SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

WARARKA FEB 20, 2006

  • Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socday deegaanka Kuliyada Jaalle Siyaad...

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geedi oo ku gacan sayrey codsi kaga Yimid Shariifka..

  • Golaha midnimada iyo badbaada oo si kulul u cambaareeyey Isbahaysiga..

  • Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysey Isbahaysiga looga dhawaaqey

  • Maamulka Gedo oo beeniyay in Hayadda Muslin Ifriiqiya aya Xarumo....

  • Maxkamadaha Islaamkiga ah oo iska fogeeyay Eedeyno ka yimid..

  • Masjidka Shiikh Cali Suufi oo ay ka bilaabatayis qorista Dadka doonaya in ay Jihaadka

  • Garoonka Diyaaradaha ee Deyniile oo aysan shaley ka soo deign wax Diyaarad ah

  • BAAQ NABADEED ka soo baxay Culimmadda ku dhaqan gobolada Puntland

  • Soomaalida magaalada Stockholm oo Tacsi u diray Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac

  • Ciyaarihii Qaboobaha Soomaalida oo Bari ka bilaabanaya Finland.

  • Waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si wada jir ah u soo saaray Bayaan


Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socday deegaanka Kuliyada...

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..

Maalintii doraad ayay ahayd markii Ciidamo ka socday Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysi la magacabaxay la dagaalanka argagixisada uu dagaal ku dhex maray agagaarka kulyadii hore ee Jaale Siyaad, waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday huka culus iyo midka fudud, waxa uuna saameyn ku yeeshay dhamaan deegaanadii ku dhawaa halka uu dagaalku ka dhacay. Shalay oo laga cabsi qabay in dagaalku uu mar kale qarxo ayaa waxaa la dareemay jawi deganaasho ah, kaddib markii Odaal iyo waxgarad ay isku dayeen in ay u kala dabqaadaan labada dhinac, hase yeeshee markii lagu dhawaaqay isbahaysiga ayaa waxaa mar qura carro qaaday dadweynihii Magalada Muqdisho waxaana la xiray jid walba oo galayay deegaanka Deyniile, iyagoo kooxihii isbahaysiga sameytay loo diiday in xitaa ay isku gurmadaan. Iyadoo dagaalkii uu saameyn ku yeeshay garoonka diyaaradaha Diyaaradaha ee Deyniile oo ahaa garoon ay si weyn u isticmaali jireen ganacsatada qaadka arrimo la xiriira dhinaca amaanka, iyadoo diyaaradihii qaadka ay shalay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Nambar 50. Nin magaciisa diiday ayaa waxa uu sheegay in odayaal iyo waxgarad ka socday Beesha Murusade ay kulan la yeesheen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan beesha Ceyr ayaa waxaa loo soo jeediyay in Maxamed Qanyare uu soo dhiibo Cabdi Waal, maadaama ay sheegeen in iyaga oo uu ka dhashay, Odoyashaas  dib ayay uga laabteen Max’ed Qanyare ilaa iyo haddana lama oga waxa la soo yiri. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in kooxihii dhistay isbahaysiga loo soo jeediyay in ay dib uga laabtaan isbahaysigii ay ku dhawaaqeen. Waxaa dhinacyada dagaalamaya soo gaaraya baaqyo lagala dalbanayo in dagaalka ay ku bedelaan wada hadal iyo is afgarad. Dhinaca kale labada dhinac ayaa isku hub uruusanaya iyadoo deeganadii uu dagaalku ka dhacay dadkii ku noolaa ay bilaabeen in ay ka qaxaan si ay uga badbaadaan rasaasta iyo madaafiicda la is weydaarsanayo, waxa uuna dagaalkaan ku soo beegmay xili ay dalka ka jirto abaar aad u daran iyadoo dad badana ay ku soo qulqulayaan Magaalada Muqdisho oo raadinaya wax ay afka geliyaan oo qaarkood ay ka muuqato diif iyo darxumo.

C/llaahi Yuusuf iyo Geedi oo ku gacan sayrey codsi kaga Yimid Shariifka..

Warar aanu ka helnay Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlaaanka Shariif Xasan Siikh Aadan uu la soo xiriiray Madaxweyne C/llaahi Yuuusf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uuna ka dalbaday in shirka Baarlamaanka ee la filayo in 26-ka bishan uu ka dhaco Magaalada Baydhabo dib loo dhigo.

Guddoomiyaha ayaa dib u dhigistaan ku ditlmaamay iyadoo weli aysan Gobalku u diyaargaroobeen shirkaasi, arrimo la xiriira dhinaca farsamda iyo dhinaca tiisaalaadka ee loo baahan yahay.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in maalamaha haray ay yihiin kuwo aad u yar sidaa darteedna uu diyaar garoobo uu noqon doono mid kala dhantaalan, hase yeeshee codsiga ka yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa ku gacan sayrey C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geedi oo Guddoomiyaha u soo jeediyay in haddii aysan martigelin karin kulankaasi ama aysan qaban karin in ay iska soo wareejiyaan.

Golaha midnimada iyo badbaada oo si kulul u cambaareeyey Isbahaysiga..

Golaha Midnimada iyo Badbaada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay isbahaysigii shalay looga dhawaaqay Magaalad Muqdisho oo loogu magaca daray isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxayna ku tilmaameen mid la doonayo in lagula dagaalayo Diinta Islaamka.

Xuseen Siyaad Qoor Gaab oo ah xoghayaha golahaasi oo shalay u waramay warbaahinta ayaa waxa uu u soo jeediyay kooxihii ku dhawaaqay isbahaysigaasi waayo waqtigaan looma baahna in Ummadda Soomaaliyeed loo abaabulo dagaal iyadoo la og yahay in dalka ay haatan ka jirito abaar.

Guddoomiyaha Golaha Midnimada iyo Badbaada Shiikh Xasan ayaa isna waxa uu sheegay in isbahaysigaani uu yahay mid la doonayo in lagu ugaarsado culumada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan shisheeye.

“Culumada Soomaaliyeed gaar ahaan Suufiyadda waa kuwii dalkaan u horseeday in diintu ay ku fido isla markaana shacabka Soomaaliyeed uu noqdo 100% muslim marka culumo kala qaybsan ma jirto, waxayna Soomaalidu tiraahdaa Duud culumo waa wada xariiraa” ayuu yiri Shiikh Xasan Dheere oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka feejignaadaan kooxahaasi oo uu sheegay in mudo 15 sano ah ay ku hayeen dhibaato maanta ay caddeysteen in ay la dagaalamayaan Diinta Islaamka iyo Culumada Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysey Isbahaysiga looga dhawaaqey

Dowladda Itoobiya oo inta badna gacansaar la leh hogaamiyaasha kooxaha ayaa war ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Itoobiya waxaa si weyn looga soo dhaweeyay isbahaysigii looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho oo loogu magacdaray la dagaalanka argagixisada.

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegtay in isbahaysigani uu wax ka tarayo in uu ka hortago waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada ah ee ku sii fidaya geeska Afirka. Dowladda Itoobiya la dagaalanka argagixisada Soomaaliya waxay sanadkii ku qaataa lacag gaareysa 17-Milyan oo Dolar iyadoo lacagta qaarkeed hub loogu soo iibiyo hogaamiyaasha kooxaha ee sida weyn iyada u taageersan gaar ahaan kuwa ku jira dowladda.

Maamulka Gedo oo beeniyay in Hayadda Muslin Ifriiqiya aya Xarumo....

Maamulka ka arimiya Gobalka Gedo isla markaana halkaas nakala soo xiriiray ayaa si kulul u beeniyay warar ay horey u sii deysay Hay’adda Muslim Ifriiqiya kaas oo ahaa in Hay’addaasi ay ka furtay Gobalka Gedo xarumo lagu quudiyo dadka, iyadoo gobalkaasi ay haatan ka jirto abaar aad u ba’an.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Maxamuud Axmed ayaa waxa uu wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn wuxuuna sheegay in Hay’addaasi aysan la soo xiriirin maamulka Gobalka Gedo.

Maamulka waxa uu sheegay in Gobalka Gedo ay gagaar aan sidaasi u buurneyn soo gaarsiiyeen Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Hay’adda ICRC, kuwaas oo Gobalka ka fuliyay in ay dib u dayactiraan Matooradii horey ugu yiilay Gobalkaasi.

Faarax C/Qaadir oo ah madaxa hay’adda Muslim Ifriiqiya ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ay booqdeen deegaano ka tirsan gobalka Gedo kuwaas oo uu sheegay in hay’adda Muslim Ifriiqiya ay gagaar gaarsiisay deegaano ka tirsan Gobalkaasi, isla markaana ay ka furtay gobalkaasi xarumo lagu quudiyo dadka iyo carruurta.

Dad kale oo aan lala xiriirnay ayaa waxay noo sheegeen in Hay’adda Muslim Ifriiqiya ay gobalka soo gaarsiisay gargaar aan sidaasi u weyneyn waxayna ka codsadeen in Hay’addu ay lalabaabto howlaha ay ugu gargaarayaan dadka ay abaaruhu wax-yeeleeyeen.    

Maxkamadaha Islaamkiga ah oo iska fogeeyay Eedeyno ka yimid..

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iska fogeeyay eedeemo ay u soo jeediyeen kooxihii shalay ku dhawaaqay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada kaasoo ahaa in Maxkamadaha Islaamiga ah ay ka dambeeyaan dilalka loo gaysanayo aqoonyahanada, Saraakiisha iyo dadka kale ee muhiimka u ah bulshada, waxayna maxkamaduhu ay sheegeen in dilalkaasi ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan kooxihii shalay ku dhawaaqay isbahaysigaasi.

“Ummadda Soomaaliyeed 100% waa Muslim nin muslim ahna kama suuragasho in uu dilo walaalkii oo Muslim, sidaa darteed bulshada ayaa taqaana cidda ka dambeysa dilalkaasi” ayuu yiri Shiikh Shariif oo intaa raaciyay “Bulshadu haatan waxay diyaar u tahay in ay iska dhiciyaan kuwii 15-kii sano hor taagnaa oo ku hayay dhibaatada isla markaana la saftay Gaalada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Maxkamadaha Islaamiga ah ay bulshada Soomaliyeed ay og tahay waxyaabihii ay u qabteen mudadii yareyd oo ay dhisnaayeen, isagoo sheegay in cid kasta oo ka hor timaada Diinta Islaamka ay la dagaalami doonaan.

Masjidka Shiikh Cali Suufi oo ay ka bilaabatayis qorista Dadka doonaya in ay Jihaadka

Masjidka Shiikh Cali Suufi oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn Magaalada Muqdisho ayaa markii ay maqleen kooxo sheegay in ay la dagaalamayaan Muslimiinta Mintidka ah isla markaana sameystay isbahaysi la magac baxay la dagaalanka Argagixisada, ayaa Culuma’u-diinka masjidkaa waxay iclaamiyeen in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobaan jihaad ay la galayaan kooxaha caddeysay in ay la safteen Gaalada, waxayna ugu magacdareen (Kooxda Ashaahado la dirirka).

Masjidka oo haatan ka bilaabatay Is diiwaangelinta dadka loo qorayo Jihaadka ayaa waxaa haddana barbar socday banaanbaxyo ka dhan ah isbahaysigaasi waxayna ku dhawaaqayeen dadkii Banaanbaxayay “Dooni meyno kuwaa l saftay Gaalada” “dooni meyno kuwa taageeray ninkii Nabigeena Subaanahaa Caayay” iyo ereyo kale oo la mid ah.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa si weyn ula yaabay isbahaysigii doraad looga dhawaaqay deegaana Deyniile oo la magacabaxay Isbahaysiga la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Isbahaysigaan oo ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo rag ganacsato ah oo caan ka ah Magaalada Muqdisho ayaa la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

Garoonka Diyaaradaha ee Deyniile oo aysan shaley ka soo deign wax Diyaarad ah

Iyadoo agagaarka kulyaddii Jaale Siyaad ee Xaafadda Hodan ee Magaalada Muqdisho ay ka bilowdeen dagaal u dhexeeyay Maxkamadaha Islaamiga ah iyo isbahaysi la magacabaxay la dagaalanka argagixisa ayaa waxa uu dagaalkaasi saameyn ku yeeshay Garoonka Diyaaradaha Deyniile oo uu ka taliyo Wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare ayaa maalintii shalay ahay wax diyaar ah aysan ka soo deign garoonkaasi arrimo la xiriira dhinaca amniga iyo hanjaabyo soo gaaray diyaaradaha.

Garoonkaan oo maalinkii ay ka soo degi jireen dhowr iyo taban diyaaradood oo isugu jira kuwa keena Qaadka, kuwa rakaabka iyo kuwa haya’adaha ayaa maamulka halkaasi ka taliya waxaa ka soo gali jiray qarash aad u fara badan iyadoo maalintii shalay ahayd qaadku uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Nomber 50 ee gobalka Sh/hoose. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


BAAQ NABADEED ka soo baxay Culimmadda ku dhaqan gobolada Puntland

                                                             19/02/2006 

Anagoo ah Culimmadda ku dhaqan gobolada Puntland, waxaan aad uga xunahay guud ahaan dirirta ka dhex aloosan soomaalida meel ay joogaanba gaar ahaana dagaalada ka dhex jira beelaha wadadaga dagaanka Yamaarugley, dagaaladaas oo ah kuwo aad loogu riiqday isla markaasna ah kuwo aakhiro iyo aduunba aan wax khayr ah lahayn laguna cadaab mudanayo. 

Haddaba waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan soomaalida gaar ahaana beelayowga ku diriraya goobahaas inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda iyo dagaalka laguna badalo wadahadal iyo nabad si loo badbaadsho dhiigga muslimiinta ee daadanaya loona ilaaliyo walaalnimada iyo wada jirka ummadeed. 

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan soomaalida gaar ahaan degaamada dirirtu ka dhex aloosan tahay cabsida Alle iyo inay towbad deg deg ah la yimaadaan si ay aduun iyo aakhiraba u badbaadaan. 

Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dadka walaalaha ah iyo hay’adaha daryeelkaba in la badbaadiyo dadka ku soo dhaawacmay dagaaladaas meel ay joogaanba. 

Waxaan kaloo u soo jeedinaynaa in dadka dawrka ku yeelan kara ee ay ka kooban tahay bulshadu uguna horeeyaan Dawladda Federal-ka, dawlawgobeleedka puntland, Isimada, culimada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo dhamaan qaybaha bulshada ay u istaagaan sidii ay u joojin lahaayeen colaadda ka dhex hursan walaalaha dagaalamaya.  

Waxaan kaloo walaalaha somaaliyeed ugu baaqaynaa meel ay joogaanba in la dhawro Muslimnimada, walaaltinimada, darisnimada, ehelnimada iyo qaraabanimadaba.

Culimadda soo qortay. 

  • 1.  Sh C/qaadir Nuur Faaax.
  • 2.  Sh Daahir aw Cabdi.
  • 3.  Sh Axmed Daahir Xassan.
  • 4.  Sh C/naasir Xaaji Axmed.
  • 5.  Sh Xasan Xuseen.
  • 6.  Sh Bashiir Jaamac Kite.
  • 7.  Sh.C/llaahi Cali Xaashi.
  • 8.  Dr C/qaadir Maxamed C/lle.
  • 9.  Dr Axmed Xaaji C/raxman.
  • 10. Dr.Max’ed Cali Faarax.
  • 11. Sh.Jaamac C/Salaam Warsame.
  • 12. Sh.Max’ed Macalim Axmed.
  • 13. Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur.
  • 14. Sh.C/rashiid Sh.Saalax.
  • 15. Sh.Max’ud X.Yusuf.
  • 16. Sh. Axmed Ducaale.
  • 17. Sh.C/raxmaan Bukhaari.
  • 18. Sh.Mahad C/llaahi.
  • 19. Sh.Mawliid Axmed Mataan.

Xafiiska: dacwah@hotmail.com


BAAQ KU SOCDA SOMALIDA DIBEDDA

19ka Febraayo 2006

SCG iyadoo ka walwalsan abaaraha ba’an ee ka jira waddanka gudihiisa oo goobo badan ay dadkii ka qaxeen, xoolo iyo bani’aadanba ay ku sugan yihiin marxalad u baahan gargaar deg-deg ah ayaan waxaan ka codsaneynaa ummadda soomaaliyeed meel walba ay joogaan inay wallaalohood soomaaliyeed la soo gaaraan gargaar deg-deg ah. 

Sidaad ka warqabtaan abaaraha soo daba jiitamayey in muddo ah ayaa la sheegay inay yihiin abaarahii ugu xumaa ee soo mara waddanka muddo 10 sano ah, Taasi waxey keentey qasaaro  aad u baaxad weyn, waxayna saameysay  dad lagu qiyaasay 1.7 milyan oo soomaali ah kuwaasoo u baahan gargaar deg-deg ah. Sidaas daraadeed soomaalida degan dibedda waa iney u tafaxeytaan sidii ay gargaar deg-deg ah ula soo gaari lahaayeen wallaalahood ayna ku hagaajiyaan goob alla iyo goobtii iyo hay’addii ay u arkaan inay gaarsiineyso dadka tabaaleeysan meelkasta ha joogaane. Waa in wax kasta oo khilaaf ah meel la iska dhigaa oo loo soo jeesto sidii loo badbaadin lahaa nolosha qofka Soomaaliyeed. 

Waxaa laga rabaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka dibadiis in ay ku dhiiriyaan  hogaamiyeyaasha, odayaal dhaqameedka, culumaa’udiinka, iyo ururada bulshada in ay ku garab istaagaan hayadaha gargaarka una fududeeyaan sida ay u gaarsiin la haayeen meelaha gargaarka u baahan. Lama joogo waqtigii laga fikiri lahaa siyaasad iyo khilaaf beeleed ee waxaa la joogaa waqtigii loo gurman lahaa dadka tabaaleysan. Waxaa kale oo laga rabaa Soomaalida dibedda joogta in ay xil iska saaraan sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka iyo dagaalada joogtada ah ee goobo badan ka socda. 

Sidoo kale waxaan ka codsaneynaa hogaamiyayaasha Siyaasadda, Aqoonyahanada, Culumada, maleeshiyooyinka, Odayaasha, iyo wakiilada urarada bulshada inay tixgilayaan warqaddii furneyd ee uu u soo diray Isuduwaha Gargaarka Bani’aadanimo ee Soomaaliya, Mr Maxwell Gaylard 17kii Febraayo 2006 oo uu uga codsaday inay u fududeeyaan hay’adaha gargaarka howshooda oo ay siyaasadda iyo khilaafaadka jiraba dib u dhigtaan kana hormariyaan bani’aadanimada. 

Shaqsi walba oo soomaaliyeed ee jooga dibedda waa in uu gartaa  xilka naga wada saaran u gargaaridda soomaalida dhibaateysan ee joogta gudaha. Waxaana ka codsaneeynaa in ay kaalmo deg-deg ah ay u gudbeyaan  wallaalahooda dhibaateeysan iyaga oo ku  hagaajinaahaya  haya’adii kugula haboon ee aad ku  kalsoontahay. 

Mahadsanidiin 

Abdirahman Omar Osman
Gudoomiyaha Ururka Somali Concern Group (SCG)
somali@somaliconcern.org


Soomaalida magaalada Stockholm oo Tacsi u diray Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac

Isu imaatan balaadhan oo loogu duceeyaye Eebena dembi dhaaf loogu weeydiiyey Rabi haw naxariistee Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac ayaa ka dhacay koonfurta magaalada Stockholm, taariikhdu markay ahyd 18 feb 06.  AKHRI..


Ciyaarihii Qaboobaha Soomaalida oo Bari ka bilaabanaya Finland.

2006-02-19

Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Helsink, Finland 

Ciyaaraha Kubadda Cagta ee xiliga qaboobaha ayaa Maalinka Bari ah waxaa ay ka bilaaban doonaan Magaalada Helsink ee xarunta dalka Finland oo sanadkan iyadu marti galinaysa Ciyaarahaasi oo ay ka qaybgalayaan ilaa 9 kooxood oo ka kalaYimid Dalalka Britain, Denmark, Sweden, Norwey iyo Finland. 

Ciyaarahan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhaqanka iyo Sportska ee Dalka Finland ee loo yaqaano SOCUS ayaa shir ay shalay ku yeesheen Helsink uga hadlay qaabka Ciyaarahaasi ay maalinka bari ah uga bilaabanayaan Garoonka Myyrmaki Oo ku yalaana Helsink Vantaa. 

Gudoomiyaha Ururka SOCUS oo shirkaasi ka hadlay Axmed Cabdulaahi Imad ayaa halkaasi ka sheegay in Ciyaarahan loogu tala galay is dhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha isla markaana waxaa uu uga mahadceliyay dhamaan Kooxaha sida wanaagsan ee ay uga soo qaybgaleen Tartanka Qaboobaha. 

Sidoo kale kulankii shalay ayaa waxaa looga hadlay xeerarka lagu dhaqayo Ciyaaraha Bari ka bilaabanaya Helisink oo ay sharaxaad ka bixiyeen Odayaal in mudda ah ka  soo shaqeeyay Ciyaaraha Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen Cabdiqaadir Maxamed Faarax Biriq, Bashiir Cilmi Maxamed (Jeenyo), Maxamed Mukhtaar, Macalin Buruko,Cabdirashiid Isloow, Cumar Dhaga weyne , Goobe Yaanyo, Daahir Macalin , Liibaan Sh. Doon , iyo Bile Axmed Diiriye, Sheekh Mukhtaar Shuute iyo Xubno kale oo aad u fara badan. 

Ciyaarahan waxaa loo qaybiyay sadex Qaybood oo kala ah A,B,C. Waxayna ka kooban yihiin 9 Kooxood oo dhamaantood isku wada arki doona Ciyaaraha oo socon doona Todobaad hadii uu ilaahay Idmo.

Ridwan Haji ridwanhaji@yahoo.com 

Waxgarad ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo si wada jir ah u soo saaray Bayaan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2006

Mudaharaad ka dhacay Nigeria oo ay ku dhinteen 15 qof...
»10,000 oo qof oo mudaharaad ku dhigay London, UK...
»Wasiirkii Ammaanka Liibiya oo shaqadii laga fariisiyey
»Wasiir Talyani ah oo Is-casiley ....
»Liibiya oo eedaysay dalka Talyaaniga...
»Qadaafi iyo Berlusconi oo Telefoon kuwada hadlay...
»Wasiirka A/Dibada Talyaaniga Booqday Masaajid Rooma.
»Madaxweynaha Talyaaniga oo soo saaray Qoraal...
»Sheikh Tantawi: hala sameeyo xeer caalami ah...
Wararka Mudaharaadyada ka akhri halkan... Guji... Feb 19