SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Salaaddiinta iyo Aqoonyahannada Digil oo Ku Baaqey In Kaalmo Lala Soo Gaadho:

Qaar ka tirsan Salaaddiinta ,Aqoonyahannada iyo Culumaa’uddiinka Beelaha Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta shir ballaadhan ku yeeshey, magaalada Muqdisho waxayna ka arrinsanayeen Dhibaatooyinka Fatahaadda labada webi iyo daadaka Roobabku u geysteen deegaannada Koonfurta Soomaaliya Gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose .Masuuliyiinta ayaa caddeeyey inay gobolkaas ka jirto masiibo bani’aadanimo oo ay sabaabeen fatahaadda webiga shabeelle,waxayna waxgaradkani ku doodeen inaan wax gurmad ah oo dadkaas la gaadhsiiyey aysan jirin hay’ad ama shaqsi iyo maamul intaba.

Salaaddiinta qaarkood oo shirka kaga qaybgaley qaab taleefoon ah ayaa codkooda waxay ku biiriyeen baaqyada qayllo dhaanta ah ee ay sida wadajirka u soo saareen Aqoonyahananada iyo Culumaa’uddiinak Beelaha Digil.Waxayna Codsi u direen Hayadaha Calamka ,NGOyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka shabeellada Hoose ee qurbaha ku nool iyo kuwa wax haysta ee gudaha ku nool inay dadkaas dhibaateysan la soo gaaraan kaalmo degdeg ah .

Waxaana shirkaas lagu magacaabey guddiyo iskugu jira salaaddiin iyo aqoonyahahnno iyo culumaa’uddiin ,kuwaas oo la socon doona soona qiimeyn doona Baaxadda Dhibaatada ee soo gaadhey shacabka Gobolka shabeellada Hoose ku dhaqan.Masuuliyiinta ayaa waxay codsigooda ku sheegeen in wixii gurmad ah ee loo fidinaayo shacabka gobolka loo soo marsiiyo Jamciyadda Suuban Alkheyriyah “Suuban Chartiballe Cosity” oo ah jamciayd ka howlgasha Gobolka Shabeellada Hoose ,islamarkaasna mashaariic fara badan ka fulisey gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka Baaqa Soo saarey waxay Magacyadooda kala Yihiin:

1- Sulddaan Buuwe C/lle Buuwe
2- 2-Sulddaan Siideey Maxamednuur
3- Jeylaani Maxamed Oofoow
4- Sheekh C/khaaliq C/llaahi Xamza
5- Sheekh Xasan Siid Cali
6- Sheekh C/llaahi Sheekh Ibraahi
7- Maxamed Yuusuf Max’ed

Dalka kenya oo shaaciyey inuu aqoonsaday baasaboorka cusub ee ay soo bandhigtay DFKMG ahi dhowaan.

Passport Somalia
Maxakamadaha oo diidey Baasaboorka Cusub... Guji...
:::HAAMO SOO CAARIYEY:::

Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya

 

Dowladda Kenya ayaa noqotay Dowladdi u horeysay ee aqoonsata Baasaboorka Cusub ee ay dhowaan soo bandhigtay Dowladda soomaaliya , kaasoo u kala baxa afar nooc ,Waaxda Socdaalka ee Dalkaas, ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya ee Diblomaasiga ah, waxaana markii u horeysay Baasaboorkaas ku tagay magaalada Nairobi xubno uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Geeddi.

Afhayeen u hadlay dolwalada soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Baasaboorada Dowladda ay soo saartay dhowaan inay aqoonsanayaan Caalamka oo idil ,Baasaboorka Cusub ee ay soo bandhigtay Dowladda Soomaaliya, ayaa bedeli doona Baasaboorkii hore ee Dowladdi Siyaad Barre, kaasoo dalal dhowr ahi ay mamnuuceen in lagu soo galo.

Baasaboorka Cusub ayaa qiimaha lagu iibsanayo lagu sheegay 150$, oo la sheegay in ay ku iibsanayaan Soomaalida Dibada ku nool, halka Soomaalida joogta Gudahana ay ku iibsanayaan 50$.

DHanka kale wararka kasoo baxaya Golaha Maxaakimta Islaamka ayaa sheegaya inaysan aqoonsan doonin Baasaboorka cusub ee Dowladda FKmg ah, waxeyna sheegeen in Deegaanada ay ka taliyaan aysan laga isticmaali doonin Baasaboorada ay soo saartay Dowladda soomaliyeed ee kmg ah.

Si akstaba ha ahaatee arintan ayaa u muuqanh karta mid sii xoojinaysa xalada murugsan ee siyaasadeed ee u dhaxaysa dowlada soomaaliya iyo golaha maxaakiimta islaamka taasoo cirka kusii shareeri karta xaalada awalba cakirayd ee soomaaliya .

Sheekh Shariif oo dagaal la iclaamiyay ku tilmaamay qaraarka qabyada ah ee uu Mareykanka hordhigay Golaha Amaanka

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Qorshaha Mareykanka ku doonayo in Soomaaliga loogu diro Ciidamo Afrikaan ah ,Sheekha oo u waramayay Laanta British Broadcasting Corporation ee Qeybteeda Afka carabiga, ayaa qorshaha qaraarka qabyada ah ee loogu gudbiyay Golaha Amaanka ku tilmaamay mid dagaal lagu iclaamiyay.

Sheekha ayaa Mareykanka ku eedeeyey inuu u ololaynayo Qorshaha Ciidamo Afrikaan ah loogu soo diri lahaa Soomaaliya, isagoo dhanka kale sheegay in arrintaas ay keeni karto dagaal ba'an oo lagu hoobto .

Shariifka ayaa sheegay in hadii la qaado Xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ay dhalin karto dagaalo sokeeye, wuxuuna muujiyay sida uu uga soo horjeedo qaraarka Qabyada ah ee la hordhigay Golaha Amaanka.

Si kastaba ha ahatee arimahan ayaa kusoo beegmaya xili ay Dowladdo badan oo ku jira Golaha Amaanka ayaa si weyn uga soo horjeedaan Qorshaha Qaraarka Qabyada, iyagoo ka digay in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf :Sheekh shariif jihaadka uu ku dhawaaqay waa dulmi iyo daandaansi.

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha Islaamka ahi inay weerar ku yihiin dowladiisa , waxaana uu ku sheegay wareysi gaar ah uu siiyay Telefishanka Alcarabiya Xafiiskiisa Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Maxkamadaha Sheekh Shariif uu ku shaacinayay Jihaad inuu yahay dulmi iyo daandaansi .

Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareysigiisa in Maxkamadaha inay marin habaabiyeen Micnaha Ereyga Jihaad oo ay u adeegsanayaan dano kale oo gaar ah oo ay ku doonayaan inay xukun ku gaaraan .

Sidoo kale Waxa uu intaasi ku daray madaxweynuhu inuu Sheekh Shariif Gudoomiyaha Fulinta Maxkamadaha uu qaadi doono mas’uuliyadda dhibka iyo cawaaqib xumada ka timaada dagaalka uu ku dhawaaqay waa siduu hadalka u dhigaye .

Mar la weydiiyay in kooxo argagaxiso ay joogto soomaaliya , ayaa waxa uu ku jawaabay in uu hayo cadeymo aad u qoto dheer oo xaqiijinaya in uu xubno sare oo argagaxisada caalamka ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya , ayna ka barbar dagaalamaan Maxkamadaha Islaamka .

Si kastaba ha ahatee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu intaasi ku daray in kooxda argagaxiso ee Soomaaliya joogta ay maxkamadaha ka gacan siiyaan fulinta falalka burburinta ah , waxaana taa cadeyn u ah ayuu yiri weerarkii argagaxiso ee Beydhabo ka dhacay laba bilood ka hor oo lala beegsaday kolonyo uu madaxweynaha oo aniga ahi aan la socday , waxaana taa ay wadatay calaamadaha argagaxisada marka loo eego qaabka qorsheynta iyo fulinta waa siduu sheegaye.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
 

Faafin: Nov 28, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD