SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 Garaad Sabool ah! 

Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK email:
edleh@hotmail.com

 03 June 2005   


Waxa aan akhriyay maqaal. Wuxuu ku qornaa bog iyo bog kale iyo bog kale iyo….iyo…iyo. Aad baan u eegay. Waan ku dhaygagay. Waxa aan la sameeyay xidhiidh. Wax baan weydiiyay. Waxa la igu yidhi miyaad codsi dhiibanaysaa? Haa! Xurmo idinka oo mudan maxaa maqaalka meesha ku haya baan dhiibtay?  

Waxa aan ka helay warcelin. Ma khadka? Maya! Maxaad naga rabtaa in aad ogaato? Sida loo yeelay qoraalka baan idhi. Miyuu go’naa markii hore baa la iigu jawaabay. Wuxuu u egyahay mid dayac badani ka muuqdo oo aan yeelid mooyee cusayb u muuqan.  

Haddii raacdada aad ku taagantahay qumantahay waannu ku tilmaamidoonnaa ayaa la iigu baaqay. Waa intaan u jeellanahay intaan idhi baan kabihii illaday? Uuuh? Kabo illaday?? 

Maya! Fadlan raalli noqda. Waxa aan ujeedaa waxa sarakacday niyaddaydii oo inta ay kabaheedii illatay jasadkii ka dheelmatay. Waxa aannu israacnay qoraalkii. 

Haddii maqaalka aan akhriyay keligii yahay oo aanu ehel kale lahayn ciil ma aan qabeen. Waxa aan ka soo qaadilahaa madi. Madigu wuxuu noqonkaraa mid dabeecadxumada lagula yaabay u dhashay, wuxuu noqonkaraa mid deeqsinnimada loogu bogay u dhashay, tilmaankasta oo uu leeyahay waxa ay noqonaysaa mid u gaar ah oo aan la odhanayn Hebel iyo Hebel waa laba ruux oo aad u kala duwan, inkasta oo ay wada dhasheen haddana sida Soomaalidu tidhaahdo “Uur hooyo ayaa eexo laga bartay” oo labadoodu isku mid maaha. Balse maqaalkani maaha madi, sidaas aawadeed walaalihii oo dhammi waxa ay ku xeraysanyihiin meel. Waxa ay tubanyihiin deyr loo qoondeeyay. Ciilka iigu weyn ee i hayaa waa in aan ka gungaadho sida maqaalka walaalihiis u yaalliin oo dhan.  

Isma cawrido! Isuma tudho! Islama yaabto! Way simantahay, haddii ay wax ku kala duwantahay maaha mid aad taabankarto. Niyaddaydu waxa ay weli ka yaabbantahay goobta maqaalku la soo galay iyo sida isaga iyo tolkiisa meesha tubani isugu isir iyo ab yihiin. Madow, casaan, caato, baruur, qaxar, biyamadaadshaan, tilmaankasta oo mid leeyahay ka kalena waa leeyahay.  

Yaa beeray? Yaa abuuray? Sidee loo abaabulay? Sidee loo curiyay? Waa maxay farsamada ay ku tarmeen tolkan isu wada sansaanka iyo sarajoogga eki? Waxa niyaddaydii maqaalkii ka baadhbaadhay bal inuu iftiimiyo weydiimihii markii horeba isoo hiyikiciyay ee aan raadraacooda usoo kicitimay. 

Wakhti intee le’eg baad haysataa buu iigu jawaabay maqaalkii? Inta aan ku dersikaro ama kaga bogankaro kaladuwanaansaha idiin dhexeeya. Annaga? Miyaad ujeeddaa; ayuu maqaalkii oo sow ka yaabban niyaddan soo ambatay ii raaciyay? Haa; ayaan ugu jawaabay aniga oo ka yididiilo qaba inuu iigu tiraabidoono muddo suurtagal u ah cimriga Bini-aadamka. 

Kun sannadood!!! Waaaw; waad kaftamaysaa, taasi suurtagal iima aha, cimrigayga Kun sannadood kama hadhin baan ugu jawaabay Maqaalkii. Garbasiman in aannu nahay sow nooma jeeddid? Halkan sida kaaga muuqata aqoonta lagu hayaa waxa ay ka soo burqataa ceel keliya. Si keliya ayaa ceelkaas shubaashiisa laysugu dhiibaa, haddii bidixda laga rogo waxa ay beeshayada ku qaadataa Kun guuro in ay midig ka rogis ku dayaan.  

Iima cuntamin sharraxaadda maqaalku igu gudbay. Dabcan waan ujeedaa in isaga iyo tolkiis oo dhammi isku maan yihiin, haseyeeshee in aan garaadkooda muddo Kun sannadood ka yar lagu korinkarin maan qaadan.

Martiqaad baan kuu fidinayaa, waxa aan kaa codsanayaa in aad nala joogto oo aanad naga tegin muddo toddobaatan sannadood ku siman, buu maqaalkii iga dalbaday. Wakhti ma haysto ee waxa aad toddobaatan sannadood iigu sheegayso sangaabta iisoo qabo oo imikaba dhegta ii saar. 

Suurtagal maaha intuu iigu jawaabay ayuu iska dhaqaaqay. 

Haddii dhakafaarka kaa qabsaday akhriska maqaalkani ku geyaysiiyay in aad u baahato maandooriyayaasha loogu talagalay xadantaynta iliilaha maskaxda si dareen kolkaas taagan loo beddelo, la yaab ma lihid; sabab? 

Dhakafaarka aan anigu ka qaaday wixii aan kala kulmay bartii maqaalkii aannu wada socdaallay i joojiyay maandooriye jebinkaraa ma jiro. 

Maqaalka aannu ishaleellay iyo ehelkiis waxa ay ka soo arooraan wershedda garaadka Soomaaliyeed. Waa bah aan isqabato, isma aragto, is ogaato iyo isu-fiirsato midna lahayn. Ujeeddada keliya ee maanka abuura maqaalladaasi tacab badan u geliyo aadna isugu taxalujiyo kicitaankoodu waa yaan lagaa badin, yaan inaadeerkaa oo wasiir, wakiil, suldaan, caaqil, wadaad ama wabiin ah laga badin. Waa ismuuji si aan lagaaga tegin.  

Wakhti badan baa ku luma kicinta maqaalladan, waxase ka sii daran wakhtiga kaga luma inta sidayda oo kale isku dayda fadhiisinta maqaalladan, cid afgarankarta oo rarka maqaalladani sidaan ka furikartaa ma jirto.  

Kun sannadood, sida maqaalku ii tilmaamay waa wakhti aad u dheer oo aan lala sugikarin ubadka maanta socodbaradka ah, xalku wuxuu ku jiraa in Garaadka Saboolka ah la ruxruxo oo bal la isku dayo in maqaalladan la sannifay(cloned) soo wada daataan, haddiise taasi suurtagal noqonweydo waa in Garaadka laftiisa gunta laga jaraa, si bal in uun looga dhursugo in beddel ka anfac badan sida kani yahay uu goobtiisa ka soo fufbaxo. 

Kiniin miyaad i weydiisay dhakafaarka kaa jebiya?
Cabdillaahi Cawed Cige,
Liverpool UK email:
edleh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 3, 2005

 

»Hargeisa vs Ogadenia | A Omar
»
SULDAAN HURRE, WALLEE KUMA ILLOWNO | Hashi Sagaar
»JENARAL MORGAN: DAGAAL OOGIHII CAFIS KA DALBAD | C/qadir
»
Isbaarada Wasiirka | C/nuur F. Cali
»Puntland oo dabargoyn ku haysa hantidii dawladda dhexe | Xasan
»IS EEDAYNTU IYO AYATIINKU KALA FOG | A. Cali
»WEERARKII WAKIILADU LA BEEGSADEY RIYAALE |Aadan Qodax
»DFKMG ee Soomaaliyeed, oo shacabkeedii dil ku bilawday | Gaagaale
»Beerka ka ogsooni ( Xaaji Gabay-Xaddi ) | Iid
»SABO ::: Maqaalkii Ismail A. Hassan (Khaliil)
»JANANKA XAMAR DAN BAA BIDAY,...| Kulmiye
»DOWLADDII QABQABLAYAASHU HOGAANKEEDA HAYEEN OO.. | M.J
»Jawaab: Ogadenia Vs Hargeysa | Axmed
»Waa maxay ujeedada ETHIOPIA ka leedahay Somalia... | Abdalle
»
OGADENYA Vs HARGAYSA IYO HADALKI  DIRIDHABA | Hereri
»
Madaxweyne Hadalkaaga Qurxi Hadafkaagana Bedel!! |Abtidoon
»
Shirkii Soomaalida ee Kenya 2+2=8|A. D. Elmi
»GABADHAYDIIYEEY 2aad !!!!!!!!! |
C/qaadir C. Diini
»Isbaaradu waa canshuur shacabka lagu leeyahay|Xasan Kashka

»Naxariista iyo Dabeecad Wanaagu Ma Hooyada Uun Baa|Zahra Abdi
»KADUUDSHE|Abdifitahaam
»MAREYKANKA MAXAA U QARSOON?|Abdifitahaam
»Qaran diid shariif iyo muwadin Yusuf yaa guulaysan doona?|Saajinka
»Gabay: Gabay::Xog-ogaalka waayaha|Doodi
»Gabay: Maanso:: allow|Maxamad bashiir jaamac
»GABAY:: Manqo Koriye | Afjano
»BARLMAANKA QAXOOTIGA AH  IYO ASTAAMIHIISA | Dr. Abdi
Dhammaan ka Akhri Bogga Maqaallada & Faallooyinka.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD