SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BAYDHABO
Daabaco Boggan | Print


 Mudane waa ku sidee....

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Baydhabo oo aan dhawaan tagay ayaan waxaan u kuurgalay qaabka u shaqeeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo waxa ay qabtaan marka aysan lahayn wax shirar ah.

Xildhibaanada oo degan dhowr Hotel oo ku yaala magaalada Baydhabo ayaa waxa ay bishii qaataan $1800 oo Doollar, marka la fiiriyo lacagtaasi waa lacag aad u fara badan, waxaana Lacagtaasi bixiya mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah, mar aan wax ka weydiiyay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka sababta ay u qaataan lacagtaasi faraha badan, waxaase iigu jawaabay “aad bay noogu yar tahay, oo nolosheena kuma filna”, aad baan uga naxay, Nin Odey ah ayaan isna weydiiyay sida uu arko lacagtaasi faraha badan ee ay qaataan xildhibaanadu, wuxuuna ku jawaabay “waxaa la doonayaa in aysan weligood aysan fekerin oo sidaa isaga fadhiyaan, isla markaana lagu ilowsiiyo waajibaadkoodii loo soo doortay”.

Waxaa dalka ka dhacay abaar aad iyo aad u waxyeeleysay dad iyo duunyo, habeen ka mid ah habeenada ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa loo soo jeediyay bal inay ka qaybtaan tabarucaad loo fidinayo dadka ay baaruhu halakeeyeen, waxaana warkaan la siideynayo maalinkaas ay qaataan Xildhibaanadu min 900 oo doolar, waxaase nasiib daro noqotay in la waayo hal xildhibaan oo ku dhiirada war intaa ayaa iga diyaar ah, toban Doolarba allaha ka dhigee.

qad qaad jaad
Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya 

Markii aan si hoose ugu kuurgalay Xildhibaanada Baarlamaanka 40% waa kuwa qayila oo lacagtooda ku khasaariyay geedkaasi, iyadoo Baadiyaha Magaalada Baydhabo ay dad ugu dhimanayeen Gaajo iyo Biyo la’aan, miyuusan Xildhibaanku ogeen in uu yahay midkii loo soo doortay Mas’uuliyadda Ummadda gaar ahaan shacabka oo ay matalaan mudana ku soo guda jiray dhibaatooyin iyo dagaalo sokeeye.

Todobaadkii hal ama labo jeer ayay kulan Baarlamaanku isugu yimaadaan, maalmaha ay firaaqada leeyihiin waxa ay fadhi ku-dirir ku sameeyaan Hoteelada ay degan yihiin hortooda, iyagoo mar kastana halkaasi ku falanqeeya siyaasadda Dalka sida, Muusaa sidaa yiri, Max’ed Dheere ayaa furka tuurtay, Qanyaraa la qaban la’ yahay, ma dhageysatay warkii xalay iyo kuwo kale, mararka qaarkoodna fadhi ku dirirkaasi waxa uu keenaa in Xildhibaanadu isku xanaaqaan oo ay u kala saftaan labadii dhinac ay markii hore cayaartoodu ka bilaabatay sida Muqdisho iyo Jowhar. Sharciyan Mudane Baarlamaan waxaa ka mamnuuc ah in bulshada uu matalo dhexeeda uu ka qeylqeyliyo uuna ku falanqeeyo siyaasadda dowladiisa, waayo Mudanaha la mid ah ma ahan nin shacab ah, xitaa hadalada fadhi ku dirirka ee ay sameeyaan Xildhibaanadu waxaa ka mamnuuc ah in ay sii daayaan warbaahinta, iyadoo sharaftaasi la siiyay mudanaha ayaa haddana mudanayaasha qaarkood waxaa moodaaba in aysan u qalmin Xildhibaannimada.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo isugu jira Macallimiin, Dhakhaatiir, Injineero iyo rag kaloo aqoon sare leh aya maagaalada ay ku sugan yihiin waxaa ka furan Iskuulaad, Isbitaalo iyo Machadyo, iyadoo Xildhibaanadaas intooda badani ay ku lumiyaan waqtigooda Turub, Dumlad iyo daawashada Aflaanta mararka ay firaaqada leeyihiin, waqigaas ay luminayaan sow ma wanaagsana in aqoontooda ay uga faa’iideeyaan Bulshada halkaasi ku nool, ka soo qaad todobaadkii xiiso ama laba xiiso in ardayda wax ka barata Dugsiyada Magaalada Baydhabo ay wax ugu kordhiyaan, Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa isagu ilaa iyo haatan la’ dhakhtar fariista, iyadoo Baarlamaanka ay ku jiraan Dhakhaatiir Aqoon sare leh oo tobaadkii laba goor oo ay fariistaan kaafin lahayd dad badan, waayo inta badan Xildhibaanada waxay wax ku soo barteen waa canshuurtii wadanka.

Mudane dib isugu laabo oo waqtigaagu ha noqdo mid aad ku gudatid waajibaadkii laguu soo doortay aadna uga faa’iideysid Bulshada inta aad firaaqada tahay waayo waxa ku eegaya waa bulshadii oo dhan, waxaad dhex joogtaana bulshadii, waa laga fiican yahay xildhibaan baan ahay, caloosheedaan aqaan, hadduu xaalku sidaa noqdana sow noqon meysaan Calooshood la ciyaarayaal aan wax kale u muuqan.

Waxyaabahii kale ee aan ku arkay Mudanayaasha, waxaa ka mid ah iyagoo maanta la iclaamiyo in la qaadanayo mushaarka ay Magaalada Baydhabo soo buux dhaafiyaan Xildhibaanada oo qaarkood ka yimaada banaanka magaalada, marka ay mushaarka qaatanaana waxay dib ugu laabtaan howlahoodii, iyadoo maalintii uu furmay Baarlamaanka kal fadhigiiisii ugu horeeyay ay fariisteen 240 Xildhibaan, maanta waxaa ku sugan Magaalada Baydhabo 110 Xildhibaan, Guddoomiyaha oo looga fadhiyay in uu la socda Xaaladda Xildhibaanada iyo haddaba sida ay howlahooda u gudanayaan ayaad moodaaba in uu isna ka mashquulay, sidaa darteed Mudane boorka is jafoo meesha ka haahaabo waqtigii sii dhamaaye oo Mudane waa ku sidee!!.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2005

BAYDHABO::: Sug intuu C/llaahi ka imaanayo..... Guji..



SIDA REER PUNTLAND LOO SIRAY

Dawladda Itoobiya xaq miyaa in  khayraadka soomaaliyeed ay daldalato kuna bedelato Maandooriyaha cagaaran ee Qaadka ! 
CARRUURTA KU DAYACAN BOOSAASO

Caruurta ku Dayacan Wadooyinka.. Guji...

Qaranka aan Dawladda lahayn, Dumarka waxbartay waxa ay door weyn ka qaataan iibinta Geedka Daroogada ee sida fooqal-xadka ah loo Isticmaalo


Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...


2002: Qaadka oo Kusoo Qulqulaya Ameerika

2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qaadka  


KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000.  Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD