suurta galaya Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka iney helaan aqlabiyadda xildhibaanada isla markaana ay helaan taageerada shacabka taasina waxey soo dadajineysaa in Baarlamaanku uu ka fariisto xukuumadda Cali Max’ed Geeddi kalsoonidana lagalala  laabto, taasina waxey u sahleysaa Madaxweynaha inuu soo magacaabo Ra’isul wasaare cusub kaddibna uu kalsooni uga heli karo xildhibaanaddii xil ka qaadista ku sameeyey Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi, halkaasna waxaa ka soo baxaya Madaxweyne, Guddoomiye Baarlamaan, Ra’isul wasaare iyo xukuumaddiisa iyo Baarlamaan wada shaqeynaya, taasina haddii ay dhacdo waxey muujineysaa inuu Cali u ciiray ciidan la’aan darteed, (Saaxiibo la’aan).

Illaa iyo hadda ma cadda siyaasadda Cali Max’ed Geeddi laakiin warar siyaasadeed ayaa tilmaamaya in habeenkii uu Cali kasoo baxayey magaaalada Nairobi uu kulan saacado qaatay la yeeshay mudanayaasha ka yimid Jowhar, waxaana la tilmaamayaa inay jiraan waxyaabo isla meel dhigeen, haddana waxaa ku sugan magaalada Jowhar in ka badan 50-mudane oo ay ka mid yihiin labada ku xigeen ee Guddoomiyaha Baarlamaanka, sidoo kale waxaa barnaamijkaan diidan Max’ed Dheere oo ah ninkii dowladda ku marti galiyey Jowhar, waxaan sidoo kale la hubin mudanayaal badan oo ku sugan Muqdisho is reeb reebka meesha ay u liici doonaan, sidoo kale waxaa soo baxaya in reer Jowhar ay helayaan siyaasad dibadda ah gaar ahaan qaar ka mid ah waddamada sida rasmiga ah ugu lugta leh siyaasadda Soomaaliya oo laga tilmaamay dowladaha Itoobiya iyo Talyaaniga.

W/D: Cabdiwali Max’ed Axmed

E-Mail: Indho33@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2006


Shariif Xasan oo Shaaca Ka Qaaday in Baarlamaanku ku shiri doono Baydhabo
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ayaa maanta shaaca ka qaaday in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanku uu.. Guji

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK
»Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga
»Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark
»Safaaradaha Kuwait iyo Libya oo albaabada loo laabay
»Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay
»Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP
»Calankii Denmark oo la gubay...
Wararkan oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 30

Ra’isul Wasaare Geeddi oo lagu Qanciyey in aan Xilka laga Qaadi Doonin.
»Kulankii labaad oo ay yeeshaan C/laahi Yuusuf iyo Qanyare..
»Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqey Roob doon…
»Deeq daawo oo la gudoonsiiyey isbitaalka Kismayo....
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 30