W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaan waddanka
imid iyadoo ay ka talinayaan qab qablayaasha
dagaalka, dadku waxay ku noolaayeen nabadgelyo
xumo, wel wel iyo walbahaar, kii maal lahaa iyo
kii keleba waxay qaateen Taleefanka Gacan qaadka
ee noociisu yahay 3310, waxaan dalka ku soo
galay qiime aad u jaban, hase yeeshee maalmihii
hore waxaan u loogganaa kooxaha burcadda ah oo
igu hayay dhac joogta ah, balse gadaasheey waxaa
la keenay Mobile iga casrisan kuwaasoo si aad ah
ay ugu qamaameen kooxihii burcadda ahaa, hase
yeshee intii caqliga lahayd baa gacan qabsi iga
dhigatay oo I yiraahdeen lama huraan waa cawska
jiilaal waxaa sheekadaan ku keeney markan arkay
nin saaxiibkey ah oo wata Mobile casri oo nin
kale ka baryaya Mobile-ka 3310 oo leh “war waa
la isku yimide maa I sii sid Mobile-ka kii kale
yiri “ Yaa baxar gelinee” markaasuu
yiri”Aleylehe aan doonto 3310 kana aan meel iska
dhigo” .
Kooxaha burcadda ah Markey I soo haweystaan oo
ay damcaan inay ila wareegaan ayaa waxay
yiraahdaan war naga daa waa 3310, sidaasaan ku
badbaadi jirey oo waxaan ku haray intii dan
yarta ahayd kuwaasoo mar kasta yiraahda “Sow
Mobile ma aha, amuu codkiisa tashwiish ku jiraa,
wixii la doono ha la yiraahdo”, “waan ogahay
waxa ay I yiraahdaan waxaa sita Dadka caga
bararka iyo kuwa shiidka ah, waxaase dheg jalaq
uma siin jirin”, nin oday ah baa wuxuu yiri
“Wallee 3310 intaan noolahay iskama dhigi doono
isaga ayaaban eheladeyda kula xariiraa,”.
3310 ayaa waxa uu yiri “waan ogahay inuu suuqa
igu ciriirinayo nin la yiraahdo Tooshle,
walleese yaa runta u sheega in waddankaan aan
anigu u harayo, waxaana leeyahay iska fiiri
kooxaha burcadda ah”, waxay xaaladdu kolba meel
soo joogto waxaa waddankii ka dhacay Inqilaab,
waxaana taladii dalka la wareegay maxkamadihii
Islaamiga ahaa.
3310, wuxuu arkay in wadanka nabad ka dhalatay
oo dadkii qaadan jirey ay u wareegeen Mobailo
casri ah oo aad u qaali ah “waxaa I fuushay
qaman dhaco, waxaan noqday miskiin la iska
tuuray markii lagu dan gaaray, waxaan ku iri
Aadanawmaa joogtaan xilligu waa is beddeli
doonaayee, amaa dib la ii soo jaleecaa oo la I
soo raadiyaa”.
Qofkii lagu arko isagoo sita Mobile-ka 3310 aad
baa loola yaaba, waxayna yiraahdaan dadka “War
maxaa kugu raray waxa laga tagay, waxaan arkay
wiil jira Toban Sano oo Aabihii uu leeyahay
waxaan ku siinayaa Mobailkeygii hore ee 3310ka
ahaa, markaasuu wiilku leeyahay “Aabo ma I
nacday, maxaad ii siineysaa waxaa ay dadku
naceen”, Odeygii baa leh “Wiilyahow iska hayso
anigaa mar uu kaa beddeli doonaa”, wiilkii ayaa
inta uu xanaaqay dhulka la dhacay 3310kii, inta
la gabal uu noqday ayaa daqiiqado kaddib waxaa
ku cayaarayay ilmihii ka yer yeraa isaga.
Mobile-kii 3310 ka ahaa ayaa isagoo hadlaya waxa
uu yiri “Alla Odeygu muxuu ii dayacayaa oo sidan
iigu galayaa, mindhaa Abaal iguma erggan, Xalaal
Caleek”.
Dadku waxay wada qaateen Mobile-dii u danbeeyay,
Kooxihii burcadda ahaa ee ugaarsan jireyna gacan
bir ah ayaa lagu qabtay, dadku way
damaashaadayaan, nin walba waqtigii uu doono
ayuu la soo baxayaa Mobailkiisa kuna hadlayaa
meel kastuu joogo.
Waxaa la isugu faanay aniga ayaa kaa Mobail
casrisan iyo anigaa kaa Mobail casrisan,
haweeney sidatay 3310 ayaa wiilal dhalinyaro ah
waxay ku yiraahdeen “Hooyo Mobailkan waa laga
tegay, markaas bey ugu jawaabtay “Armaa asaga
loo soo laabtaa?”, markaas ayaa waxay yiraahdeen
“Hooyo waad jiiftaa, waddankii waa nabad, cid
kula hadlaysana ma jirto ee waxaan qanaxa ah
iska tuur”.
Maxkamadihii markii ay booskii baneeyeen ayaa
waxaa bulshadii ku soo qamaamay kooxo bur cad ah
oo bilaabay inay dadkii Mobailadii ku dilaan,
waxaa bilaabatay in Mobailadiila qarsado oo
xitaa dariiqyadii loola soo bixi waayo, habeen
walbana waxaad maqlaysaa hebel iyo heblaayo
Mobail baa lagu dilay.
3310 oo waa hore la tuuray la iskana nacay ayaa
mar qura waxaa ku qamaamay bulshadii markaasuu
wuxuu leeyahay “waa u malaynayay tanna inay
imaanayso, idinkaa horey ii nacaye maxaad hadda
iga soo dooneysaan?”, waxaana u jawaabay nin
oday ah oo dhahaya “Raaliahoow, waa laguu gafay,
waanan ogaa inaan lagaa maarmin”.
3310 oo iska dhigaya nin hadda warshadda ka soo
baxay ayaa waxa uu dareemayaa nolol ka duwan
midi uu ku jirtay lixda bilood, waayo lixda
bilood waxaa lagu hilmaamay sanduuqyada iyo
meelaha armaajooyinka, wuxuuna leeyahay yaan mar
dambe sidaan la ii gelin ogaada in wax walbaa ay
soo rogaal celin karaan
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 31, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...