SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  SOOMAALIYA

Col. Aadan Kaalmoy oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay:::

Su'aal: Ka warran in Kililka Shanaad la raaciyo Soomaaliya: Jawaab: Dadkaas ayaa nagu af ah oo waa soo goyneynaa oo intaan keeneynaa, wax adduunyada lagu arkay ma ahan....

kalmoy

Col. Aadan Kaalmoy Dhaqane oo sheegay in uu yahay Kornayl ku dhashay Soomaaliya, haddase sida muuqata jooga gudaha Itoobiya, sheegayna in uu ka tirsanaan jirey ururkii SSNF (Sheegayna in uu ururkaas Guddoomiyey kuxigeen uga ahaan jirey Gobolka Gedo),  sheegaynya in uu dhowaan ka yimid Soomaaliya ayaa waxaa waraystay shabakada afka Zenawi/Tigreega ku hadasha, taas oo weydiisey su'aalo la xiriira arrimaah Soomaaliya. Waxaana waraysigaas laga qaaday December 18, 2006.

Su'aalihii la weydiiyey waxaa kamid ahaa: Waa maxay ujeedada (Maxkamadaha Islaamiga)?

Wuxuuna ku jawaabey: Ujeedadoodu waxaa weeye in geeska Afrika laga sameeyo waxyaalo aanjirin, oo dad aan u dhalan lagu abuuro, sida Afganistaan oo kale, iyo meelaha kale oo argaggaxisada lagu abuuro ayey doonayaan. Dunida Islaamkeey ugu yeerayaan in ay Soomaaliya soo galaan, Itoobiyana Afrikaan nimadii ayey eegeysaa, dowlada Itoobiya ayaana isku dayday in ay Soomaaliya dhibka ka saarto.

kaalmoyDhibka waxa wada ayaan idiin sheegayaa: ayuu yiri, isgoo is giriirixinaaya: Ereteriya deked ayey leedahay, Jabuutina deked ayey leedahay, Soomaaliya deked ayey leedahay. Jabuuti ma rabto in Soomaaliya dekedeeda ay isticmaasho Itoobiya, Ereteriyana ma rabto in Soomaaliya ay nabad noqoto oo markaas dekeda Soomaaliya ay Itoobiya isticmaalaan ma rabaan. {Hadalkaas oo la mid ah qoraalkii ay soo saartay wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya ee ku aadanaa himilada ay ka leedahay Soomaaliya... Eeg halkan}

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: Haddaan hadda laga hor tegin qof kasta meeshiisa ayey ugu tegeyaan, int auu ka so sheekeeyey Itixaadkii Gedo iyo qaraxyo ka dhacay kililka shanaad ee Soomaalida, iyo Addis ababa, iyo Nairobi iyo Tansaaniya, waxana uu yiri Ameerika meesheeda ayaa loogu tegeyaa.

kaalmoyIsagoo itoobiya u doodaya waxa uu yiri: Istaraatijayada haddii ay Soomaaliya xoog ku yeeshaan, oo "argaggaxisada" halkaas ay xoog ku yeelato, waa istaraatijiyo weyn oo Indian Ocean ah, meel walbana laga soo degi karo, waxaa weeye dhibka ay Itoobiya ka qayblineso adduun weynaha waa la qaybsan doonaa, annaga Itoobiyaan ku dhex jiraa, ciidamada Itoobiya, war ciidamo Itoobiya oo ku jira xadka ma jiraan Soomaaliya, waxa ku jira waa wax tababar ah, dacaayada iyo hanjabaadka loo hanjabayo, dawlad weyn oo deris ah oo xoog weyn oo walaal ah oo qaxootiganagu ku jirana in loo hanjabo oo dadka lagu diro ma ahan, ee in laga daayaan qabaa, Itoobiyadii hore oo jirtey iyo Itoobiyada cusub oo maanta isku mid ma ahan, labadiiba (dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya) meesha ma joogaan, shacabkii ayaa meesha jooga, labadii isku mar ayey burbureen, itoobiya ayaa dowlad yeelatay, Soomaaliyana ayna madax yeelan, madaxdii Itoobiya waa na soo dhoweysey, si fiican oo qurux badan ayey noo soo dhoweysey, Jabuuti lama geli karo qof aan fiisa wadan, Keenyna ma geli karo qof aan Fiiso wadan, xadka waa la iska soo galaa amxaaradaa la feeraa wax wax ku yeelayaana ma jirto.

Ka waran waxay shegeen (Maxkamaduhu) in ay kililka shanaad ee Soomaalida soo raacinayaan, oo Soomaali midaysan la sameeyo, arrintaas sidee u aragtaa, markii la weydiiyey waxa uu ku jawaabey: Taas maalinkii ay qabsadeen Kismaayo ayey ku dhawaaqeen, Jabuuti waa ka reebeen waxayna yiraahdeen Kenya iyo Itoobiya meelaha ay Soomaalidu degto dadka deggan dad Muslin ah ma ahan, Soomaalida ayaan soo raacineynaa, Muslinimada ayaana bareynaa ayey yiraahdeen oo ajandahooda (qorshahooda) ugu jirta. Waxaa markaas la weydiiyey, go'aankaas go'aan sax ah miyaa mise waa khaldan yihiin. Wuxuuna ku jawaabey: go'aan khaldan waaye, dawlad halkaas jirta, oo dadkaas ayaa nagu af ah, oo waa soo goyneynaa, oo intaan keeneynaa, wax adduunyada lagu arkay ma ahan. Dastuur ayey Itoobiya leedahay ee iyaga maxaa ka khuseeya, dastuurkooda iyagaa leh haddey goosanayaana iyagay khuseysaa, ma dastuurka Itoobiyaa qolada Itixaadka ah wax ka sheegi karaan, waa arrimo khaldan oo an la malayn karin, waa riyo weeye, dhalanteed weeye. {Waa hadal u dhigma kii GEEDDI hore u sheegay}.

Halkan ka Daawo col. Kaalmoy: Qaybta 1aad | Qaybta 2aad


GEFKII GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaaraha Dawladii Soomaalida loogu soo dhisay Kenya oo gumeysata NFD oo ah dhul Soomaaliyeed ayaa sheegay in NFD & SoomaaliGalbeed  aysan Gumaysi ku jirin, hadalkaas markii uu yiri safarkii ugu horeysey ee uu Jawhar kaga ambabaxo waxa uu u aadey Itoobiya oo Gumeysata SoomaaliGalbeed. Fikradaada ka dhiibo arintaas..
 
[
DHEGEYSO HADALKII GEEDI].. AKhri Qoraaladii arrintaas lag aqoray


"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad Cilmaani ah (oo wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn), Iyaguna Waxay rabaan in ay Soomaaliya Ka Asaasaan Dowlada Islaami ah" DFKMG

"We Want to Create Secular State in Somalia, They Want to Create Islamic State In Somalia"

DAAWO VOA::: Waraysiga TV oo dhamaystiran ka daawo halkan..

DHEGEYSO:: Dowlad Secular ah ayaan rabnaa in aan asaasno


Mar la weydiiyey Ciid Beddel in sababta uu Maraykanku xilligan qaraarka cunaqabataynta ka qaadida Soomaaliya u soo hor dhigay Qaramada Midoobey in ay tahay in Soomaaliya ay joogaan Argaggixiso, waxana uu ku jawaabey "MAYA". Hadalkaas ah in aan Soomaaliya Argaggaxiso joogin waxa uu si toos ah uga hor imanaya hadaladii Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG (ee uu Ciid Beddel wakiilka u yahay) ee hore Soomaaliya ugu sheegeen in ay joogaan Arggagixiso.


Ciid Beddel Maxamed oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo ka jawaababyey su'aalo ku saabsan Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaas oo December 13, 2006 laga weydiiyey Telefishanka Voice of America, ayaa ku jawaabey  "Waxaan rabnaa in aan Soomaaliya ka Asaasno Dowlad 'Secular' ah (diin iyo aakhrino toona shaqo ku lahayn), iyaguna (Maxkamadaha) waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah". Waxana uu intaas ku daray in arrintaasi ay tahay tan keentay xiisadda u dhexeysa  Maxkamadaha iyo Dowlada Federaalka Kumeelgaarka. [Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)]. DHEGEYSO:: Hadalkaas ka dhegeyso Halkan

DAAWO::: Waraysiga TV oo dhamaystiran ka daawo halkan..

  • TAARIIKH KOOBAN:::: Taariikhyahannada Muslimiintu marka ay sharaxaad ka bixinayaan kemedda "Secular" waxa xusaan ficiladdii Mustafa Kemal Atatürk (Dhammaadkii dagaalkii Koowaad ee Adduunka). Mustafa Kamaal waxa uu dalka Turkiga oo ahaan jirey dal Islaami ah ka dhigay "Secular State", si uu taas u hirgeliyo waxa uu sameeyey arrimo ay ka mid ahaayeen: Ardaydii dhigan jirtey dugsiyada Quraanka inta laga saaray ayaa la geeyey iskuulo ah "Secular Schools", waxa uu baab'iyey maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo shareecadii Islaamiga, waxana uu ku bedel Qaanuunka madaniga (civil code) laga soo minguuriyey xeerkii dalka Switzerland, iyo xeerarka fal-dembiyeedyada (Penal code) laga soo minguuriyey xeerarka dalka Talyaaniga. Waxa uu mamnuucay khimaarka ay gabdhuhu isku asturaan. Mustafa Kamaal waxa kale oo uu bedeley magacyadii magaalooyinka, sida magaaladii caanka ahayd ee Taariikhda ku lahayd Islaamka ee Constantinople oo uu u bixiyey Istanbul. Waxa uu baab'iyey luqadii carabiga ee dalka Turkiga laga adeegsan jirey, waxa uu mamnuucay koofiyadii ay raggu xiran jireen waxana uu yiri raggu waa in ay u lebistaan sida reer Yurub. Waxa uu fasaxay oo weliba dhiiri geliyey in la cabo Khamriga, dadkuna ay soo saari karaan Khamri, isla mar ahaantaana xitaa dowladu ay yeelan karto wershado soo saara Khamriga. Muddo gaaban ayuu dal Muslim ahaa kaga dhigay dal "Cilmaani" (secular = Aan Diin iyo Aakhiro toona shaqo ku lahayn.). [Qoom Allah ma bedelo haddii aysan gacmohooda Isku bedelin].
  • QuraanSuuradda Ar-Racad, Aayadeeda 11, qayb ka mid ah ayaa macneheedu yahay: "Allah ma dooriyo wax dad ku suganyahay intay ka doorinayaan waxa naftooda ku sugan" {Qur'aan 13:11}.
  • Xadiis uu weriyey Muslim, kana soo weriyey Abuu Saciid al-Khudri ayaa macnihiisu ahaa:  Rasuulkii Allah (Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee) ayaa yiri: "Haddii mid idinka mid ah uu arko shey ama wax xumaan ah, waa in uu ku suuliyaa gacmihiisa; haddii uusan taas awoodin waa in uu markaas ku suuliyaa carrabkiisa, haddii uusan taas awoodina waa in uu qalbiga ka nebcaadaa- taas oo ah iimaan kan ugu diciifsan".

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2006


Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.


Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD