SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shariif Axmed oo Dalbaday Xoog Militari...

Kaddib markii uu la kulmay Meles Zenawi....

Nabaddoon Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow: "Waxaan Adduunka u Sheegeynaa in Itoobiya ku sugan tahay Beledweyne qaybo ka mid ah."

  • Sheikh Shariif: Looma baahna in la Bedelo Qaanuunka Dalka iyo in laga hirgliyo Shareecada Islaamka...
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo "Cashuur" ka qaaday Gawaari maraysay Kalabayrka, Gobolka Hiiraan...
  • (ENA) - Sheikh Shariif Axmed oo u Digey Dalka Eretria...

Hadalladii Sheikh Shariif: Halkan Dhegeyso ama Soo Rogo.

Madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Addis Ababa waxa uu Feb 3, 2009 kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, sida ay shaacisay wakaalada wararka u faafisa Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.


Zenawi iyo Shariif Axmed oo isa salaamaya, Feb 3, 2009, Addis Ababa. Sawirka: ENA

Intii uu socdey kulankooda, Zenawi waxa uu sheegay in uu aqbalay doorashadii maadaxweynaha (DFKMG) ee Soomaaliya ee ka dhacday Jabuuti. Waxana uu Zenawi muujiyey sida ay Itoobiya diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeeyaan Dawladda Cusub ee Federaalka Kumeel-Gaarka ee Soomaaliya. Waxana Zenawi uu u xaqiiyey madaxweynaha DFKMG sida ay Itoobiya gacan uga geysaneyso ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya!

Madaxweynaha cusub ee DFKMG waxa uu dhinaciisa u sheegay Zenawi in Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya ay danayneyso in ay la shaqayso Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska ah si loo xaqiijiyo danaha dalkiisa, ayey tiri ENA.

Dhanka kale ENA waxay sheegtay in Shariif Axmed uu digniin u diray dalka Eretria, isagoo yiri waa in Dawladda Eretria aysan faraha la soo gelin arrimaha Soomaaliya.

Waxa warku intaas ku daray in Sheikh Shariif Sh. Axmed uu warbaahinta u sheegay in uu kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Zenawi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mesfin oo ay ka wada hadleen sidii loo sii horumarin lahaa nabadda Soomaaliya iyo doorka ay ka ciyaareyso Itoobiya ama qaybta ka qaadaneyso arrintaas.

Sannadkii 2006 ayey ahayd markii ciidamada Ra'iisul wasaariha Itoobiya Meles Zenawi ay xoog ku galeen Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ka saareen ciidamadii maxaakiimta ee uu hoggaamiyaasheeda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Intii Itoobiyaanku ku jireen gudaha caasimada Soomaaliya waxay ka geysteen xasuuq aad u daran oo si weyn ay uga hadleen hay'adaha xuquuqul insaanku.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea

Qoraal ay Feb 2, 2009 soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea ayaa tibaaxay in kuwii soo duulay (Itoobiya) ay dalka Soomaaliya ka bexeen kaddib markii ay shacabka Soomaaliyeed kala hor yimaadeen iska caabin xoog leh. Qoraalka Eritrea waxa uu su'aal geliyey sharci ahaanshada xukuumada Soomaalida loogu soo dhiso meel dibadda ka ah dalka, sida Jabuuti. (Eeg halkan).

Ciidamo Itoobiya oo Galay Kalabayrka oo cashuur ka qaaday Gawaarida...

Hay'adda wararka ee AP waxay (Feb 3, 2009) werisey in mar kale ciidamada Itoobiya ay ka soo talaabeen xadka Soomaaliya iyaga oo fariisin ka dhigtay Kalabayrka. Inkasta - oo sidii looga bartay - ay Itoobiyaanku warkaas diideen.

Laakiin waxaa hay'addu waraysatay dad Soomaaliyeed oo ku dhaqan degaanka, sida nin magaciisa la yiraahdo Farxaan Dheere oo sheegay in Isniintii (Feb 2, 2009) ay halkaas soo galeen 17 gaari oo nooca militariga Itoobiya, halkaasna ay ka samaysteen Kantarool.


Zenawi iyo Shariif Axmed oo isa salaamaya, Feb 3, 2009, Addis Ababa. Sawirka: ENA
FG: Zenawi kuraastii midabkoodu casaanka ahaa waxa uu ka dhigay buluug....

Sidoo kale Bootaan Cali oo ah dareewal gawaarida xamuulka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya oo jooga kantaroolka Kalabayrka iyo maleysiyo Soomaaliyeed oo Itoobiyaanka u shaqaynaya ay ka qaadeen lacag ay ugu yeereen "Canshuur" taas oo dadka degaanku ku tilmaameen lacag "baad ah" oo Itoobiyaanku qaadanayaan.

Wasiirka saxaafadda Itoobiya, Bereket Simon oo warkaas diidan ayaa yiri "Itoobiya waxay ku jirtaa xadka dhulkeeda, mana dooneyno inaan ka gudubno".

Odayaasha Gobolka Hiiraan oo Sheegay in Itoobiyaan Ku sugan tahay Qaybo Beledweyne kamid ah iyo Xubin ka tirsan Waftiga Sh. Shariif oo Sheegay in aysan warkaas weli xaqiiqsan...

Nabaddoon Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow: "Waxaan Adduunka u Sheegeynaa in Itoobiya ku sugan tahay Beledweyne qaybo ka mid ah."

Waftigii Madaxweynaha DFKMG: warkaas ilaa hadda annaga sugnaantiisa ma hayno,

Sida ay werisey Idaacadda Codka Maraykanka (Feb 4, 2009), Odayaasha Gobolka Hiiraan oo kulan ka yeeshay soo noqoshada Ciidamada Itoobiya ee soo galay Kalabayr ayaa walaac weyn waxay ka muujiyeen arrintaas ayadoo dadkii degaanku ay markale bilaabeen inay ka qaxaan aagga ay soo galeen ciidamada Itoobiyaanku.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dhaqanka Gobolka Hiiraan, Nabaddoon Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow oo ka hadlay dhibaatooyinkaas ayaa sheegay in dadkii degaanka JAWIIL ay u bara kaceen degaanno kale. "Ayadoo dalka uu ka daaley dhibaato ayaa waxaa isoo gaaraya in degmada Jawiil ay ku hareen odayaal duqow ah, laakiin  ay barakaceen ama ka qaxeen dhallinyaradii, carruurtii iyo haweenkii oo buuraha aadey oo qaar webiga u carareen oo kaneeco ku laysan oo argagax ku dhacay". Nabadoonku waxa uu intaas ku daray "Waxaan Adduunka u Sheegeynaa in Itoobiya ku sugan tahay Beledweyne qaybo ka mid ah."

Ciidamada Itoobiya ee halkaas soo galay waxaa la sheegay in ay la socdaan malaysiyo Soomaaliyeed oo ka tirsan maamulkii hore ee degaankaas, kuwaas oo lacag baad ah ka qaadaya gawaarida u kala goosha wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara soo laabashada ciidamada Itoobiya ee hadda ku sugan Kalabayr waxa kale oo ka digey golaha aqoon yahanada Gobolka Hiiraan. Cismaan Maxamuud Cilmi oo ah guddooyimaha golahaas ayaa sheegay in Itoobiya aysan diyaar u ahayn in ay fuliso ballanadii ay gashay ee ahayd in dhammaan ciidamadeeda ay kala baxayso dalka Soomaaliya. "Waxaan u aragnaa soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ay soo galeen gobolkan mid khalad ah, isla markaasna khal-khal iyo barakac ka abuuri karta gudaha gobolkan Hiiraan. Waxaan u aragnaa in Itoobiya aysan diyaar u ahan in ay fuliso wixii lagu heshiiyey," ayuu yiri Cismaan Maxamuud Cilmi oo u waraamayey idaacada Codka Maraykanka. Halkan Dhegeyso ama Soo Rogo.

Laakiin, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah waftiga madaxweynaha DFKMG u raacay Itoobiya oo Feb 4, 2009 waraysi siiyey Idaacadda British BroacastingCorporation ayaa la weydiiyey "labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ajirey warar sheegayey in ciidamada Itoobiya soo galeen qaybo ka mid ah Soomaaliya ee taas makala hadasheeg (Madaxda Itoobiya)". Waxa uu ku jawaabey sidan:

"Runtii warkaas annaga waa nagu cusbaa, kulanka kaddib ayaa warkaasi na soo gaarey, waxaanu isku daynay in aan ka xaqiiqsano dadkeena gudaha jooga ee hoggaamiyaasha ah, warkaas ilaa hadda annaga sugnaantiisa ma hayno, waase wax aan markasta kala hadli karno madaxda dawladda Itoobiya, iyagu waxay noo xaqiijiyeen in ay Soomaaliya ka bexeen, in aysan dib ugu soo noqonaynin, in ay nabadda Soomaaliya danaynayaan, in labada waddan taariikh cusub loo furo, weliba wasiirka Arrimaha dibadda (Itoobiya) wuxuu nagula kaftaamay waddankiinii waad naga xoraysateen Isbahaysiga dib u xoraynta ayaad ahaydeen, waddankiinii waad naga xoraysateen ee hadda u tashta idinka, markaas waxaan dhehi karaa kulankaas kulan saraaxa ah ayuu ahaa oo runta la isu sheegay, oo xitaa dublomaasiyada ka baxsanaa oo waxkasta la lafaguray oo laga wada hadlay, waxayna muujiyeen madaxda Itoobiya in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dawladda Soomaaliya, oo xiriir iyo jabtar cusub loo furo xiriirka labada dal, lagana shaqeeyo sidii dhibaatada iyo faqriga iyo colaadaha loola dagaalami lahaa."

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu warbaahinta Itoobiya u sheegay in madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Axmed, uu bilaabay sidii uu soo xuli lahaa Ra'iisul Wasaaraha DFKMG.

Itoobiya waa dal ay colaad dheer soo kala dhex martay Soomaaliya, waxayna Itoobiya qarnigan 21aad gumeysi ku haysataa dhul iyo dad Soomaaliyeed. Waxaana dagaallo dhulkaas ku saabsan ay Soomaalida iyo Itoobiya dhex mareen 1964 iyo 1977/78. Waxayna Itoobiya xoog ku gashay caasimada Soomaaliya Dec 28, 2006 iyada oo ka baxday Jan 15, 2009, waxayna halkaas ka geysatey xasuuq ba'an oo soo gaarey shacabka.

BBC English: Shariif Axmed oo dalbaday Xoog Militari..

Qoraal ay Feb 3, 2009 faafisay British Broadcasting Corporation qaybta Ingriisiga ayaa sheegay in madaxweynaha DFKMG, Shariif Axmed uu dalbaday xoog militari oo uu ku maareeyo "Kuwa Xag jirka ah", waa sida warku u dhigay'e. Sarkaal ka tirsan xoghaynta wasaaradda arrimaha dibada ee Soomaaliya oo magaciis la yiraahdo Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Sheikh Shariif uu Ururka Afrika kala hadlay "Kuwa Xag jirayaasha ah oo ku xad gudbaya nidaamka nabadda," ayaa warku sheegay, "Waxayna beesha caalaamka weydiisteen in laga taageero arrintaas." Warka la xiriira dalbashada xoogga militari waxaa ganafka ku dhuftay Axmed Macallin Fiqi, oo ah xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha DFKMG, kana mid ah waftiga la socda Madaxweynaha, sheegayna in warkaasi been yahay. Laakiin BBC-da oo ku adkaysaneysa warkeeda waraaysigii ay Sh. Shariif ka qaaday Halkan Dhegeyso ama Soo Rogo(mp3).

Warkaas markii idaacaddu British Broadcasting Corporation siideysey waxaa ka daba qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa waftiga madaxweynaha DFKMG, Waxana uu (Feb 4, 2009) sheegay in ay la yaabeen warkaas markii ay ka maaleen Idaacadda, isagoo beeninaya in ay dalbadeen ciidamo ka taakuleey ala dagaalanka kooxah aka soo horjeeda. Halkaan Dhegeyso ama Soo Rogo (mp3).

Bloomberg: Sheikh Shariif Looma baahna in la Bedelo Qaanuunka Dalka iyo in laga hirgliyo Shareecada Islaamka...

Dhanka kale qoraal ay Feb 3, 2009 faafisay jariidada Bloomberg ayaa sheegay in ay ka soo xigatey Shariif Sheikh Axmed in uu sheegay in Soomaaliya aysan rabin in lagu soo rogo shareecada Islaamka. Waxaana weriyaha jariidada oo ka soo waramayey Addis Ababa uu qoray in Shariif Axmed uu yiri "Looma baahna in la bedelo sharciga dalka," waa sida ay qortay Bloomberg.

Waraysi ay Idaacadda British Broadcasting Corporation ay la yeelaatay Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa la weydiiyey "Majeceshahay in aad sharciga Soomaaliya wax ka bedeshid oo shareecada Islaamka la qaato". Waxa uu ku jawaabey "Waxaan u malaynayaa in aan loo baahnayn in sharciga wax laga bedelo, dadka Soomaalidu waa dad Muslim ah, wax dhibaato ah ma jiraan." Halkan Dhegeyso ama Soo Rogo.

Mukhtaar Roobow oo u hanjabey AMISOM

Dhanka Muqdisho, Kooxaha dagaalka ka wada Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan dagaalka ay kaga soo horjeedaan ciidamada Midowga Afrika, maalin kadib markii saraakiil Soomaali ahi ay ku eedeeyeen ciidamada AMISOM in ay dileen 18 qof oo rayid ah, sidaas waxaa werisey Idaacadda Codka Maraykanka, oo intaas ku dartay "Afhayeenka Al-shabab, Sheik Mukhtar Robow Abu-Mansuur ayaa sheegay in ay awood millatari ku saari doonaan ciidamada nabad-ilaalinta haddii ayan inta ka horaysa iyagu iskood isaga bixin Soomaaliya." Roobow waxa uu hadalkaas ka sheegay Baydhabo. (Halkan dhegeyso (mp3)).

"Afhayeenka ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ayaa beeniyay in ciidankoodu furay rasaastii shalay Isniintii Muqdisho ka dhacday. Gaashaanle Baridgye Bahuko waxa uu sheegay in dhimashadu ka timid bam waddada dhinaceeda lagu beeray oo qarxay markii ay kolonyada AMISOM halkaa maraysay," ayey tiri VOA.

Tixraac: Sheikh Shariif waraysi uu hore u siiyey Aljazeera oo uu kaga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin Eretria.. VIDEO: Halkanka daawo...

VIDEO: Barnaamij Aljazeera ka diyaarisay Doorashadii iyo Waraysiyo (English)...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2009 | Updated: Feb 5


umalKhudbaddii Sheikh Maxamed Cabdi Umal kaga hadlay Kitaabka Quraanka oo loogu dhaaranayo Dastuur aan waafaqsanayn Kitaabka
Halkan Dhegeyso ama soo rogo

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS