SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
Daabaco Boggan | Print
Burcad Badeedda Soomaaliyeed ee Haysata Markabka Masaarida oo Sheegtay in aysan Markaabkaas Dhawaan Siidayn doonin... Sawirro Qarsoodi ah oo Laga Qaaday Burcad-Badeeddii Haysatay Markaabkii Sacuudiga... Akhri...
walad cabdallaHay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed - Waxa kale oo hay'addu dalbatay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo eedaynta in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku laayeen Muqdisho... Akhri..
qaddaafiQaddaafi oo Difaacay Burcad-Badeedda Soomaaliya..
 Akhri...

Ururka Midowga Qurba Joogta Soomaaliyeed oo soo saaray baaq soo Dhawayn iyo Talooyin ka kooban.

Ururka Midowga Qurba joogta Soomaaliyeed United Somali Diaspora (USD) ) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu mudooyinkan u kuur galayey xaaladaha wadanka , gaar ahaan marxaladaha cusub ee wadanka Soomaaliya galay. Doodo iyo wada tashiyo uu ururku yeeshay kadib wuxuu soo jeedinayaa baaq soo dhowayn iyo talooyin ka kooban. Feb 09, 2009 |USD#0004|MNUSA

1- Wuxuu ururku soo dhawaynayaa natiijada shirkii Jabuuti ee Madaxwayne loogu doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna ururku ugu baaqayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed inay fursad siiyaan isbadalkan cusub si uu kalsoonida shacabka u kasbado ama u lumiyo.

2- Wuxuu ururku soo dhawaynayaa baaqyadii iyo talooyinkii ka horeeyey ee ummada Soomaaliyeed usoo direen dowladan cusub, wuxuuna ururku kutalinayaa in tixgalintooda lasiiyo. Sidoo kalena wuxuu ururku ugu baaqayaa dowlada cusub inay ku howlgasho rabitaanka shacabka, kana dig doonaato xabaal bilaashtii ay qodeen kuwii iyada kahoreeyey.

3- Ururku Wuxuu soo dhowaynayaa kabixitaanka Ciidamada dowlada Itoobiya intii badnayd dalka Soomaaliya cudud ahaan ay uga baxeen, wuxuu ururku kalsooni daro kamuujinayaa in ciidamada Dowlada Itoobiya kusoo noqdeen (Feb 3,4 2009) Jawiil, iyo kalabayr oo kamida ah gobolka Hiiraan ,sida ay sheegeen AP, VOA iyo Somalitalk. Sidoo kale wuxuu ururku kalsoonidaro kamuujinayaa inay Dowlada Itoobiya joojiso/joojindoonto faragalinta siyaasadeed iyo abuurida kooxo hor leh oo iyada ka shidaal qaata.

4- U kuurgalid ururku u kuurgalay xaalada Soomaaliya ee hada, xiriiruu lasameeyey qaybaha kala duwan ee shacabka, tixgalin uu tixgalinayotalooyinkii iyo bayaanadii waxgaradka Soomaaliyeed, markuu dhagaystay dooda muqaawammada ,wuxuu kula talinayaa dowlada Cusub inay si aan ka gabasholahayn Soomaaliya uga hirgaliso ku dhaqanka shareecada Islaamka.

5- Kadib markuu ururku ogaa sidii ay kuyimaadeed ciidamada Ajnabigaah, markuu arkay diidmada wayn ee shabacku kamuujiyeen,markuu arkay sidii ay cadowgii wadanka qabsaday maqaarka ugu ahaayeen, iyo inaysan soo kordhin wax aan dhib ahayn, dhibtaasna ay ugu danbaysay dhacdadii (Feb 02, 2009)inay ciidamada AMISOM dad shacab ah ku laayeen muqdisho, kadib markuuxeeriyey dareenka dadka Soomaaliyeed oo dhaawacyadii ciidamada ajnabigu kamuuqdaan; wuxuu ururku kula talinayaa dowlada inaysan ciidamo ajnabi ah Soomaaliya keenin kuwa hada joogana ay kasaarto.

6- Ugu danbaytii ururku wuxuu ugu baaqayaa muqaawamada Soomaaliyeed maadaama cadowgii wadanka kabaxay, inaad fursad siisaan wada hadalka iyo dhexdhexaadinta. Ururku wuxuu aaminsanyahay in Muqaawamadu taariikhda Soomaaliya baal dahab ah kaga qorantahay, siday uga difaacdeen wadankoodacadowgii kusoo duulay labadii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu ururku Muqaawamada kula talinayaa inaysan taariikhdaas baalal madow gadaal kagadarin. Sidoo kale ururku wuxuu ugu baaqayaa dowlada inay kasbato maskaxdaiyo qalbiga ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan muqaawamada, si looga maarmo iniyada iyo shacabka lakala waardiyeeyo, ama dowladu ku kalsoonaato ciidamoajnabi ah inay ka xigsadaan muwaadiniinta.

Waxaan u rajaynaynaa Dadkeena iyo Dalkeena inuu illaahay dhibka dheef ugubadalo, abaartana aaran, colaadana nabad.

Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)
Gudoomiyaha United Somali Diaspora | unitedsomalid@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS