Cayaartii Marqaan iyo Marqaandiid
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Qaybtii 2aad
Kuxiirsan qaybtii koowaad...
Taageerayaashii Marqaan waxay la suuxsan yihiin labadii gool
ee deg dega ahaa iyo dharbaaxadii kululeyd ee ku dhacday,
qaarkood way murugeysan yihiin oo waxaa la waayey labo is
fiirisa, mid ka mid ah Taageerayaasha marqaan ayaa soo
booday oo yiri “Bishaaro…..Bishaaro…..Bishaaro….” “wax maxay
Bishaaradu” ayuu mid weydiiyey, waxa uuna ugu jawaabay “Ma
ogidiin miyaa in cayaartooy muhiim ah uu ka dhaawacmay
Kooxda Marqaandiid” “Waa kee kaasi” ayuu mar kale weydiiyey”,
waxa uuna la soo booday waa cayaaryahankii mid ka mid ah
labada gool naga dhaliyey, ee dhuunta noo galay, waana
cayaaryahan Gubaaye, “Alleelahee war fiican ayaa sheegtay
haddey guuli noo dhowdahay” ayuu ku dabaal degay, balse mid
kale ayaa hadalkii qaatay oo yiri “war haddii uu Gubaaye
dhaawacmay kuwani ma way naayaan mid buuxiya booskiisa” oo
mararka qaarkood waxaad is leedahay waaba isku wada farsamo,
oo meel qura ayaa lagu soo tababaray”. Dhanka kale
taageerayaal labo ah oo la dhan ah kooxda Marqaandiid ayaa
iyana sidaan ku sheekeysanaya ‘War hebelow meel wanaagsan
ayay cayaartu mareysaa maadaama aan leenahay labo gool,
waxaana ka sii fiicnaan lahayd in sidaan lagu sii giijiyo
inta ay iska dhiibayaan oo ay ka leeyihiin Foor-Faayt”,
saaxiibkiis ayaase ugu jawaabay ‘Saaxiibow waxaan ka cabsi
qabaa in raggaani ay gadaal ka soo rogaal celiyaan waayo,
Soomaalidu waxay tiraahdaan cayaari waa gelin dame”, ‘War
naga tag fulahayow, ma nimanka is dhiibay oo xaraaruga jooga
ayaad leedahay dib ayey ka soo kacsanayaan, ee naftaada
waxaas yeysan kaa gelin, waxaana kuu sheegayaa in cayaartu
ay noqon doonto 5-0 oo aan ku badino” ayuu ku canaantay
saaxiibkiis.
Weli waxaa hadalo is dhaafsanaya taageerayaasha labada
dhinac, mid ka mid ah Taageerayaasha Marqaan ayaa
saaxiibkiis ku leeyahay “Saaxiibow waxaan nacayba kuwa
maamulka noo haya, waayo iyaga oo dhaqaale haysta ayay kari
la’ yihiin in ay soo kireystaan cayaartooy ajnabi ah oo
xirfad wanaagsan, si aan guul uga keeno kooxda Marqaandiid”
“War heedhe waa runtaa, laakiin warar aan helay ayaa
sheegaya in maalmaha soo socda cayaartooy ajnabi ah ay
Kooxda ku soo biiri doonaan” ayuu kii kalana hadal ku soo
gaabsaday oo waliba waxaan kuu sii raacinayaa in
cayaartooydaasi haatan ka soo degeen Garoonka Magaalada
Baydhabo, “Saaxiibow waa markii aan jajabin laheyn oo aan
qararamsan laheyn, wax badan ayaan u dignay”.
Garoonka ayaa lagu jiraa, kubbaddu waxay taalaa bartanka,
waxaa la isku hayaa weerar iyo weerar celis, madaxa ayaa
waxaa ku soo saaraya Cayaaryahan Dhud, waxayna lugta u
galeysaa cayaaryahan Laameyste, isna waxa uu u dhiibayaa
Saaxiibkiisa Goolhaye Marqaanweyne, isna geesaha ayuu
fiirinayaa, waxa uu raadinayaa cayaaryahan meel Banaan
taagan, mar dambe ayuuse arkay Gaangeeti oo meel koone ah
taagan, kubbaddii ayuu u riday, isna uu la dhaqaaqay ayaa
waxaa ku yimid Weeraryahanka Kooxda Marqaandiid ee
Majixinjixe, si fudud inta uu uga qaatay ayuu kor eegay oo
dusha sare ka arkay Dheereeye oo meel dhexe taagan baas
gaaban ayuu u xaluuliyey, lama daahine Dheereeye waxa uu u
gudbiyey Gubaaye, Gubaayaana waxa uu xirfadeeyaba, waxay mar
qura indhiihus qabteen Xiimaaye oo sii xaroonaya, waxa uuna
u dhigay kubbadda sidii qaandadii u laaban, balse nasiib
daro waxaa labaaley uga soo saaray Cayaaryahan Iga Dhirfi oo
markaas bedel ku soo galay, Kana muuqato firfircooni
dheeraad ah, markii ay kubbadda soo saareen waxaa kor u
kacay taageerayaasha Marqaan oo ku dhawaaqayey ereyo ay ka
mid ahaayeen (Shab- ku sii shalalax ku sii, Cimaada Madaxa u
saar) iyo waliba ereyo kale.
Garsooraha u dhashay Kenya ee cayaarta dhex dhexaadinaya oo
lagu magacaabo Miirow ayaa mararka qaarkood waxay dacwo uga
imaaneysaa Kooxda Marqaandiid iyagoo ku eedeynaya in uu kaga
eexanayo Cayaarta, waxaana u imaanaya Kabtanka Kooxda
Marqaandiid oo lagu magacaabo Gubaaye, “Garsoore cayaarta si
cadaalad ah noogu dhex dhexaadi haddii kale Indhahaaga ayaad
wax ku arki doontaa” ayuu ku yiri Kabtan Gubaaye, balse
taageerayaasha Marqaan ayaa ku qaylinaya “Garsooruhu
doqonsanaa, muu calaamadda Cas siiyo marka loo hanjabayo”.
Kooxda Marqaandiid waxay dhawaan la yimaadeen Cayaaryahan
kubbadda lagu yaqiinay oo lagu magacaabo Abuu Timir, waxaana
la arkayey isagoo fadhiya Kursiga Keydka, mararka qaakoodna
wuu is taagayaa waxaa u dhacaya sacab ay u tuurayaan
Taageerayaasha Marqaandiid, waxayna ku qaylinayaan “waa in
cayaaryahankan si dhaqsi leh loo geliyaa cayaarta, si
dhinacooda dhulka si fiican loogu dhigo Kooxda naga soo
horjeeda ee Marqaan”.
Kubaddii Markii uu foorada bixiyey Cayaaryahan Iga Dhirfi,
waxaa baastay kooxda Marqaandiid oo ka xun goolka ay iska
cuneyn, waxaa markiiba lugta la helay Kabtan Gubaaye oo
cayaarta si weyn uga dhex muuqda,baasas cajiib ah oo
gaagaaban, oo ilaa iyo Goolhayaha gaara baa socda, taas oo
Kooxda Marqaan ka xanaajisay waxayna ku…
(Akhri qaybtii 1aad)...
Waa Socotaa… (lasoco qaybta
3aad)
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2006
Afeef: Aragtida qoraaladan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|