SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nabad iyo Nacab

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


 Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Islaamku wuxuu na baray in qof kasta uu walaalkiis la jeclaado waxaan nafteenna la jecelnahay. Waa arrintaas darteed waxaad u maqleysaan ama u akhrineysaan tahniyaddihii ay soo dirayeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta ooy joogaan ee ku aadaneyd kacdoonka shacabka ee Xamar iyo nawaaxigeeda. Waxaa nasii farxad geliyey markii in badan oo dadkaas ka mid ahi ay ka soo jeedaan Somaliland iyo Puntland. Taasi waxay tusineysaa in dagaalladii Soomaali ka dhaxeeyey aysan noqon kuwa ka dhiga Soomaali dad aan walaalo aheyn. 

Waxaa sidoo kale walaaltinimadaas muujiyey shacabka Jibuuti iyo madaxweynahooda oo qiray in dagaaloogayaashu ay Soomaaliya dhuunta hayeen muddo 16 sano ah. Dowladihii Afrika qaarkood ee lahaa waxaan keeneynaa ciidamo ayaa hadda ka fiirsanaya ballanqaadkoodii markay arkeen sida Itoobiya iyo seddexda nin ee DFKS u sarreeya ay wax u wadaan. Xitaa Maraykan iyo reer Galbeedku waxay muujiseen debecsanaan ah inaan shacabka Soomaaliyeed mar dambe la dhibin waxayna Itoobiya iyo dowladaha kalaba u sheegeen ineysan ciidamo kula ordin Soomaaliya. 

Sidoo kale, sida diintu sheegtay markaan guul gaarno waxaa dhibsanaya nacabkeenna; markey belaayo nagu dhacdana waa nagu farxaan. Ilaa hadda waxaa nacabnimada Soomaaliya caddeystay waa inta badan xubnihii baarlammaanka Soomaaliyeed. Iyagoo og in shacabka iska xoreeyeen nimankii intaas oo sano dhibka ku hayey ayey hadda dhaheen hala keeno ciidamo Xabashiyeed! Ma in guusha shacabku gaaray Xabashi la siiyo bey rabeen? Waxaa kaloo guusha shacabka ka xumaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliyeed. Eedeyntii igu dambeysay ee Geeddi ayaa ahayd mid xadka ka baxsaneyd waxaana ku jiray been-abuur markuu yiri: maxkamadaha ayaa fowdo, dil, dhac iyo kufsi haween ka geystay Jowhar iyo Balcad! Qolada kale oo nacabnimadeeda muujisay waa Itoobiya oo ciidamo soo dhoobtay xadka sidoo kalana soo gashay gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah. 

Waxaan la yaabbanahay waxa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelaha Jibuutina uu shacabkii Soomaaliyeed ugu tahniyadeeyey guushaas sidoo kalana waddamada Maraykanka iyo reer Galbeedkuna u soo dhoweeyeen halka ay Itoobiya, intii badneyd xubnaha baarlammaanka Soomaaliyeed, Geeddi iyo C/hina ay ugu sheegeen fowdo iyo dhib soo korortay!

 War-murtiyeed laga Filayo Midowga Maxkamadaha 

  • Iney xoogga saarayaan sidii ay wax uga qabanlahaayeen nabadgelyada Xamar iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo furi lahaa ilaha dhaqaalaha
     
  • in diiwaankii dib-u-heshiisiinta dib loo furayo si fursad loo siiyo dadkii odayo-dhaqameedka ahaa iyo aqoonyahannadii aan tixgelinta weyn la siin markii la dhisayey dowladda Mbagathi.
     
  • waxaa la filayaa iney uga mahadceshaan Beesha Caalamka sidii ay waddamadooda ugu soo dhoweeyeen Soomaali badan oo dhib ka soo gaaray dagaaloogayaashaas. Waddamadaas waxaa ka mid ah kuwa Islaamka, Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed iyo kuwa Afrika sida Kenya, Ugandha, Tansaaniya, Zaambiya, Itoobiya iyo kuwa kale. Waxay maxkamuhu leeyihiin Soomaali waa isku mid waxaana la midnahay dadkaas dibadaha jooga oo in badan oo ka mid ah heystaan sharciga waddamadiinna. Marka maxkamado ahaan waxaa na taageersan dadkaas qurbo-joogga ah; iyagaana mudan inaad wax ka weydiisaan cidda Soomaaliya u fiican annaga ama dagaaloogayaasha. Annagoo tixgelineyna shacuubtayadaas ku dhaqan waddamadiinaas ayaan rabnaa inaan hagaajinno xiriirka aan idin la leennahay maaddaama shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa waddamaas ay iskaga dhowyihiin siday ahaanjireen waayadii hore
     
  • Iney Beesha Caalamka uga mahadcelinayaan siday u maalgeliyeen shirkii ka socday Mbaghati bal si mar Soomaaliya dowlad u hesho. Maxkamaduhu waxay leeyihiin waxaa natiijadii ka soo baxday shirkaas ee dib-u-heshiisiinta ahayd meelmarinwaayey dagaaloogaasha oo ay ku jiraan kuwii Xamar looga itaalroonaaday iyo kuwa hogaaminaya dowladda
     
  • waxay maxkamaduhu u sheegayaan Beesha Caalamka  in dowladda Soomaaliyeed laga rabay inay u mahadceshaan maxaakiimta maaddaama ay qabteen howshii loo dhisay dowladda laakiin waxay maxaakiimtu nasiib-darro ku sheegayaan in hadda dowladdii ay ka xuntahay in la ceyrshay dagaaloogayaashi jaqijiray dhiigga Soomaaliyeed. Waxayna tusaale u soo qaadanayaan hadalkii ugu dambeeyey ee Geeddi jeediyey
     
  • Waxay Maxaakiimtu Maraykanka iyo ciddii kale ee shaki ka qabta Soomaaliya ku soo dhoweynayaan Xamar iyo meelaha kale ee ay ka tashaan. Marka indhahooda haku arkeen in argagixiso Soomaaliya joogto iyo in kale
     
  • Waxay maxaakiimtu u sheegaysaa Itoobiya iyo waddamada kalaba ineysan ciidan soo gelin Soomaaliya. Waddankii iska dhegatira arrintaas waa iney u diyaargoroobaan dagaalka shacabka Soomaaliyeed. Ilaa hadda waxaa la sheegayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo jooga gudaha Soomaaliya. Taasi waxay xaq u siineysaa shacabka Soomaaliyeed iney dagaal ku qaadaan meelahaas laga sheegayo ciidan Itoobiya u dhashay.

Waxaan dadka Soomaaliyeed kula talinayaa inay iska jiraan dhagarta nacabka Soomaaliyeed oo leh Soomaali sida xubnaha baarlammaanka ee u coddeeyey keenis ciidamo shisheeye iyo seddexda nin ee horbooda dowladda ku-meel-gaarka iyo nacabka shisheeye oo ilaa hadda cidda isa soo mutuxday ay Itoobiya tahay. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa marka qofka ay ka tanbadiso siyaasad gurracan iyo dhabo-dhilifnimo wuxuu nifaaqa ka gaarayaa meeshii ugu dambeysay. Waa sida Qur’aanku u dhaho haddii Soomaali ahaan aan ku sheegno: munaafiqiinta kuwooda ragga ah iyo kuwooda dumarka ahba qaarkoodba waa qaarka kale; waxay faraan munkarka, waxayna reebaan macruufka. Marka la yaab ma leh in la maqlo nimanka Soomaaliya u sarreeya oo leh hadda Xamar, Jowhar iyo Balcad waa qasanyihiin oo waxay fiicnaayeen markii dagaaloogayaashu joogeen oo ay taalay intaas oo isbaaro. Marka waa sida Ilaahay u yiri oo waxaa iskaga qasmay arrimihii. Sidoo kale xubnaha baarlammaanka ee u codeeyey in ciidamo shisheeye Soomaaliya la keeno way ka daranyihiin dagaaloogayaashii ku bahoobey la dagaalanka argagixisada maxaa yeelay kuwani waxay ku andacoonayeen iney ku raadjoogaan argagixiso shisheeye ah oo waddanka joogta. Inkastoo arrintaasi run ahayn laakiin xubnahaas baarlamaanku waxay waddanka soo gelinrabaan ciidamada cadowga Itoobiya oo u taagan iney burburiyaan diinta iyo qaranimada Soomaaliyeed. Xitaa kuwii aan u codeyn in Xabashi la keeno, dambiga waa la qeybsanayaan maxaa yeelay: 

  1. intooda badan waxay rabeen in ciidan shisheeye la keeno oo aysan ku jirin kuwa safka hore. Marka weli waa arrin khalad ah
  2. waxaa la rabay in markey arkaan in la codeynayo aysan codeyn oo ay Baydhabo ka soo tagaan si loo arko in baarlammaankii is khilaafsanyahay. Taasi waxay keeneysaa iney badiyeen madaxii nacabka Soomaaliyeed. Ileyn kuwa codeeyey waa nacab marka haddaad u camirtid oo la codeysid waxaad badisay muuqaalkooda inkastoo waxyaalo ku khilaafsanyihiin

Waxaa la hadalhayaa bannaanbaxyo laga sameynayo dunida dacalladeeda. Marka waxaa ka mid ah mid la rabo in laga sameeyo magaalada London maalinta bisha Juun tahay 30 oo ah maalin Jumce ah. In kastooy tahay maalin shaqo laakiin waxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ku la talinlahaa bal iney maalintaas faraha ka qaadikaraan wax kasta oo la joojin karo. Macquul ma aha in dadkoo dhammi soo baxaan sababo jiro awgood laakiin arrintu muhiimadda ay leedahay ayaa la rabaa in qof walba u qaato in isaga keliya uu meesha tagayo oo haduu maqnaado aysan cid kale imaaneyn. Waxaan shacabka waddankan degen uga mahadnaqayaa sidii ay warbaahinta uga sheegeen iney soo dhoweeyeen kacdoonka shacabka laakiin hadda waxaa la rabaa in ficil ahaan loo muujiyo. Waan ognahay dhiigga daahirkaa ee loo daadshay kacdoonkaas ha ahaado kan naftii-hurayaasha jihaaday ama kan shacabka xabbaddu iska qabsatay. Marka waxaa fiican in qof kasta shaqadiisa ka soo tago maalintaas. Xitaa waxay ku fiicantahay in carruurta iskuulka laga soo wado galinka dambe. Haddii dad yar kasoo qeybgalo bannaanbaxaas waxaa loo qaadanayaa in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK ay raalli ka yihiin in ciidamo shisheeye Soomaaliya la keeno. Marka ballantu waa maalintaas iyo dibadbaxaas haddii Ilaah idmo. Waxaa sidoo kale fiican in laga sameeyo magaalada Nayroobi oo ah magaalo gobolka caan ka ah oo ay ku sugunyihiin bulsho-weyn Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2006

Maxkamadaha Islaamiga: Fari kama Qodna Faanoole..

C/risaaq Xaaji Xuseen Is kama hadlin!!


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD