SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii:: Feb 1, 2007
  • Shariif Xasan oo sheegay inuu yahay weli Gudoomiyaha Baarlamaanka .
  • Dowladda fedaraalka ah oo isku khilaafsan ka qaybgalka shir dib u heshiisiin ah…
  • Shiikh Aadan Madoobe oo ku guuleystey Xilkii Gudoomiyhii Baarlamaanka
  • Muxuu Ku Soo Gaba-Gaboobay Shir Madaxeedkii Afrika Ee Ka Socday Adiis-ababa...
  • Ciidamo Dheeraad Ah Oo Kasoo Kicitimay Maamul Goboleedka Puntland Oo La Dejiyey Garoonka Balidoogle Ee Gobolka Sh/hoose.
  • Qoraal ay soo saareen koox sheegatay inay ka soo horjeedaan dowladda federaalka Soomaaliya

  • Uganda: NRM MPs Throw Out Govt Bid to Rush Somali Deployment

Shariif Xasan oo sheegay inuu yahay weli Gudoomiyaha Baarlamaanka .

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa Gudoomiyhii Baarlamaanka ee Dowladda Fedaraalka kol horena ay ka qaadeen Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in uu weli yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sida Xaqa ah lagu doortay cid ka qaadayna xilkaasi aysan jirin.

“Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya. Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada Soomaaliyeed wxa uuna ku tilmaamay doorashada Gudoomiyanimda ee Shiikh Aadan Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya waayo waxay weligeed ku taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama maanta ay fursad u heshay, waxuu kaloo sheegay inuu halkii ka sii wadayo Shirarka Caalimiga ah ee uu ka qaybgali jiray Baarlamaanka Soomaaliyeed

Dowladda fedaraalka ah oo isku khilaafsan ka qaybgalka shir dib u heshiisiin ah…

Iyadoo Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed uu Adis-Ababa ka sheegay inuu soo dhawaynayo Shirwayne dib u heshiisiin ah ee ay isugu yimaadaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ayaa hadana wararka ka imaanya Magaalada Baydhabo waxa ay sheegayeen in Cali Max’ed Geedi oo ah Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya uu si aad ah uga soo horjeedo in la qabto Shir dib u heshiisiin ah ay isugu timaato Ummadda Soomaaliyeed waxa uuna aritaani ku tilmaamay mid la doonayo in lagu Bur-buriyo Dowladda Soomaaliyeed.

Geedi waxa uu sheegay in xiligaan aysan jirin wax lala heshiiyo oo ka soo horjeeda Dowladda fedaraalka ah hase yeeshee Habeen walba Dadwaynaha ku nool Magaalada Muqdisho wxay maqlaan Qaraxyo oo ay u sii dheertahay Dilala iyo dhac balse waxa jira Xildhibaano iyo Wasiiro aad u danaynaya in la qabto Shirwayne Guud oo ay isgu timaado dhamaan ummadda.

Shiikh Aadan Madoobe oo ku guuleystey Xilkii Gudoomiyhii Baarlamaanka

Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada Baydhabo lagu qabtay kulan lagu doornayey Gudoomiyaha Baarlamaanka ka dib markii 17-kii Bishii hore Xilkii laga qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku Takri falay xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo inuu ku xadgudbay Axdiga ku meel gaarka ah .

10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax waxaana tartamay 7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo horeen 2-Musharax oo kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur waxaana 153-cod ku guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay 50-cod waxa uuna sheegay Shiikh Aadan Madoobe markii la doortay ka dib inuu Baarlamaanka kuhogaanmin doono si Cadaalad ah isla markaana uu ku dhaqmi doono Axdiga ku meel gaarka ah hase yeeshee Gudoomiyhii hore ayaa waxa uu sheegay in uu wali yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed. Ee sida saxda ah lagu doortey

Beesha Mareexaan oo aad uga carootay hublagu wareejiey Ciidamo..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayeen in Beesha Mareexaan ee ku sugan Magaaladaasi ee aad uga carootay markii Ciidamada itoobiya Hubkii ay ka aruuriyeen Dadwaynaha Deegaanka gacanta loo galiyey Ciidamo ka tirsan Dowladda fedaraalka balse Beeshu sheegtay in Ciiamadaasi ay yihiin Ciidamo Beeleed oo laga keenay Maamul Goboleedka Puntland.

Waxgarad iyo,Odayaal, ka tirsan Beesha Mareexaan waxa ay sheegeen in Ciidamada itoobiya aysan si cadaalad ah u maamulin hubkaas waxayna codasadeen in dib loo soo celiyo hubkaasi inta laga helayo Dad dhed-dhexaad ah oo lagu Aamino karo .

Hubkan oo isugu jiray Mid waaweyn iyo mid yar-yar ayaa waxaa laga qabsaday Ciidamadii Maxkamadaha islaamiga ee ku sugnaa Magaalada Kismaayo, iyadoo maalintii doraad ahayd iska-horimaad ka dhacay Dekadda Magaalada Kismaayo waxaana iska horimaadkaasi ku dhintay 2-Ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 5-Qofood oo u badnaa Kooxihii Dagaalamayey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


WARARKII JAN 31, 2007

Muxuu Ku Soo Gaba-Gaboobay Shir Madaxeedkii Afrika Ee Ka Socday Adiis-ababa...

Magaalada adiis aba-aba ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa kusoo gabagaboobay Shir Madaxeedkii afrika oo aad loogu falan qeeyey arimaha soomaaliya iyo xaalada siyaasadeed ee cakiran islamarkaana lays ku afgartay in Soomaaliya loo soo diro ciidamo afrikaan ah iyadoo Madaxda Midowga Afrikaanka ahina ay shirkooda ku go’aansadeen inay fuliyaan baahida loo qabo howsha nabad ilaalineed ee la doonayo in laga fuliyo gudaha dalka Soomaaliya.

Afgarashadan madaxda afrika ay balan qaadeen ciidamada ayaa hadana weli aysan jirin ciidamo tiradii loo baahnaa oo diyaara iyadoo laga dhawaajiyey in afar kun oo askar ay diyaar yihiin , oo ay balanqaadeen wadamada Uganda, Malawi iyo Nigeria.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban Ki-Moon oo kasoo qayb galay shirkaan ayaa sheegay in hogaamiyayaasha Afrikaanka ahi inay kordhiyaan tirada ciidamada nabada ilaalinta ee la geynayo Soomaaliya, islamarkaana weliba intaas sii raaciyey in si dhakhso leh loo helo ciidamo bedela kuwa Ethiopia ee ku sugan gudaha soomaaliya .

Dhanka kale kale Madaxweynaha Ghana John Kufour oo loo doortay gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabanayso howsha nabad ilaalinta Soomaaliya.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Oo Uu Ku Guulaystay Sheikh Aadan Madoobe

Doorashadii Baarlamaanka Ee Xilka Afhayeenka Baarlamanka Somaliya ayaa waxaa ku guuleeystay Sheekh Aadan max'ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ka dib markii uu helay cod dhan 153-cod,islamarkaana wareegii 3aad ay isu soo hareen xildhibaan Ibraahim Kiish Buur oo sidaas kaga guulaystay .

Mooshinkan doorshada gudoomiyenimo ee maanta ayaa waxaa Baarlamanka Somaliya kasoo xaadiray xarunta ADC in ka badan 211 mudane oo wareegii ugu damyeeyay oo kala reebtada ahaana waxaa ku Loolamay Sheekh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Kiish Buur ,waxuuna sheeikh aadan madoobe ku guulaystay 153 cod halka 54 codna uu ka helay Ibraahim Kiish Buur .

Mooshinkan ayaa Natiijadii cod bixinta waxaa ku dhawaaqay Gudoomiye K/xigeenka 2aad ee Baarlamanka Somaliya Cismaan Cilmi Boqorre oo shir Gudoominayay kulankii Maanta isagoo cod dheer ku sheegay inuu ku guulaystay xilka gudoomiyaha baaralamaanka dowlada kmg ah sheeikh aadan madoobe .

Dhanka kale Hadalhaynta ugu badanayd ee maalmahanba socotay ayaa ahayd Mooshinkan doorashada baarlamaanka oo lagu lifaaqayey inay madaxweynaha dowlada kmg ah ee soomaaliya c/laahi yuusuf axmed iyo raysal wasaare geedi kala wataan labada xildhibaan ee kala ah sheikh aadan madoobe iyo saalim caliyow ibrow islamarkaana uu sheikh aadan madoobe ahaa xildhibaanka sida gaarka ah loogu xamanayey madaxweyne yuusuf ,islamarkaana mooshin iyo codayn kadibna uu gudoomiyaha baarlaamaanka soomaaliya ku guulaystay sheekh aadan madoobe iyadoo .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili uu madaxweyne c/laahi yuusuf oo ka qayb galay kulan madaxeedka afrika ee kusoo gabagaboobay magaalada Adiis-ababa ee xarunta dalkaasi ethiopia ,soo gaaray waqti yar ka hor magaalada baydhabo markii doorashadu bilaamatay islamarkaana sidaas kaga qayb galay doorashada ka dhacaysay xarunta baaralamaanka ee ADC ee magaalada baydhabo .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Qoraal ay soo saareen koox sheegatay inay ka soo horjeedaan dowladda federaalka Soomaaliya

Qoraal dheer oo ay soo saareen koox isku sheegay inay yihiin Muqaawamada Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay u qornayd qaabkan hoose ku cad:

KU: CADDE GAABOW
KU: IBRAAHIM SHAAWEEY
KU: QALAAD
KU: CALI SACIID X.WADAAD
KU: CID KASTA OO XIL AY U MAGACAABEEN CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAASHA ADEEGAYAASHA TIGREEGA
KU: XUBNAHA GUDDIGA NABADGALYADA G/BANAADIR

OG: MUQAAWAMADA IYO MUJAAHIDIINTA SOOMAALIYEED

UJEEDDO: OGEYSIIN MAWQIFKA MUQAAWAMADA EE KU AADAN

ADEEGAYAASHA DARAJADA LABAAD

Anagoo ka ambaqaadeyna waajibka naga saaran ilaalinta diinteena iyo dadkeena, ogsoona dhibaatooyinka uu cadowga gumeysatahi ahi ku hayo shacabkeena, dadka Soomaaliyeedna ay dhammaantood diidan yihiin kana soo horjeesteen qabsashada tigreega.

Anagoo aaminsan ineysan hal xaaraan ahi dhalin nirig xalaal ah, oo kuwii ku soo hogaamiyey cadowga una saxiixey in la qabsado dalka, sababeyna in la laayo dadkeena, ay ka sii xun yihiin kuwa ka sii hoos shaqeynaya iyaga oo u adeegaya adeegayaasha cadowga, aysana maanta suurtagal aheyn in qof Soomaaliyeed oo wax garanaya ama caqligiisu fiyow yahey uu xilliga lagu jiro xil ka raadiyo dal la qabsadey gebi ahaantiis, una noqdo cadowga maqaar saar la iska xijiyo carada shacabka, isagoo cadowgiina harsanayo guryaha waaweyn ee qaranka Soomaaliyeed, ayna tahey ceeb laga xishoodo in inta warbaahinta la tago lagu dhawaaqo erayo lagu sheeganayo xil, ayna uga sharaf roon tahey aakhiro iyo adduunba in ay horkacaan muqaawamada lagu xoreynayo dalka, laguna difaacayo sharafta iyo karaamada umadda soomaaliyeed ama iska joogaan guryahooda oo shacabka ka mid noqdaan.

Anagoo cuskaneyna iftaha Culimada Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka ku xeeldheer ay ka soo saareen kuwa cadowga ka dhanka ah umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah la shaqeynaya ama u adeegaya, kuna xukmiyeen iney gaalo yihiin ayna banaan tahey dilkoodu.

Hadaba waxaan xubnaha magacyadoodu sare ku xusan yihiin iyo kuwa kale ee xilalka looga magacaabey meel kasta oo dhulka Soomaaliyeedee la qabsadey ka mid ah ugu baaqeynaa iney ka tanaasulaan xilalkaas, aysana munaasab aheyn xilligan iney qabtaan xil ay magacaabeen calooshood u shaqeystayaasha ku cimri dheereysanaya iska hor keenidda umadda Soomaaliyeed iyo gaashaan u sameynta cadowga ku nasanaya meelaha danbe, ayna ogaadaan in cadowga laga itaal roonaan doono, calooshood u shaqeystayaashuna ay hoogi doonaan, sidaas awgeed aysan xisaabaadka iska qaldin.

Waxaan haddii ay taladaas diidaan ugu bishaareynaa in muqaawamadu meel kasta oo ay joogaan ku ugaarsan doonto, ayna banaan tahey dilkoodu sida culimadu noo iftootey, awaamirta ay soo saaraana aan loo hogaansami doonin, ayna noqon doonaan kuwa guul darradu ku danbeyn doonto, iyadoo ay bilaabatey ugaarsashada adeegayaasha darajada labaad ee cadowga, anagoo ugu baaqeyna iney warbaahinta ka sheegaan iney iska casileen xilalka iyo hawlaha loo magacaabey, ciddii sidaas sameysana ay muqaawamada ka ammaan helayso.

الله اكبـــــــــــــر والعـــــــــــــــزة للمســــــــــــــــــــلميــــــــــــن والعــــــــــــاقبـــــــــــــــة للمتـــــقـــــــــــــين

Xaarith Abaa-saadiq

Isku duwaha Muqaawamada

Midowga Afrika oo isku raacay in 40-kun oo Cidammo ah la geeyo Soomaaliya wajiga koowaad

Madaxdii Midowga Afrika ee kulanka u yeeshay Addis Ababa ayaa waxay soo saareen go'aan ku aaddan ciidammada la geynayo Soomaaliya oo ay ku sheegeen inay gaarayaan 40-kun oo Askari kana kala imaanaya dalalka Afrika qaarkood.

Kulankii Midowga Afrika ee ka socday muddada labada maalmood ah Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa xoogga lagu saaray in Soomaaliya loo diro ciidammo ka socda dalalka Afrika intooda badan, kuwaasoo la sheegay inay gaarayaan 80-kun oo Askari, balse qaybtii kale aan weli la isku afgaran halka ay ka imaanayaan.

Dalalka Nayjeeriya, Malaawi Yugaandha, ayaa la sheegay inay ka imaanayaan ciidammada 40-kun ah ee la sheegay inay soo gaarayaan gudaha Soomaaliya toddobaadyada soo socda gudahooda, waxaana sidoo kale lagu wadaa inay iyaguna ka yimaadaan ciidammo kale dalalka Butuswaana, Gaana iyo Koonfur Afrika.

Tirada ciidammmada ka imaanaya dalalkan cusub ee aan iyagu go'aankii Midowga Afrika ku jirin ma la sheegin inta ay noqon doonaan, balse waxaa la sheegayaa inay gaari karaan 40-kun oo Askari, taasoo lagu wado inay soo gaaraan gudaha Soomaaliya bilaha soo socda.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa iyadu horay u sheegtay inaysan diyaar u ahayn xilligaan inay ciidammo nabad ilaalin ah u dirto gudaha Soomaaliya, lamana sheegi karo inay soo dirayso ciidammo iyo in kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay ku laabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Jan 31, 2007: Waxaa saakay dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isagoo kulammo ay albaabbada u xiran yihiin kula leh halkaas Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugnaa Itoobiya labadii maalmood ee la soo dhaafay halkaasoo uu kaga qaybgalayay kulankii Midowga Afrika ayaa gaaray Baydhabo iyadoo aan laga warhayn, waxaana uu ku beegmay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacaysa Baydhabo.

Kulankaan ka socda Baydhabo ayaa wararku waxay sheegayaan uu ku saabsan yahay go'aankii uu Madaxweyne Yuusuf ka sheegay Addis Ababa, kuwaasoo ahaa in Dowladdu ay kulammo heshiisiin ah la qaadanayso cid walba oo ka soo horjeedda, waxaana lagu wadaa in go'aanno ay ka soo saaraan kulankooda Madaxweynaha iyo xubnaha uu la shirayo oo uu ka mid yahay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi.

Dhanka kale, ilo wareedyo ku sugan Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in kulankaan looga hadlayo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyadoo beryahaan ay soo baxayeen hadallo ku saabsan in Ra'iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha ay kala wataan laba xubnood oo mid walba uu doonayo inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka ruuxa uu wato.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Ciidamo Dheeraad Ah Oo Kasoo Kicitimay Maamul Goboleedka Puntland Oo La Dejiyey Garoonka Balidoogle Ee Gobolka Sh/hoose.

Ciidamadan oo gaaraya 600 oo askari ayaa ladejiyey Garoonka Bali-doogle ee gobolka Sh/hoose, ciidankan ayaa wararku sheegayaan inuu si toosa uga soo kicitimay magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankan maalmihii ugu dambeeyey la isugu geynayey duleedka magaalada Gaalkacyo

Ciidankan kazoo kicitimay maamulka goboleedka punt –land ayaa Shalay gelinkii dambe waxey gaareen garoonkaasi Bali-doogle kuwaasoo watay gaadiid isugu jira baabuurta dagaalka iyo gawaarida xamuulka , waxaana intii ay ku soo jireen wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ay isku dhaceen kooxo maleeshiyooyin ah oo ay jidgooyo u tiilay halkaasi, iyadoo la sheegay in ay dhex martay Is-rasaaseyn xoogan oo keentay in hal ruux uu ku geeriyoodo oo ciidamadii socotada ahaa ee ka yimid Puntland halka 3 qof oo kalena ku dhaawacantay rasaasta haboowga ah ee ay iswaydaarsanayeen , iyagoo markii dambana ciidamada punt-land ay u suurto gashay inay safarkooda sii wataan.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowaanahanba waxaa soo gaarayey ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada dowlada kmg ah kuwaasoo badankooda kazoo kicitimay maamul goboleedka punt-land.

Imaatinka ciidamadan kazoo safray punt-land ayaa kusoo beegmaysa xili magaalada muqdisho ay amaankeedu faraha kasii baxayo ,islamarkaana qaraxyo loo gaysto fariisimada ciidamada dolwada kmg ah iyo kuwa Ethiopia .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Maxkamadaha Islaamiga oo Wadahadalka Nabadda ku Xiray Bixitaanka Itoobiya
Waraysi uu wargeys Spanish ah la yeeshay Mustafa Axmed oo ah lataliyaha Shariif Axmed ayaa sheegay in..
Akhri waraysiga

Weeraro xooggan oo xalay lala beegsaday Fariisimada Ciidamada Itoobiya ee Ceel-Cirfiid

Golaha Muslimiinta Kenya oo codsaday in ay la kulmaan Sheekh Shariif.
.Midowga Afrika oo soo dhaweeyey qorshaha uu Talyaaniga
.Shirkii Midowga Afrika oo ay ka soo baxeen go’aano ay..
.C/llaahi Yusuf oo sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Jan 31

Dood cilmiyeed ka dhacday Minneapolis: Dhibaatadda Somalia, Ethiopia & Geeska Afrika

Xafiisyadii Maamulkii Hore Ee Jowhar Oo La Biliqaystay Iyadoo Aysan Soo Gaarin Maamulka cusub
.Garowe:Haayadda Unesco oo qalab iyo Buugaaga...
.Hay’adda SORDA oo soo gabagabeysay siminnaar AIDS-ka
.Lacag la dul dhigay Madaxda ka tirsan DFKMG....
.Kulan Ku Dhex Maray Adis-ababa Luwis Michel Iyo C/laahi
.Ciidamo lagu soo daad gureeyay DGPL....
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

Gudhis oo gumaysiga lagaga dilay saraakiil sarsare & Waraysi aan la yeelanay nin kusugnaa deegaas uu dagaalku ka dhacay

"Xiriirka ay reer Yurub iyo Reer Galbeedku la leeyihiin Afrika waa xiriirkii gumeysiga"
Sidaas waxaa yiri safiirka Itoobiya u fadhiya China
, warkaas iyo madaxweynha Shiinaha oo booqasho ku maraya 8 dal oo Afrika ah.. ka akhri halkan... Jan 30

Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH