SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii:: Jan 27, 2007

  • Maher Arar oo Canada ka aqbalay $10.5 million iyo Cududaar ay dawladdu bixisay....
  • Maraykanka iyo Midowga Yurub oo doonaya in Soomaaliya loo dhiso Dowlad loo dhan yahay..
  • Waxgarad,siyaasiyiin ka tirsan Beesha Cayr oo Cabdulaahi Yuusuf ku tilmaamey nin Aarsanaya..
  • "Askar Maraykan ah oo la sheegay in lagu haysto Koofurta Soomaaliya …" Al-Sharqu
  • Yuusuf Ashari oo sheegay in intii lala Xaajoon lahaa Sheikh Shariif in ay mudan tahay in lala hadlo Shiikh Xasan...
  • Qoomiyadda Digil oo u soo jeedisay Dowlaadda Federaalka in ay wada hadal la furto...
  • Caashuuraa: Jan 28-29, 2007

Qaraxyo Waaweyn Oo ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo argagax leh isalamarkaana laga wada maqlayey badanaaba magaalada muqdisho ayaa xalay (Jan 27, 2007) ka dhacay deegaanka Ceel-carfiid ee Waqooyiga caasimada .

Qaraxyadii xalay ka dhacay agagaarka deegaanka Ceel-carfiid, ayaa ahaa kuwo saamayn ku yeeshay guud ahaan magaalada muqdisho, islamarkana lagu tilmaamay ku dhacayey qoryaha morterka , hoobiyeyaal iyo bambooyin oo lala beegsaday xarunta ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin deegaankaas sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, lamana yaqaan dadka falkaasi ka dambeeya.

Qaraxyadan xalay ka dhacay deegaanka waqooyiga muqdisho ee agagaarka ceel cirfiid ayaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen goob joogayaal ka ag dhowaa halka qararxu ka dhacayey ay sheegeen inay ku dhaawacmeen dhawr ruux oo rayid ah oo ay soo gaareen firirka qararxyadaasi islamarkaana lama oga dhimashada ka dhacday halkaasi .

Waxaa kaloo xalay si naxariis daro ah qof rayid ah loogu diley deegaanka dayniile islamarkaana ay maydkiisa ku qaatay gaari ay wateen milayshiyadaasi dilka gaysatay oo ahaa nooca loo yaqaano (homy-ga) lamana garanayo meesha ay la aadeen maydkaas.

Dhibaatada Qaraxyada iyo dilalka sida naxariis darada loogu gaysanayo dadka rayidka ah aya kusoo beegmaya xili gacan ku heynta gobolka banaadir ay la wareegeen dowladda kmg ee Somaliya ,ayaa hadana waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya qaraxyo lala beegsanayo xarumaha ciidamada Ethiopia iyo dilal loo geysanayo dadka rayidka ah.

Dabayaaqadii asbuucan aynu soo dhaafnay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu diley ilaa 7 ruux oo rayid ah, kuwaas oo meelo kala duwan oo muqdisho kamida lagu diley .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Maher Arar oo Canada ka aqbalay $10.5 million iyo Cududaar ay dawladdu bixisay....


Maher Arar oo faraxsan. Jimce Jan 26, 2007, kaddib markii Canada cududaar ka bixisay tacadigii soo gaarey... Sawirka: TheStar

Maher Arar oo ah nin haysta dhalashada Canada, asal ahaana ku dhashay dalka Suuriya, ayaa Jimcadii Jan 26, 2007 waxaa dawladda Canada ay si rasmi ah cududaar uga bixisay tacadigii ninkaas loo geystey muddadii halka sano ahayd ee uu ku jirey xabsiga dalka Suuriya, xabsigaas oo ka dambeeyey kaddib markii booliska Canada ee loo yaqaan RCMP (Royal Canadian Mounted Police) ay magaciisa si khaldan ugu sheegeen in uu yahay Muslim Xagjira oo halis ku yahay ammaanka.

Ra'iisul wasaaraha Canada, Stephen Harper, ayaa si rasmi ah cududaar uga bixiyey tacadiga loo geystey Maher Arar. Ra'iisul wasaaraha oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Anigoo ku hadlaaya magaca dawladda Canada, waxaan cududaar ka bixinaya qaybtii ay ay saraakiisha Canada ka qayb aqaateen tacadigii adiga iyo qoyskaaga soo gaarey 2002 iyo 2003". Waxana uu intaas ku daray "Waxaan u malayneynaa in sida muuqata mr. Arar si caddaalad darro ah loola dhaqmay." ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu oo intaas raaciyey "ma ahayn in uu ku jiro liiska dadka magacyadooda lala socdo". Waxana mr. Harper sheegay in aan dawaladda Maraykanku tusin wax cadayn ah oo muujinaya in uu mr. Arar kusii jiro liiskaas.

Maher Arar waxaa la xiray Sept 26, 2002 asagoo diyaaradii sidey ay ku hakatay magaalada New York ee dalka Maraykanka, markaas oo uu kusii jeedey magaalada Ottawa ee dalkiisa Canada. Markaas ayaa Maraykanku waxay u tarxiineen dalka Suuriya, halkaas oo su'aalo lagu weydiiyey, lagu ciiqaabay, xabsina la dhigay ku dhowaad hal sano isagoo aan wax debmi ah lagu soo oogin.

Baaritaan ay Canada samaysay sannadkii hore ayaa waxaa lagu ogaadey in ay dhici karto in Canada ay si khaldan akhbaar u siisay Maraykanaka, kaddibna Maraykanku uu markaas Maher Arar u tarxiilay Suuriya. Suuriyana ay xirtay hal sano.

Maher Arar waxaa laga soo weriyey in uu aad ugu farxay in si rasmi ah ay dawladda Canada cududaar uga bixisay tacadigii soo gaarey, isla mar ahaantaasna qaan bax loo siiyey $9.5 million oo isaga la siiyey iyo $1 million oo la siinayo qareenadii u doodayey.

Markii hore Maher Arar waxa uu ku dacwoonayey in dawladu ay magdhaw u siiso  $400 million, laakiin mar dambe ayuu arrintaas ka soo degey oo lacagtii waxa uu ka dhigay $37 million, ugu dambayntiina waxa uu aqbalay $10.5 million iyo cududaar rasmi ah oo dawlada Canada ay ka bixisay tacadigii iyo caddaalad darradii loo geystey.

VIDEO::: DAAWO::: Halkan ka daawo warka oo dhan....

Tarjumadii: SomaliTalk.com


Maraykanka iyo Midowga Yurub oo doonaya in Soomaaliya loo dhiso Dowlad…

Dowladaha Mareykanka iyo Midowga Yurub oo isku afgartay in Soomaaliya loo dhiso Dowlad Salbalaaran oo ay ka qaybgalaan dhamaan Qabaa’ilada iyo Kooxaha kale ee ka jira Dalka si loo soo afjaro dhibaatada raagtay ee Soomaaliya.

Midowga Yurub iyo Dowlada Maraykanka waxay sheegeen in Dowlada haatan jirta ay tahay Dowlad aysan rabin Bulshada Soomliyeed isla markaana ee ku jiraan Qab-Qablayaasha Dagaalka oo Mudo soo gumaaday Ummadda Soomaaliyeed, waxay kaloo isku afgarteen Midowaga Yurub iyo Dowladda Maraykanka in Dowlada la dhisiyo ee si aad uga dhex muuqdaan Maxkamadaha islaamiga ah oo ay sheegeen in saameyn ku leeyihiin Xasradda ka taagan Soomaaliya.

Kulan dhawaan dhex maray Midowga Yurub iyo Dowlada maraykanka ayaa waxay isla soo qaadeen in wadahadal lala furo Masuuliyiinta Maxaakiimta islaamiga ah oo uu ugu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay ku tilmaameen in uu yahay Nin wax ka qaban kara dhibaatada Soomaaliya waxaana maalintii shalay ahayd kulan ku yeeshay Wasiir ku xigaanka arrimaha ee Talyaaniga iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana kulan la ‘iskula soo qaaday sidii qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamadah islaamiga ah ay uga qaybqaataan Dowlad Soomaaliyeed oo Sal-Balaaran.

Shiikh Shariif waxa uu sheegay in Maxkamadaha islaamiga ah uusan marnaba aqbali dooniin joogi taanka Ciidamada itoobiya ee Dhulka Soomaaliya iyo in uu soo dhaweenayo Dowlad Soomaaliyeed  loo dhiso Ummadda Soomaaliyeed. Shiikh Shariif oo lagu tilmaamo in uu yahay Nin Qunyar socod ah ayaa dhawaan la kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya waxayna isla soo qaadeen in Shiikh Shariif uu ka qaybqaato dajinta xasarada ka taagan Soomaaliya iyo sidii Maxkamadaha uga qaybqaadan la haayeen Dowlad Soomaaliyeed oo Sal-Balaaran oo ay ku wada jiraan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxgarad,siyaasiyiin ka tirsan Beesha Cayr oo Cabdulaahi Yuusuf ku tilmaamey nin Aarsanaya..

Waxgarad, Odayaal, siyaasiyiinta, Ganacsato, ka tirsan Beesha Cayr ee H/Gidir ayaa dhawaan waxay kulan la yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Itoobiya Sayuun Masfin Mar uu yimid Muqdisho waxaan kulankaasi la ‘iskula soo qaaday sidii Beesha Cayr uga qaybqaadan lahayd Nabadgalyada Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Beesha waxgaradkeedii ayaa si dhab ah ula hadlay Wasiirkii itoobiya waxay sheegeen in Dowladda la shaqayn doonaan haddii ay Dowladda joojiso aarsiga, Nin Oday ah ayaa waxa uu yiri” C/laahi Yuusuf waa Nin qabiil ku shaqeeya oo doonaya inuu aarsado balse maanta falalkaasi kuma kaceen haddii aysan itoobiya aysan taageeri la hayn waxaana taasi daliil u ah agtaada waxaa ku xiran Nin aan waxba galbsan uu lagu magacaabo Mahad Ilaal waxaana soo qabtay isagoo Ninkaasi iska ganacsanaya Taangiyada Itoobiya” Masfin waxa uu markiiba u sheegay Xubnahaasi in la siidaynayo Mahad isla markaana waxa uu Beesha u sheegay in kulan kan ka balaaran lagu qaban doono Magaalada Adis-ababa taasoo Beesha Cayr oo si wayn u soo dhawaysay, Nin kale oo Oday ah ayaa waxa uu yiri” C/laahi Yuusuf waxa uu horay u burburiyey Dowladii C/Qaasim sidoo kalana waxa aad u sahasheen in aad bur-burisaan wixii ku yimid rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo ah Maxka-madahii islaamiga oo cidna weerar ku aheyn wada hadaladaas ayaa si weyn la isugu afgartey.

  • Hadalkii Diiraani hore u yiri: “The Ayr clan is part of the problem,” Mr. Dinari said. (Abdirahman Dinari, spokesman for the transitional government)... Read... New York times

Yuusuf Ashari oo sheegay in intii lala Xaajoon lahaa Sheikh Shariif in ay mudan tahay in lala hadlo Shiikh Xasan...

La Tiliyaha Madaxwaynaha dhinca Siyaasadda Yuusuf Cumar Ashari oo u waramay Idaacadda British Broadcasting Corporation ayaa wax laga waydiiyey sida uu arko hadalka ka soo yeeray Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ah in la dhiso Dowlad Soomaaliyeed Sal-Balaaran waxa uuna sheegay in Dowlada Fedaraalka ay tahay Dowlad Sal-Balaaran oo mustaqbalka u gogol xaaraysa inay Dalka ay ka dhacaan Doorasho Xur ah “Maraykanka isaga ayaa Masuul ka ahaa Burburkii Maxakamadah islaamiga ah haddii aad maqasho Qunyar socod waa sir raadin maanta ma’aha inuu yiraahdo Shiikh Shariif waa in lagu daraa Dowlada waayo Shiikhu waxa uu Masuul ka ahaa dhimashada ilaa 6-Kun oo Soomaali ah aniga waxaa ila macquulsan in wadahadal lala furo Shiikh Xasan Daahir Aways waxa uuna u soo jeediyey Maraykanka Talyaaniga inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya.

Qoomiyadda Digil oo u soo jeedisay Dowlaadda Federaalka in ay wada hadal la furto...

Qoraal shalay na soo gaarsiiyey Afhayaanka hogaanka Sare ee Qoomiyada Digl Max’ed Shiikh C/qaadir Bagadi (Max’ed Taani) ayaa Beesha Qoomiyadda Digil ay soo jeedinayso in sida ugu dhaqsiyaha bada Dowladda wadahadal ula furto Maxkamadaha islaamiga ah si Dalka looga saaro Qaska iyo Jahwareerka Siyaasadeed oo ku soo jiray mudo 16-Sano ah dhanka kale Qomiyadda ow Digil ayaa xus u sameysay Marxuum Shiikh Max’ed Axmed Baafo waxayna ahayd Sand guuradiisii 3-aad waxaana kaqaybgalay waxgarad Siyaasiyiinta, Odayaal ka tirsan Beesha Qomiyadda Digil iy Xubno ka socday hogaanka Sare ee Qomiyadda Digil waxaana halkaasi la akhiriyey Taariikh uu dhashay Marxuumka oo isagu dhashay 1905 waxa uuna ku dhashay G/Sh/Hoose waxa uuna ka mid ahaa Aas-aasayaashii Xisbigii la oran jiray B.H.D.M.S oo xiligaasi loolan Siyaasadeed kala dhexeeyey Xisbigii S.Y.L waxaa waqtigaasi Xisbigaan u uloleenayey in Dalka lagu maamulo nidaamka fedaraakla waxa uuna xusgaan ka dhacay Guriga Xoghaya Guud ee Hogaanak Sare ee Qomiydda Digil Mudane Cismaan Max’ed Max’uud Buule oo ku yaal Degmada Madiina waxaana ka mid Xubnihii ka qaybgalay Suldaan Salaymaan iigow C/Nuur,Ing,Max’ed Cusmaan Xaydar iyo Xubno kale.

"Askar Maraykan ah oo la sheegay in lagu haysto Koofurta Soomaaliya …" Al-Sharqu

Waxaa maalmahaan Magaalada Muqdisho la hadal hayey in Askar Maraykan ah lagu heysto Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan halka ay ku sugan yihiin Maxaakiimta islaamiga ah waxa ayna wararkan u muuqdeen kuwa markasta isa soo tarayey waxaase maalinta shalay ahayd daboolka ka qaaday Wargeys ka soo baxa Dalka Qadar oo lagu Magacaabo Al-Sharqu waxaana uu wargeyska uu sheegay in Tiro Ciidamada Marykanka ah lagu hayo Koonfurta Soomaaliya.

Wargeyska waxa uu sheegay in Ciidamadan la qafaashay 2-todobaad ka hor mar ay damceen inay sahmiyaan Goobo ay ku sugan yihiin Dagaalyahaniinta Maxkamadaha islaamiga balse waxa ay la kulmeen Ciidamo aad u fara badan kuwaas gudaha ula galay keymihii ay ku jireen waana midda keentay in Shiikh Shariif ay Dowladda Maraykanka ay kala xaajooto Ragaasi. Dhinaca kale warar kale waxa ay sheegayeen in tirada Ciidamada ay gaarayaan ilaa 11-Askari oo ay ku jiraan kuwa Sir doon ah.

War Jimacadii ka soo baxay Maraykanka ayaa sheegay in aysan jirin askar Maraykan ah oo lagu qafaashay ama lagu diley Soomaaliya, waa sida warku u dhigay'e.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Wararkii Shalay: Jan 26, 2007

Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay dad tahriibayaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopia la aaminsan yahay inay ka soo ambabaxeen xeebaha bari ee Soomaaliya.

Dadkaan oo haatan lagu hayo jeel ku yaalla meel ku dhow Cadan ayaa la sheegay inay Ethiopian-ka gaarayaan 98-qof, halka Soomaalidana ay gaarayso 128-qof, waxaana la sheegay in dadkaas Soomaalida ah ee la qabtay ay 30-ka mid ah yihiin caruur iyo haween socoto ah.

Kooxdaan socotada ah ee ay qabteen ciidammada ilaalada xeebaha ee Yemen ayaa la sheegay inay la socdeen doomo gaaraya illaa 3-doomood, waxaana la qabtay xilli haeeb ah oo ay isku dayayeen inay si dhuumaaleysi ah kaga dagaan meel xeeb ah oo ka tirsan xeebaha dalka Yemen ee deegaannada koonfureed ee dalkaas, halkaasoo tahriibayaal badan ay socod kaga galaan dalka Yemen.

Dowladda Yemen ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah lagu wareejin doono Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan dhanka qoxootiga halka dadka kale ee Ethiopian-ka ah la sheegay in lagu wareejin doono waaxda socdaalka dalkaas si ay dib ugu celiso dalkoodii.

Yemen oo dhawaan safaarad a furatay gudaha dalka Soomaaliya ayaa go'aanka ay ka gaartay dadkaan Soomaalida iyo Ethiopian-ka ah ee socotada ah waxa uu u ekaanayaan inay tixgelin aad u badan siinayso dowladda Federaalka Soomaaliya, waana go'aan ay dadka socotada ah ka gaartay dalka Yemen tan iyo intii ay mowjado dad ah oo Soomaali ah billaabeen inay ka galaan dalkaas dhanka Badda cas.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
 

"Koonfur Afrika Ciidan Nabad Ilaalin ah uma diri doonto Soomaaliya" - Lekota

Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Koonfur Afrika, Mosiuoa Lekota, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in dalka K/Afrika uusan ciidamo nadab ilaalin ah u diri doonin dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu warkaas sheegay ka dib markii uu kulan dhex maray asaga iyo madaxweynaha K/Afrika Thabo Mbeki.

Kulankaas oo ka dhacay magalda Pretoria waxay madaxweynaha iyo wasiirka difaacu ka wada hadleen ciidamo nadab ilalin ah oo loo diro dalka Soomaaliya in ay wiiqeyso hawlaha kale ee ay hadda fuliyaan ciidamada Koonfur Afrika oo xilligan nabad ilaalin u joogaan dalalka Burundi, Congo, Ivory Coast, Sudan iyo weliba Ethiopia/Eritrea.

Wasiirku waxa uu ku celiyey ciidamo nabad ilaalin ah oo Koonfur Afrika u dirto Soomaaliya waxay wiiqayaan kartida ay K/Afrika ku fulineyso hawlaha ay mar hor ballan qaaday, sidaas daraadeedna aan Koonfur Afrika ciidamo nabad ilaalin ah ugu dirayn Soomaaliya.

Isha: IOL


Ciidanka Koontaroolka Boosaaso oo Gacanta ku dhigtey Maandooriyaha Xashiishada loo yaqaan.

Jan 25, 2007: Ciidamada Booliiska magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha loo yaqaanno xashiishadda oo ka buuxdey boorso.

Maandooriyahaan oo loo yaqaaan Xashiishad ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidanka kontoroolka magaalada Boosaaso waxayna gacanta ku dhigeen saqdii dhexe ee habeenkii xalay waxaana watey sida ay sheegeen ciidanku nin magaciisa aan la garanayn.

waxa kale oo ay ciidanka koontaroolka magaalada boosaaso ay gacanta ku dhigeen dareewalkii wadey baabuurta lagu wadey xashiishada oo ahaa kuwa loo yaqaan caasiga oo isagana lagu magacaabo Ismaaciil Axmed Shiikh Cali.

Xashiishaddan iyo dadkii wateyba waxaa loo taxabaabey xabsiga bartamaha ee magaalada Boosaaso, waxana dhowaan loo gudbin doonaa maxkamadda derejada koowaad ee magaalada Boosaaso si ay ugu xukunto waxa ay shareecadu ka qabto xashiishadan loo soo wadey boosaaso.

Isku soo wada duuboo ma aha markii ugu horreysey ee ay ciidamada booliisku koontaroolka magaalada boosaaso soo qabtaan maandooriye, iyadoo waxay sidoo kale xashiishad dad ku qabteen bishaan bisheedii oo xukun lagu soo oogey dadkii watey maandooriyahaasi.

Weriye Yusuf Gaduudow
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Boosaaso.
 


oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri... Jan 26


Askari Itoobiyaan ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo
waxaana la dhaawacay askari kale, weerarkaas oo... Akhri...

Muran ka Taagan Tirada Dadka reer Puntland
Tirada dadka deggan Puntland ayaa lagu sheegay 1.1 million, arrintaas waxaa aad uga carootay DGPL oo sheegtay in ay Puntland deggan yihiin dad tiradooda ay ku qiyaastay 2.5 million.... Akhri... 25/1

C/llaahi Yuusuf oo booqday Qabuurihii Xasuuqii Ruwanda
Madaxweynaha DFKMG oo booqasho ku tegey dalka Ruwanda ayaa booqday...
Akhri... 24/1

Cali Maxamed Geeddi oo Kenya Weydiistey in ay Kusoo Wareejiso Sheikh Shariif
Warsaxaafadeed u ku qabtay Nairobi ayuu. Akhri.. 24/1

Geeddi: Ciidamada Itoobiya Qaar ka mid ah ayaa sii Joogaya Soomaaliya
Cali Max’ed Geeddi ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay qaar ka mid sii joogi doonaan dalka Soomaaliya ilaa iyo inta ay........ Akhri... 24/1

Kulan Lagu Taageerayo DFKMG oo ka dhacay Hotel Global iyo dalka Yemen oo Safaarad ka furtay Muqdisho.. Akhri 23/1

Midowga Yurub oo Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya: shuruurdaas oo ah in DFKMG ay wadahadal la furto Maxkamadaha iyo Akhri.... 23/1

Canada oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya:  Warkaas iyo Garoonka Diyaaradaha oo laga dhoofiyey 22 qof Akhri..... 23/1

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH