SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA
Wiil Soomaaliyeed oo Si Arxan Darro ah Loogu Diley magaacalada Capetown ee Koonfur Afrika

Waxaa Isniintii casarkii si arxan darro ah loogu toogtay xaafada Fillipi ee Caasimada Cape Town, Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Cusmaan Qayre, oo da'adiisa lagu qiyaasey 24 jir, kadib markii ay burcad aan weli faah faahin laga helin ay ugu soo galeen dukaan uu ku sugnaa iyadoo mulkiilayaashii dukaankaas ay dibada ku maqnaayeen.

Marxuumkaan ayaa waxaa uu wadankaan Koonfur Afrika soo galay mudo lagu qiyaasay sadex bilood asagoo ka soo cararay dhibaatooyinka ka aloosan dhulkiisii hooyo.

Hadaanu nahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Cape Town waxaanu ka xunahay dhibaatada xasuuqa iyo barakaca ah ee ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ah ay ka wadaan caasimada Muqdishu, taasoo hoos u ridey rajadeenii ahayd inaan fursad u helno sidii aan dib ugu soo noqon lahayn dhulkeena hooyo taasoo naga kaafin lahayd darxumada, karaamo la'aanta iyo dilalka nalaku bartilmaameedsanaayo.

Maxaan taageero ah oo aan ka sugaynaa dowladii loo hanweeynaa, mar hadii ay shacabkeedii si naxariis daro ah u gumaadayso, yaase nalooga haybeeystaa mar hadii dadweeynihii ay dowladahoogu na martigaliyeen daawanayaan dowladii Soomaaliyeed oo shacabkeeda xasuuqaysa.

Cidkasta oo Soomaaliyeed ee gacan ka gaysan karta falalkaan wuxushnimada ah ee lagula kacaayo xoogsatada aan waxba galabsan waxaan ka codsaneeynaa ineey  nagu soo biiriyaan wixii karaankooda ah ee ay nagu taageeri karaan.

Sawirada aaskii marxuumka hoos ka eeg..

Hussein Dulqalam
salamacpt@hotmail.com


Cape Town: Ganacsade Soomaaliyeed oo iska Difaacey Burcad ku soo weerartay Dukaankiisa

SomaliTalk.com | Koonfur Afrika: Nov 20, 2006

SOUTH AFRICA NEWS
32nd Somali slain in 'horrendous killing' 
2006-10-02 07:36:07
Police urge Somalis to 'speak with one voice' 
2006-09-06 07:13:24
Somali shopkeeper 'critical' after attack 
2006-09-05 07:07:36
Toll hits 30 after more Somalis murdered
 2006-09-04 17:45:43
Refugees are being 'killed like dogs' 
2006-08-22 11:28:44
Somali shopkeeper attacked by gunmen in Paarl 2006-10-10 08:56:21

Wounded Somali vendor receives death threat 
2006-09-29 10:34:53
Somali buried after Du Noon murder 
2006-09-08 10:34:30
Somalis 'scared' to return to Masiphumelele 2006-09-01 08:04:01
Mob attacks Somali traders
 2006-08-29 14:30:10
Cape's Somali community living in fear 
2006-08-28 12:31:11
Police arrested after Somali man robbed 
2006-05-05 09:54:47

Senator Norm Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika, kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, hab-dhiska qashin saarka iyo dheefshiidka.

:::GABAYG: K/AFRIKA :::
Maansada "Haddaad South Afrikaay…"
Gabay Baraarujin ah: W.T. Maxamuud Shiine.
AKhri

Ganacsade Soomaaliyeed oo labada lugood cuuryaan ka ah laguna magacaabo Shaandi ayaa toogtay laba burcad ah oo ka mid ahaa ugu yaraan shan burcad ah oo soo weerartay caaway (oo Talaado soo geleysa Nov 20) fiidkii xilli uu dukaankiisa oo ku yaala Sisantakrall ee duleedka Cape Town iibsanaayay.

Burcada oo ku hubeeysnayd ugu yaraan labo bistooladood ayaa ku hungoobay falkoodii kadib markiin rasaas la is weeydaarsaday ay afka xabado ka haleeleen labo ka mid ah burcadii weerarka ahayd ayadoona ay intii kale cagaha wax ka dayeen, halkaasna uu Alle ku badbaadiyay ganacsadihii Soomaaliyeed.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa aad ugu yar wadankaan, inta badana waxaa dhacda in aysan Soomaalida wadankaan ka ganacsata iska difaaci karin danbiilayaasha soo weerara, isla markaasna ay Soomaalidu aaminsanyihiin inuusan booliiska wadankaan wax ka qaban.


Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee K/Afrika:::

Faafin: Sabti: Nov 18, 2006

Wararka SomaliTalk.com ka soo gaarey Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu dil hor leh ka dhacay gobolka Eastern Cape, caasimadiisa Port Elizabeth, xaafada loo yaqaan New Bright, wuxuuna falkaan dhacay maalintii shalay oo ahayd (Jimce Nov 17, 2006), waxaana marxuumka loogu soo galay dukaankiisa dabadeedna lagu dhuftay shan xabadood taasoo uu ugeeriyooday.

Marxuumkaas oo isla shalay la xabaalay ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Shaafi Sheekh Xareed, wuxuuna wadanka ku noolaa sida la ii sheegay 2 ilaa 3 sano.

Dilka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan K/Afrika ayaa ah mid faraha ka baxay oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa. Haddaba maxaa la gudboon Soomaalida.. Fadlan akhri qormada Soomaalida K/Afrika: Cidna uma maqna Ceelna uma qodna, isla markaana talaadaada u gudbi qoraaga GUJI HALKAN....



Maxmed Cabdi Faarax oo dukaankiisa alaabo ku gadayey

NIN SOOMAALI AH OO LAGU DILAY  MAGAALDA GEORGE EE SOUTH AFRICA

Faafin: Talaada Nov 14, 2006


marxuum Maxamed Cabdi Faarax

Maxamed Cabdi Faarax oo ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee ku dhaqan Gobalka Western Cape magaladda George ayaa Jimcihii la soo dhafay u geeryooday Jirdil naxariisdaro ah oo loo geystay mana jirto cid ilaa iyo haatan loo soo qabtay arintaani.

ugaarsiga iyo gumaadka loo geysto Ganacsatadda ayaa sii kordherysa falalkaasi oo ay geestaan burcad madow ah oo naxariis daran kuwasoo marka ay dadka dhacaan madaxa ka toogta ama nolosha ku guba mana jirto cid wax ka qabaneyso arintaani hadii ay ahaan lahayd dowladda ama ururadda u dooda Xuquuqda aadanaha intaba.

Mustag Shiikh Daahir and his friend fiyoore .
South Africa

Muuse Maxamud Jiisow
somali39@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623


 Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Afrika:
Sept 19, 2006:
Yusuf Bahar Abdullahi Sheekow waxaa lagu dhex diley dukaan uu lahaa oo.... Akhri...


Sadex nin oo ganacsato soomaaliyed ah oo lagu gubay dalka south afrika

October 2006: Sedex Nin oo soomali ah ayaa lagu gubay Magaalada PORTELEZABIT oo ka mid ah Magaalooyinka ay dagan yihiin soomalida ganacsatada ah ee ku sugan dalka south afrika Sedexdan Nin oo Sawiradoodu ay ka muuqdaan dhaawac culus ayaa waxa ay hada ku jiraan Cisbitaalka edexadn nin ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Yare, Maxamed Muumin Iyo Cali Cadaw

Sedexdan nin ayaa waxa lagu magacaabaa YUUSUF YARE . MAXAMED MUUMIN iyo CALI CADAW oo waqtigaasi ku jiray meheradaha ay ka ganacsanayeen isla markaana ay ahayd waqti habeen ah oo ay jiifeen Goobtooda ganacsiga  

 Sidoo kale Waxuu  warku uu intaas ku darayaan in laba kamid ah ragaasi ay xaaladooda aad u liidato qaar kamida soomaalida ku dhaqan gobolkaasi oo aanu  la xidhiidhay  ayay noo xaqiijiyey  in kooxahaasi budhacad ah ee south afrikaanka ahi ay dhaceen dukaankaasi dabadeedna ay dabqabadsiiyeen iyagoo ragaasina gudaha dukaanka lagu soo xidh xidhay 

 Si kastaba ha ahaate Soomalida ku dhaqan wadanka south africa ayaysan jirin cid  u dooda oo kala hadasha Dowlada South Africa Iyadoo ay maalamhan danbe ay sii badanayaan  ugaadhsiga ganacsatada soomaalida ahi. 

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2006


Qofkii 23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika
Johannsburg. 11 April 2004. Waxaa habeenimadii Sabti ah markii la tukaday salaada Maqrib ka dib dukaankisa oo ku yaala xaafada Njoli ee magaalada Port Elizabeth lagu dhex toogtay ganacsade Soomaali ah oo la yidhaahdo Cabdi Muxumed Horor (Cabdi Cuur) 38 Jir.

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD