SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Nov 28, 2006

  • Qoraal loo gudbiyey Q/Midoobey, Ururka Midowga Afrika..
  • Jaamac Max’ed Qaalib “Ma ahan Itoobiya iyo Maxaakiimta ee waa Itoobiya iyo Soomaaliya” ..
  • Cali Max’ed Geeddi oo markii ugu horeysay qaatey Baasaboorka cusub..
  • Sheekh Shariif “Jalaabiibley iyo Garba-Saarley waxaa lag doonaya in ay diinta saldhig ka dhigtaan..
  • Guddoomiyaha Baarla-maanka oo kulan la yeeshey Madxweynaha Jabuuti..
  • Dadweynaha Balanbale oo u gacan haatinaya Maxkamadaha ...
  • Ganacsatada oo loo soo jeediyey inay hubkooda ku wareejiyaan...
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo si aad ah ugu soo dhawaanaya ...

Qoraal loo gudbiyey Q/Midoobey, Ururka Midowga Afrika..

Qoraal ka kooban dhowr bog ayna qoreen Xildhibaano, Aqoonyahano, waxgarad iyo dad caan ka ah Bulshada Soomaaliyeed, waxaana qoraalkaasi loo gudbiyey Qaramada Midoobey, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Midowga Afrika, IGAD iyo ururo kale ayaa waxaa looga hadlayey duulaanka ay Ciidamada doonayaan in ay ku soo qaadaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana qoraalkaasi uu si aad ah uga hadlayey taariikhdii dheereed ee soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya. Qoraalkan waxaa kaloo uu ka hadlayey in beesha Caalamka ay ogaato gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku soo weerarto gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana laga codsaday ururadaasi inay il gaar ah ku eegaan gardarada Qaawan ee Ciidamada Itoobiya ku hayaan dhulka Soomaaliya. Qoraalka waxaa kaloo lagu cambaareeyay hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Miled Zenawi waxayna ku tilmaameen mid keenaya dhibaato baahsan oo ka dhacda wadamada Geeska Afrika.

Ururadaasi, waxaa laga dalbaday in ay ergo xaqiiqo raadin ah u soo diraan dalka Soomaaliya si ay ogaadaan faragelinta ay Itoobiya ku shayso Soomaaliya, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay qaadaneyso mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka yimaada weerarka uu maagan yahay Miles Zenawi, waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in Dowladda Federaalka loo aasaasay sidii ay u difaaci laheyd shacabka Soomaaliya, laakiin ma aheyn in wadankeeda ku soo horseedo caddow aan la ogeyn halka ay ku heshiiyeen ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa muuqda saansaan colaadeed oo u dhexeysa Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Itoobiya, waxaana labada dhinac ay ciidamo dhoobeen qaar ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya, hase yeeshee mucaaradka Dalka Itoobiya ayaa Dowladda Miles Zenawi ku eedeeyey in Ciidamada Itoobiya ay si gardaro ah ku joogaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxaa loo soo jeediyey Miles Zenawi in Ciidamadiisa uu kala soo baxo Soomaaliya, isla markaana isaga dhex baxo labada dhinaca ee iska soo horjeeda, qoraalkaan waxaa ku saxiixnaa Jeneral Jaamac Max’ed Qaalib, Cumar Xaashi Aadan, Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf, Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, Cumar Aadan Qaadi iyo Xubno kale.

Jaamac Max’ed Qaalib “Ma ahan Itoobiya iyo Maxaakiimta ee waa Itoobiya iyo Soomaaliya” ..

Jeneral Jaamac Max’ed Qaalib (Jaamac Yare) oo shalay ka hadlayey dood ku saabsaneyd doorka Haweenka ee Bulshada ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen caddowga ummadda Soomaaliyeed.

“ma ahan Itoobiya iyo Maxaakiimta ee waa Itoobiya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Jaamac Max’ed Qaalib oo intaa raaciyey “Adduunka marka la fiiriyo, markay Dowladi ku dhawaaqdo in ay Dowlad kale ku duuleyso, waxay Dowladda lagu duulayo xaq u leedahay in ay golaha ammaanka hor dhigto gardaradaasi, hase yeeshee Dowladdii maanta aan ka fileyn arrintaasi, waxa ay soo wadaa Dowladdii tiri waan ku duulayaa shacabka Soomaaliyeed”.

Jaamac yare waxa uu intaa ku sii daray “Mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee gaaray shacabka Soomaaliyeed ugana yimaada dhinaca Itoobiya, waxaa xambaari doona Dowladda Federaalka, waxaana nasiib daro ah in dad Soomaaliyeed ay yiraahdaan Itoobiya waxaan nahay Saaxiibo, halkee ayaan saaxiibo ku noqonay” ayuu is wediiyey Jaamac Yare oo xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay weligeed ka dhexeysay cadaawad.

Cali Max’ed Geeddi oo markii ugu horeysay qaatey Baasaboorka cusub..

Passport Somalia
Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub... Guji...
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

 

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nayroobi waqti uu ku sii jeeday dalka Nayjeeriya ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey Baasaboor cusub oo ay sameysay Dowladda Federaalka, kaas oo ka kooban dhowr qaybood, waxaana shalay la arkayey Ra’isul Wasaare Geeddi oo kor u haya Baasaboorkii Diblumaasiga ahaa ee uu ku dhoofayey.

Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Baasaboorkaani uu dhaqangalayo lix bilood, waxayna Dowladdu sheegtay in lixdaa bilood ka horna la sii isticmaali doono kii hore.

Ra’isul Wasaaruhu mar uu ka hadlayey xaaladda dagaal ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta waxa uu meesha ka saaray in Dowladdu aysan weerar ku aheyn Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo sheegay in Itoobiya aysan dooneyn in ay weerarto wadanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarla-maanka oo kulan la yeeshey Madxweynaha Jabuuti..

Maalintii shalay ahayd xarunta Madaxtoonyada ee Dalka Jabuuti waxaa kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankasasi la iskula soo qaaday xaaladda haatan uu marayo dalka Soomaaliya, waxayna labada dhinac isku aragti ka noqdeen in Xaaladda Soomaaliya lagu dhameyn karo wada hadal iyo is afgarad, ee aan lagu dhameyn Karin xoog iyo dagaal toona.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya looga baahan yahay in ay si dhaqsi leh uga baxaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxa kaloo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay si gardaro ku soo galeen gudaha dalka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif “Jalaabiibley iyo Garba-Saarley waxaa laga doonaya in ay diinta saldhig ka dhigtaan..

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka qaybgalay dood hal maalin sooctay kuna saabsaneyd doorka Haweenka ee Arrimaha bulshada ayaa waxa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi Aamin oo si aad ah ugu dheeraatay doorka ay Haween ku leeyihiin bulshada, ha noqoto arrimaha u adeegida Qoyska, Difaaca dalka, waxay kaloo sheegtay Caasho Xaaji Cilmi in aan loo baahneyn in waqtigaan la inkiro Doorkaas oo ay ku tilmaantay mid laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed.

Sheikh Shariif oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay weligood ahaayeen kuwo u taagnaa sidii wadanka looga difaaci lahaa caddowga, maanta waxaa looga baahan yahay inay dadaal intaasi ka sii badan la yimaadaan.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Haweenka looga baahan yahay in wax walba ay saldhig uga dhigtaan Diinta Islaamka, ha noqdaan Jalaabiibley ama Garbasaarley.

Waxaa kaloo uu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay u qabteen shirar fara badan Haweenka, maanta ay weli diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan Haweenka, waxa uuna meesha ka saaray in wax xaqiraad ah ku sameeyeen Haweenka Soomaaliyeed.

Xubnihi kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maryan Cabdule Qaawne oo sheegtay in Golaha Maxaakiimta in ay mar kasta ogaadaan muhiimadda Haweenku bulshada u hayaan, sidoo kale waxaa ka hadlay Xabiibo Xaaji Jimcaale oo sheegtay in Golaha Maxaakiimta looga baahan yahay in ay hoos u eegaan waxa ay Haweenka Soomaaliyeed ku nool yihiin, waana middaas midda aan dooneyno, waxaa kaloo ka hadlay doodaasi Maryan Xuseen Awreeye oo iyana sheegtay in Maxaakiimtu ay mar hore uga fadhiyeen in gebi ahaanba ay mamnuucaan Dhoofinta Dhuxusha laakiinse aysan habooneyn in ay fursad siiyaan kuwa xaalufinaya dhirta Soomaaliyeed.

Dadweynaha Balanbale oo u gacan haatinaya Maxkamadaha ...

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in markii ay la wareegeen Maxaakiimtu Magaalada Cabudwaaq ayna ku soo dabaaleen xasilooni iyo nabad ayna qaadeen isbaarooyhinkii halkaasi ku yiilay ayaa dhanka kale dadweynaha ku nool deegaanka Balanbale, waxa ay ka codsadeen Maxaakiimta Islaamiga ah in ay si dhaqsi leh u soo gaaraan deegaankaasi.

Dadweynuhu waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan kooxo isbaaroley ah, iyo waliba Ciidamada Itoobiya, waxayna wararku sheegayaan in maalmaha soo socda deegaankaasi ay gaari doonaan xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta si ay u soo eegaan xaaladda halkaasi ka jirta.

Dhanka kale dadweynihii ka qaxay Magaalada Cabud-Waaq ayaa dib ugu soo laabtay kaddib markii ay ogaadeen in Maxaakiimtu u socdaan ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, waxaana la filayaa in berito degmada Cabud-Waaq looga dhawaaqo Maxkamad Islaami ah.

Ganacsatada oo loo soo jeediyey inay hubkooda ku wareejiyaan...

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa wareegto soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna wareegtadaasi sheegeysaa in laga bilaabo maalintii shalay ahayd ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay ka taliyaan Maxaakiimtu in ay si dhaqsi leh hubkooda Waaweyn ugu soo wareejiyaan taliska Maxaakiimta.

Sheekh Shariif ayaa xusay in hubka laga wareejinayo uu ugu yar yahay Qorga BKM oo ay Soomaalidu u taqaano Dabamiishaar, waxay kaloo wareegto sheegeysay in hubkaasi qofka kasta uu keeno xarunta Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, waxaana loo xilsaaray guddi 3 xubnood ah oo uu madax u yahay Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).

Ciidamo Itoobiyaan ah oo si aad ah ugu soo dhawaanaya ...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in Magaalada Gaalkacyo gebi ahaanba la wareegeen Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan saldhigyadii ay ku sugnaan jireen ciidamadii Puntland.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay u soo dhaqaaqeen dhinacaa iyo Deegaanka Bandiiradley, gaar ahaan halka lagu magacaabo Saddex Higlo , waxaana la sheegay in Ciidamada Maxaakiimta iyo Kuwo Itoobiya isku jiraan wax ka yar 10Km.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu diyaar garoow adag halkaasi ka wada, waxaana gaaray gurmaddii ugu balaarnaa ee dhinaca Saadka iyo Ciidamada, sidoo kale waxaa gaaray saraakiil ku xeel dheer dhinaca dagaalka oo ka tirsanaan jiray ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo horey dagaal ula galay Ciidamada Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda uu dagaal qaraar dhex maro Maxaakiimta iyo Ciidamada Itoobiya.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Nov 28, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD