Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan
Dagaalka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya
Qormadii: Washingtonpost iyo International Herald Tribune
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Dec 23, 2006
Qoraal ay Jimcadii (Dec 22, 2006) qortay Jariidada
International Herald Tribune ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya hadallada ay warbaahinta
shacabkeeda uga sheegto ee ay cududaarka kaga dhiganeyso dagaalka ay kula jirto
dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee ka jira dalka deriskooda ah ee Soomaaliya.
Laakiin in badan oo ku sugan caasimada Itoobiya arrintaas ma ahan mid la marsiinayo.
Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: Dadka Itoobiyaanka ah waxay shaki weyn ka qabaan Ra'iisul wasaaraha dalkaasi Meles Zenawi sababtoo ah
waa shacab ka soo daaley dagaalkii Eritrea oo dhammaaday 2000 iyo weliba rabshadihii
ka dhacay Itoobiya kaddib doorashadii taas oo ugu yaraan 200 oo muwaadiniinta Itoobiy ay ku dhinteen.
"Meles ayaa dagaalkan raba", sidaas waxaa yiri Abiye Fikre oo dukaan ku haysta Addis Abaaba, waxana uu intaas ku daray
"Dhibaatadaas isaga ayaa abuuray".
Abebe Belayaneh oo Kawaan ku leh caasimada Itoobiya ayaa yiri:
"Haddii Meles loo raaci lahaa tiisa, geeska (Afrika) oo dhan dagaal ayaan la geli lahayn".
Beyene Petros, oo ah hoogaamiyaha xisbiga mucaradka
ee United Ethiopian Democratic Forces, waxa uu sheegay in xisbigiisu ka soo hor jeedo dagaalkaas. "Waxaan talo ku siinay ra'iisul wasaaraha in uusan gelin dagaalkaas" ayuu yiri.
Sidoo kale, Jariidada Washingtonpost ayaa Dec 20,
2006 qortay qoraal ay cinwaan uga dhigtay "In badan oo ku sugan Itoobiya waxay u
arkaan hadalka Ra'iisul wasaaraha ee Dagaalka in uu yhay Khiyaano uu xoogga
kusii xejisanayo". Qoraalkaas oo ay jariidadu kaga hadashay sida ay dadka ku
sugan caasimada Itoobiya ay u arkaan dagaalka Soomaaliya, Jariidada oo qoraalka
ku lifaaqsay sawir ay calaamadisay dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumeysato,
waxa ay warkeeda ku bilowday sidan:
ADDIS ABABA, Ethiopia: Dagaal iyo dagaal la'aan Mulunesh Abebayhu waxay rabtaa in ay iskaga baxo, iskaga tagto shaqadeeda macallinimada,
shaqadaas oo ay si joogta ah ugu dhibaateeyaan ciidamda ammaanka ee Itoobiya sababtoo ah hab-fikir-keeda siyaasadeed. Waxay rabtaa in ay magaalada iskaga baxdo, magaaladaas
oo boqolaal qof ay boolisku ku toogteen markii uu muran ka dhashay doorashadii sannadkii hore
(2005). Haddii ay u suurta geleyso waxay weliba rabtaa in ay dalka oo dhan iskaga baxdo, dalkaas
oo uu halakeeyey keli talisnimada ra'iisul wasaare Meles Zenawi, wadanka halista ku jira ee jaalka la ah Maraykanka.
"Waxa uu jaah-wareeriyaa reer Galbeedka si uu xukunkiisa u sii haysto" ayey tiri Abebayhu, oo 54-jir ah, oo xubin ka ah mucaaradka oo lala xiray dad lagu qiyaasay 30,000 oo qof oo la qabqabtay markii mudaharaadku dhacay.
"Xisbiganagu ma aaminsana dagaalkaas in la galo. Annagu waxaan muhiiimadda saareynaa in aan gaajada cirib tirno, ma rabno dagaal. Meles wuu ogyahay dagaalkani in uu yahay nidaam uu xukunka ku sii haysanayo".
Qoraalkan oo jariidada WashingtonPost ay ku qortay bogga A18,
20/12/2006 oo ah maalintii uu bilowday dagaalka ka dhacay gobolka Bay ee
Soomaaliya ee u dhexeeya Ciidanka Itoobiya oo garabsanaya kuwa DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga, waxayna jariidadu sheegtay in dadka reer Addis Ababa ay dagaalkaas u arkaan
mid uu Meles ku jeedinayo indhaha caalamka oo uu rabo in uu ku jideysto
cadaadiska iyo caburinta kooxaha mucaaradka oo ay ku jiraan qabaa'ilka Soomaaliyeed ee ku sugan Itoobiya.
Dadka dagaalkaas ka soo horjeeda waxay si gaar ah u sheegeen in uu Meles adegsanayo sheegashadiisa in Al-Qaeda ay la hawl gasho Maxkamadaha Islaamiga si uu taageero uga helo Dowladda Maraykanka, taas oo ku tiirsan akhbaarta kaga soo qulquleysa Itoobiya,
arrintaas oo dadka arrimha ka faallooda ee ku sugan gobolka ay yiraahdaan akhbaartaasi waa mid mugdi ku jiro.
Sida
weyn ee Meles looga nacay magaalada Addis Ababa waxaa ay dadku isaga barbar dhigaan keligii talihii hore oo loogu yeero "Kawaan lihii Addis Ababa", Mengistu
Xayle Maryam, kaas oo toddobaadkii hore lagu helay debmiga ah in uu geystey xasuuq kaddib markii dacwadi
ku socotey 12 sanadood. Meesha lagu magacaabo Victory Square (waa
sida afar irdood) oo ku dhex taal magaalada Addis Ababa oo ay ku hareeraysan yihiin maqaaxiyo yaryar oo kafeega lagu cabo iyo suuq yaryar, dadka halkaas maraya fikradooda waxay u cabiraan sida Nemera Bersisa, oo 35 jir ah, oo ah karraani oo fikrkiisa cabiray
isagoo shaqada ka yimid kuna socda gurigiisa.
"Waxaan rumaysanahay in xukunkii "Dergigu" uu ka wanaagsanaa xukunkan, xitaa haddii uu xukunkii Dergigu dadka laayey",
ayuu yiri Nemera Bersisa, isagoo xukunka "Dergiga" ula jeeda xukunkii Mengistu. "Xukunkani magaca oo keliya ayuu ka yahay dimoqraadi. Dadka ayey laayaan ayagoo aan wax sharci
ah adeegsan, waxay xirxiraan dadka sabab la'aan. Dawladani waxay rabtaa in ay xukunka sii haysato iyadoo adeegsaneysa siyaabo kala duwan, sida iyadoo ku andacooneysa in Soomaalidu nagu soo duuleen. Laakiin sidaas arrintu ma aha, ee Meles ayaa raba in uu dhibaatadiisa geeyo bannaanka."
Dhibaatadaasina waa mid aad u baaxad weyn, ayey tiri jariidadu.
Kaddib 12 sano uu uu xukunka haystey, Meles waxa uu xukumaa dal aan ilaa hadda soo saari karin cunto ku filan oo ay
cuni karaan ama quudan karaan dadkiisu, waxa uu ku tiirsan yahay Hay'ada Qaramada Midoobey ee Cunatada Adduunka si loo kabo beeraleda liic-liicaya. Tirada dadka uu cudurka AIDS-ka ku dhacay sannad kasta kor ayey u kacaan.
Waxaa hadda cudurka AIDS-ka qaba
500,000 oo Itoobiyaan ah, sida ay sheegeen tiro ay dalwadu sheegtay. Ugu yaraan kala bar oo bar dadweynaha Itoobiya waxay ku nool yihiin wax ka yar $1 doolar maalintii,
taas oo aan ku filayn in lagu gato cunto hal mar la cuno.
Dhowaan waxaa la arkay in Addis Ababa laga dhex dhisay daaro aad u dhaasheer, sida Sheraton Hotel, qalcadda xayndaaban ee ka dhisan dhagaxa marmarka
ah iyo brass-ka, oo ka ag dhisan xaafada aadka u liidata oo guryeheedu ka kooban
yihiin qolala keli keli ah. Dadka aagga deggan waxay u yaqaanaan Jannadii ku dhex taal Naarta.

Qof dumar ah oo itoobiyan ah oo
barooraneysa markii dhaawacii dadka la keenay cisbitaalka Blak Lion,
Sawirka: AP
AKHRI HALKAN...
|
Doorashadii sannadkii hore (2005) ka dhacaday Itoobiya waxay ahayd mid markii hore rajo weyn laga qabey. Kooxaha mucaaradka oo guulo soo hooyey hadana ma aysan guuleysan waxayna dowladda ku eedeeyeen in ay cod bixinta ku shubatay. Mudaharaadyadii la dhigay bishii May iyo November ee sannadkii hore
(2005) waxay sababeen in rasaas lagu bilbilo shacab badan, in kalena la ugaarsado oo lagu dilo guryohooda iyo beerohooda, laguna hor dilo carruurtooda iyo deriskooda.
Saraakiil dowladda Itoobiya waxay sheegtay in 197 oo mudaharaadayal ah la dile, laakiin xubno ka mid ah guddi ay dowladdu sartay in ay arrintaas soo baraan iyo kooxaha xuquul Insanaku waxay sheegeen in dadka la diley ay kor u dhaafayeen 600. Toddoba askari oo boolis ahna waa la diley.
Ilaa markaas wixii ka dambeeyey xaaladda magaaladu
waxay ahad mid muqgdi ku jiro.
"Wixii doorashadii ka dambeeyey dawladdu waxay Itoobiya ku xukuntaa xoog milatari iyo dacaayad, waa ognahay taas dhammaanteen", sidaas waxaa yiri Bersisa, oo intaas ku daray "Annagu
waa dhimanay wixii ka dambeeyey doorashadii".
In kasta oo 30,000 oo qof xabsiga loo taxaabay badan kooda la siidaayey , hadana dhawr boqol oo ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa weli xabsiga ku jira, oo uu ka mid yahay duqii magaalada Addis Ababa, Berhanu Nega, oo macallin jaamacadeed ka ahaa Maraykanka, iyo Haile Miriam Yacob oo ka shaqeeyey Qaramada Midoobey si loo xalliyo muranaka xadka Itoobiya iyo
Eritrea.
Afar Wargeys oo khaas loo lahaa waa la xiray. Weriye ka tirsanaa hay'adda wararka e AP waa laga cayriyey dalka Itoobiya. Xarigga dadka laga qabqabto wadooyinka Addis Ababa weli waa socotaa.
Dad deggan xaafadda loogu yeero Rwanda oo
ay deggan yihiin Soomaalida Itoobiya waxay yiraahdeen in ciidamada ammaanka dowlada Itoobiya ay qafaasho oo markaas ku dhaariso in ay daacad u yihiin xisbiga Meles, eedayntaas oo ay dalwadu ankirtay.
"Yoolkooda ugu weyn waa Soomaalida Itoobiya," ayuu yiri Reagan Dawale, oo ah 30-jir, kaas oo iskaga yimid gobolkiisii Soomaalida
ee k atirsan Itoobiya sababtoo ah xaaladda kacsan ee halkaas ka jirta, waxana uu caasimada Addis Ababa kula kulmay xaalad lamid ah tii uu ka soo cararay.
Jariidadda oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri, mar dhowaan waraysi lala yeeshay Meles, oo ahaan jirey jabhad ah
Marxist kaas oo dharkisii jabhad nimada ku bedeshey jaakad suud ah markii uu xukunka ku qabsaday inqilaabka sannadkii 1991, waxa uu mucaaradka ku sheegay in ay yihiin kuwo soo cusboonaaday oo raba in ay dowladda xoog ku tuuraan, andacoodkaas oo mucaaradku
iska fogeeyeen.
Jariidaddu waxay tiri Meles waxa uu luqada Itoobiya ku soo siyaadiyey kelemedo cusub, sida kelmedo uu ugu yeero dadka uu ugu yeeray kuwa wadada ka leexday iyo dadka aan shaqada haysan , in uu yiraado qofkaasi wuxuu u tallaabay xadkii halista ahaa.
Meles waxa uu sheegay in uu haysto taageerada Maraykanka marka ay timaado in Itoobiya laga difaaco dhaqdhaqaaqa maxkamadaha Islaamiga ah, kuwaas oo xakuma in badan oo Soomaaliya ah oo ay ka mid tahay Muqdisho, caasimadda. Meles waxa uu yiri Maxkamadaha Islaamiga waxa ay soo weerareen Itoobiya iyagoo hub
siinaya kooxaha Soomaaliyeed ee Itoobiya ee raba in ay dalka ka go'aan ee ku sugan Ogaden oo xad la leh Soomaaliya, andacoodkaas oo hoggaamiyayaasha mucaaradku ay ku sheegeen ka badbadis iyo mid aan cadayn loo heli karin.
"Waxaan ku doodeynaa in dhammaan dowladihii aan naqaaney ilaa 1960 waxay dhehayaan waxan rabnaa Ogaden," ayuu yiri Beyene Petros, oo ah hoggaamiye mucaaradka Itoobiya, isago "Ogaden" ula jeeda Soomaaliya, waa sida jariidada hadalka u dhigtay'e.
Maxkamadaha Islaamigu waxay yiraahdeen Itoobiyaanka ayaa ku soo duuley Soomaaliya. In kasta oo uu Meles si ku celcelis ah u ankiray in ciidamo ka joogaan halkaas, haddana Qaramada Midoobey iyo Dublomaasiyiin golka jooga waxay ku qiyaaseen in ugu yaraan 8,000 oo ciidamada Itoobiya ay ku jiraan Soomaaliya, kuwaas oo taageeraya dowladda taagta daran,
ee isla mar ahaantaasna qaybsan ee kumeel gaarka ah, waa sida jariidadu warka u dhigta'e. Petros waxa uu yiri Meles waxa uu Geeska Afrika ka samayn doonaa yaraysi la mid ah sidii uu Maraykanku u yaraysay duulaankii Ciraaq: Kaas oo ah in ciidan militari oo xoog weyn
ay cagta marin karaan jabhad garabsaneysa olole hab-fikiradeed.
"Waa in aan daafacno xadkayaga, laakiin ma rumaysni cayrsiga ololaha gudaha Soomaaliya," ayuu yiri Petros (oo ah hoggaamiyaha xisbiga
UEDF), oo intaas ku daray "Anigu u malayn maayo in dagaalkani uu bedelayo quluubta dadka Itoobiyanka ah."
"Waa
in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo
inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u
gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa
yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas
oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah,
islamarkaana lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada
midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado
November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for
International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay
Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". Isha:
www.ceip.org |
Jariidada
International Herald Tribune oo meel qoraalkeeda hadashay arrin la
xiriirta diimaha ayaa tiri:
Dad ayaa ka cabsi qaba in ereyada nin-tooxsiga ah ay sabab u noqdaan xaalad kacsan oo diineed. In kasta oo Kaniisada Itoobiya ee Orthodox ay ku qiyaastay in 60 million oo ka mid ah 77-da million ee Itoobiya ay yihiin kirishtiyaan,
laakiin khubaro madax bannaan waxay sheegeen in mujtamaca Itoobiya ay u kala baran yihiin Muslim iyo Kirishtaan.
[Buugga WorldFactBook qiyaasta uu sameeyey waa: Muslim 45%-50%, Ethiopian
Orthodox 35%-40%] - [Qowmiyadda Oromada oo ah Muslimiin waxay tiro ahaan dad
Itoobiyaanka ka yihiin 42% tiradaas oo qiyaas ahaan ka badan 32-million oo qof,
qowmiyadaas oo u dagaalanta in ay ka go'do Itoobiya:
Oromo
Liberation Front. Dhulka ay Itoobiya ku magacawday Kililka 5aad (SomaliGalbeed)
waa dhulka ugu baaxadda weyn ee ay Itoobiya xoogga ku haysato waa dhul
Gumestayaashii qarnigii 19aad/20aad ay siiyeen gumeytaha qarnigan 21aad ee
Itoobiya, waana dad Muslim ah oo ay xoog lagu haysto, dadkaas Soomaaliyeed oo
lagu qiyasay 4.2 million, laakiin ma jirto cid tirakoob sugan ku samaysay
Soomaalida ay xoogga ku haysato Itoobiya].Dagaal ka dhacay galbeedka Itoobiya bishii Oktoobar kaas oo dhex maray Muslimiinta iyo Kirishtitaanka waxaa ku dhintay 19 qof, sida uu sheegay Meles Zenawi, ayey tiri Jariidadu.
Jariidada uu hadalkeeda sii wadata waxay tiri, Sheik
Xasan Daahir Aweys waxa uu Itoobiya ugu yeeray wadanka Kirishtaanka ah ee ku dhexjira Gobolka Muslimka ah. Baadariga Eiustatwos Gebrekristos oo ka tirsan hoggaamiyayaasha kaniisada Orthodox ee Itoobiya waxa uu dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Soomaaliya ku eedeeyey in ay "Dalka
(Itoobiya) u rogayaan Islaam.".
Laakiin dadka shacabka ah ee Itoobiya waxay dhammaan hadaladaas u arkaan kuwo lagu qarinayo dhibaatada ka jirta Itoobiya.
Ka Hadalka Dagaalka waa Xukun Xejisasho, ayey yiraahdeen.
Dagaalka Soomaaliya: Waa mid Itoobiya ay
Waji Kaga Samaysaneyso Reer Galbeedka
Shabakada
Sudan Tribune oo Jimcadii faallo dheer qortay ayaa sheegtay in dagaalka
Soomaaliya uu yahay mid Meles Zenawi uu reer Galbeedka kaga dhisanayo magac
cusub ama sawirkiisa-cusub. [Somalia’s
War: Zenawi’s Quest for a new self-image in the West]. Waxayna shabakadu
faahfaahin ka bixisay xasuuqii loo geystey shacabkii ka mudaharaaday codbixintii
Itoobiya kuwaas oo ay Sudan Tribune tiradooda ku sheegtay ugu yaraan 193 qof oo
naftooda ku waayey iyo 763 oo loo geystey dhaawac aad u halis ah, waxaana
xildhibaan Dr. Getachew Jigi uu tirada dhimashada gaarsiiyey 600 oo qof. 193 qof
oo keliya ayaa noqon kara kuwo dacwadda Xasuuqa lagu soo oogi karo Zenawi, ayey
tiri Sudan Tribune, oo warkeeda intaas ku dartay in Judge Aberra oo qareen ahaa
12 sano uu yiri in muddo dhawr sano ah la diley 15,000 ilaa 20,000 oo ah
qowmiyadda Oromada. Sidoo kale xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella intii u
dhexeysey 13-16 December 2003, waxaa xilliggaas ay xukuumada Zenawi si taxadar
leh u qor shaysay in dil lagu fuliyey 400 oo qof oo deggan magaalada Gambella,
kuwaas oo badankoodu ahaa Annuak. "Haddii Itoobiya uu libaax ku cuno neef ari ah
waxaa lagu sheegaa wararka, laakiin haddii ciidanka Itoobiya ay dilaan qof ah
Anuaks taas warka laguma sheego. Dadku cabsi ayey la aamusan yihiin, haddii aad
tiraahdid wax uun ayaa kaga soo hor jeedaa dawlada, markaas waxay helayaan si
uun oo laguu xiro."
Shabakada Sudan Tribune oo hadalkeeda sii
wadata waxay tiri: Keligii taliyaha Itoobiya xaqiiqo ahaan ma ka welwelsan yahay
Jihaadiistayaasha ama argaggaxiso? Dadka la caburiyey ee Itoobiya arrintaas
waxay u arkaan in aysan ahayn yoolka saxda ah ee Zenawi, balse in uu magac ku
raadsanayo la dagaalanka Argaggaxisada. Xukuumadiisuna waxay fulisey xasuuq
isaguna waxa gacmaha ka wasasheeey dhiigga bini aadamka, ayey tiri Sudan
Tribune.
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Dec 23, 2006 | Updade:
Dec 31, 2006
Isha:
http://www.washingtonpost.com iyo
http://www.iht.com/
Isha sawirada: Washintonpost, ethiopia.org, Sudan Tribune
GEFKII
GEEDDI.........::
Ra'iisul wasaaraha Dawladii Soomaalida loogu soo dhisay Kenya oo gumeysata NFD
oo ah dhul Soomaaliyeed ayaa sheegay in NFD & SoomaaliGalbeed aysan Gumaysi ku
jirin, hadalkaas markii uu yiri safarkii ugu horeysey ee uu Jawhar kaga ambabaxo
waxa uu u aadey Itoobiya oo Gumeysata SoomaaliGalbeed. Fikradaada ka dhiibo
arintaas..
[
DHEGEYSO
HADALKII GEEDI].. AKhri
Qoraaladii arrintaas lag aqoray
Daawo Warayigii Col. Kaalmoy:
Video:
Qaybta
1aad |
Qaybta 2aad
DAAWO Waraysigii Ciid Beddel:: Waraysiga
TV oo dhamaystiran ka daawo halkan..
Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal
Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la
taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya
ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii
Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha:
VOA]
HFKMG: Soomaaliya Ciidan
Itoobiyaan ah ma joogaan
Dec 6, 2006:
Ciid Beddel Maxamed [Idd
Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka
wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey
oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa
uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii
su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas...
Halkan ka daawo... [Isha:
UN]
AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo
ku sugan Soomaaliya...
Dec 7, 2006: Warbixin ay qortay
ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo
sheegaya in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000
oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha:
AP]. Mar
sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u
qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.
Kongo, Tansania &
USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha
Ammaanka: Isagoo
xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....
Qaraarkii Golaha
Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu
Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri
Xuquuqda
Qoraalka Copyright Akhri..
|