SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Puntland oo Loo Sameeyey Wasaarad Cusub ee Batroolka iyo Macdanta oo Aan Lahayn Wasiir-ku-xigeen...

  • Wasaaradda cusub ee batroolka Puntland waxaa wasiir looga dhigay Xasan Aloore oo hore u sheegay in ay Puntland xiriirka u jari doonto dawladda (FKMG) haddii Baarlamaanka Baydhabo ansixiyo sharciga hordhaca ah ee Batroolka Soomaaliya..

Warbixin iyo Faalladii SomaliTalk.com | Dec 16, 2007

Wareegto uu December 15, 2007 soo saaray madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ayaa shaaca ka qaaday in Puntland loo sameeyey Wasaarad Cusub oo qaabilsan 'Batroolka iyo Macdanta' [Ministry of Oil and Minerals].

aloore Hassan Osman Mahamud
Xasan Aloore, Wasiirka wasaarada cusub ee Batroolka iyo Macdanta  Puntland ee la sameeyey Dec 15, 2007

Wareegtadii Gen. Cadde Muuse (PDF)

Wareegtada oo leh "Xeer Madaxweyne Lr. 197" ayaa Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxaa loo magacaabay in uu Wasiir u noqonayo Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), laakiin wareegtada laguma xusin cidda wasaaraddaas u noqon doonta Wasiir-ku-Xigeen, taas oo la is weydiinayo sababta. Waxaa xusid mudan in Wareegtada Gen. Cadde Muuse lagu xusay dhammaan Wasaaradaha Puntland (oo la isku shaandheeyey) oo ka kooban 15 Wasaaradood in mid kasta ay leedahay Wasiir iyo ugu yaraan hal-Wasiir-ku-xigeen, marka laga reebo Wasaaradda Cusub ee Batroolka & Macdanta oo la xusay Wasiirka oo qura oo aan lahayn Wasiir-ku-xigeen.

Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), wasiirka cusub, waxa uu ahaa madaxa waaxda macdanta iyo tamarta ee Puntland, waxa uu ahaa kii hore u muujiyey in haddii DFKMG soo faragashato heshiisyada Batroolka ee Puntland in markaas DGPL ay kalsoonida kala laabaneyso DFKMG. Gaar ahaan waxa uu si toos ah Aug 20, 2007 waraysi uu siiyey Reuters ku weeraray Ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, waxana uu Xasan Aloore xilligaas yiri: "Geeddi ololayntiisu waa sharci darro, waxaana xiriirka u jari doonaa dawladda (FKMG) haddii baarlamaanku ansixiyo sharciga hordhaca ah "Draft" ee Batroolka"... "Sharciga Batroolka Soomaaliya ee la sheegay in laga ansixinayo Baarlamaanka lagama yaqaan halkan, sidaas daraadeed waxba kama khuseeyo Puntland haba yaraatee."

Sharcigaas uu ka hadlaayey Xasan Aloore weli waxa uu hor yaal golaha Baarlamanka DFKMG ee Baydhabo, lagama gaarin wax xal ah.

nuur cadde
Nov 22, 2007 oo ah markii la magcaabay Nuur Cadde waxaa Cadde Muuse Garoowe ku booqday wafti ka socda shidaal baarista...

Marka la eego arrimahaas, waxaa muuqata ifafaalo ah in DGPL la maagan tahay Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG, Col. Nuur Cadde, xeelad la mid ah tii ay hor dhigtay Cali Geeddi, waa haddii col. Nuur Cadde uu faraha la galo heshiisyada Batroolka Punland, isla markaasna uu Baarlamaanka Baydhabo ansixiyo heshiiska batroolka ee ay soo diyaariyeen shirkadihii gacan saarka la lahaa Geeddi.

Gen. Cadde Muuse waxa uu magcaabista wasaaradda cusub ee 'Batroolka & Macdanta Puntland' kusoo beegay xilli uu Col. Nuur Cadde uu soo dhisayo Wasiiradiisa cusub.

Col. Nuur Cadde, waxa ugu weyn ee hor yaal waxaa ka mid ah in uu go'aan ka gaaro wixii uu ka yeeli lahaa sharciga batroolka Soomaaliya ee lagu soo diyaariyey magaalada Malindi ee dalka Kenya. Isla markaasna go'aan ka qaato wixii uu ka yeeli lahaa heshiisyadii ay Puntland lagashay shirkadaha batroolka Sahamiya. [Xusuusnow sida kor ku suxan haddii uu heshiisyada Puntland faragashado, haddii uusan go'aan ka gaarina waxa uu u muuqan doonaa ra'iisul wasaarihii fadhiidka ahaa...]

Waxaa kale oo Col. Nuur Cadde hor yaal in uu go'aan ka gaaro sidii uu ka yeeli lahaa heshiisyadii Batroolka ee ay isku khilaafeen col. C/laahi Yuusuf iyo prof. Cali Geeddi ee midna watey Shiinaha kankalena watey Kuwait.

Haddii uu arrimahaas dhayalsado, Col. Nuur Cadde, waxaa muuqata in uusan ka ood sokayn doonin meeshii uu maray jaallihiis prof. Cali Maxamed Geeddi.

oilDhanka kale, December 12, 2007 ayey ahayd markii uu is-casiley Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Dabiiciga, Saciid Maxamed Raage, isagoo sheegay in Is casilaadiisa ay qayb ka ahayd sida loo maamulay Batroolka & Macdanta. Waxana uu markaas uu isi casiley waraysi uu siiyey idaacadda 'British Broadcasting Corporation' ku sheegay "Waddamada caadiga ah ee nabaddu ka jirto ayaa macdanta la isku dilaa, oo khayraadka-dabiiciga ah la isku dilaa, marka iyadoo wadanka aan amnigiisu fiicnayn in la yiraahdo macdan ayaa la baarayaa waxaan u malaynayaa in ay caqliga uga fogtahay... Odaygiina, maadweynahana (Cadde Muuse) arrimahaas aad iyo aad ayaanu isugu afgaran weyney..." [Eeg halkan]

Col. Nuur Cadde waxa uu Axad December 16, 2007 shaaca ka qaaday in uu dib u soo dhisi doono xukuumad aad uga tiro yar tii hore, isla markaasna uu wasiirada kala bar ka keeni doono Baarlamaanka dhexdiisa, barka kalena baarlamaanka bannaankiisa... Ka Dhegeyso halkan...

Nuur cadde iyo Saalim
col. Nuur Cadde oo la hadlaya Saalim Caliyow oo dhegeysanaya


Maqaaladii Dadweyna ee isbedelka Xukuumada Cadda"


Gen. Cadde Muuse oo Isku Shaandheeyey Golihiisii Wasiirada

gen. Cadde MuuseWareegto ka soo baxday madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa shaaca ka qaaday in uu isku shaandheeyey golihiisii wasiirada, isagoo bedeley wasiirkii kalluumaysiga ee is casiley oo lagu bedeley wasiirkii waxbarashada Axmed Saciid Aw Nuur.

Wasiirada cusub waxaa ka mid ah C/rashiid Jaamac Warsame (Arr.Gudaha), C/laahi Siciid Samatar (amniga), Xasan Maxamed Jibriil (Qorsheynta), iyo Xasan Cismaan Maxamuud oo wasiir looga dhigay Wasaaradda Cusub ee Batroolka & Macdanta.

Isku shaandhaynta waxaa jagadoodii waayey Cali Cabdi Awaare (wasiirkii Dawladaah Hoose iyo horumarinta reer miyiga) oo la tirtiray wasaaradaas iyo wasiirkii Qorshaynta Cabdi Salaad.

Wareegtadii hoos ka akhri:


DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA
XAFIISKA  MADAXWEYNAHA

Xeer Madaxweyne Lr. 197 ee December 15, 2007
kuna saabsan dhismaha golaha cusub ee xukuumadda DGPL


Madaxweynaha Puntland,
Markuu arkay : Dastuurka Puntland
Markuu garowsaday : In isbeddel lagu sameeyo golaha xukuumadda DGPL
Markuu tixgeliyey : Duruufaha siyaasadeed ee ka jira Puntland
Markuu la tashaday : Madaxweyne ku xigeenka Puntland

WUXUU XEERIYEY :
I. Magacaabidda xubnaha golaha xukuumadda ee kala ah :

1. Wasaaradda Caddaaladda & Arr. Diinta
C/risaaq Yaasiin C/le, wasiir
Maxamuud Faarax Maxamuud, wasiir ku xigeen

2. Wasaaradda Arr.Gudaha
C/rashiid Jaamac Warsame (Barkhadle), wasiir
Ibraahim Cartan Ismaaciil, wasir ku xigeen
Axmed Aadan Carab, wasiir ku xigeen

3. Wasaardda Amniga & DDR
S/Guuto C/laahi Saciid Samatar, wasiir
Faarax Cabdi Axmed, wasiir ku xigeen
Yaasiin Cali C/le, wasiir ku xigeen

4. Wasaaradda Maaliyadda
Maxamed Cali Yuusuf, wasiir
Yaasiin Cartan Maxamed, wasiir ku xigeenka Dakhliga
Xasan Cabdalla Xasan, wasiir ku xigeenka Maamulka

5. Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
Xasan Maxamed Jibriil, wasiir
Cali Axmed Cali, wasiir ku xigeenka Qorshaynta
C/laahi Maxamed Barre, wasiir ku xigeenka Iskaashiga Caalamiga

6. Wasaaradda Hawlaha Guud & Gaadiidka
C/laahi Cali Xirsi, wasiir
Nuur Xasan Faarax, wasiir ku xigeen
Cali Maxamed Warsame, wasiir ku xigeen

7. Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
C/Samad Yuusuf Maxamed, wasiir
Cabdi Yaasiin Xirsi, wasiir ku xigeen

8. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Beeraha & Deegaanka
Cali Jaamac Faarax, wasiir
Xasan Daahir Maxamuud, wasiir ku xigeenka X.Xoolaha
Max’ud Max’ed Sh.Ibraahim, wasiir ku xigeenka Beeraha & Deegaanka

9. Wasaaradda Batroolka & Macdanta
Xasan Cusmaan Maxamuud, wasiir

10. Wasaaradda Kalluumaysiga, Dekedaha & G.Badda
Axmed Saciid Aw Nuur, wasiir
C/weli C/raxmaan Geyre, wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga
C/qaadir Muuse Yuusuf , wasiir ku xigeenka D & G.Badda

11. Wasaaradda Shaqada & Dhalinyarada
C/Nuur Cilmi Maxamuud, wasiir
Cali Axmed Faarax (Naaji), wasiir ku xigeen

12. Wasaaradda Caafimaadka
C/raxmaan Saciid Maxamuud, wasiir
C/raxmaan Diiriye Shuuqe, wasiir ku xigeen

13. Wasaaradda Waxbarashada
Maxamuud Bile Dubbe, wasiir
Cabdi Maxamed Maxamuud (Goobbe), wasiir ku xigeen
Keyse Cawil Ladane, wasiir ku xigeen

14.Wasaaradda Warfaafinta & Dhaqanka
C/raxmaan Maxamed Saalax, wasiir
C/qaadir Geelle Maxamed, wasiir ku xigeen

15. Wasaaradda H.Haweenka & Arr.Qoyska
Caasha Geelle Diiriye, wasiir
Buraale Yuusuf Weris, wasiir ku xigeen

Jaamac Xirsi Faarax, wasiiru dowlaha Amniga

II. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo

Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha dowladda Puntland,wuuna saxeexay.

###


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2007

caddeGen. Cadde Muuse oo Tabco Hordhigaya Col. Nuur Cadde, ra'iisul wasaaraha cusub: Wafti ka socda shirkada Africa Oil Corp ayaa Gen. Cadde kula kulmay Garoowe... Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH