SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

 20 February 2006

Somali Diaspora Network
Virginia, USA
Hassan Warsame
contact@somalidiaspora.com

Baaq ku wajahan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho

Dadka Soomaaliyeed ee degan agagaarka magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka waxay ka codsanayaan labada dhinac ee ku dagaalameysa magaalada Muqdisho iney si sharuud la?aan ah ku joojiyaan dagaalada kuna kala laabtaan goobihii ay kala joogeen dagaalka ka hor. Sidoo kale, iney bilaabaan wada hadal balaaran sidii ay si nabad ah ugu xalin lahaayeen khilaafka u dhexeeya ee sababay dagaaladaan.

Dadka Soomaaliyeed ee degan agagaarka magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka waxay ka codsanayaan guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Sharif Hassan Sheikh Adan inuu si deg-deg ah u kala dhexgalo labada dhinac. Mudane Sharif Hassan Sheikh Adan waa shaqsiga ugu mudan ka shaqeynta joojinta dagaalka iyo xal u helida colaada ka soo cusboonaatay Muqdisho maadaama uu heysto kalsoonida shacabka, waxgaradka, iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho. Waxaa xusid leh in uu Mudane Sharif Hassan Sheikh Adan door weyn ka qaatay xalinta dagaalo khasaaro iyo dhibaato geystay muddo dheerna ka socday gobolada dhexe ee Soomaliya.

Waxaan ugu baaqeynaa kooxaha dagaalamaya in ay xasuustaan in dhibaatada iyo khasaaraha dagaalka xoogiisu uu ku dhacayo dadka rayadka ah gaar ahaan dumarka iyo carruurta. Dadweynaha magaalada Muqdisho dagaalo in ugu filan wey soo mareen mana ahan in waqtigaan dib loo soo abuuro colaado iyo dagaalo sokeeye oo saameyn dheer ku yeelan kara magaalada Muqdisho iyo dhammaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Waxaan ku baraarujineynaa iney madaxda kooxaha dagaalamayaa ay ilaaliyaan xaquuqda dadka shacabka ah joojiyaanna hubka ku soo dhacaya guryaha shacabka iyo dilka iyo dhaawaca gaaraya rayadka u badan carruurta iyo dumarka.

Waxaa xil ka saaran yahay dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiinta iyo madaxda Soomaaliya sidii dagaalkaan iyo dagaalada kale ee ku soo laalaabanaya gobolada Soomaalidu dagan tahay gudaha iyo dibada Soomaaliya in si deg-deg ah loo joojiyo lagana shaqeeyo sidii loo gaari lahaa xal nabadeed oo ku hagan Soomaaliyoo dhan.

Somali Diaspora Network
Virginia, USA
Hassan Warsame
contact@somalidiaspora.com

Faafin: SomaliTalk.com | feb 22, 2006

Soomaalida Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji...

Madfac haboow ah oo ku dhacay Dugsi Qur’aan oo ku yaal Xaafada Buula Xuubey..
Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii ka socdey Agagarka Kuliyadda Ciidamada... Guji... Feb 21