"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku
sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo
ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax
kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda
gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin
ah"
Menelek II: April 10, 1891...
Akhri...
Xuseen
Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka
ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo
dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr
maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada
Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa
sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo
lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay
yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal
Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006...
Akhri..

Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;
Muqdisho Jan 4, 2007. AFP
Qoraalkii uu C/Risaaq Xaaji Xuseen 2002 Ka Qoray Faragelinta ay
Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha
Maanta taagan.. Akhri
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
Jan 30, 07: Xabashida iyo magaalooyinka: Galkacyo
(66), Baydhabo
(45), Beledweyne
(37), Muqdisho
(34), Kismaayo
(30)..
Sarbeebtii Diinaari |
Minneapolis:
Shir cilmiyeed balaaran oo lagu gorfeeynayay
raad-reebka eey keeni karto duulaanka
gardarradda ah ee ciidamadda Itoobiya ku soo
qadeen gudaha Soomaaliya iyo saameeynta
duulankani ku yeelan karo xiriirka labada dal
ayaa galabnimadii Sabtida ee taariiqdu ku
beegneeyd Janaayo 27, 2004 lagu qabtay
Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Soomaaliyeed ee
Nabadda iyo Cadaaladda ee ka dhisan isla magaaladda
Minneapolis.
Dood Cilmiyeedkan waxuu dhaxmarayay aqoonyahanno iyo
indheergarad u kala dhashay Soomaali iyo itoobiyaan
Dhinaca Soomaalidda waxaa matalayay Dr. Cali Khaliif
Galayr oo mar ahaan jiray Wasiirkii kowaad ee Soomaaliya
(Carta), iminkana wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota,
Imaam Xasan Jaamici oo isna barre ka ah Kuliyadda
sharciga ee William Mitchell iyo Saynab Xasan oo ah
aqoon-yahanad Soomaliyeed marna ahaan jirtay
Gudoomiyahii ururka Israac.

Dhanka Itoobiyaanka waxaa matalayay Dr. Solomon Gashaw
oo cilmiga xagga bulshadda ka dhiga Jaamacadda Minnesota
iyo Dr. Selameab Wold-Tsadik oo mar qaramadda midoobay
ka ahaan jiray la taliya xagga horumarka.Dadweyne ku u
dhaafaya ilaa iyo 300 ayaa soo buuxiyay madashii
dood-cilmiyeedka lagu qabtay. Aqoonyahanadda ayaa midba
markiisa ka hadlay shirka iyadoo aqoon yahan kastaba
mowduuc gooni ah balse la xiriira xasaradda geeska
Afrika ka aloosan halkaas ku lafa guray.
Mowduucyadii halkaa looga xaajooday waxaa ka mid ahaa
hababka dib-u-hishiinta, doorka Islaamka ee geeska
Afrika, xiriirka taariiqi ee labadda dal, loolan
qabyaaladda iyo qowmiyadda ee dhinaca awooda, xuquuqda
aadamiga iyo weliba danaha itoobiyaanka eek u aadan
Soomaaliya.
Waxaa aqoonyahannada halkaas isku dhaafsadeen
aragtiyadooda waxeeyna isla qireen in xad-gudubka
itoobiya uu yahay gardaro cad kana soo horjeedda
xeerarka caalimiga ah. Waxeeyna ugu baaqeeyn Itoobiya
ineey si dhaqso leh ciidankeeda ugala baxdo gudaha
Soomaaliya.Hadaaneey taasi dhicin oo uu Meles Zenawi iyo
dawladda Itoobiya ciidankooda duulaanka ah dib ula
laaban Soomaalidda waxaa u furan dagaal iyo kacdoon lagu
xoreeynayo dalka ayuu sheegay Dr. Cali Khaliif Galayr.

Dr. Galaydh
Islaamku kuma ahan Qatar Itoobiya waayo in ka badan kala
bar dadka Itoobiyaanka ah ayaaba Muslim ah ayuu isna
sheegay Imam Xasan Jaamici Machadka Soomaaliyeed ee
Nabadda iyo Cadaaladda oo lahaa qabanqaabadda shirkan
ayaa waxuu wadaa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan
arimaha Soomaaliya. Waxaana dood-cilmiyeedkan xigi doono
shir-weyne lagu martiqaaday Mudanayaal ka tirsan
aqalladda congress-ka iyo senate-ka mareeykanka oo
dhawaan la filayo inuu dhaco.
Somali Institute for
Peace and Justice Minneapolis, MN
somipj@gmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 30, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...