SIDEEN DADKA DIINTA UGU SHEEGNAA???.
Qaybtii 1aad:
Shaki kuma jiro in ummadu ubaahan tahay
cid wax u sheegta,wax loo sheegana waxaa ay ugu jecal yihiin diinta
alle,gaar ahaan mida islaamka, oo ah mid uu dhexdeeda ku idil yahay
khayr aduun iyo liibaan aakhiraba,hadaba si loo xaqiijiyo hadafka ah
sheegida iyo faafinta diinta islaamka ayaa waxaa la helayaa qaar ka mid
ah ummada islaamka oo aygu ku hawlan sheegida iyo fidinta dacwada kuna
caan baxay in ay dadka wanaaga ugu yeeraan, meel walba oo ay ka joogaan
dunida guudkeeda, waxaan loo yaqaan (Ducaad), waxaa ay faafiyaan khayrka
shartana waa ay kadigaan.
Tilmaanta ah in waxasan bulshada lafaro
xumaantan laga reebo waa astaan u gooni ah ummada islaamka, waxaana ay
ku heleen abaal marin ah in ay ummadihii naga horeeyey oodhan ay ka
khayr badan yihiin,sida uu alle ku sheegay Qur,aankiisa kariimka ah (aayadda
110 ee suurada aala-cimraan,) si hadaba loo gaaro guushaas wayn ayaa
alle waxaa uu yiri waa in la idinka helaan koox dadka ugu yeerta khayrka
wanaaga farta isla mar ahaantasna sharta uga digta, fiiri (aayada
104 ee isla suurada aala-cimaraan).
Mar hadii aad ogaatay in la is faray
khayrka sheegidiisa waxaad xasuus naataa in ay jiraan wadooyin la maro
iyo qaabab la adeegsado marka loo danleeyahay in diinta dadka dhexdooda
lagu faafiyo, dabcan waxa aan qormadaan ku eegayno inta badan waxaa ay
noqon doontaa dad muslin ah oo larabo in la faro wanaaga kamase marnaan
doonto habka iyo qaab sheegida dadka aan ayagu muslinka ahayan ee loo
sheegayo diinta islaamka,
Qaab sheegidaan ayaa waxaa loo yaqaan (wasaa'il
adacwa) oo loola jeedo wadadda lagu gaaro sheegida xaqa ama
diinta,waxaan jira wadooyin dhowar ah oo muhiin u ah qofka daaciga ah ee
asagu isu xilsaaray sheegida iyo fidinta diinta, rabana in uu dadka
khayrka ugu yeero, sidoo kale waxaa iyana jira wadooyin iyo wadiiqooyin
aan toosnayn oo ay la gudboon tahay qofka wanaag sheega ahi in uusan
cagataba saarin marid halkeedaba ha joogtee.
Inta aanan ku sii fogaan ka hadalka
wadooyinka oo un ah qayb kamid ah habka iyo qaababka uu adeegasnayo
faafiyaha diinta,waxaan jeclahay inaan xuso in qofka jecel diinta
faafinteeda isla markaan ku hawlan sidii uu arki lahaa diintii oo lawada
qaataya gaal iyo muslinba, carab iyo cajaba, ama madaw iyo cadaanaba,
waa in u yaqaan wax uu dadka ugu yeerayo iyo meesha uu usocdo hadafka uu
higsanayo kuma filna oo kaliya inuu yahay wanaag sheege.
Waxaan is waydiinaynaa su'aalo dhowr ah
oo aan hubo in hadii aan uhelno jawaabo sax ah ay noo fududaan karaan
inaan helno jawaabta munaasabaka ah ee ku aadan su'aasha kor ku xusan ee
aan maqaalkeen ciwaanka aan uga dhignay, waxaan kaloo balan qaadayaa in
ay noqon doonto mid sahasha wadada aan usii marayno sidaan dadka xaqa
ugu sheegi lahayn.
Aan bilowno su'aalaheeni aanan is
waydiino marka ugu horaysa -mar hadii aan isku raacanay in ay lagama
maarmaan tahay qaadista wado toobiya ah oo aad ufiican si aan ugaarno
meesha aan usocono waliba gaarid kaliya ma ahane waqti fiican oo
munaasab ah- ma haynaa wadiidii uu qaaday Nabi Muxamed (s.c.w.) iyo
asxaab tiisii la noolaayd markii ay dadka diinta ugu yeerayeen?.
Ma malayanyo inaan isku diidanahay in
wadadaasi ay ahayd mida ugu fiican uguna toobiyaysan wadooyinka loo
qaado ama loo maro fidinta dacwada waase hadii aan isla ogal nahay in ay
wadooyinku badan yihiin oo aan dhammaantood guul iyo liibaan lagu gaari
karo.
Waxaan sidoo kale wada ognahay in Nabi
Muxamed (s.c.w) iyo ardadiisii ay diinta gaarsiiyeen qaaradaha dunida oo
dhan marka laga reebo America iyo Australia, oo iyagu xilgaas ahaa kuwa
aan aad loo aqoon, ayna ku gaarsiyeen muddo kayar (100 sano) dhabtii
waxaa ay mareen wado sax ah oo aan leexleexad lahayn taas oo ay ku
hanteen quluubta iyo kalsoonida dadkii dunida kula noolaa xiligaas
intooda badan.
Dadka waxqora ayaa waxaa ay saldhig uga
dhigaan in heerkaas ay gaaraan ayadoo figradoodu ay sidaas curdan u
tahay ayna kalsoonidaas hantaan dhowr sababood ayna ugu wayn tahay
ayagoo saafi ka dhigay quluubtooda iyo waliba quluubta dadka ay wax
usheegayeen isla markaana waxaa ay ka saareen jahligii iyo mugdigii ay
ku noolaayeen.
Si taasi ay u noqto mid taaba gashana
waxaa ay awooda saareen sidee loola dagaalami lahaa (SHIRKIGA) oo ah
Allah oo wax kale lagu lamaaniyo, waxna lala wadaajiyo, waxaa kaloo oo
guushaas qayb ka ah bay yiraaheen, ayaga oo naf ahaantoodu ka
runsheegayey mabaadiida ay aaminsanaayeen, iyo wax ay ka turjumayeen ee
islaanimada ahayd, si taasi uhirgashano waxaa ay ka fogaadeen dhamaan
wax walba oo wax udhimi kara qorshahooda iyo hadafkooda sida Qabyaalada,
iyo aduunyo jacaylka, waxaana dhacaysay in mararka qaarkood ay dagaal
isaga horyimaadaan wiil iyo aabihiis oo uu wiilku aabihiis alle dartiis
qudha uga jaro, ama la arko oday reerkiisi iyo caruurtiisiba alle
dartiis udayriyey.
Meel fogba ha u raadin hadii aad
jeceshahay inaad wax ka ogaatid sida ay heerkaas ku gaareen ee waxaad si
sahal ah u tiraahdaa waxaa ay fahmeen qur'aanka, asaga ayeyna udhaqan
galiyeen sidii alle ugu tala galay in loodhaqan galiyo, waxaana ay u
heleen macalin fiican ayaguna waxa ay ahaayeen arday ku fiican
qaadashada iyo fahanka wax uu usheegayo macalinkooda.
Hadii jawaab taadu tahay haa waa haynaa
wadadii rasuulka ee toosnayd iyo jidkii wanaagsanaa hadaba maxaan ugaari
la nahay meeshii iyo heerkii ay gaareen intii ay ku jireen fidinta iyo
faafinta xaqa.
Waxaadna maskaxda ku haystaa in
faafinta iyo fidinta xaqa lagu hawlanaa walin lagu hawlan yahay wax
kabadan 3 jibaar mudadii ay wadeen, waxaad ujeedaa islaamku maanta
heerka uu marayo ama dunida islaamka aan iraahee hadii aad eegto xag
dhaqaale ayagaa ugu liita xag maamul iyo hogaamin ayagaa ugu xun madax
wax hogaamisa caalamaka oodhan, xag miltari ama ciidan warkeeda daa oo
haba soo hadal qaadin, u leexo dhanka waxbarshada kaba siidaran, oo waa
meesha ugu hoosaysa dunida oo dhan.
Waxaa laga yaabaa inaad isku qanciso
waa wax alle noo qoray waxadse ogaatee in somalidu horay utiri (doqon
alle taqaan lagama gar helo).
Malaha
waxaa suura gal noqon karta inaan tiraah ma haysano macalin fiican oo
wax noo sheega, ogsoonow oo ha hilmaamin in uu na dhexyaal kitaabkii
alle oo ah midkii uu rasuulku nooga tagay uuna noo sheegay in hadii aan
qabsano aan nalaga guulaysanayn, isla mar ahaantaas aan haysano waayo
aragnimo iyo tusayaal badan oo wax ku ool ah oo aan ka dhaxal nay
kooxdii naga horaysay.
Waxaan isleeyahay waxaad moodaa inaad
ku qanacsan tahay in loo baahan yahay in wax kale lagu kordhiyo ama wax
laga badalo wadadii si ay unoqoto mid la jaan qaadi karta waqtiga
casriga ah iyo xiliga lagu jiro, waxaan baryahaan soo shaac baxayey
codad ku baaqaya in la casriyeeyo qaabka loo faafinyo diinta, oo waxaa
ay leeyeehiin waxaad moodaa in lagu fashilmay qaabkii Taqliidiga ahaa
ama soo jireenka ahaa ee hore, waxaan loogu yeeraa qaabkaan (tajdiidul
khidaabul islaami).
Ma tahay midaan danbe mid wax kabadali
karta heerka uu islaamku marayo iyo xaalada lagu jiro, mase tahay mid
soo hoynaysa guul la taaban karo oo wax ku ool noqon karta.
Dib umilicso urur diimeedyadii is-badal-doonka ahaa ee soo maray dunida, ama la aas-aasay kadib burburkii
dowaladii islaamka.
lasoco qayabta 2aad....
Maxamed Xasan Yuusuf (Shariifka)
emaial
shariifka99@hotmail.com
Nairobi Kenya
Link:
http://www.somalitalk.com/islam/faafin/
Afeef: Talo iyo tusaale qoraalkan ku
aadan u dir qoraaga ku saxiixan qoraalkan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2005