SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DENMARK


Shir looga arinsanayo arimaha Somalia laguna taageeraayo ku dhaqanka shareecada oo ka dhacay Denmark

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Denmark ayaamaanta oo taariikhdu tahay 18 nov. 2006 shir ku qabsatay magaalada Aarhus ee wadanka Denmark. Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen aqoonyahanno diineed & maadiba, waxgarad, odayaal, cuqaal & nabaddoonyo ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo taageri lahaa mashruuca isku maamulka kitaabka Allah & sunnada nabiga (scw) ee ku baahaya dalka intiisa badan.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa ka hadlay dad kala duwan oo matalaya weybaha kala duwan ee jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadank a Denmark.

Waxaa kalmad wacdi ah ku furay Sheekh Maxamed Casoowe oo ku nuuxnuux saday arimo ay kamid yihiin isku duubnaanta & wada jirka, taasoo uu ku tilmaamay seehku iney la’aanteed bulshadu socon kareynin. Waxaa kale oo uu sheekhu ka digay kala tagga & furqada, taasoo uu ku tilmaamay iney ka dhalanaeyso taag daro & cadawgeena inuu na hunguriyeeyo, halkaasna lagu waayi karo jiritaanka umadda. Gabagabadii sheekhu wuxuu baraarujiyay taageerida isbadaladan cusub ay soo kordhiyeen maxkamadaha islaamiga ah, isla mar ahaantaana ku sheegay iney waajib sharci ah tahay sida ku xusan qur’aankaba in la isla garab taago hiil & hoo wixii la heli karo.

Intaa kadib waxaa warbixin dalkii ku saabsan dhiibay Sheekh C/qani Qorane Maxamed, warbixintaasoo uu kaga faaleeyay socdaal dheer oo uu kusoo maray wadanka intiisa badan. Waxa uu sheekhu tilmaamay gobolada xasiloonidu ay ka jirto, gaar ahaan Buntland, xasiloonidaasuna iney tahay mid ku timid rabitaanka shacabka reer Buntland ee nabadda jecel, aysana ku imaan dadaal ay maamulku sameeyeen.




Wuxuu sheekhu nasiib daro ku sheegay reer Buntland maamulkii ay ku aamineen taladooda kana filanaayeen inuu u houmar u keeno, inuu noqday mid xasilooni daro ku abuuray shacabkii doortay, kadib karkuu maamulku canshuurihii badanaa ee laga qaadayay shacabka & hantidii kasoo galeysay dekkeda & airport-yada uu u adeegsaday caburinta & u xoog sheegashada shacabka Buntland, & ku maal gelinta dagaal oogayaashii Muqdisho laga soo eryay, kuwaasoo hadda ka hor gumaaday shacabka Buntland.

Waxaa kaluu sheekhu sheegay in awooda ka talisa halkaas ay tahay ciidamada Tikreega ee xooga ku jooga magaalada G/kacyo, maamulka Cadde Muuse-na uu yahay wax iska magallooti ah oo ay xabashidu u adeeg sadaan waxa ay ka rabaan goboladaas. Sheekhu waxa uu ku sheegay isbelada ka dhacay Muqdisho in looga baahan yahaymeel walba oo uu joogo qof soomaali oo muslim ah. Sheekhu wuxuu kusoo gaba gabeeyay inaan loo dheg taagin tol la’ayayda jaahiliyada oo la doonaya in colaad qabiil lagu abuuro, meelna looga soo wadajeesto sidii shareecada loo hirgelin lahaa guud ahaan, & sidii cadowga si mideysan wadanka looga saari lahaa.

Odayaashii halkaas ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa mudane C/laahi Habbane oo yiri "Waa inaan isbedelkaan u taageernaa si ficli, si maadi & si macnawi ah intaba si aynu u najixino isbedelkan uuna u gaaro gebi ahaanba Soomaaliya"

Waxaa kaloo isna meesha hadal aad u qiimo badan kasoo jeediyay Col. C/wahaab Yuusuf oo kamid ahaan jiray ciidamada xooga dalka soomaaliyeed macalinna ka haan jiray kuliyada ciidamad ee Soomaaliya. Kroneelku wuxuu si qoto dheer uga taariikheeyay damaca horornimada ee Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya.

Col. C/wahaab ayaa ku nuuxnuux saday horornimada uu ku sheegay in uusan aheyn wax iska yimid ee ay tahay arrin la qorsheeyay dabayaaqadii qarnigii 18aad xilligaas oo khariidadda Soomaaliya lagu daray tan Itoobiya. Col. C/wahaab oo taariikh dheer ka xusay hardankii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay Soomaali iyo Xabashi ayaa gunaanadkii hadalkiisa yiri: »Soomaaliya waa la heystaa waayo xabashidu waxay fadhidaa gudaha dalkeenna, gaar ahaan meel caasimaddii Soomaaliya u jirta wax aanan 100 mayl sidaa uga badneyn, hadaba su’aashu waxay tahay sidee isaga saarnaa ee laga wada hadli maayo ma na heystaan. Waxaa kale oo uu arrin murugo leh ku tilmaamay nimanka soomaalinimada iyo maamul inay yihiin sheeganaya ee har iyo habeen u taagan sidii ay Itoobiya ugu fududeyn lahaayeen qabsashada Soomaaliya.

Waxaa hadalladaas oo dadkii ka qeybqaatay iyo arrimihii dhaxalgalka ahaa ee ay ku tala bixiyeen aannan halkan kusoo koobi karin iyana dood cilmiyeed loo furay qaar kamid ah aqoon yahannadii kasoo qeyb galay. Dooddaas oo looga hadlayay sidee iyo qaabkee waxtar looga geysan karaa dhibaatooyinka kajira dalka isla mar ahaantaana loo gacan qaban karaa is bedelka khayr ee dalka ku baahaya ayaa si wanaagsan u dhacday. Shirkaas ayaa ku soo gabagabobay jawi aad u heer sarreeya iyo isafgarad, halkaana lagu go’aansaday in dhaqaale loo huro isbedelka jira.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galayaashii shirka halkaa loogu qeybiyay gabay cusub oo la magac baxay Halgan oo uu tiriyay Abwaan Inj. Maxamed Cali Cibaar oo deggan wadanka Holland shirka ku casuunnaa hase yeeshee, ka soo qeyb geli kari waayay.

Wixii tafaasiil ah waxaad kala soo xiriiri kartaan walaalihiina kala ah´

Abdiqani Qorane Maxamed abdiqanim@hotmail.com
Axmed Ibraahin Maxamed axmeds@amail.com
ama e-mailka shabakada gargaarnet@gmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2006


MUQDISHO IYO KUTUMASHADA XUQUUQDA MARQAANKA
Muqdisho oo "dubaabku" ku heesay!! - Ku tumasho Xuquuqda Marqaanka!!
Qore: Mohamed Ahmed Wallays | Yaaqshiid - Muqdisho | inawallays@yahoo.com

Jooojintii qaadaka, dadka muqdisho siyaabo kala duwan ayay u arkaan, qaar waxay u arkaan fursad ay naftooda ku xakameeyaan, qaar waxay u arkaan dhib soo gaaray dhaqaalohooda, qaar waxay u arkaan faaido dhaqaale oo u soo hoyatay, qaar waxay u arkaan mid lugu deg-degay, qaar waxay u arkaan ku tumasho xuquuda marqaanka ee uu waadinku leeyahay!!

KhatSi kastaba ha ahaatee dadkii qaadka laba canley jirey maanta kama muuqadaan kabarradii, waabihii iyo jikooyinkii ay ku fadhi-xumayn jireen, waxay u kala baxeen kuwo fursad ka dhigtay oo u dhaqaaay inay dantooda raacdaan, kuwo uu dubaabku fara ba'an ku hayo oo is duuduubay iyo kuwo weli raadiyeyaasha dhegta ku haya oo ka dhursugaya hay'daha xuquuqul insaanka!

Waxaase hubaal ah haddii uu qaadku ahaan jirey meesha ay quudkooda ka helaan qoysas badan, inuu sidoo kale ahaa musiibo ku habsatay bulsha weynta soomaaliyeed, oo dhaadhaan ka dhigtay maskaxdii iyo muruqii ay umaddu ku tashanaysay.

Waxaan Allaah ka baryaa inuu meel ka fiican ka risaq siiyo dadkii noloshaooda ka raadsan jirey qaadka , umadda soomaaliyeed ee weli qaadka ku harsannna uu u soo diro cid meesha ay joogaan ka mamnuucda!!


Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya 

= Shirib Abwaan Bacadle =

Qare iya moos-ba qaad ka roon
Ka qarash yar kana quud macaan
Qiyaamana laysu qabsa maa!!

Waxaa xusid mudan in ra'yi bixin ay sameeyaan idaacadaha Muqdisho in dadka ugu badan ee sida diirran usoo dhaweeyey joojinta qaadka ay ahaayeen haween. kuwaasoo isugu jiey hooyooyin wiilashooda qaadku dooriyey, walaalo ka naxsanaa il-xumada walaalohood iyo xaasas ku dhibtooday raggoodii uu qaadku xiska ka kabaabyeeyey oo uu ka suuliyey xanuunkii masuuliyadda!

Nabee mahdiyaa u dhashay!!
Nabee dhuroobaa u dhashy!
Nabee dhur iyo dhaqan beelaa ka dhintay!!

-Shirib-
Allow ku raaji ra'ligaan rafaadkii waa ka raysannee!

Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid - Muqdisho
inawallays@yahoo.com


Maxamuud Qorane oo Lagu Xiray Boosaaso
»Galkacyo: Madaxwaynaha Puntland oo soo saaray wareegto
»Galkacyo: Kulanka Culimada iyo Maamulka Gen. Cade Muuse
»Khilaaf soo kala dhex galay DGPL & DFKMG...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 19

»Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD