DADKA REER AFGOOYE OO CABSI KA MUUJIYEY IN
WABIGA SHABEELE UU KU FATAHO.

Walaac xoogan oo isasoo tarayo ayaa ka soo baxaya in wabiga Shabeele uu ku fataho deegaamo ka tirsan degmadaasi.
Tuulooyin fara badan ayaa waqti xaadirkaan
go'doonsan kadib markii fatahaado wabiga Shabeele uu qasaarooyin u geystay,
iyadoo dadka ku dhaqan deegaamadaasi ay haatan heysato dhibaatooyinka ay u
geysteen biyaha ku soo fatahay dhulalkaasi, waxaana intaa u sii dheer in
wadooyin fara badan oo gali jiray tuulooyin hoos yimaado Afgooye ay xiran
yihiin sida ay dadka degmada Afgooye u xaqiijiyeen Talaadadii.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Afgooye
ayaa sheegay inay cabsi lixaad leh ka heysato in wabiga Shabeele uu ku soo
fataho degmadaasi kadib markii biyaha wabiga uu soo gaaray qarka wabiga, waxayna
taasi kor u sii qaaday cabsida la xiriirta in wabiga soo fataho, iyadoo
fatahaadu ay bur burisay dhul beereed baaxad leh oo ku yaalay degmada Afgooye.
Qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee u dhow wabiga
ayaa durbadiiba waxaa soo gaaray biyaha wabiga, taasoo muujineysa inay macquul
tahay in wabigu uu ku soo fataho deegaamo hor leh, iyadoo guryaha ku yaalo
agagaarka wabiga ay soo galeen biyuhu, laakiin dadka qaar ayaa rajo wanaagsan ka
muujinaya in ay adag tahay sida ay biyuhu u soo galan degmada Afgooye, iyagoo
sabab uga dhigaya in degmadu ay ku taalo meel sare juqraafi ahaan.
Hadaba walaaca iyo cabsida laga qabo in biyuhu
ay soo gaaraan degmada Afgooye iyo deegaamada la xiriira ayaa ku soo beegmeysa
xili ay dadka soomaaliyeed bilaabeen inay isu gurmadaan, iyagoo horaanba iska
ururiyay deeqo kala duwan oo loogu yaboohayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay
fatahaada wabiga Jubba iyo Shabeele.




 
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisaho somaliya
0025215576666/002521653623
Magaalada
B/weyne ee xarunta gobolka Hiiran ayaa waxaa ka jira fatahaad aad u balaaran
taaso geysatay Khasaaro naf iyo maalba leh.
Waabarigii (Nov 12) ayaa magaalada B/weyne
waxaa hal mar is qabsaday sawaxanka dadka magaalada oo guryahooda ka qaxayo
dhibaatada fatahaada awgeed, dadkani ayaa waxay durbaba bilaabeen in ay
adeegsadaan gaari dameero iyadoo ay adkeed in ay galaan gawaaradia inta badan
xaafadaha magaalada B/weyne.
Xaafada sida aadka ah ay fatahaayadu u
waxyeeleeyeen ayaa waxa ka mid ah xafadaha Irid Aamin, Xaawa taako, Kutiimbo,
Buundaweyn, Duunsubagle iyo xaafado kale.
Dadka qaxaya aya waxay u qaxayeen banaanka
magalada B/weyne iyo buuraha sare ee aysan biyu gari Karin iyadoo Xaafada
Howlwadaag ee Dhanka Galbeed magaalada B/weyne ay noqotay xafada kaliya ee
Fatahaada ka bad baaday marka looo eego xaafadaha kale ee Fatahaadu
waxyeelaysay.

Intabadan ganacsatada magaalada B/weyne ayay
waxyeelo ka so gaartay Fatahaadahani kuwasoo sida ay sheegen bakhaaradoodii ay
biyaha ugu soo galeen.
Waxaa adkeyd sakaay magaalada B/weyne in aad
hesho baabur kuu qaado alaabto iyadoo ay circa isku shareereen kirada
Gaaridameerada kuwaasoo ah kuwa kaliya ee sida tooska saakay ay dadku ugu
qaxayee.
Muuqaal ahaan ayaa sakay waxaad dareemaysaa in
uu qax balaaran ka jiro magaalda iyadoo sida caadada ka ah gudaha Soomaaliya ay
dadku ka qaxi jireen dagaalo sokeeye ayaa saakay waxaa si aad ay dadka reer B/weyne
ka qaxayeen Fatahaada webiga.
Xarunta dhexe ee gobolka magaalada B/weyne aya
saakay waxaa galay biyaha wabiga uu soo tufay, xaruntani ayaa waxay saldhiga
maamul u aheyd Maxkamadda Islaamiga ee B/weyne balse saakay ayay halkaasi isaga
huleeleen dhamaan dadkii ka shaqeynayay, goobtaasi oo aheyd goo ay subax kastaa
ka socon jireen dhamaan dacwadaha ay isu qabaan dadka iyagu is daceynayay sidoo
kale waxay goob maamul u aheed maamulka maxkamada B/weyne.
Waxaa saakay sidoo kale magaalada ay dadku ka
cabsi qabeen in ay Go’do Buundada Liiqliiqato oo ah Buundada isku xirta Dhanka
Bari iyo kan Galbeed ee magaalada sidoo kale mid taas le’eg ayaa ka jirtay
dhanka Buundada lagu magacaabo Buundoweyno oo labaduba ah kuwa kuwa ku dhexyaala
gudaha magaalada halbowlana u ah isku xirka dadweynaha magaalada B/weyne.

Dadka sida weyn ula socda taariikhda magalada
B/weyne aya waxya sheegeen in dhibaato tan oo kale ah ay magaalda ugu dambeysay
sanadkii 1997-kii balse waxay qiyas ka bixiyen sababta keenta in markastaa oo uu
webigu buuxsamo ay halis gasho deganaanshaha magaalada in ay tahay wabiga oo
magalada B/weyne u mara qabka xarafka S-(ES).
C/naasir Sheekh Axmed (Cawaale)
B/weyne Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2006
MUQDISHO IYO KUTUMASHADA XUQUUQDA MARQAANKA |