Shiinaha iyo
Ruushka oo taageeray Qaraarka qabyada ah ee uu
Mareykanka Hor dhigey Golaha Ammaanka.
Dowladdaha Shiinaha iyo Ruushka oo Codka Qayaxan
ee VITO ku leh Golaha Ammaanka ayaa si cad ah u
taageeray Qaraarka qabyada ah ee uu Mareykanku
hor dhigay Golaha Ammaanka.
Qaraarka Cuna qabateynta hubka lagaga qaadi
doono Soomaaliya ayaa Galabta waxaa ka doodaya
ilaa 15 Dowladood ee xubnaha ka ah Golaha
Amaanka.
Labadan Dal ayaa noqday Dalalkii u horeeyay ee
taageeray Qorshaha Mareykanka uu wato, kaas oo
ku aadan in Ciidamo Nabad Ilaalin ah loogu diro
Soomaaliya.
Sidoo kale Warka ayaa waxa ay intaas ku darayaan
in labadan dowladood ay ahaayeen kuwa keliya ee
uu Mareykanku cabsi ka qabay inay ka
horyimaadaan Qaraarka qabyada ah ee
Cunaqabateynta Soomaaliya dhanka hubka lagaga
qaadayo, laakin waxaa muuqata in ay u
fududaaneyso qaadista Xayiraada Hubka ee saaran
Soomaaliya.
Dowladaha Faransiiska, Ingriiska iyo Jarmalka
ayaa ka biya diidsan Qaraarka uu soo bandhigay
Mareykanka, waxeyna digniin ka muujiyeen
Qaadista Xayiraada Hubka ee soomaaliya la saaray
sanadii 1992-dii.
Si kastaba ha ahaatee Arintan ayaa kusoo
beegmaysa xili ay Hey'adda Xalinta Khilaafaadka
ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (ICG)
ay ka digayaan in la qaado Cuna qabateynta Hubka
ee saaran Soomaaliya, Islamarkaana iyagoo cod
dheer ku yidhi hadii la Qaado cunaqabataynta
waxay keeni doontaa dagaalo halis ah.
SHariif xasan sheikh
aadan oo Muddo Toddobaad ah loo qabtay inuu ku yimaado
Magaalada Baydhabo
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta fadhi ku
yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Soomaaliya
ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaankaas oo haatan ku
sugan Magaalada Jabuuti in muddo 7 maalmood ah ku yimaado
Magaalada Baydhabo.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh
Aadan ayaa mudooyinkan dambe waxaa uu ka aragti duwanaa
madaxada sar sare ee Dowladda xubnaheeda kale, isagoo
Maxkamadaha Islaamiga heshiis kula galay Magaalada Muqdisho.
Kulankii Maanta oo Shir Guddoon ka ahaa kuxigeenka Labaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa waxaa laga
dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu yimaado Baydhabo
muddo dhan 7 cisho.
Si kastaba ha ahaatee Lama oga Talaabada ay Qaadayaan hadii
uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku tagi waayo Baydhabo muddo
7maalmood ah.
Diyaarad wada caawimo raashin ah oo kasoo kicitintay
Imaaraadka carabta oo kasoo degatay garoonka weyn ee
muqdisho .
Diyaaradan oo laga leeyahay Imaraadka carabta ayaa siday
raashin u kala Qaybsama noocyada kala duwan ee cuntada
quutul daruuriga sida burka ,bariiska ,sonkorta iyo weliba
qaybaha nafaqooyinka kala duwan sida buskutka iyo daawo
dhowr nooc ah ,islamarkaana deeqadaan ayaa waxaa la
gudoonsiiyey masuuliyiin ka tirsan golaha axaakiimta
soomaaliyeed.
Sidoo kale Diyaarada ayaa waxay waday deeq badan oo sida ay
sheegeen masuuliyiinta la wareegay deeqdaas ee golaha
maxaakiimta islaamka soomaaliyeed oo isugu jirtay Bur-bariis,
Sokor, Buskud, Dawo iyo alaabo kale oo tankeeda lagu sheegay
40 Mtone, ayaa loogu talo galay dadka ku tabaaloobay
fatahaadaha webiyada iyo biyaha ee koonfurta soomaaliya ,Sheekh
Suleymaan Al-xuseyni oo ka tirsan Hay'adda Bisha Cas ee
Imaaraadka oo la socday Diyaaraddaasi, isla markaana
saxaafada ugu waramayey gudaha garoonka diyaaradaha ee
magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay deeqdaan ugu tala
galeen dadka walaalahooda ee dhibataysan ee ay fatahaadaha
biyaha wax yeeleeyeen .
Sheekh Suleymaan Al-xuseyni oo ka mid ah saraakiisha
Hay'adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta ayaa sheegay in
deeqdaan aysan ku ekaan doonin diyaaradaan oo kaliya balse
ay tahay mid sii socon doonta oo dhowaan ay hay'addu soo
gaadhsiin doonto shacabka Soomaaliyeed ee ku dhiban
fatahaadaha.
K/xigeenka labaad ee golaha fulinta maxaakiimta islaamka
soomaaliya, Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa waxa uu saxafada
u sheegay in deeqdaasi ay gudoomeen ay gaadhsiin doonaan
dadka ku dhiban fatahaadaha, isagoo sheegay in ay aad ugu
faraxsan yihiin gargaarka ay ka heleen hay'adda bisha Cas
Imaaraadka carabta .
Sheekh C/qaadir ayaa ka codsaday hay'adda Bisha Cas
Imaaraadka in ay sii wado kaalmada isla markaana aysan ku
ekeyn intaan oo keliya isagoo weliba intaas ku daray inay
abaal weyn ugu hayaan dalka Imaaraadka carabta iyo weliba
hay,adaba .
Si kastaba ha ahaatee Deeqdaan oo ah tii ugu horaysay ee
bixiyaan dowlaladaha Imaaraadka carabta tan iyo intii ay
biyaha fatahaadaha ahi dhibaatada u gaysteen dadka shacabka
ee ku dhaqan meelo kamida koonfurta soomaaliya marka laga
reebo dadka soomaalida ah ee kala jooga dalka gudihiisa iyo
dibadiisa oo muujiyey dadaalo ay ku doonayaan inay deeqo ay
usoo ururiyeen walaalahooda dhibaataysan ay soo gaadhsiiyeen
waloow aysan daboolin dhibaatada jirta xiligan .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
00521-5580916
Faafin: SomaliTalk.com | Nov
30, 2006


|