SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cali Geedi Ceeb kama xishooda miyaa.!

“Waxaad Barataa waa baaskaa”.


Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato

Horudhac.

Qormadan uguma tala galin in aan Shaqsiyadda Qof  Somali ah meel ooga dhaco, balse waxaan ula jeedaa in aan shacabka Somaliyeed u iftiimiyo Xaqiiqada jirta. In waxa jira la sheegana waa waajib saaraan Warbaahinta iyo qof walba oo wax garad ah.

(Labadii aan runta isku sheegin been ayaa u qarsoon) ayay Somalidu tiraahdaa, haddii aanu Somali nahay way sahlantahay in la hilmaamo dadka Danbiyadda ka gala shacabka. Dhanka kale shacabka Somaliyeed inta wax qorta waxna akhrisa aad ayay u yaryihiin taasina waxay sahleeynaa In danbiilayasha ay iyagu yihiin kuwa shacabka u haya Hogaanka balse taasi hadda in laga gudbi doono ayaan filayaa. Qormaddana waxa ay u qorantahay sidan..

Cali Geedi iyo Xilligii uu Ardayga ahaa.

Cali Geedi waxa uu ka midyahay dadka Fursadda u helay in ay wax ku bartaan canshuurta shacabka danyarta Somaliyeed ay bixin jireen xilligii dowladdii Military-ga.

Cali Geedi marka uu dhameestay tababar military sanadihii 70-kii waxaa loo dhiibay shaqo ah in uu soo Jaajuuso ardayda ay isla dhigtaan Dugsiga Sare iyo Jaacamada intaba. Xukuumadii siyaad Barre waxay xirxirtay oo ciqaabtay boqollaal arday ah "iyadoo sal looga dhigayo akhbaar uu bixiyey Geeddi.". sheekadan waxaa laga soo tabiyay dad Aqoon u leh Cali Mohamed Geedi. Hooshan Basaasida waxa la sheegaa in ay Geedi u sahashay Aabihiis oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Somalia.  

Ardaynimada waa mid ka mid xilliyada Ardayga ugu dhiba badan, Cali Geedi waxa uu Qiyaamay Ardaydii uu wax la baran jirtay Macquulse ma tahay in Geedi uu Ummad dhan oo mas’uul looga dhigay uu cadaalad ku xukumo.

Cali Geedi iyo Xayiraadda dhoofinta  xoolaha Somalia.

Markii dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya, Geeddi waxa uu ku negaadey bannaanka Soomaaliya, inta badan Itoobiya iyo Kenya. Waxa uu lataliye ahaan ula shaqeeyey dhawr laamood oo ka mid ah gobolka Afrikada Bari oo qaabilsan xoolaha. Intii u dhexeysey 2003-2004 Geeddi waxa uu u shaqeeyey "RSLTC" oo laga soo gaabiyey (Red Sea Livestock Trade Commission). "RSLTC" waa laan hoos tagtay faraca Midowga Afrika u qaabilsan khayraadka xayawaanka ee loo yaqaan "AU-IBAR" (African Union’s Inter-African Bureau for Animal Resources), waxaana maal-geliya hay'adda USAID, sidaas ayaa Geeddi ku noqday shaqaale USAID. Hotel raaxo badan oo ku yaal Nairobi, Kenya ayaa waxa uu Geeddi u ahaa xafiiskiisa iyo meesha uu deggan yahay, sida warbixno xog aruurin ah ay tilmaamayaan.

Runtu waxay tahay in uu xirfadiisa iyo jagada uu hayey u adeegsadey sidii uu u curyaamin lahaa dhoofitaanka kobcaya ee xoolaha Soomaalida si uu u caawiyo Maamulka Tigree ee dalka Ethiopia oo uu madaxda ka yahay Meles Zenawi. Sannadkii 1996 barnaamij ay maal gelisey USAID oo ku saabsanaa dhoofinta xoolaha ayaa la siiyey Itoobiya, halkii mashruucaas laga siin lahaa Soomaaliya, talo uu bixiyey Geeddi awgeed. Talada Geedi waxay aheed in xoolaha Somalia ay Cudur qabaan.

Geeddi waxa uu mas'uul ka ahaa mamnuucidii dhoofinta Xoolaha Soomaaliya. Markii uu Geeddi u shaqaynayey hay'ad NGO ah oo laga leeyahay Talyaaniga oo la yiraahdo Terra Nuova, waxa uu soo saaray qoraal sheegeysay in Xoolaaha Soomaalidu ay qabaan cudurka loo yaqaan "Rift Valley Fever", arrintaas oo sababtay in Xoolaha Soomaalida ay mamnuucaan Dalalka Khaliijka, taas oo Soomaalida ka khasaarisay dakhli malaayiin ah oo ka soo geli lahaa dhoofinta Xoolaha Nool. Arrintaasi waxay jid aan muddo dheer sii jirin u furtay xoolaha Itoobiya in ay fursad gaar ah ka heleen suuqyada Dalalka Khaliijka iyo wadamada kale ee Carabta ah. Sidaas ayaana xoolihii Somalia ay dadlalkii loo dhoofin jiray ku mamnuuceen in ay iibsadaan xoolaha Somalia.

Cali Mohamed Geedi cilmigii uu ku bartay Canshuurta shacabka Danyarta Somaliyeed waxa uu u adeegsaday si Qaldan isagoo dalkiisa iyo dadkiisa Qiyaamo Qaran ku sameeyay. Taariikhda ayaa xusi doonta wixii xaqiiqo ah.

Cali Geedi iyo Masraxa Siyaasada Somalia.

Qof walba oo Somali ah wuu la socdaa qaabka uu siyaasada Somalia ku soo galay, balse ma is waydiisay Cali Geedi sida fudud ee uu Siyaasada Somalia ku soo galay.?

Loolankii xukunka ee u dhexeeyey Caydiid iyo Mahdi ee 1991-1992 waxa uu ahaa waqti ka mid ah waqtiyadii ugu xumaa taariikhda Soomaaliya. Xilligaas Geeddi waxa uu ahaa Gacan-yaraha Xoghaynta Difaaca ee Cali Mahdi. Dagaalkaas ahliga ahi waxa uu galaaftay ilaa 50,000 oo Soomaali ah taas oo ah in Geeddi lagula xisaabtamo.

Markii xukuumadda Somalia ee uu Geedi ka ahaa Ra’iisul Wasaraha laguan soo dhisay dalka Kenya ay u guurtay gudaha dalka Somaliah Geedi ayaa dalka Somalia lagu geeyay diyaarad ay leedahay dowlada Cadowga Ethiopia . Maahmaah Somaliyeed ayaa oraneeysaa (Ninkii Dhagar Qaba dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa), Cali Geedi In dalkiisa Hooyo lagu keeyo diyaarad ay cadowga Somaliyeed leeyahay waa mid sharafdaro u ah waana mid ka mid sababta aan u doortay cinwaanka qormadda ee ah Cali Geedi Ceeb kama xishooda miyaa. Geedi haduusan danbiile ahaan laheen diyaarad Cadow Somaliyeed uu leeyahay Somalia laguma geeyeen.

Cali Mohamed Geedi waxa uu ka midyahay danbiilayaasha dalka u soo hogaanshay gumeestaha Ethiopia, Ciidanka Ethiopia marka ay dalka soo galeen waxa ay dhibaato u geesteen shacabka Somaliyeed iyadoo intii ay Ethiopia dalka joogtay dagaalkana laguna jiray ay dhinteen (Shahiideen) dad ka badan (16,000)  lix iyo toban  kun oo Somali ah iyadoo boqool kun oo kalle ay dalka isaga soo qaxeen. Ilaa hadda shacab badan oo Somali ah ay ku dhibaateeysanyihiin xuduudaha dalalka Dariska, Duleelka Mogadishu iyo gudaha Somalia intaba.

December 28, 2006 ayey ahayd markii jaraa'idka adduunku ay qaadaa dhigeen qoraal kusoo baxay shabakada American Chronicle, qoraalkaas oo faallo dheer ka qoray Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi. Waxaana qoraalkaas lagu xusay eedaymo aad u kulul oo loo soo jeediyey ra'iisul wasaaraha oo lagu sheegay in uu xiriir qoto dheer la leeyahay xukuumada Tigreega asagoo xiriirkaas awgeed danaha Itoobiya hor mariyey halkii uu ka hor marin lahaa danaha Soomaalida. Sidaas daraadeedna in uu ku kacay khiyaamooyin qaran, waa sida qoraalku u dhigay'e.

Ugu danbeentii Cali Mohamed Geedi ayaa masraxa siyaasada Somalia isaga tagay isagoo guuldareestay balse waxa kaliya oo uu faa’iideestay ay tahay in uu lunsaday lacago Malaayiin dollar ah oo shacabka Somaliyeed loogu tala galay taasi oo keentay in isaga iyo Madaxwayne C/laahi Yusuf ay isku dhacaan.


Guriga Geeddi ee Nairobi

Cali Geedi lacagihii uu Qaranka Somalia ka Khiyaamay qaar ka mid ah waxa uu ku iibsaday Guri aad u qurxoon oo ku yaal Magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya gaar ahaan xaafadda dadka hantida leh ay dagaan ee la yiraahdo Lavinton. Balse ninka noocaan ah waxa uu wali kuu raaxeeysanyaa hanti dadkii lahaa ay ka baahanyihiin qaarkoodna ay dhibaatooyin farbadan ay ku heestaan daafaha dunida.


Geedi, Nuur Cadee iyo Cali americo oo ku sugan guriga Geedi, tacsidii Bood

:::Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA....
 
Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Cali Geedi iyo Guurka wiilkiisa.

In la guursada ma xuma, in waalidka Caruurtiisa uu wanaajiya ma xuma, in Nimcadda Alle ku siiyayna ay kaa muuqdaan ma xuma, balse in Hantida Qaranka la Qiyaamo kadibna Aroosyo iyo raaxo aan waqti badan sii socon doonin lagu Qasaariyo ayaa ah wax laga fiicanyahay.

Cali Geedi jaceelka uu wiilkiisa u Qabo uma qabo dalkiisa Hooyo, sababtuna waxay tahay iyadoo shacabka Somaliyeed ay dhibaatooyin heestaan Cadowga uu dalkii Hooyo joogo ayuu wiilkiisa Aroos ku baxday lacag lagu qiyaasay $1.9 ugu dhigay magaaladda Nairobi, arooskaas oo socday tobaad laguna dhigay Hoteeladda ugu Qaalisan ee magaaladda Nairobi. Kaaga daran xitaa Arooskan dadka marti sharafta ka ahaa qaarkood waxaa Nairobi lagu keenay Diyaaro Qaas ah Qarashkana waxaa bixinayay Geedi. Waxan igu maqaalo ah inkastoo aanan warkaasi hubin in wiilkii lacagtan faraha badan ay arooskiisa ku baxday uu furay Gabadhii loo guuriyay balse warkan waan sii daba gali doonaa.

Qof walba inta ay Garashadiisu tahay ayuu ficilkiisana Noqonayaa, Cali Geedi haddii uu gartay in wiilkiisa uu ku Qasaariyo lacag xadigan ah shacabka uu ka dhashayna uusan ugu yaraan xitaa u qodin ceel biyo ah makula tahay in wanaag kalle oo laga sugo ay suuragal tahay.?

Cali Geedi iyo Xilka Madaxtimida Somalia.

Waxaad barataa waa baaskaa, Cali Mohamed Geedi markuu arkay in aysan jirin dad la xisaabtamaya ayuu mar kalle isku dayay in uu Xilka Madaxtinimadda Somalia isu soo sharaxayo balse riyadaasi way rumoobi way. Kadib markii Baarlamaankii uu is lahaa lacag jeebka ugu shub ay looga wacay dalka Djibouti halkaasna ay Madaxwanaha Xaqa ah ee Somalia ay ku soo doorteen.

Xafladii uu Geedi ugu talagalay in uu ku Muujiyo Musharaxnimadiisa ee ka dhacaday Magaaladda Nairobi waxaa ka soo qeebgalay dad Somali ah iyadoo laga yaabo in dadka ka soo qeebgalay ay ku jiraan dad uu danbiyo ka galay Cali Geedi inkatoo uuba danbi ka galay shacabka Somaliyeed guud ahaantiis. (Danbiyadda aan ka hadlayo waa Xasuuqa iyo Qiyaamada Qaran ee uu Qeebta ka ahaa Geedi).

Geedi wali kama uusan quusan in uu siyaasada Somalia dib ugu soo laabto, balse haddii ay dowlad iyo shacab isku xiraan aan ahaan laheen Geedi inta nolashiisa ka dhiman waxa uu ku dhameeysan lahaa Xabsi.

Cali iyo Ceebtii ugu danbeeysay ee ku dhacday.

Madaxwaynaha Somalia oo waayadan socdaal ku marayay dalalka Africa ayaa safarkiisii ugu horeeyay uu ka biloowday dalka Kenya, kahor inta uusan Madaxwayne Shiekh Shariif safar ku tagin dalalka Uganda, Brundi, Rwanda, iyo Libya uu ka kulmay Jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool dalka Kenya hortaantii bisha march.

Kullanka Madaxwaynaha iyo Wafdiga uu hogaamiyo ay la yeesheen Jaaliyadda Somaliyeed ee dalka Kenya waxa uu ka dhacay Hotel Panari ee magaaladda Nairobi. Xafladaan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa markii ay Hoowlka xafladda ay ka socota ay soo galeen Madaxwaynaha Somalia iyo wafdigiisa waxay dadkii Howlka fadhiyay mar qura indhahooda ay u weeciyeen Cali Geedi oo madaxwayne Shariif sidii in uu yahay Ra’iisul wasaare dhinac socda. Kadib maxaa dhacay.


Xaflaadii Hotel Panari

Markii Madaxwaynaha iyo Wafdiga la socday ay sidii loogu tala galay fariisteen Kuraasta Marti sharafta ayuu Cali Geedi dhinac fadhiistay Shariif Hassan iyo Madaxwayne Shiekh Shariif balse nasiib daro waxaa biloowday foowdo iyo buuq iyadoo dadwaynaha ay ku qaylinayeen Cali Geedi meesha ha isaga kaco.

Ugu danbeentii Cali Mohamed Geedi waa laga kiciyay Booskii Marti sharafta iyadoo la dhaxfadhiisiyay Kuraasta loogu tala galay dadwaynaha xaflaga ka soo qeebgalay.


sawirkan Cali Geedi oo dadwanaha la dhaxfadhiisiyay.

Arrinti waxa ay cadeeynaysaa in Geedi aysan siyaasadda Somalia uusan wax mustaqbal ah ku laheen. Shacabka Somaliyeed wixii hadda ka danbeeya way xasuusnaan doonaan kuwa danbiyadda ka galay.

Guntii iyo gababadii waxan ku gunaanadayaa tuducyo ka mid ah Gabay uu tiriyey Abaanka weyn ee Maxamed Warsame Ibraahin Walanwal oo ku magac dheer “Hadraawi” baydadkaan oo ka hadlaya Hoggaanka waxayna yihiin sedan: 

  • Naaleeye Habacsane
  • Yaa Horseede kaa Dhigay?
  • Ma adigaa Hoggaanshe ah?
  • Gobanimo Hawadin kara?
  • Qarannimo Hitiqin kara?
  • Isku duubni Hanan kara?
  • Dal Sabool ah Hagi kar?
  • Himilada Xil furan kara?
  • Taariikh la Hari kara?
  • Hal-Abuurka Sharafka leh
  • Murtidiisa Helin kara?
  • Hoodaale Noqon kara?.

Wabilaahi Towfiiq.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
Ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.com
Nairobi-Kenya
http://www.somalitalk.com/gentleman/

Anniga iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed.!.. AKhri..

Xeradda Qaxootiga ee Kakuma iyo waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan ku soo arkay.! 

Arrimaha Amaanka ee xeradda Qaxootiga ee Kakuma.! 

Magaaladda Mombasa iyo Xasuusta Somalia.!

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS