SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAAMO

Bayaan ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee ku nool Yurub & Waqoyiga Amerika

KU: Dowlada Federaalka Soomaaliya

OG: Saxaafadaha madaxa banaan

OG: Shacabka Soomaaliyeed ee Nabada Jecel

Feb 13-7/SHW1UMW

Bismillahi Raxmaani Raxiim

Sida aan la wada socono Deeggaanka Jubboyinka waxaa ku habsaday Musiibo aan hanbeyn Naf & Maalba iyo Guud ahaan Burbur baahsan Lix iyi tobankii sano ee bur burka ayaa waxaa isku badalaayey Dad aan ehel u aheen deegaankaa kana soo hayaamay Gobolo kale.

Waxaa maanta ayaan daro ah in laga dul talaab sado Rabitaanka Beelaha deegaanka Jubooyinka isla markaana loo yeeriyo wax ayan Raali ka aheyn.

Kadib markaan isla falanqeynay Xaaladaha Qalifsan ee uu ku jiro Deeggaanka Jubooyinka waxay Beelaha Waamo ee ku nool Dunida Dacaladeeda ka maarmi waayeen inay ka wada arinsadaan Maamulkan lagu magacaabay Shaqsiyaadka aan gobolka u dhalan oo aan la aqoon XAQA ay ku yeelan karaan deegaanka Waamo iyadoo Dadkii Gobolka u dhashay xiriir toos ah iyo mid dadban ba la yeeshay Dowlada Federalka Soomaaliya in loo maro maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka sida ku cad Dastuurka Qaranka.

Hadaba wadatashi dheer oo ay isla qaateen Beelaha Waamo ayaa waxay soo saareen Bayaan ay ku muujinaayaan mowqifka ku aadan Maamulka Xaqdarada ah ee loo sameeyey Gobolada Jubboyinka, Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sida hoos ku cad.

A-Dowlada Federalka waxaan u soo jeedinaynaa inay horsed u noqonin inay huriyaan Colaad ka dhex dhalata Dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolada Jubooyinka Waayo dadka ay ku magacaaben Gobolada Jubboyinka ma aha dad Garanaayo Dhaqanka iyo Xeerka Beelaha Waamo iyo Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya waxayna abuuri karaan Colaad iyo Kala Shaki Weyn, Sidaa Awged ayaan waxaan ka Codsanaynaa Dowlada Federalka inay dib ugu noqdaan sida uu Qabo Dastuurka Qaranka in Gobol waliba Dadkii u dhashay Taladiisa lagu wareejiyo.

B-Dowlada Federalka waxaan u soo jeedinaynaa in Mudo Sagaashan Cisho gudaheeda ah ay isugu yeeraan Dhammaan Beelaha Waamo Shir guud oo dib u Heshiisiin ah isla markaana ay ku Doortaan Maamul Guud oo matala Dhammaan Deegaanka Jubooyinka.

C-Aqoon yahanada iyo Wax garadka Beelaha Waamo ee ku kala nool Dunida Dacaladeeda waxaan ka cod sanaynaa inay ka soo Qeyb Galaan Shir weynaha Guud ee Dib u Heshiisiinta Beelaha Waamo Shirkaa oo Sanadkii hore Gogol Dhigiisii lagu Qabtay Gobolka Minnesota ee Cariga Mareykanka Laguna doortay Gudiga Mideynta Beelaha Waamo hadana lagu wado in Sanad Guuradiisii labaad Lagu Qabto Magaalo madaxda Gobolada Jubboyinka ee Kismaayo.

Hadafka Ururka Mideynta Waamo

A- In Beesha Waamo la mideeyo iyadoon loo eegeyn Qabiil, Shaqsi, Lab ama Dhidig, lana abuuro siday u wada shaqeyn la haayeen una Xalin la haayeen Mushaakilaadka heysta Deegaankooda.

B- In la helo Dad u dhashay Gobolada Jubboyinka oo matala Deeggaankoda

C- In la abuuro ilo Dhaqaale lana kobciyo Hadafka Siyaasadeed ee Beesha kuna wajihan Abuuritaanka Xisbi Siyaasadeed oo ay ku mideysan yahiin dhamman Beelaha Waamo

Golaha Fulinta (Officers) oo ka kooban 13 oo uu ugu horeeyo Aden Boqow oo ah Gudoomiye iyo Golaha agaasinka (Board of Directors) oo ka kooban 13 oo uu ugu horeeyo Cabdi Salaan Mohamed.

Magacyada oo dhamaystiran iyo qoraalkan waxaa lagala xiriiri karaa: Email: WaamoUnity2002@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh WaamoUnity

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2007


Tacaddigii Saami Xaaji iyo Xabsiga Guantanamo
Munaasabad loogu Boroordiiqayey oo ka dhacdey Muqdisho

Saalim Muxiidiin Axmed waxaa uu ku dhashay Magaaladda Kharduum 25 Feb 1969-kii waxaa uu aabihii ula wareegay magaaladda Sinaar oo ku taala badhtamaha sudaan haalkaas oo uu aabihii ku ganacsan jiray. Wax barashadiisii hoose illaa sare waxaa uu ku qaatey Magaaladda Sinaar,dabadeedna waxaa uu u safray dalka Hindia halkaas oo uu shahaadada Majisteer uu ku qaatey, Suugaanta luuqadda Ingiriiska. Waxaa kale oo uuu saami uu ka soo qaatey isla dalka hindia Shahaado ah Aqoonta Computer-ka. Wax yar kadib markii uu soo qalin jabiyey waxaa geeriyootey hooyadiis waxaana uu dib ugu soo safray dalka Imaaaradka Carabta.halkaas oo uu ka helay shaqo Shirkadda Romat International ee wax soo dajinta. Dib usoo laabashadiisii waxaa uu bartey habka sawir qaadida. Warkan oo dhan Akhri....


Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya...
Waxaa dhowaanahanba isa soo tarayey ceelal shidaal ah oo laga baarayo deeganada xadka Soomaaliya oo ay dowlada kenya ku guda jirto, islamarkaana ay wararku tibaaxeen in meelaha ay ka baarayso ay yihiin deegaano ku yaala gudaha wadanka soomaaliya, ayaan waxaan dadaalo dheeraad ah u galay bal si aan wax uga ogaado arrintan sida ay u aragto dowlada kmg ah ee Soomaaliya.
Akhri warka oo dhan....


WARBIXIN KU SAABSAN XAALADDA YAASIIN KILWE OO KU XIRAN BERBERA

Dhahar:- Yaasiin Kilwe Cismaan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmad Dhahar ee gobolka sanaag sanadku markuu ahaa 1981kii, waxa uu ku soo qaatay waxbarasha asaasiga ah dugsiga H/Dhexe ee degmada Dhahar, waxa uu markii ugu danbaysayna arday ka ahaa Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso, sanadii 2003 bishii 11aad isaga oo ku jira fasax ayuu safar u aaday magaalada Hargaysa, nasiib darro waxaa lagu xiray halkaas, isaga oo lagu eedeeyay inuu lacag ka soo dhacay meel u dhaxaysa Tog Wajaale iyo Jigjiga oo ka mid ah kililka shanaad ee Ethiopia, arrintaasi oo ah mid aan jirin maxkamadduna ay waxba ku wayday sida ay caddaysay 05/06/2006 dii.
AKhri warkan oo dhan....


Zakariya Xaaji:-Waa In Loo Diyaargaroobaa Sidii Tegreega Dalka Looga Xorayn Lahaa
Xildhibaan Zakariya X.Maxmuud oo isagu ka mid ah guddiga arrimaha dibada ee Golaha wakiilada, isla markaana xubin joogta ah ka ah baarlamaanka Carabta ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Dimishiq taas oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanka ka sheegay in ay Soomaalidu u diyaar garowdo sidii ay dalkooda uga xorayn lahaayeen xoogaga Tegreeyga ee ku soo duulay.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen dadaweyne aad u tiro badan iyo xubno ka socday Safaaradda Soomaalida ee dimishiq gaar ahaan xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Barqiya, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya Fu’aad iyo Shiikh C/casiis Calas ayaa waxa uu Zakariye ku dheeraaday Taariikhdii soo jireenka ahayd e u dhaxaysay Shacabka soomaaliyeed iyo Dawladda Itoobiya ee ay gadhwadeenka ka yihiin qawmiyada Tegreey..
.Akhri...


oilShirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...


Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH