SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

WARARKII, ARBACA FEB 22, 2006

  • Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan.

  • C/llaahi Yuusuf oo la sheegay in uu ciidamo la tagi doono Magaalada Baydhabo.. 

  • Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ay isugu Yimaadeen Beeelaha Habargidir...

  • Shariif Xasan Shiikh Aadan oo baaq u jeediyay Xildhibaanada Baarlamanka

  • Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo noqday Xubnihii ugu horeeyey ee Cidamadooda ka saara...

  • Warbixn dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka u Dhaxeeya Maxkamadah iyo isbahaysiga...

  • Hay’addo cambaareeyay dagaalada ka socda. Muqdisho..

  • Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo baaq u jeediyey...

  • Ururka aradayda soomaaliyeed ee dalka sudan oo xaflad soo dhawayn u qabtay Ardayda Cusub

  • Kooxda Norwey oo usoo gudubtay wareega labaad ee Ciyaaraha Finland.

  • Wararkii Radio Xorriyo


Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in dagaalka uu socon doono ilaa ay ka toobad keenaan.

Shiikh Xasan Daahir Aweys soo ka mid ah Culumada waaweyn ee Soomaaliyeed oo maalintii doraad ahayd ku soo laabtay Magaalada Muqdisho markii uu soo gutay waajibaadkii Xajka ayaa waxa u u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga dhiidhiiyeen wax uu ugu yeeray kooxihii Gaala raac ee dhawaan ku dhawaaqay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

“ma fileyn abaabul intaa la eg in ay bulshada sameyn doonaan waana mid I faraxgelisay” ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo sheegay in dagaalka ay sii wadi doonaan ilaa ay ka toobad keenaan kooxihii ku dhawaaqay isbahaysigaasi.

“Aad baan ugu faraxsannahay in ay maanta isa soo shaacbixiyaan oo ay bannaanka is keenaan” ayuu yiri Shiikh Xasan oo sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah ay bulshada Soomaaliyeed u qabteen howl muhiim ah oo la xiriirta dhinaca nabadgelyada.

Ugu dambeyntii Shiikh Xasan waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan kooxaha u shaqeeya gaalada oo doonaya in ay wadankaan burburiyaan.

Warbixn dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka u Dhaxeeya Maxkamadah iyo isbahaysiga...

Maalintii saddexad ayuu galay dagaalka u dhexeeyay ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo kooxaha la magacbaxay la dagaalanka argagixisada dagaalkaan oo la isku adeesanayo hubka culus iyo midka fudud, ayaa maalinti shalay ahayd waxaa dagalkaas ku dhintay sida la qiyaasayo ilaa iyo 15 ruux oo intooda badani ay ahaayeen dad rayid ah oo raasaastu ugu tagtay guryahooda.

Magaalada afarteeda gees ayaa waxaa loo tuurayay madaafiicda iyadoo ilaa iyo xalay ay madaafiicdaasi lagu ridiyay xaafadaha Magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka ay ka codsadeen labada dhinac in ay xaq dhowraan dadka maatada ah ee madaafiicda lala soo beegsanayo.

Isbitaalka Madiina ayaa waxaa buux dhaafiyay dadka dhaawaca ah iyadoo sariiraha yaal isbitaalkaasina ay aad u yar yihiin, waxaana dadka dhaawaca ah la dhigayay banaanka Isbitaalka, iyadoo dadka dhaawacooda fudud yahay inta la daaweeyo dib ay guryahooda ugau laabanayee.

Dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay ayaa kala jooga goobihii ay horey u kala joogeen, iyadoo dagaalku uu haatan noq noqday mid goos goos ah oo aan wax natiijo ah la gaarin, waxaana sidoo kale dagaalkii xalay dhacay uu ahaa mid gacmaha la iskugu tagay.

Weli waxaa soo gaaray baaqyo labada dhinac looga codsanayo in dagaalku ay joojiyaan waxa uuna dagaalku haatan noqday mid u xuub siibanaya qaab Qabiil, iyadoo Max’ed Qanyare Afrax raggii isbahaysiga la ahaa ay dagaalkaasi uga siibteen markii ay horey u sheegay in ay si wadajir ah ula dagaalami doonaan kooxaha Maxkamadaha Islaamiga ah.

Dagaalkaan haddii uu sii daba dheeraado waxa uu saameyn ku yeelan doonaa dadka ku nool Gobalka Banaadir oo horey iyagu uga dhergay dagaal sokeeye oo aan laga gaarin wax horumar ah.

Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo baaq u jeediyey...

kulan ay shalay isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho oo u dhexeeya maxkamadaha islaamiga ah iyo kooxaha la magacbaxay isbahaysiga la dagaalanka, waxayna u soo jeediyeen labada dhinac in si shuruud la’aan ay ku joojiyaan xabadda.

Cabdi Xaashi C/llaahi ah oo ah Wasiirka Hidaha  ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in labada dhinac ay u naxariistaan shacabkooda oo uu sheegay in mudo shan iyo taban sano ah ay ka soo daaleen dagaal sokeeye, sidoo kale waxa uu u soo jeediyay waxgaradka iyo Odoyaasha Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii loo joonjin lahaa dagaalkaasi oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid la doonayo in lagu dhameystiro bulshada Soomaaliyeed oo haatan la ildaran abaaro iyo cuduro.

Waa markii labaad oo ay baaq u jeediyaan xubnaha labada Gole kooxaha ku dagalamaya Magaalada Muqdisho oo kala ah Maxkamadaha Islaamiga ah iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisda ee looga dhawaaqay Muqdisho.   

C/llaahi Yuusuf oo la sheegay in uu ciidamo la tagi doono Magaalada Baydhabo.. 

Wararka naga soo gaaraya Magalada Jowhar waxay sheegayaan in ciidamadii ku xareysnaa xerada Kongo qaar ka mid ah loo daadgureyn doono Magaalada Baydhabo kuwaas oo la saari doono sida la sheegay Duyuuradu dhawaan la filayo in ay tagaan Magaalada Jowhar, waxaana ciidankaan uu si gaar ah u ilaalin doonaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ka qaybgali doona kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka kaasoo la filayo in uu dhaco 26-ka bishan. Ciidankaan oo tiradoodu uu gaari doonto 150 askari ayaa waxaa isku afgartay Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Dowladda Federaalka. Ciidanka la geenayo Magaalada Baydhabo oo haatan laga dhex xulayo kuwa ku sugan Xerada Kongo ayaa waxaa la sheegay in ciidankaasi ay si gaar ah maalmahan tababar loo siinayay. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geedi ayaa waxay sheegeen in ay ka qaybali doonaan kulankaasi oo la sheegay in uu muhiimad gar ah ugu fadhiyo Dowladda Federaalka marka la fiiriyo beesha caalamka, iyadoo kulankaan uu noqon doono kulankii ugu horeeyay ee Baarlamaanka oo ay isugu yimaadaan tan iyo markii ay ka soo guureen Magaalada Nairobi oo hadda laga joojiyo mudo hal sano ah. Waxayna Dowladda Federaalka ahayd ee lagu soo dhisay Nairobi u kala qaybgsan tahay labo qaybood oo kala degay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.      

Maxaa ka soo baxay kulankii shalay ay isugu Yimaadeen Beeelaha Habargidir...

Kulan socday mudo shan saacadood ah ayay Beelaha Habargidir Waxgaradkooda, Siyaasiyiintooda, Aqoonyahan-kooda, Dhallinyarada iyo Haweenka, waxaana kulankaasi xoogiisu ahaa sidii Beesha ay u yeelan lahayd midnimo guud isla markaana ay si gaar ah ula socoto dagaalka haatan ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdiso ee u dhexeeya isbahaysiga iyo Maxkamadaha Islaamiga ah.

Dood dheer iyo falaqeyn kaddib ayaa beeshu waxay soo saareen bayaan ka kooban shan qodob oo ugu horeeyo in beeshu ay yeelato midnimo guud, in aysan jirin wax argagixiso ah oo dalka ka jira, in la cambaareeyo isbahaysigii dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, in loo howlgalo sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo in si wadajir ah loo taageero kulanka Baarlamaanka ee 26-ka bishan lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Baydhabo,  waxayna cambaareeyeen dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen in haddii uu dagaalku iska bedelo qaabka uu hadda ku socdo mid ka duwan ay is difaaci doonaan.

Dagaalkaan ayay Beeshu waxay sheegtay in la doonayo in caqabad looga dhigo shirka Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacaya Magaalada Baydhabo, Sidoo kale waxay ka codsadeen beesha caalamka in ay si taxadar leh ula socdaan xaaladda Soomaaliya waxayna qireen in Soomaaliya aysan ku sugneyn wax la yiraahdo Argagixiso, balse ay jiraan shaqsiyaad doonaya in qaab Qabiil ugu adeegsadaan Argagixisada Qabiil kale, sidoo kae waxay shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyeen in ay u guntadaan sidii loo qaboojin lahaa dagaalkaasi.  

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo baaq u jeediyay Xildhibaanada Baarlamanka

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Guddoomiyaha Baarlamaana ayaa baaq u jeediyay xildhibaanada Baarla-maanka oo uu kaga dalbanayo in ay deg deg u soo gaaraan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarla-maanka waxa uu sheegay in magaalada Baydhabo ay haatan soo gaarayaan Xildhibaano doonaya in ay ka qaybgalaan kulanka Baarlamaanka isagoo sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka dhamaantood ay haystaan kharashaadkii ay ku imaan lahaayeen Magaalada Baydhabo.

 Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee Beelaha Digil iyo Mirifle intooda badan ay ku sugan yihiin Baydhabo kuwaas oo uu sheegay in ay diyaargaroobayaan sidii ay u soo dhaweyn lahaa dhigooda oo doonaya in ay ka qaybgalaan kulanka Baarlamaanka.

“Ma doonayo in dib uu ku yimaado kulanka Baarlamaanka mar kale” ayuu yiri Shariif Xasan, balse waxa uu sheegay in ay muuqdaan saan saankii uu dib ugu dhici lahaa kulankaasi. 

Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo noqday Xubnihii ugu horeeyey ee Cidamadooda ka saara...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd baydhabo laga saaray ciidamo daacad u ahaa Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor, waxaana ciidankaasi  la geeyay xerooyinka kala ah Deynuunaay iyo Manaas.

Ciidamadaan oo gaaraya ilaa iyo 250 ayaa waxaa la heegay inay waaan tiknikadooda iyadoo maalmaha soo socdana xerooyinkaas lagu xareyn doono ciidamo daacad u ah Xasan Max’ed Nuur Shaar-Guuud iyo Shiikh Aadan Madoobe.

Dadaweynaha Magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhaaweeyay ka saarida magaalada Baydhabo kooxaha maleeshiyooyinka kuwasa oo ay sheegeen in ay carqalad xun ku noqon karaan shirka Baarlamaanka ee la qaban doono 26-ka bishan oo ku beegan todobaadka soo socda, ilaa iyo haatan lama oga in uu qasoomi doono kulanaasi. 

Hay’addo cambaareeyay dagaalada ka socda. Muqdisho..

Iyadoo ay isa soo tarayaan cambaareynta loo jeedinayo dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho oo ay ku dagalamayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah iyo maleeshiyo ay horkacayaan Isbahaysi dhawaan looga dhawaaqay Magalaada Muqdisho oo ay ku mideysan yihiin hogaamiyaasha kooxaha iyo rag ganacsato ah ayaa waxaa shalay soo saaray warqad qoraal ah oo ay ku cambaareynayaan dagaalkaasi Hay’addaha kala ah hay’adda Dhowrista iyo Horumarinta Soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano OSPAD iyo Hay’adda Wanlaweyn Human Right.

Hay’adduhu waxay Sheegeen in dagaaalku uu gaystay khasaaro dhinac walba ah oo ay ugu waaweyn yihiin dhimasho, dhaawac, barakac iyo boob, waxayna Hay’addu ku baaqday in si deg deg ah dagaalka loo joojiyo ayna ka qayb-qaataan mas’uuliyiinta labada dhinac iyo qaybaha sameynta leh ee Magaalada muqdisho si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku kala saxiixnaa C/llaahi Max’ed Cali oo ah madaxa Dhowrista xaquuqda aadanaha ee hay’adda OSPAD iyo Eng. Siidow Xasan Mahdi oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Wanlaweyn Human Right.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@homail.com
  

Ururka aradayda soomaaliyeed ee dalka sudan oo xaflad soo dhawayn u qabtay Ardayda Cusub ee sandkan loo aqblay jamcada Dalka sudan

 

Xaflad aad u balaaran ayaa ka dhacday hoolka caalamiga ah ee shahiid Al-zubayr xafladan ayaa waxaa lagu soo dhawaynayay Ardayda cusub ee sanadkan loo aqbalay jamcadaha dalka sudan, tirada ardayda soomaaliyeed ee loo aqblay jamacada dalka sudan ayaa kor u dhaafaysa 250 arday.

 

Waxaana xafladan ka soo qayb galay safiirka soomaaliyda ee dalka sudan, masuuliin ka socta hay’adaha dalka sudan, Barafasooro soomaiya ah oo jamcadaha  dalka sudan wax kadhiga iyo araday aad u tirabadan oo wax ka dhigta dalka sudan.

 

Sidoo kale waxaa isla munaasabadaas lagu xusay Soomaaliyada ku tabaalaysan koonfurta soomaaliya oo ay soo food saartay abaaraha iyo macaluusha ba’an waxaana halkaas ka hadlay afhayeenka Gudiga u gargaarka abaaraha soomaaliya ee dalka  sudan Dr.Maxamuud Gardheere isagoo sheegay in dadkii ay aad ugu tabaalaysan yihiin dalka soomaaliya loona baahan yahay in loofidiyo gurmad dag dag ah,

Isala markaasna wax uu ku booriyay ardayda soomaaliyeed iyo aqoonyahaynada jooga dalka sudan in ay ka qayb qaataan u gargaarka soomaalida ku taabaalaysan dalka soomaliya.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay xaflda soo dhawaynta Ardayda Cusbus ee dalka sudan timid safiirka Soomaaliyda ee dalka sudan  Mudane ambaasatoor Mukhtaar Sayid Ibraahim wuxuuna si diiran u soo dhaweeyay ardayad cusub ee sanadka loo aqblay jaamcadaha dalka sudan , wuxuuna ku booriyay ardayda in ay ku mintidaan waxbarashadooda iyo in dalkii looga baahan yahay dad aqoon yahano ah oo farabadan si ay u haqabtiraan baahiyada ka jira dalka.

Safiirku waxuu mahad celin balaaran u jeediyay Gudiga Fulinta ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee dalka sudan sida waca ay u soo qaban  qaabiyeen xafladan iyo sida wacan ay u  wadaan halawlah ururka.

 

Ugu danbayntii waxaa xaflada soo gabagabeeyay Gudoomiyaha ururk Ardayda Soomaaliyeed Ee dalka Sudan Mudan: Kaahiye C/laahi Dhuubaw , waxuuna soo dhaweeyay Ardayda Cusub sidoo kalane u mahad celiyay dhamaan ciidii ka qayb qaadatay xafldan , wuxuuna guduumiyhu wax ka sheegay waxqabdiyo  badan oo ururku qabtay mudadii yareed ay xilka hayaan gudiga fulinta ee sanadkii hore dhamaadkiisa la doortay, waxuuna u mahad celiya dhamaan ardayda soomaaliyeed sida wacan ay ula shaqaynayaan ururkooda .

 

Xafaldaas ayaa waxay ku dhamaatay jawi aad udagan iyo farxad ka wada muuqatay dhamaan cidii ka soo qaybgashay.

 

C/fitaax Maxamed Sugulle

    Khartoum- Sudan

 Mobile:00249-911221875
cabdisugulle@hotmail.com

 

Kooxda Norwey oo usoo gudubtay wareega labaad ee Ciyaaraha Finland.

 
22.2.2005
Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Helsink, Finland.
 
Iyadoo maalintii labaad ay ka dhacayaan Dalka Finland Ciyaaraha Qaboobaha oo sanad walba xiligan oo kale lagu qabto dalkan ayaa waxaa ilaa hadda Wareega labaad usoo gudbay kooxda F.C Oslo ee Norwey oo kamid ah kooxaha sida wanaagsan usoo bandhigay Ciyaaraha Finland.
 
Kooxdan ayaa Maanta waxaa ay 2 iyo 1 uga tabar sheegatay Kooxda F.C Copenhegen ee Denmark oo maalinkii ugu horeeyay maanta iyagu Ciyaartii ugu horeysay la yeeshay Kooxda Oslo ee Norwey.
 
Kooxda Norwey oo uu gudoomiye u yahay Cali Macalin Nuur ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in kooxdiisu ay usoo gudubto Wareega labaad ee Ciyaaraha Qaboobaha ee Helsink, Finland oo sanad walba la qabto.
 
Kooxda Norwey waxaa ay horay u haysatay Koobka Eurosom ee ka dhacay London oo iyagu ay kusoo guulaysteen iyo koob ka dhacay Denmark.
 
Waxaa sidoo kale Maanta ciyaaray Kooxaha:
 
F.C Olympic Odence oo 2 iyo 1 uga adkaatay kooxda Kanava ee Finland.
Waxaa kaloo iyana Kooxda Horseed ee Sweden ay 2 iyo 0 uga adkaatay Kooxda F.C Somali Finland oo kamid ah kooxaha martigalinaya koobka.
 
Maxamed Cismaan Waadhoor oo ku magac dheere (Juujuule) oo kamid ah Guddiga qaban qaabada Ciyaaraha Finland ayaa Maanta isna halkaasi ka furay Sanduuq dhaqaale loogu Ururinayo Dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saamaynta ku yeesheen si loogu fidiyo gurmad dag dag ah.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com Feb 22, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 February 2006
 
Gumaysiga oo qorshayaal cusub billaabay.
 
Shirar Maamullada Gumaysiga uga socda Gobollada Ogaadeenya.
 
Jabhadda EPPF oo laysay ciidammo itoobiyaan ah.
 
Meles oo diiday inuu sii daayo madaxda mucaaradka.

Barnaamijkii Warbixinada & waraysiyada CXO(Q 3aad) Maqal.

======================
 
   Cadowgu markii uu ka quustay inuu dadwyanaha Soomaalida Ogaadeenya ka dhaadhiciyo siyaasadiisa gumaysi, wuxuu hadda billaabay inuu dajiyo qorshayaal cusub oo uu doonayo inuu u adeegsado la dagaallanka halganka hubaysan ee lagaga soo horjeedo.
 
Qorshayaashaas waxaa ka mid ah iyadoo xubno qaarkood baarlamaan ku sheegga ka tirsan yihiin loo soo magacaabay safaaradaha xukuumadda Itoobiya ku leedahay dalalka ay ku badan yihiin ama awoodda ku leeyihiin dadwyanaha Soomaalida Ogaadeenya.
 
Xubnahan cusub ee safaaradaha loo soo magacaabay ma aha xubno ay shaqadoodu qeexan tahay ama xil la yaqaano lagu soo magacaabay, balse waa xubno qaban doono hawlo qarsoodi ah oo ku wajahan burburinta Jaaliyadaha Ogaadeenya.
 
Sida uu noo soo sheegay wariyaha RX uga soo warramaga magaalada Jigjiga, waxaa ilaa iyo hadda la magaacabay dhawr xubnood, waxaana ka mid ah xubnaha magacyadooda la helay:
 
Cabdi Raaxo oo loo soo magacaabay inuu la shaqeeyo safaarada gumaysiga Itoobiya ku leeyahay magaalada London ee dalka Britain.
 
Axmed Shiine oo isagana loo magacaabay safaarada gumaysiga ee dalka Maraykanka.
Nin lagu magacaabo C/kariin oo loo soo magacaabay inuu ka sahaqeeyo dalka Denmark. Iyo Maxamed Sheekh oo isagana loo soo magacaabay dalka Norway.
 
Shirar Maamullada Gumaysiga uga socda Gobollada Ogaadeenya.
 
Shirar heer kilil iyo heer fadaraal ah ayaa beryahan denbe oo dhan ka socda qaar ka mid ah magaalooyinka Ogaadeenya, kuwaasoo gumaysiga iyo kaaliyayaashiisu kaga arrinsanayaan sidii dadwaynaha looga soo reebi lahaa Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO.
 
Shirarkani waxay ka kal socdaan magaalooyinka Jigjiga, Qabridaharre iyo Jarrati. Magaalada Jigjiga waxaa ku shiraya maamul ku sheegyada gobollada Shinniile, Jarar iyo Nogob. Magaalada Qabridaharre waxaa sidoo kale ku shiraya maamul ku sheegyada gobollada Doollo iyo Qorraxaey, halka magaalada Jarrati ay kaga shirayaan maamul ku sheegyada gobollada Shabeelle, Liibaan iyo Afdheer.
 
Ujeeddada shirarkan loo qabtay waxaa ugu wayn in laga shaqeeyo sidii dadwaynaha looga goyn lahaa halganka ay JWXO hormuudka ka tahay. Gumaysiga iyo cawaantiisu waxay qireen in dadwaynihii si aan kala hadh lahayn ay u raaceen JWXO, isla markaana ugu gacan saydheen siyaasada gumaysiga, sidaas darteed waxaa maamullada daba-dhilifka u ah cadowga loo dajinayaa qaabkii ay arrintaas wax uga qaban lahaayeen.
 
Waxyaabaha uu gumaysigu hirgelinayo waxaa ka mid ah in la qoro basaasiin badan oo cadowga u shaqeeya, kuwaasoo laga soo xulayo bulshada qaybaheeda kala duwan oo dhan, sida haweenka, ganacsatada, gaadiidlayda iwm. Basaasiintan ayaa la doonayaa inay ka hwlgalaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa labadaba.
 
Arrintan ayuu gumaystuhu dhawaan billaabay, waxaana durba Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya u hirgashay inay gacanta ku dhigto qaar ka mid ah basaasiinta cusub, kuwaasoo qirtay hawlaha loo soo diray iyo meelaha laga soo dirayba.
 
Jabhadda EPPF oo laysay ciidammo itoobiyaan ah.
 
Ciidammada Jabhadda Ethiopian People’s Patriotic Front (EPPF), oo dagaal hubaysan kula jira ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya, ayaa sheegay inay si wayn uga guulaysteen ciidammada xukuumadda Itoobiya mar 14-kii Febrawari dagaal ku dhex maray meesha lagau magacaabo Adi Geshu, oo ku taalla woqooyiga Itoobiya.
Jabhadda EPPF waxay sheegtay inay ciidammada Itoobiya ka dishay 15 askari, isla markaana ay hal Taangi ka gubeen.
 
Jabhadda EPPF waxay kaloo intaas ku dartay inay iska caabiday oo dib u celisay ciidammo gurmad ah oo loo soo diray inay taakuleeyaan ciidammada dagaalka lagu jabiyay. Waxaana halkaas lagu dilay 10 askari, 20 kalana waa lagu dhaawacay.
 
Sida ay sheegtay Jabhadda EPPF waxay ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya ka dishay isu gayn 25 askari, 20 kalana way ka dhaawacday, waxay sidoo kale ka furatay 17 qori Klashkov ah iyo hal Bren ah.
 
Taliyaha ciidammada ee Jabhadda EPPF ayaa sheegay in jabhaddiisu ay xoojisay weerarradii ay ku haysay ciidammada Wayaanaha, si ay u badbaadiso dadwaynaha aan waxba galabsanin ee ay xasuuqayaan.
 
Meles oo diiday inuu sii daayo madaxda mucaaradka.
 
Keligii taliye Meles Zenawi ayaa diiday inuu madaxda
mucaaradka dammiin ku sii daayo, sidaas waxaa sheegay masuul sare oo ka socda Midowga Yurub oo jimcihii kulan la yeeshay keligii taliye Meles Zenawi.
 
Wakiilka Arrimaha Horumarinta ee Midowga Yurub Louis Michel ayaa jimcihii soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood ah oo uu ku tagay Itoobiya, waxaana ugu muhiimsanaa arrimaha uu halkaas u tagay wax ka qabashada 131 qof oo isugu jira madaxdii mucaaradka, suxufiyiin iyo dad u shaqaynayay hay’adaha aan adwliga ahayn, kuwaasoo loo haysto denbiyada ay ka midka yihiin khiyaano qaran iyo inay qorshaynayeen xasuuq dadwayne.
 
Louis Michel wuxuu la kulmay keligii taliye Meles Zenawi iyo madaxda mucaaradka ee xidhxidhan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha isbahaysiga CUD Hailu Shewal, wuxuuna sheegay inuu Meles Zenawi diiday inuu madaxda mucaaradka dammiin ku sii daayo, hase yeeshee wuxuu ballanqaaday buu yidhi inuu fasaxayo in korjoogayaal caalami ah oo sharciyada ku takhsusay ay maxkamadda goobjoog ka ahaadaan.
 
Deeq bixiyayaasha reer galbeedka ah ayaa xukuumadda keligii taliye Zenawi ka joojiyay mucaawanooyinkii tooska ahaa ee xukuumaddiisa la siin jiray, ka dib markii xasuuq ba’an u gaystay dadwaynihii ka bannaanbaxayay musuqmaasuqii doorashadii May ee kal hore, isla markaana uu xabsiga u taxaabay madaxdii mucaaradka iyo suxufiyiin badan.
 
Radio Xoriyo
 
 21 February 2006.
Axmed Xidig
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...

Madfac haboow ah oo ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaal Xaafada Buula Xuubey..
Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socdey Agagarka Kuliyadda Ciidamada... Guji... Feb 21