SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 5, 2006

  • Wasiirkii ugu horeeyey oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo iska casiley
  • Amal Sheekh Max’ed Ismaciil “Aabbahay wuxuu u xiran yahay.”
  • Shaqaaqo shalay ka dhacay xerada Laanta Buuro
  • Dowladda Federaalka ah oo hub gaarsiisay Mid ka mid ah..
  • Xuseen Caydiid “Xaq ayey u leedahay Dowlada Kenya…”
  • Warbixin: Soomaalida Koonfur Afrika

Wasiirkii ugu horeeyey oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo iska casiley

Tan iyo markii Dowladda Federaalka lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya muddo haatan laga joogo labo sano iyo bar waxay ka bixi weysay jah-wareer siyaasadeed, waxayna maalina walba ku jirtay xaalad cusub. Haddaba Waxaa shalay iscasilay Wasiiru dowlihii Wasaaradda War-Faafinta Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye, Kaddib markii ay Dowladda ku eedeysay wax qabad la’aan gaar ahaan qorshaheeda ku aadan mustaqbalka. Qadiijo waxay sheegtay in qorshihii uu dhawaan soo gudbiyey Ra’isul Wasaare Geedi uu ahaa mid kooban oo u daneynayey wasaarado yar, waana Wasiiraddii ugu horeysay oo iska casisha xilkaasi, kaddib markii ay Dowladdu codka kalsoonida ka heshay Golaha Baarlamaanka mudo haatan laga joogo bil. Qadiijo waxay si aad ah isugu dhawaayeen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna ka mid aheyd xubnaha sida aadka ah ugu ololeynayay in dalka la keeno ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya dowladda Federaalka. Warar ayaa waxay sheegayaan in Qadiijo ay horsed u noqon doo in ay maalmaha soo socda is casilaan wasiiro ka tirsan Dowladda, iyadoo dhawaan qaar ka mid ah wasiirada Dowladda ay ku eedeeyeen dowladda Cali Max’ed Geedi inay tahay mid aan hor u socon. Dhawaan ayaa wasiiro fara badan waxay iska casileen xilkii wasiirnimo kaddib markii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ku tilmaameen in uu yahay Ra’isul Wasaare aan gudan Karin xilkiisa, isla markaana qaar ka mid ah Wasiirada waxay ku tilmaameen in uu yahay nin dalka Gacanta ku gelin raba dowladda Itoobiya, hase yeeshee waxaa markii dambe khilaafkii ay isku casileen wasiiradaasi soo kala dhex galay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya Mosvin

Amal Sheekh Max’ed Ismaciil “Aabbahay wuxuu u xiran yahay.”

Amal Sheekh Max’ed Ismaaciil oo uu dhalay Sheekh Max’ed Ismaaciil oo ah Sheekh ku xiran Xabsiga Magaalada Hargeysa dhawaana Web-Site-yada caalamka laga daawaday iyada oo ay jir dilayaan ciidamo ka tirsan maamulka Daahir Riyaale ayaa waxa ay xariga Aabbaheed ku tilmaantay mid xaqdaro ah.

“Aabbahay waxa uu u xiran yahay maxaad u fidineysaa diinta Islaamka oo aad uga soo horjeedaa Itoobiya iyo Mareykanka” ayey tiri Amal oo markii la wareysaney ilmeyneysay taas oo dadka Soomaaliyeed aad uga jariiracoodeen, waxayna ummadda Soomaaliyeed ka codsatay sii loo siideyn lahaa Aababbaheed. Amal waxa ay sheegtay in Aabaheed uu u shaqeynayay carruur fara badan kuwaas oo ku nool dalka Gudihiisa iyo dibaddiisa.

Shaqaaqo shalay ka dhacay xerada Laanta Buuro

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Laanta Buuro waxay sheegayaan in ciidamo halkaasi ku xareysnaa oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah ay shalay halkaasi ka sameeyeen shaqaaqo kaddib markii ay soo jeediyeen in la siiyo mushaarooyin, maadaama lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan isla markaana ay fooda nagu soo hayso Ciidii.

Is rasaaseyn halkaasi ka dhacday ayaa waxa ku dhaawacmay labo qofood, iyadoo qaar ka mid ah ciidamadii halkaasi ku jiray ay isaga soo baxee, warar kale ayaa waxay sheegayaan in markii dambe ciidamadaasi u yimaadeen saraakiil ka tirsan golaha Maxaakiimta oo ku qanciyey in la siin doono musharooyinkooda sida ugu dhaqsiyaha badan. eradaas ayaa waxa ku xareysan ciidamo loo tababarayo ammaanka dalka iyo difaaca wadanka.

Dowladda Federaalka ah oo hub gaarsiisay Mid ka mid ah..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baar-Dheere gaaray saraakiil iyo ciidamo uu horkacayey taliyihii Isbahaysigii Dooxadda Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Far-Taag) kaasoo ka tagay Magaalada Baydhabo kaddib markii uu halkaasi kulan kula yeeshay mas’uuliyin ka tirsan dowladda Federaalka oo ay ka wada hadleen sidii Barre Hiiraale uu dib ugu laaban lahaa Magaalada Kismaayo oo ay dhawaan ka soo saareen Ciidamo ka socday golaha Maxaakiimta.

Dowladda Federaalka ayaa Far-Taag siiyey hub isugu jira mid fudud iyo mid culus kaas oo loogu talagalay in lagu weeraro magaalada Kismaayo, waxaana haatan Baar-Dheere lagu uruurinayaa ciidamo iyo Tikniko si Barre Hiiraale uu mar kale gacantiisa ugu soo laabato magaalada Kismaayo.

Hubkaan ayaa Dowladda Federaalka waxay markii hore ka heshay Dowladda Itoobiya, lamina garanayo waxyaabihii uu ka koobnaa hubkaasi.

Xuseen Caydiid “Xaq ayey u leedahay Dowlada Kenya…”

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan isugu yimid golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka waxaana kulankaasi shir guddoominayey kusimaha Ra’isu Wasaaraha Xuseen Caydiid, waxaana la iskula soo qaaday go’aankii Dowladda Kenya soo saartay ee ku saabsanaa in ay dadka Soomaaliyeed ka mamnuucday in ay ka soo degaan Garoonka Wilsan Airport ha noqdo mis sita Baasaboor Soomaali ah iyo mid shisheeyaba.

Xuseen Caydiid ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay xaq u leedahay I nay adkeyso ammaankeeda, waxa kalloo uu sheegay in Dowlada Federaalka ah ay aad u soo dhaweyneyso in qof aan ogolaansho ka haysan Dowladda Federaalka uusan soo geli Karin gudaha Dalka Kenya, hase yeeshee Xuseen Caydiid waxa uu sheegay inay shacabka Soomaaliyeed u fududeyn doonaan wixii ku saabsan socdaalka wadanka Kenya, dhinaca kale Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay sheegeen in go’aanka ka soo yeeray Dowladda Kenya uu yahay mid sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in aysan aqoonsaneyn Dowladda Federaalka, shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday go’aanka deg dega ah oo ay qaadatay Dowladda Kenya, gar ahaan waxaa si aad ah uga carooday dadka Soomaaliyeed ee sita Baasaboorada Shisheeyaha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Warbixin: Soomaalida Koonfur Afrika

Shalay galab abaarihii 3:00 galabnimo ayaa waxaa ka dhacay Saldiga weyn ee police  Thempalto ee magalada Goerge Shir aya  iskgu yimadeen Ganacsatada Somalida iyo South afircanka halkaasi oo ay kaga wada hadleen arimo ku saabsan xagga Ganacsiga, Amniga iyo wada nolashaha.

Shirkas ayaa waxa kaalin weyn ka qaatay sidii ay iskugu soo dhawaan lahaayeen ama ay u wada noolaan lahayeen dadka u dhaqan degaankasi, Taliyahay ciindka booliska e Thempleto.

Waxaa kale oo ka soo qeyb galay gudiga Community-ga Somalida ku dhaqan Magaaladaas Goerge oo uu hor kacayay Gudoomiyahay Community-tiga Somalida Sh. Saciid Abdulaahi Wheliye, ahan Khadibka Masajidka ugu weyn ee magaaladda Goerge .

Sidoo kale waxa ka so qeyb galay dhalinyaro iyo ganacsato oo iskugu jiray labada dhinac south afircan iyo somalida.

 Shirkan oo socday mudo 2 sacadood ah ayaa waxa la isku wey daarsaday sabaha keenay dilka somalida lagula kacay waayadan danbe, kadib marki lagu dilay tiro ku dhawaad 36 qoof halka kuwo kale oo dhaawac ahi  yaalan isbitaalada Cape town iyo guud ahaan wadankan South Africa. 

waxaa ka mid ah qodobada  muhiimka ah ay soo gudbiyeen policka wadanka south afirca.

  1. Somalida oo lagu so eedeeyay in ay dukaano badan ka furaan meel aan munaasib u ahayn ganacsiga
  2.   Qiimaha ama price –ka oo  ka hooseye kan wadaniga,  kadibna ay la wareegaan macaamishii ama customer-ki  wadanigu lahaa.
  3. iyo in ay la shaqeeyaan labadaba police-ka  si loo sugo amaankooda.

ugu danbeyntiina wxaa la isku raacay in ay sameysataan Gudi isku dhaf ah oo ka koban 6 xubin oo labada dhinac ah ku waas oo   xaliya khilaafadka is faham la’ta dadka ku dhaqan maaladdaasi .

Soomaalida south Africa aya waxa ay ku nool yihiin Cabsi iyo wal wal  taas oo ay heysan wax ka caawiya  hey’adaha samafalka ama dowladda south afrca intaba

CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA

Abdirahman Mohamed Abdi Fiyoore

Goerge South Africa.


Ogeysiis: Reer Minnesota:::

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan Soomalida degan gobolka Minnesota in ay ka soo qayb galaan shir muhiim ah oo ku saabsan warbixin laga diyaariyey waxbarashada Soomaaliya 2006 iyo sida ay ugu xiran tahay Minnesota. Shirkaa oo ay ka hadli doonaan Soomaali iyo ajnabi u dhashey reer Minnesota oo dhawaan ka soo noqdey Soomaaliya. Waxana lagu qabanayaa qolka shirarka Fine Arts ee, Inver Hills Community College. Taariikhda waa 10/17/2006, shirkana waxa uu bilaabmi doonaa 2:00PM, haddii Allaha awooda leh ogolaado. Fadlan waqtiga dhowr. Wixii faahfaahin ah fadlan la xiriir Abdimalik Askar, 651-428-6963 ama aabdimalik@hotmail.com .

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2006

Ciidamada Maxkamada Towxiid oo Gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle
»Dagaal maalintii 5-aad ku dhexmaraya laba Laba Beelood..
»Cadde Gaabow “Xaalka Soomaaliya waxa uu ku soo ururey
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Deegaanka..
»Gondaleze Rise oo wadamada Carabta ugu baaqdey in..
»Cismaan Caato oo beeniyay arin maamulka puntland ku..
»Warsaxaafadeed guddoomiyaha xisbiga RPP....
Wararka oo dhan ka akhri... Oct 4

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

Cismaan Caato oo safar dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo gaaray Magaalada Dhoobley
»David Shinne “Maxkamadaha u maleyn maayo in ay..”
»Maamulka Puntland oo sheegay in aysan u dulqaadan..
»Baaq ka soo baxay Culimaa'udiinka Waamo...
Wararka oo oo dhan ka akhri halkan Oct 3

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan la filayo in uu Booqdo wadamada Itoobiya , Kenya iyo...  
»Maxaa ka soo baxay kulankii Qaahira ee J/Carabta..
»Maxkamadaha oo miinooyin ku aasay Deegaano ku dhow ..
»Waraaqo lagu daadiyey Magaalada Baydhabo..
»Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo shacabka ka dalbadey Cafis
»Dagaal ka dhacay dhabad iyo ducdeer oo ay ku dhintay 19
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 2 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD