Wararkii: Jan 6,
2006
-
Odayaasha iyo Wax Garadka Kasoo Jeeda
gobolka sh/hoose oo Qaadacay Niman wata
Waraaq Nabad Sugida
-
MUQDISHO: KU SOO LAABASHADA HOGAAMIYEYAASHII
KOOXAHA OO KU SO BADANAYSO SIDA MUUSE SUUDI,
QANYARE , CABDI NUURE SIYAD , CABDI QEYBDIID
IYO KUWO KALE
Odayaasha iyo
Wax Garadka Kasoo Jeeda gobolka sh/hoose oo
Qaadacay Niman wata Waraaq Nabad Sugidda (NSA)...
Muuse Maxamuud
Jiisow
somali39@hotmail.com
Wararka naga
soo gaaraya magaalada Baraawe ee Gobolka sh/hoose
ayaa sheegaya inay halkaasi tageen Saddex
Xubnood oo ka socda Sida ay sheegteen iyagoo
waraaq caddeyneyso ay wateen Hay’adda
Nabadsugidda Qaranka, National Security
Agency”NSA”, taas oo aysan ku caddeyn wax maamul
ah oo ay dhisayaan .Waxayna waraaqda ay wataan
soo Qorey Taliyaha Nabadsuggidda Sarreeye Guuto
Maxamed Warsame Faarax”Darwiish”, sida ay
waraaqda ku qoran Waloow ay waxagaradka iyo
odayaasha deegaankaasi ay walaac ka muujiyeen .
Sida ay muujineysowaraaqdu waxay howshoodu noqon
kartaa kormeerid iyo ogaanshaha xaaladda
nabadgelyo ee Gobolka shabeellada Hoose ,Hase
ahaatee qorshihii ay u socdeen ee loo soo direy
way beddeleen ,waxayna culeyskooda oo dhan
saareen inay dhisayaan Guddi maamul oo
kumeelgaar ah oo ay tiradiisu tahay 9 Xubnood.
Saddexdan Xubnood ayaa laba ka mid ah waxay ka
soo jeedaan Beelaha Hawiye Halka kan kalena uu
yahay Beesha Miriflle kuwaas oo magacyadooda iyo
waxay yihiin ka heli kartaa waraaqddooda oo ku
lifaaqan maqaalkan ,odeyaasha iyo waxgaradka
Deegaanka oo waraaqda ay wataan iyo
warbixintooda si fiican u dhuuxey ayaa u sheegey
In ay marka hore ay dersayaan wixii ay u
sheegeen markaas ka dibna ay jawaab buuxda siin
doonaan.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan In ay
waxgaradka deegaanka ay si weyn u lafa gurey
arrimaha ay raggaasi sheegeen iyo sida laga
yeelaayo ,waxa xiriir lala sammeeyey Wasiirada
iyo Xildhibaanada Digil iyo Miriflle ee
Dowlladda Ku meelgaarka ah ,waxaana loo sheegey
raggan yimid, waxaana la weydiyey inay la
socdaan qorshahaas ,waxay sheegeen wax la
ogyahay oo aan raalli ka nahay ma aha waxayna ku
sheegeen kooxo doonaya inay abuuraan qas iyo
jahwareer sidaas darteed waxay ku baaqeen in si
cad loo diido wax kasta oo ay damacsan yihiin.
Intaas ka dib odeyaasha degaanku waxay Go’aan ku
gaareen in saddexda Xubnood war Run ah oo cad
loo sheego ,waxaana laga dalbadey inay raalli
ahaadaan oo ay dib ula noqdaan waxa ay wataan
waxaaan loo sheegey inaan lagu kalsoonaan Karin
qorshaha ay wataan iyo xubnaha ay ku socdaan
intaba sidaas darteed waxaa loo sheegey haddii
ay daneynayaan inay maamul dhisaan waa inay la
yimaadaan Xildhibaanada Iyo Wasiirada Digil iyo
Miriflle ee ku Jira Labada Gole ee Dowlladda ,Gaar
ahaan deegaan kasta waa in uu yimaadaan
Xildhinbaanka iyo Wasiirka ka soo jeedo Sida uu
dhigaayo Axdiga Kumeelgaarka ee lagu soo
heehiiyey ,haddii wax taas duwan aad waddaa
waxaad la mid tihiin kuwii hore ee deegaankan
xoogga ku haystey.
Xubnaha yimid ayaa go’aankaas loo jeediyey hase
yeeshee weli waxay ku sugan yihiin
magaaladaBaraawe ,waxayna sidoo kale la kulmeen
Maamulkii hore ee ka arrimin jirey degmada
Baraawe Hase Yeeshee lama oga waxa ay ku soo
heshiiyeen ,dadka deegaanku waxay tuhun ka
qabaan in raggani uu soo abaabuley C/llaahi
Xalane si uu u helo maamulka degmada inuu mar
kale madax ka sii ahaado.
MUQDISHO: KU
SOO LAABASHADA HOGAAMIYEYAASHII KOOXAHA OO KU SO
BADANAYSO SIDA MUUSE SUUDI, QANYARE , CABDI
NUURE SIYAD , CABDI QEYBDIID IYO KUWO KALE

Muuse Suudi Yalaxow, Muqisho, Jan 6, 2007
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku
sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo
ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin
ah"
Menelek II: April 10, 1891...
Akhri...
Xuseen
Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka
ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo
dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr
maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada
Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa
sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo
lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay
yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal
Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006...
Akhri..

Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;
Muqdisho Jan 4, 2007. AFP
Jan
6, 07:
Inta
maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan Magaalooyinka: Galkacyo
(42), Baydhabo
(21), Beledweyne
(13), Muqdisho
(10), Kismaayo
(6)..
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta
ahaa....
Qoraalkii uu C/Risaaq Xaaji Xuseen 2002 Ka Qoray Faragelinta ay
Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha
Maanta taagan.. Akhri
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri... |
Waxaa maanta (Sabti
Jan 6, 2007) si diiran Magaalada Muqdisho loogu
soo dhaweeyay Xildhibaan Muuse Suudi oo horay
uga mid ahaan jiray Hogaamiye kooxeedyadii
dagaalka kula jiray Maxkamadaha Islaamiga, isla
markaana looga itaal roonaaday gacan ku heynta
magalaada Muqdisho.
Muuse Suudi
Yalaxow oo isagu in mudo ah ku noolaa dalka
Malaysia ayaa lix bilood kadib dib ugu soo
laabtay xaruntiisa degmada Kaaraan oo ay ka
talinayeen maxkamadaha Islaamiga, waxaana soo
laabashadiisa ay ka danbeysay kadib markii
ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka
saareen dalka awoodihii Maxkamadaha Islaamiga.
Xildhibaan Muuse Yalaxow oo wajigiisa laga
dheehanayey inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo
laabashadiisa isagoo si degan ula hadlay
dadweyne aad u fara badan oo ka qeyb qaadanayey
soo dhoweyntiisa, wuxuuna sheegay in uu
warsaxaafadeed ay ku farxaan shacabka isla
markaana mideeya umada Soomaaliyeed uu soo saari
doono saacadaha soo socda.
Xildhibaan Muuse Suudi ayaa waxaa soo dhoweeyay
dadweyne aad u fara badan oo ku dhawaaqayey
“Waan kuu xiisnay Xaajiyow, xaruntaada ku soo
dhowoow” iyo erayo kale, iyagoo dadweynaha
sideen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo
lagu taageerayey iyo caleemo qoyan, wuxuuna mid
mid u gacan qaaday dadkii kusoo dhoweeyay
xaruntiisa.

Dhinaca kale soo dhoweynta Muuse Suudi ayaa
waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan dowladda
Federaalka Soomaaliya, wuxuuna markii ugu
horeysay isagoo aysan la socon wax gaadiid
tikniko ah uu socod kusoo maray garoonka
diyaaradaha ilaa iyo xaruntiisa.
Haddaba waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan Ragii
Muuse Suudi ay saaxibada ahaayeen, isla markaana
hal isbaheysi ku mideysaan, waxaana raga ay sida
aadka ah Muuse isugu dhowaayeen waxaa ka mid ah
Xildhibaan Maxamed Qanyare iyo Col. Cabdi
Qeybdiid, Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo
Ciise Cusmaan oo dhamaantooda ka mid ahaayen
Isbaheysigii La dagaalanka Argagixisada waxayna
soo laabten Maalmo kadib markii Ciidamada
Dowladda la wareegen Caasimadda.
Ilaa iyo hada
waxaan muqdisho soo gaarin xildhibaan
cumarmaxamed maxamuud ( cumar finish) iyo
bootaan ciise caalin oo beydhabo ku sugan
iyo sidoo kale ganacsade bashiir raagew shiiraar
oo koofur africaku sugan.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
XILDHIBAAN
MUUSE SUUDI OO 6-BILOOD KADIB MAANTA SI DIIRAN
LOOGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA MUQDISHO
mahamud
ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com
Waxaa maanta si diiran Magaalada Muqdisho loogu
soo dhaweeyay Xildhibaan Muuse Suudi oo horay
uga mid ahaan jiray Hogaamiye kooxeedyadii
dagaalka kula jiray Maxkamadaha Islaamiga, isla
markaana looga itaal roonaaday gacan ku heynta
magalaada Muqdisho.
Muuse Suudi Yalaxow oo isagu in mudo ah ku
noolaa dalka Malaysia ayaa lix bilood kadib dib
ugu soo laabtay xaruntiisa degmada Kaaraan oo ay
ka talinayeen maxkamadaha Islaamiga, waxaana soo
laabashadiisa ay ka danbeysay kadib markii
ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka
saareen dalka awoodihii Maxkamadaha Islaamiga.
Xildhibaan Muuse Yalaxow oo wajigiisa laga
dheehanayey inuu si weyn ugu faraxsan yahay soo
laabashadiisa isagoo si degan ula hadlay
dadweyne aad u fara badan oo ka qeyb qaadanayey
soo dhoweyntiisa, wuxuuna sheegay in uu
warsaxaafadeed ay ku farxaan shacabka isla
markaana mideeya umada Soomaaliyeed uu soo saari
doono saacadaha soo socda.

Xildhibaan Muuse Suudi ayaa waxaa soo dhoweeyay
dadweyne ku dhawaaqayey “Waan kuu xiisnay
Xaajiyow, xaruntaada ku soo dhowoow” iyo erayo
kale, iyagoo dadweynaha sideen boorar ay ku
qoran yihiin hal ku dhigyo lagu taageerayey iyo
caleemo qoyan, wuxuuna mid mid u gacan qaaday
dadkii kusoo dhoweeyay xaruntiisa.
Dhinaca kale soo dhoweynta Muuse Suudi ayaa
waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan dowladda
Federaalka Soomaaliya, wuxuuna markii ugu
horeysay isagoo aysan la socon wax gaadiid
tikniko ah uu socod kusoo maray garoonka
diyaaradaha ilaa iyo xaruntiisa.
mahamud
ahmed hassan
xuurshe114@hotmail.com
"Ciidamada Ethiopia oo Wiil Soomaaliyeed ku diley Muqdisho" nytimes..
Hay'adaha samafalka UN oo ka dayriyey soo
laabashada qabqalyaashii dagaalka...
Akhri halkan. Jan 6
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 6, 2007
Xuseen Caydiid: Xadka Soomaaliya Waa La
Baab'inayaa
.Nin hubeysan oo labo Itoobiyaan ah
ku diley Degmada Jilib...
.Mucaaradka itoobiya oo ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay..
.Dowladda FKMG oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii
.Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku..
.Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo..
.Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey...
Wararka oo
dhan oo ka akhri... Jan 3
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...