SOMALITALK.COM dahabshiil
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | NAGALA SOO XIRIIR | Allah Is Great
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Meles Zenawi oo ka Degey Mudisho

June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Zenawi, ayaa maanta, Talaada June 5, 2007 magaalada Muqdisho ku yimid kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay "safar kusoo bood ah"..

Wararka laga soo xigtey dad goobjoog ahaa garoonka ayaa tibaaxay in markii Zenawi ka soo degey garoonka uu dalka ka maqnaa madaxweynaha DFKMG, laakiin muddo ka dib uu halkaas ka soo degey C/laahi Yuuf oo maalmahan ku maqnaa dalka Liibiya.

Zenawi waxa uu safarkiisa Muqdisho ku soo beegay kaddib 160 maalmood markii ay ciidamadiisu soo galeen Caasiamdii Soomaaliya ee laga qorshayn jirey xoraynta dhulka ka maqan Soomaalida ee Muqdisho. Lama oga micnaha xabashida ay u leedqahay tirada 160 maadaama uu safarkiisa sidaas la beegsaday Zenawi.

Dadweynaha Muqdisho ayaa saakay ku waaberiistey iyadoo dariiqyada Muqdisho ee aada garoonka la soo tubay ciidamo Itoobiyaan ah, ilaa markii dambe ay ka war heleen in dalka uu ku sugan yahay Zenawi.

Si aad u fahamtid ujeedada ka dambaysa imaanshaha Zenawi ee Muqdisho, akhri xigmadii: Meles Zenawi: Anigaa Imanaya Muqdisho, Gaar ahaan Xeebta Liido: 

isha: Wakaaladaha


June 5, 2007

  • "Nabad ku joog Dhulkaaga ama malaka-moowd doono oo xil ka qabo DFKMG"
  • Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Faraha Kasii baxaya
  • Dilal Kala Duwan Oo Ka Kala Dhacay Gudaha Caasimada Muqdisho
  • Amaanka Magaalada Kismaanyo Oo Noqday Mid aan Laysku Halayn Karin Oo Kasii Daraya.
  • Baaq Xabad Joojin Ah Oo Ay Soo Saareen Isimada Iyo Waxgaradka Harti-waamo.
"Nabad ku joog Dhulkaaga ama malaka-moowd doono oo xil ka qabo DFKMG"

Gudoomiyahii degmada Ceel buur ee Gobolka Galguduud Cali Max'uud Siicow (Cali Waraabe) ayaa xaley [Isniintii Jun 4, 2007] lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho oo ugu dameeyey masuuli la dil inkastoo Cali Maxamed Geeddi uu faro cidiyo leh ku fikaday.

Sida ay wakaaladaha waraarku waxay sheegayaan Marxuumka ayaa waxaa la diley xaley abaara 7:30 kii fiidnimo isagoo ka soo baxay masjid uu salaadii cishaha ku tukadey wakhtigaas oo uu ku sii jeeday guriga uu ka degan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Koox dabley ah oo aan haybootada la garaneyn ayaa dishay dilka Gudoomiyaha, isla amrkaasna way baxsadeen.

Gudoomiyaha la diley ayaa ka mid ahaa gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Galguduud oo dhawaan ay magacaabeen masuuliyiinta Dawlada Federaalka KMG, gaar ahaan madaxweyne C/laahi Yuusuf oo dhawaan dhisey maamulka Galguduud.

Masuuliyiinta xilalka ka haya DFKMS ayaa indhowaalaba la beegsanayey, iminkana waxaa faraha ka baxay tirada masuuliyiinta la khaarajiyey.

Arintaan, ayaa dadka ku dhaqan caasiimada Soomaaliya ee Muqdisho waxay ugu magac dareen ama nabad ku joog dhulkaaga ama malaka-moowd doono oo xil ka qabo DFKMS, runtiina waa arin jirta oo aan la beenaysan karin.

Sidoo kale afar goor ayaa waxaa ka badbaaday shir-qool lagu doonayey in lagu khaarajiyo Ray-sul wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyadoo uu hadda ka hor ka badbaaday qarax lala beegsaday C/laahi Yuusuf Axmed M.weynaha DFKMS oo ka dhacay Baydhabo iyo waliba hoobiye lagu weeraray Villa-Somalia oo la rabay in lagu dilo C/laahi Yuusuf.

Waxaa iyana sidoo kale ka soo bixi la Villa-Soomaaliya masuuliyiin badan oo xataa aan haysan meel ay ku aaryo qaataan ama aan biibito kafee ka cabi karin. Sidaas oo ay, tahay ay masuuliyiinta DFKM oo isku halaynaya ciidamada Itoobiya ayaa wali ku sii adkeysanayaan kalitalisnimada dadkii iyo dalkiiba galaafatay.

Haddaba, Su'aashu waxay tahay maxaa Soomaaliya u dan ah???

Isha: Wakaaladaha Wararka


Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Faraha Kasii baxaya ,Xilli Ay Ku Sugan Yihiin Cutubyo Ciidamo Shisheeye Oo Ay Horboodayaan Dowlada KMG

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Xaalada amaan ee magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa faraha kasii baxaysa tan iyo xiligii ay istaageen dagaaladii u dhexeeyey xoogaga diidan joogitaanka ciidamada shisheeye iyo weliba ciidamada huwanta ah ee Ethiopianka iyo kuwa dowlada KMG ah.

Cabsida iyo wel-welka haysta dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa noqday mid si weyn u hareeyey suuqyada iyo weliba goobaha lagu qaxweeyo taasoo muujinaysa dilalka isdaba jooga ah ee maalin iyo habeen kasta ka dhacaya caasimada qaraxyada lala beegsanayo goobaha ay joogaan masuuliyiinta dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada Ethiopianka .

Axmed raage oo kamid ah maclimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Gobolka banaadir ayaa sheegay inay magaalada muqdisho noqotay hoyga geerida islamrkaana uu amaankeedu kasii darayo taasoo uu xusay inay tahay wax lala yaabo iyadoo ay joogaan dowlad KMG ah oo weliba kaashaynaysa ciidamo isugu jira Ethiopian iyo Ugaandhiis inay caasimadii noqoto mid amaankeedii khal khal ku jiro .

''waxaa wax lala yaabo ah iyadoo ay magaalada muqdisho ay sheeganayso inay dowladu KMG ahi haysato in amaankeedu isu bedelo goob amaan darro ,taasina waxay kuu cadaynaysaa inaysan masuuliyadii ay sheeganayeen kuwa ugu sarsareeya dowlada KMG ahi aysan qaadi kari waayeen ,islamrkaana ay weliba siyaasad xumo ku darsadeen ,taasoo ku tusaysa inaysan ogolayn xoogaga siyasadeed ee kasoo horjeeda inay la gorfeeyaan waxii dalka iyo dadka dan u ah waxayna taasi ragaadinaysaa nabad ka dhalata dalka soomaaliya " ayuu yiri axmed raage

macalin axmed raage oo hadalkiisa sii wata ayaa ka codsaday dowlada KMG ah sadex arimood ay ku dhaqaaqaan taasoo uu sheegay in qodobka koowaad uu kula talinayo dowlada KMG ah inay shirka dib u heshiisiinta nagu soo fool leh ugu baaqdo qaybaha siyaasada kaga soo horjeeda inay kasoo qayb galaan ,qodobka labaad inay tixgelin weyn siiso golihii maxaakiimta islaamka soomaaliyeed oo iyagu wax ka yar 6-bilood ku hantay nabad kusoo dabaalida koonfurta iyo bartmaha soomaaliya oo weliba dib u abaabusho sidii ay ula heshiin lahayd ,iyo qodobka sadexaad oo uu sheegay hadii ay ku guulaysan wayday masiirkii danaha umada soomaaliyeed islamrkaana ay dalka kasoo cusboonaadeen dhibaatooyin amaan xumo inay iyo cabsi daran inay xilka iska casisho.

Hadalkan raage ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada muqdisho xalay ilaa saaka ka dhaceen qaraxyo isdaba jooga oo mid kamida lala beegsaday hoyga raysal-wasaaraha dowlada KMG ah islamrkaana ay ku nafwaayeen in ka badan 7-qofood halka tiro aan la xaqiijina ay ku dhaawacmeen .

Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa amaankeedu faraha kasii baxayaa tan xiligii ay istaageen dagaaladii qaraaraa ee dhex maray xoogaga wax iska caabinta iyo weliba ciidamada xukuumada Ethiopia.

Dilal Kala Duwan Oo Ka Kala Dhacay Gudaha Caasimada Muqdisho
 
Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagu dilayo magaalada muqdisho islamarkaana aan la ogayn dadka gaysanaya dilkaasi iyadoo habeenkii xalay ahaa dilal kala duwan loo gaystay 4-qofood oo ku jiray gudoomiyaha dhowaan loo magacaabay degmada ceelbuur ee gobolka gal-guduud.

Xuseen cumar siicow oo dhowaan loo magacaabay xilka gudoomiyenimo ee degmada ceel-buur ee gobolka gal-guduud ayaa dil xalay loogu gaystay isagoo kasoo baxaya salaadii cishaha sida uu saxaafada u xaqiijiyey qof goobjooge ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo

Goob joogahaasi ayaa waxa uu sheegay in marxuumka marka la dilayey uu masaajidka kasoo raacay nin dhalin yaro ah oo madaxa soo duubtay islamrkaana uu madaxa kala beegsaday raasaas kqa dhacaysay baastooad.

Dhinaca kale Labo nin oo meyd ah ayaa saaka lagu arkay iyaga oo yaala agagaarka saldhigga booliska degmada War-dhiigleey.

Meydakan labada nin ayaa u muuqday kuwo lagu diley jir-dil iyo ceejin islamrkaana ay qoorta iyo feerahooda ka muuqdeen dhaawacyo jir-dileed ,ma cada cidda ka dambaysa dilka labadan nin iyadoo ay meeshaasi ka qaadeen marxuumyadan ciidmada booliska saldhiga wartdhiigley oo aan sidaasi uga dheerayn halka ay yaaleen maydka labadan nin.

Xuseen Cabdulle Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka oo saxaafadu ay kula kulantay saldhigga degmada War-dhiigley ayaa waxa uu uga digay dadka in aysan isku marin dhanka dambe ee saldhigga oo ay fariisin u tahay ciidamada Ethiopia.

Sidoo kale labadan nin ayaa dadka deegaankaasi qaarkood tibaaxayaan inay dilkan ka dambeeyeen ciidamada Ethiopia ee ku sugan saldhiga wardhiigley dhabarkiisa dambne iyo xaafada xamar billa islamrkaana la sheegay inay ciidamada ethiopia waqtiga habeenkii ah ay cabsi xoogan qabaan oo ay keeb la yuurur yihiin isdlamrkaana iska dilaan wax alle waxii kusoo aada halka ay degan yihiin ,taasoo tiro ka dhowr jeer ah ay ku toogteen dhowr qof oo qaarkood madaxa looga jirey.

Amaanka Magaalada Kismaanyo Oo Noqday Mid aan Laysku Halayn Karin Oo Kasii Daraya.

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya inay ka taagan yihiin xiisad colaadeed oo mudo soo jiitamaysay islamrkaana ay sii hurisay dilkii dhowaan loo gaystay taliyihii ciidanka nabad-sugida gaashaanle makhtal oo loo yaqaanay Gaa-gaab

Sida aanu ka helay masuuliyiinta maamul beeleedka gacanta ku haya magaalada kismaayo ayaa ku eedeeyey falalka dilalka iyo isku dayada beryahanba ku soo cusboonaaday Kismaayo inay ka dambeeyeen maleeshiyo beeleedka ku sugan Buulo-guduud. Mas'uul diiday inaanu magaciisa shaacino ayaa sheegay inuu eedda dusha uga tuurayo ciidamada dhawaan laga saaray Kismaayo.

Masuulka ayaa intaasi ku daray in Dilkii loo gaystay taliyihii nabadsuggidda Kismaayo Maqtal Gaa-gaab iyo isku daygii dilka ahaa ee lala beegsaday taliyaha booliiska Shanfool ayaa ahaa mid qorshaysan oo looga dan leeyahay in la khal-khal galiyo amaanka Kismaayo, lana rabo in mar-marsiiyo loogu helo si weerar ciidamada itoobiyaanku ugu soo qaadaan kismaayo ayuu raaciyey mas'uulkaas eedayntiisa.

Sidoo kale masuulka oo hadalkiisa sii raaciyey in Shirqoolada noocaan oo kale ah ayaa loo malaynayaa inay yihiin kuwo qorshaysan oo ujeedo laga leeyahay.

Mas'uulkaas waxaa uu ku hanjabay inaysan u dulqaadan doonin ficilada noocan oo kale ah, isla markaasna ay weerari doonaan ciidamada ku sugan Buulo-guduud waa siduu hadalka u dhigaye.

Magaalada Kismaayo ayaa ah mid aanan amaankeeda iminka la isku halayn karin, kana sii daraysa maalinba maalinka ka dambeeya.

Baaq Xabad Joojin Ah Oo Ay Soo Saareen Isimada Iyo Waxgaradka Harti-waamo.

Baaq nabadeed oo ku aadan dadka walaal ah ee isku dilay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn anagoo ah Waxgaradka , Aqoonyahanada , iyo dhamaan dadka ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag, Cayn iyo Nugaal waxaanu baaq xabad joojin ah u diraynaa Dadka walaalaha ee dirirtu ku dhex martay Degmada Buuhoodle waxaanu leenahay Caqligu ha shaqeeyo oo yaanu qorigu shaqayn wixii walaaltinimo lagu waayo qori lagu heli maayo ,, hana la xusuusto wada dhalashada , Islaamtinimada iyo wadaniyada intaba.waxaan sidoo kale baaq nabadeed u diraynaa dhamaan dadka soomaaliyeed meelkasta oo colaadi ka jirto Allahna waxaan ugu rajaynaynaa in uu nabad ku soo celiyo.

waxaanu si gaar ah ugu tacsiyeynaynaa dadkii dagaaladaas ku dhintay waxaanu leenahay dadkii qosaskii ay ka dhasheen Allah samir iyo Iimaan ha ka siiyo bedel khayr qabana ha ugu badelo aakhiro iyo aduunba iyana ha ka dhigo kuwii ku samra.

  1. Ugaas Maxamuud Ugaas Xuseen (Baqow)
  2. Caaqil Yuusuf Haybe Abokor
  3. Caaqil Jaamac Nuur Cadde
  4. Dr C/risaaq Maxamuud Raamaale
  5. Nabadoon Aadan Barre Guure
  6. Nabadoon Jaamc Ducaale Abokor
  7. DR Daahir Cabdulaahi Muuse
  8. Nabadoon Ismaaciil Finiin
  9. Aadan Axmed Yuusuf
  10. Cabdulaahi Faarax Soodaad
  11. Axmed Maxamuud aadan Guul
  12. Ismaaciil Blle Guure
  13. Nabadoon Warsame Cumar

Wabilaahi Towfiiq

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


June 4, 2007

  • Jariidada Telepraph oo Qoraal ka qortay Dhacdadii Baargaal
  • Qarax Xalay ka Dhacay Wersheddii Caanada ee Muqdisho
  • Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya
  • Daahir Riyaale oo Itoobiyaanku Ku Baareen Hargeysa intii uusan u Dhoofin Itoobiya...

    USA: Gabar Soomaaliyeed oo loo Xukumay $288,000 doolar kaddib markii shaqada looga eryey Khimaarka..

    Phoenix, USA: Xaakim ka tirsan dawladda dhexe ee Maraykanka ayaa shirkadda gawaarida kiraysa ee Alamo ku xakumay in ay gabar Muslimad ah siiso lacag dhan 288,000 oo doolar kaddib markii shirkaddaasi ay gabadhaas shaqada kaga eridey khimaar ay xirnayd oo ay diidey in ay iska dhigto.

    Gabadhaas oo magaceeda la yiraahdo Bilan Nur oo 22-jir ah waxaa shaqada laga eryey afar bilood ka dib Sept 11, 2001.

    Bilan Nur waxay dalka Maraykanka timid sannadkii 1998 xilligaas oo ay ka soo carartay dagaalkii halakeeyey Soomaaliya, waxaana shirkadda Alamo xafiiskeedka Phoenix ay shaqao siiyeen bishii November 1999, shaqadeeda si wanaagsan in ay u qabsaneysey ayaana warku sheegay. Waxaana 2001 loo diidey in ay khimaar ku xirato shaqada, sidaasna shaqadii looga eryey, dacwadiina hadda ku dhamaatay in loo xukumay $288,000. Xaakimkuna waxa uu sheegay in gabadhaas diinteeda lagu faquuqay sidaasna shirkaddaas loogu xukumay in ay lacagtaas bixiso.


Jariidada Telepraph oo Qoraal ka qortay Dhacdadii Baargaal

"Several witnesses including expatriate aid workers have claimed that earlier 'evidence' pointing to foreign fighters was doctored to garner international support for operations against Islamists in Somalia." Telegraph

Jariidada Telegraph ee ka soo baxada Ingriiska oo warbixin ka qortay dhacdadii Baargaal ayaa ugu horayn soo xigatey warkii wasiirka maaliyadda DGPL, Gaagaab, ee ahaa in dadka lagu diley aagga Baargaal ay ka mid yihiin dad ka soo jeeda dalalka "America, Britain, Sweden, Morocco, Pakistan iyo Yemen".

Afhayeen u hadlayey safaarada Ingriiska ee Nairobi oo arrinta Soomaaliya la socda waxa uu yiri: Waan la soconaa warka sheegaya in dagaal-yahaniin shisheeya ah lagu diley Soomaaliya, laakiin xilligan la joogo wax akhbaar ah oo ku saabsan ma hayno."

Jariidada oo warkeeda sii wadata waxay qortay: In wararka soo noqnoqonaya ee ay DFKMG iyo Itoobiyaanku ku sheegaan in shisheeye ay ku jiraan Ingriis ay ka dhinac daggaalameen Mujaahidiinta Soomaalida in aan ilaa hadda la cadday loo hayn"

Jariidada Telepraph waxay intaas ku dartay "Dhawr qof oo goob joogayaal ah, oo ay ku jiraan dad ka tirsan hay'adaha Gargaarku waxay sheegeen 'caddaymaha' u horeeya ee muujinaya dagaalyahaniin shisheeye ah in ay tahay arrin xaalad-abuur ah si taageero caalami ah loogu helo hawl-galka looga soo horjeedo Islaamiyiinta Soomaaliyeed" waa sida jariidadu warka u dhigtay'e.

"Dagaalkaas waxaa lagaga diley kooxda Argaggaxisada ah lix qof, oo kal aah nin Maraykan ah, nin Ingriis ah, nin Swidhish ah, nin Marookaan ah, nin Pakistaani ah iyo nin Yamani ah, qaar hore loo raadinayeyna waa jiraan" Sidaas waxaa yiri Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiirka Maaliyadda DGPL, Halkan ka dhegeyso...

Bishii Janaayo 2007 ayey ahayd markii Jariidada Telegraph ay qortay qoraal ahaa in Igriisku ay Zenawi ku wargeliyeen in uu keeno cadaynta uu u hayey dagaalyahaniinti Britain ama iska aamuso, kaddibna Zenawi juuq laga waayey.. [Britain: Zenawi ama aamus ama caddayn keen in dad reer Britain ah aad dagaalka Soomaaliya ku qabateen]

Dhanka kale waxay jariidadu sheegtay in Cali Maxamed Geeddi uu weerarkii gurigiisa lagu qaaday Galabnimadii Axadii ee ay 7-qof ku dhinteen uu ku eedeeyey Al-Qaeda. Isha: qormada Telepgraph: Islamic terrorist killed in Somalia was British

Qarax Xalay ka Dhacay Wersheddii Caanada ee Muqdisho

Qarax xooggan ayaa xalay (oo ay Isniin soo geleysey) ka dhacay meesha lagu magacaabo xerada Tolmada ee aagga wersheddii Caanaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKMG. Lama oga khasaaraha halkaasi ka dhacay.

Markab Laga Leeyahay Denmark oo Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya

COPENHAGEN, Denmark - Markab ah kuwa xamuulka qaada oo laga leeyaay Denmark ayaa lagu afduubay xeebta Soomaaliya, sida uu Sabtidii sheegay mulkiilaha markabkas, isagoo soo xiganey warbixin laga helay markab ay leeyihiin ciidamada Faransiisku, sida ay werisey AP.

Markabka oo lagu magacabo Danica White waxa uu kusii jedey magaalada dekeda ah ee Mombasa Kenya isagoo ka yimid Dubai, waxan auu Mombasa u wadey qalab dhisme, waxaana la qafashay Sabtidii (Jun 2) ama gelinkii dambe ee Jimcadii (Jun 1), sidaas waxaa yiri, Jorgen Folmer, oo ah afhayeen u hadlayey shirkada xamuulka qaada ee Danish-ka ah ee la yiraahdo H. Folmer & Co.


Isha sawirka: Shirkadda http://www.folmer.dk/

Waxaa wararku tibaaxeen in markabka ay saaran yihiin shan shaqaale ah.

Waxa uu afhayeenkaasi sheegay in markab ciidamada Fransiisku uu aagga lagu afashay markabkaas ku sugnaa, laakiin ay u suurta geli wedey in uu markabkaas badbaadiyo maadaama Markabka Faransiisku uusan geli karin biyaha Soomaaliya.

Afhayeenku macadayn meesha qafakaasi ka dhacay, laakiin waxa uu sheegay in ay tahay biyaha Soomaaliya. Shirkaddana waa u suurta geliweydey in ay wax xiriir ah la sameeyaan shaqaalihii markabka saarnaa.

Daahir Riyaale oo Itoobiyaanku Ku Baareen Hargeysa intii uusan u Dhoofin Itoobiya...

Waxaa waji-gabax ku noqotay maamulka Daahir Riyaale kaddib markii diyaarada Ethiopian Airline oo magaalada Hargeysa ka qaadeysey wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland lagu amray in la baaro iyaga iyo alaabtoda, arrintaas oo dhacday Sabtidii June 2, 2007 xilli uu Daahir Riyaale Kaahin ka duulayey Magaalada Hargeysa, isagoo raacayey diyaaradda Itoobiyaanku leeyihiin ee Timaada Hargeysa.

Markii arrintaasi dhacday dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in waftiga Daahir Riyaale ay arrintaas ka biyo diideen, laakiin ay saraakiishii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ay u sheegeen in waftigaas iyo alaabtoodaba la baarayo, sidaasna lagu baaray.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga oo arrintaas ka hadlayey waxay sheegeen in "muran iyo is maandhaaf ka dhashay baadhista Madaxweynaha iyo alaabtiisu ay xannibtey duullimaadka diyaaradda muddo Nus-saac ka badan."

Wararkaasi waxay sheegeen, waa sida ay warbaahinta maxalliga hadalka u dhigta'e: "in Madaxweyne Riyaale aanu qaadan wax tallaabo iyo go'aan ah oo uu si adag ugu muujinayo diidmadiisa – qawl iyo ficil midna, isla markaana uu si niyadjab leh uga warsugayey waanwaan, dood iyo maslaxaad ay wadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo wasiirka Duulista Hawada, mudane Cali Maxamed Warancadde, iyada oo sida la sheegay saraakiisha Nabadsugidda Diyaaraddu ay ku adkaysteen inay amar ku haystaan baadhistaas."

Daahir Riyaale safarkiisa uu kaga ambabaxay Hargeysa waxa uu kusii jeedey Norway iyo Sweden. Waxase uu sii maray Addis Ababa, halkaas oo uu habeenimadii Axada kula kulmay Ra'iisul wasaraha xukuumada Itoobiya, Zenaw, in kasta oo aan la shaacin uu uga dacwoodey sida ay sarakiisha Itoobiya ula dhaqmeen markii uu ka soo duulayey Hargeysa, waxa keliya oo la sheegay in kulankaas albaababadu u xirnaayeen.

Warbaahinta Itoobiya waxay soo saareen sawir muujinaya Daahir Riyaale oo is-gaabinaya si uu ula sinmo Meles Zenawi uu si qummaati ah u taagan iyagoo isa salaamaya. [Eeg dhanka midig.]

Arrinta ah in Daahir Riyaale lagu baaray Hargeysa oo ay baareen saraakiisha Itoobiya ee ku sugnaa Hargeysa waxay maamulka Somaliland ku noqotay waji gabax.

June 3, 2007:

Wararkii ugu Dameeyey ee Baargaal:
oo aanu ku helayno isgaarsiinta nooca loo Taarka ayaa Akhri

Maraykanka oo u Qiil Dayaya Degitaanka Xeebaha Bariga Soomaaliya.

Qarax Xooggan oo ka Dhacay Guriga Cali Geedi
Xilli uu Cali Maxamed Geedi ku sugnaa gurigiisa oo ku yaal degmada C/Casiis ayaa waxaa lala beegsaday qarax loo malaynayo ismiidaamin oo... Akhri... Jun 3

Wafti ka kooban Odayaasha Dhaqanka, Maamulka Puntland iyo Culimada SSC/H oo gaaray Buuhoole.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com