Bac Madow !!
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Soomaalida inta badan way shareystaan wixii madow, haddii ay
arkaan Mukulaal Madow, waxay yiraahdaan "Acuudi Billaahi), haddii ay arkaan
Dooro Madow si taa la mid ah ayay yiraahdaan, waxyaabaha kale ee ay
shareystaan waxaa ka mid ah qofka qaata dharka Madow oo qofkii ay ku arkaan,
waxay yiraahdaa (Ma jin ayaa wax kuu galay).
Waxaan oo dhan waxaan tusaale kaga dhiganayaa, dhawaan ayaa aniga oo saaran
Gaari BL ah oo kuwa dadweynaha ayaa Islaan i ag fadhiday inta ay istaagtay
ayay mid kale sii taabatay, tii la taabtay ayaa tiri "Eedo maxaa jira?,
waxayna ugu jawaabtay inta ay u soo dhawaatay "Bac Madow ayaa Gaariga
saaran". gabadhii iyada oo wax hubsan ayay qaylo ku dhifatay, waxayna tiri
"war ka soo dega gaariga bac madow ayaa saarane", dadkii waxay noqdeen kuwo
dariishada ka booda iyo kuwo albaabkii isku jiiray, aniga inta aan dhaqaaqi
kari waayey oo meeshii ku qaboobay ayaan Alle Talada saartay, waxaase ka sii
yaab badneyd in Bacdii laga cararayey ninkii watay isna inta uu Bacdiisii
dhegta ku dhegay dadkii ka daba cararay, habartii iyo gabadhii horey isku
tusay bacda ayaa iyana mar kale ku qayliyey "War ninkan ayaa sida ee naga
daba reeba", allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin, maba oga in bacda laga
cararayo ay tiisa tahay isna uu ka daba sido dadkii ka sii cararayey.
Ninkii inta uu yaabay ayuu istaagay ayaa waxa uu yiri "War sidee wax u
jiraan", waxaase warkiisii ka xoog batay hadaka oo ay oranayeen "Wa bacda
dhig?", goor dambe ayuu tusay dadkii bacdii iyada oo wali laga baqanayo,
waxaase la arkay in bacdu bur ku jiro, dadkii ayuuna weydiiyey in bacdaan
burku ku jiro ay ka cararayeen in kale, laakiin iyagii ayaa ugu celiyey
"adba waad naga daba carareysay, ee adna maxaad ka carareysay?", mar dambe
ayuuse yiri "Fuley hooyadii ma gablanto", waxaan soo xusuustay sheekadii
ahayd Ridu gar leh, Riyuhuna gar leh.
Dadkaan gaariga ka degoo cararay ee is jajabiyey in ay cararaan gar ayey u
lahaayeen, ninka laga cararayna in uu daba cararana gar ayuu u lahaa, waayo
way wada macaadeen, oo dhowr jeer ayay la kulmeen iyo waxyaabo qaraxa oo
lagu soo qariyey bac madow.
Bac Madowda xliyadan dambe waxay noqotay mid si aad ah loo shareysto oo laga
naxo, mararka qaar waxaa dhaca in habeenkii marku dadku jiiftaan oo uu waagu
baryo ayaa waxaad gurigaaga hortiisa ku arkeysaa Bac Madow buuxda, qofka
Xamar intaa deganaa waa uu fahmayaa in bacdaasi ku jiraan qashin, balse
dadka kale waxa uu is weydiin karaa cidda meeshaan uga tagtay bacda,
waxyaabaha kale ee bacdow dhacdooyinkeeda ka mid ah, in nin taksiile ah ay
raacday Haweenay, waxayna fuushay gaariga gadaalkiisii dambe, waxayna
wadatay bac madow, markii ay degtay oo ay taksiilihii siisay lacagtii ayay
haweeneydaasi waxay gaarigii kaga tagtay Bac Madow.
Ninkii taksiilaha ahaa ayaa mar dambe waxa uu taksigii ku arkay bac, markii
uu fiiriyeyna waxaa ku jiray canug maalmo dhalan, kadibna aad ayuu uga
naxay, waxa uuna ku qasbanaaday in uu canugii koriyo, ama uu dad kale la
raadiyo si ay u koriyaan.
Ma yara Bac Madow xiliyadan dambe waxa ay kasbatay, waxaa dhacday in
haweenay laga dilay labo wiil oo ay dhashay, gartii dilka labadaasi wiil
ayaa waxaa lagu ballamay in todobaadka soo socda la isga yimaado, markii ay
Odoyaashii albaabka ka soo galeen ayay waxay aragtay odey sida Bac Madow,
haweeyneydasaas ayaa inta ay ninkeedii ku jeesatay waxay ku tiri
"Wiilasheenii qaaliga ah ee intaas oo sano soo korinayney, maanta maxaan ka
heleynaa bacdaas madow, oo aan ogahay waxa ku jira halka ay ku dambeyn
doonaan". Odoyaashii markii lagu yiri "waxaan idinka sugeynay diyo labo wiil
ee sidee wax u jiraan", waxaan soo booday odey kale oo yiri "Doraad ayaad
labo canug naga disheen, waxaadna bixiseen bac madow, waana xeerkii noo
yiilay tan iyo awoowayaal", balse haweeneydii ilmaha la dilay ayaa ku
calaacashay "alla diintu wanaagsanaa haddii siday tahay loogu dhaqmi lahaa,
waayo labadeydii wiil kama heleen bacdaas madow".
Isku soo wada duuboo warshaddii sameysay bac madowga haddii ay ogaan
lahayd in bacdooda sidaan looga cararayo, waxay ka bedeli lahayd midabka
haatan, hase yeeshee gunta marka loo degaandego, bac madowga dadka
soomaaliyeed inta badan wax bay ku qarsadaan, ha noqoto dhar, ama ha
noqoto waxyaabo kale sida lacagta, balse dadka badankiisa ayaa qaba in
bac madow dhanka xun loo isticmaalay.
Amiin Yuusuf Khasaaro.
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 4, 2007
Dr.Cumar
Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee
Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq...
Akhri... Aug 3