SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 23, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (82), Muqdisho (86), Beledweyne (89), Baydhabo (97),  Galkacyo (118),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print

Cali Mahdi
1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Haamaha Sunta: Waa kuwaa...

WARARKII: March 23, 2007
  • Ciidamada Uganda Lama Geyn Doono Meelo Ka Baxsan Magaalada Muqdisho
  • Ciidamadama Uganda oo ka walaacsan Joogitaanka Ciidamada Itoobiya...
  • Ciidamo  damcay inay galaan Madaxtoonyada oo ay is hor taageen Ciidamada Uganda...
  • C/llaahi Sheekh Xasan ?Waxaan Awoodnaa in aan weerarno Boosaaso?
  • Warbixin ku saabsan dagaalo dib uga soo cusboonaaday Muqdisho
  • Magacyadda Maxaabiista la hayo oo ay soo badhigeen
  • Puntland oo Beenisey in Ciidamo Ka Joogaan Muqdisho
  • Dagaal Xooggan oo ka Dhacay Cadaado


WAR DEGDEG AH: Diyaarad ka kacday Garoonka Muqdisho oo la soo riday...

War degdeg ah oo naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad ka duushay galabta gegida diyaaradaha ee caasimadda ay ku soo dhacday waqooyiga magaalada Muqdisho, kaddib markii lala haleelay gantaal laga tuuray dhulka.

Dadka deegaanka ay diyaaraddu ku soo dhacday ayaa u sheegay wakaaladaha wararka inay arkeen qiiq ka baxaya diyaaradda ka hor inta aysan ku soo dhicin dhulka. Ma kala cadda dadka ku dhintay diyaaradda iyo khasaaruhu inta uu gaarsiisan yahay.

Nooca diyaaradda ayaan sidoo kale illaa iyo hadda kala caddeyn, lamana oga inay tahay diyaaraddu kuwii rakaabka ee shirkadaha duullimaadyada Muqdisho iyo inay tahay diyaarad kale oo u socotay ciidanka Ethiopia ama kuwa Yugaandha. (Laakiin waxaa jira warar sheegaya in ay ahayd diyaarad ah nooca uu sameeyo Ruushku ee Ilyushin taas oo sidey farsamayaqaanno diyaar kale oo ku cadilan garoonka Muqdisho. Waxaase jira warar taas ka duwan oo sheegaya in diyaaradaas ay lahaayeen ciidamada Uganda.)

Weriye jooga magaalada Muqdisho oo aan magaciisa la sheegin ayaa u xaqiijiyey British Broadcasting Corporation, qeybteeda dibadda la hadasha, inuu indhihiisa ku arkay gantaal ku dhacaya diyaaradda, laakiin uusan garanayn meesha laga tuuray gantaalkaas.

Qof deggan deegaanka diyaaraddu ku soo dhacday oo la yiraahdo Xasan Maxamuud Jaamac oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa tilmaamay inuu arkayey diyaaradda oo qiiqeysa, isla markaana uu go’an yahay mid ka mid ah baalasheeda, markii ay dhulka ku soo dhacdayna wuxuu sheegay inuu dhacay qarax xoog leh.

Wixii warar ah ee ku soo kordha akhbaartan dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa, haddii Allaha awoodda lihi oggolaado.

Qore: Mohamed Ingiriis
ingiriis@yahoo.com


Ciidamada Uganda Lama Geyn Doono Meelo Ka Baxsan Magaalada Muqdisho

Ciidamada Uganda ee jooga Muqdisho lama geyn doono meelo ka baxsan magaalada Muqdisho, sidaas waxaa tiri Wasiira-Dawladeedka Difaaca Ugandha, Ruth Nankabirwa.

"Si xeel dheer ayaan ula soconaa dagaalka ka socda Soomaaliya, waxaana ku baraarugsanahay tiro ahaan in aan yar nahay. Nolosha askartayada kuma biimayn doono meel ka baxsan Muqdisho." ayey tiri Ruth Nankabirwa. [Akhri: UPDF to stay in Mogadishu].

Warbixin ku Saabsan Dagaallo dib uga soo cusboonaaday Muqdisho

Amiin Yuusuf Khasaaro

Shalay subax ayaa waxaa goobihii doraad uu ka dhacay dagaalku, gaar ahaan dhinaca wasaaradda Gaashaandhiga iyo Kuliyaddii Jaale Siyaad waxaa ka bilowday dagaalo goos goos ah oo la isku adeegsanayey hubka fudfudud, hase yeeshee dagaalka xooggiisa waxa uu shalay ilaa iyo xalay goor dambe ka socday agagaarka  Fagax, gaar ahaan suuqii hore ee Jamhuuriya, waxaana la isku adeegsanayey hub aad u culus, waxaana dagaalkii ka dhacay labadii Maalmood Muqdisho ku geeryooday ilaa iyo sodon qofood, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 180 qofood.

Dagaalka ayaa haatan ku sii fiday Waqooyiga Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadii Dowladda ee soo galay suuqii Jamhuuriya dib loo celiyey, hase yeeshee waxaa shalay Muqdisho ka bilowday qaxii ugu weynaa, waxaana jidka Afgooye ku qulqulayey dadweyne aad u fara badan oo saarnaa Gawaari fara badan.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa waxa uu sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho ay wadaan wax uu ugu yeeray kooxaha Argagixisada ah, isagoo sheegay in ururka Al-Qaacida uu u xilsaaray dagaalka Aadan Xaashi Cayrow, waxa uuna sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay saacadaha soo socda soo afjari doonto dagaalka.

Ciidamadama Uganda oo ka walaacsan Joogitaanka Ciidamada Itoobiya...

Ciidamada Uganda ayaa markii hore lagu keenay dalka Soomaaliya in marka ay soo dhameystirmaan ay Ciidamada Itoobiya si dhaqsi leh uga bixin doonaan gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee arintaasi ilaa iyo hadda Ciidamada Itoobiya waxaa lagu waramayaa in ay ka lug jiidayaan.

?Ciidamada Itoobiya ayaa carqalad ku ah dadaalada nabadda ah ee ka socda Magaalada Muqdisho? ayaa laga soo xigtey sarkaal u hadlay Ciidamada Uganda oo sheegay in Ciidamada Uganda ay dib isaga laaban doonaan dalkoodii haddii aysan Ciidamada Itoobiya ka bixin Soomaaliya.

Goobihii ay Ciidmada Uganda la wareegay ayaa waxaa ka jira xasilooni, waxayna Saraakiisah Ciidamada Uganda ay sheegeen in ay dhexdhexaad ka yihiin dagaalada ka socda Muqdisho.

Wararka ka imaanaya dalka Uganda waxay sheegayaan in dadka reer Uganda ay aad uga walwalsan yihiin ciidamadooda jooga Muqdisho.

Haweenay ayaa ku catowday ?Aaway ciidamadii kale ee Midowga Afrika ka imaanayey, ma ciidamadeena ayaa la shirqoolay?, iyadoo inta badan shacabka reer Uganda ay qabaan fikirka ay qabto Haweeneydaasi.

Ciidamo damcay inay galaan Madaxtoonyada oo ay is hor taageen Ciidamada Uganda...

Ciidamo lagu sheegay in ay yihiin Puntland oo ka soo ka soo baxay dagaal ka socday Magaalada Muqdisho oo damcay in ay galaan xarunta Madaxtoonyada ee uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa la sheegay in ay is hor taageen Ciidamada Uganda oo sheegay in aan halkaasi loo ogoleyn ciidamo aan iyaga aheyn, waxaana arintaani aad uga carooday ciidamadii Reer Puntland, iyagoo damcay in ay rasaas ku furaan basle awood ayaa lagu muquuniyey dib ayeyna isaga laabteen.

Ciidamada Uganda oo iyagu la wareegay ammaanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaalhi Yuusuf Axmed ha noqoto dhinaca baratakoolka iyo waliba adeegyada kale ee laga qabanayo Madaxtoonyada, ayaa waxaa markii hore gacanta ku hayey ciidamo ka socday Puntland oo ay si aad ah isugu dhow yihiin C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa la sheegay in amaankiisa ay todobaadkii hore la wareegeen ciidamo ka socda dalka Uganda, kuwaas oo horey u sheegay in ay Soomaaliya u yimaadeen in ay ilaaliyaan xarumaha Dowladda.

Magacyadda Maxaabiista la hayo oo ay soo badhigeen

Markii dagaaladu ka bilowdeen maalintii arbacada ahayd ayaa galay maalintiisii labaad, waxaana ciidamada Dowladda lagu waramay in ay dagaalka kala kulmeen jab isugu jira dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis laga qabtay, waxaana dhacday in qaar ka mid ah maydadka askarta lagu jiiday Dariiqyada Magaalada Muqdisho, kadib markii ay heleen dad careysan oo ka soo horjeeda Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya. Afhayeen u hadlay kooxaha kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay maxaabiista ay hayaan ay ku bedelan doonaan maxaabiista u xiran Dowladda oo ay tilmaameen in ay si gardaro ah loogu qabtay xaafadaha Magaalada Muqdisho, haddaba waxaan halkaas idin kugu soo gudbineynaa Magacyada iyo gobalada ay ka yimaadeen ciidamadaasi, waxayna kala yihiin. 
 

Magaca Da?da Halka uu ka soo jeedo
Maxamed C/llaahi Xirsi          21 Laas Caanood
Cabdi Cali Yuuqoow              23 Qoryooleey
Cabdi Cali Badal                   57 Xamar
Xasan Maxamuud Axmed        18 Reer Shabeeladda Dhexe
Cabdi Cali Xasan Gaabow       19 Reer Shabeeladda Dhexe
Raage Maxamed Maalin          22 Reer Burco
Xasan Muxiidiin Xuseen          20 Reer Xamar
Maxamed Odawaa Cabdi         32 Reer Jariiban
Cabdi Fitaax max'ed Raage      40 Boosaaso
Ciise Saalax                         45 Boosaaso
Xamza Nuur Cali                   30 Laascaanood
Layl Maxamed Mahad             47 Reer Gaalkacyo
Maxamed Colaad Axmed         32 Garoowe
Farxaan Cirro     23 Gaalkacyo
Ina Diiriye Xalane                 20 Hobyo
Maxamed Xuseen Xaaji 20 Xamar

Beelaha Hawiye oo sheegey in uu sii socon doono Dagaalka 

Waxaa saakay markale laga maqlayay darinka rasaasta culus iyo mida fudud oo ay is waydaarsanayeen ciidamda Dowladda federaalka iyo kooxaha kacdoonka wado ee ka soo horjeedo, waxayna dagaaladaan oo kuwii shalay muqdisho ka dhacay daba jooga ka kala bilaawdeen deegaanda Jamhuuriya, iyo xaruntii hore ee wasaaradda gaashaandhiga ee xaafadda Shiirkole. Deegaanka Jamhuuriyo ayaa saakay laga maqlaayay rasaasta culus waxa ayna dad goob jooga yaal ah sheegeen in dagaalkaasi uu dhexmarayo ciidamda Dowladda federaalka iyo kooxo ka soo horjeedo, iyadoo aan war rasmi ah laga heyn qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaas. Sidoo kalena waxaa abaarihii 8/25-daqiiqo ee saakay dagaal ka qarxay xaruntii hore ee gaashaandhigga ee xaafadda Shiirkole halkaas oo xalay isku hor fadhiyeen koxihii shalay ku dagaalamay, sida ay noo xaqiijeen goob jooga yaal sheegeen in labada dhinac soo gaarayo gurmadyo xoog leh  Guddiga Beelaha Hawiye ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo Dowlaad federaalka iyo Beelaha Hawiye, uuna sii socon doono ilaa ciidamada Punland dib uga laabanayaan deegaanada Hawiye. Mas?uul u hadlay Guddiga Beesha hawiye ayaa sheegay in Beesha hawiye gabi ahaanba ay isku raacsan tahay arintaas sidaas darted Madaxweyne C/laahi Yuusf looga baahan yahay in uusan fidno ka dhex abuurin dadka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

C/llaahi Sheekh Xasan ?Waxaan Awoodnaa in aan weerarno Boosaaso?

Siyaasiga Caanka ah ee C/llaahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in dagaalka ka socda Muqdisho uu u dhexeeyo ciidamada laga keenay Puntland iyo Beelaha Hawiye, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi isku bedelo karo dagaal u dhexeeya Beelaha Daarood iyo Hawiye.

?C/llaahi haddii uusan ka joojin madaafiicda uu ku hayo dadka Hawiyaha ah, waxaana awoodnaa in aan weerarno Magaalada Boosaaso? ayuu si kulul u yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo intaa raaciyey ?C/llaahi hadda ka hor ayuu dad Beeshiisa ah kula kulmay Magaalada Nayroobi, waxa uuna ku yiri soo baneeya xeryaha, waxaa lagu bedelaya kuwa ku sugan Magaalada Muqdisho?.

C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu sheegay in dagaalkaan uu noqon karo kii 1991-dii oo Max?ed Siyaad Barre looga saaray xaruntii Madaxtoonyada, haddii aysan Dowladdu xal deg deg ah la imaanin.

Beelaha Hawiye ayaa iyana waxay sheegeen in dagaalku uu sii socon doono haddii aysan si dhaqsi leh Dowladda Federaalka u joojin xadgudubyada ay wado, waxayna u soo jeediyeen Dowladda Itoobiya in aysan u kala hiilin Beelaha Soomaaliyeed.

###

Puntland oo Beenisey in Ciidamo Ka Joogaan Muqdisho

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Xasan Daahir Afqurac ayaa maalinimadii Khamiistii (Mar 22) waxa uu sheegay in aan ciidamo ka socda Puntland aysan joogin magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xigeenka Puntland waxa uu sheegay in DFKMG lagu qaysaday habka loo yaqaan 4.5, taas oo uu sheegay in beelaha Soomaaliyeed u siman yihiin, waxan auu sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan DFKMG oo laga qoray Puntland sidaasna ay beelaha Soomaaliyeed ugu jiraan ciidamada DFKMG.

Dagaal Xooggan oo ka Dhacay Cadaado

Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ayaa sheegay in Khamiistii uu halkaas ka dhacay dagaal aad u xoog, kaddib markii maleysiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland oo taabacsan DFKMG oo halkaas ku sugnaa. Waxaa wararku sheegeen dagaalkaas ay maleyshiyooyinkii weerarka qaaday ay ku qabsadeen ugu yaraan afar gaari oo tekniko ah, waxaana dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan 10 qof. [Warbixin Dheeraad ah halkan ka akhri....]


Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2007



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com