SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 3, 2007

  • Warar ku saabsan dabkii xalay ka dhacay suqqa weyn ee Bakaaraha..

  • Dagaal xalay ka dhacay xaruntii hore ee Guulwadayaasha ..

  • Madaafiic la sheegay in xalay ay ku dhaceen Suqa Bakaaraha..

  • Maamulka Somaliland oo iska diiday in uu wada hadal..

  • Puntland oo beenisay in laga qabsaday magaaladda Laascaanod…


Warar ku saabsan dabkii xalay ka dhacay suqqa weyn ee Bakaaraha..

Dab xoogan ayaa xalay fiidkii waxa uu qabsaday suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Afrikada Bari.

Dabkaan ayaa waxa uu ka bilowday qaybta lagu gado Rinjinga iyo digaaga, waxa uuna ku faafay qaybihii kale ee ku dheganaa ee bacadlaha.

Dabkaan oo ku socday hawli ayaa markii ay dadku maqleen waxay isaga yimaadeen dhamaan degmooyinka Gobalka Banaadir, kuwaas oo ku socday lug, maadaama aysan jirin wax gaadiid ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dabka ka kacay suuqa Bakaaraha, qaar waxay sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel maqaayad ahayd, halka warar kale ay sheegayaan in rasaas nooca loo yaqaano tareesada ay qabsatay bakaaraha ku yaala suuqa kadibna halkaasi uu qarax ka dhashay.

Waxaa goor dambe suuqa soo gaaray madaxda ka socotay Dowladda Federaalka gaar ahaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max’ed Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) iyo waliba Ciidanka Dowladda Federaalka oo iyagu si weyn ammaanka u sugayey, waxayna mas’uuliyiinta gobalka Banadir ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb-qaataan daminta dabka, isla markaana ay ganacsatadu ku tabarucdo boobayadaha dab damiska si loo badbaadiyo hantida ku gubaneysay suuqa Bakaaraha xalay, waxayna ka codsadeen shacabka in ay dhowraan xasiloonada, waxaana dadka loogu baaqay in ay cid waliba waxa ay gacan uga gaysan karto dambinta dabka la timaado, xitaa baaldi biyo ah kii keeni kara.

Dabkaan ka kacay Bakaaraha oo aad u xooganaa ayaa markii dambe daciifay gurmad xoog leh oo loo sameeyey kadib, waxaana halkaasi xalay ku hanti belay dad fara badan oo Soomaaliyeed.

Dagaal xalay ka dhacay xaruntii hore ee Guulwadayaasha ..

Dagaal aad u xooganaa oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay intii lagu guda jiray afurkii waxa uu ka dhacay Wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Xeradii Kuulwadayaasha oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka yo kuwo Itoobiyaan ah, waxaana dagaalkaan oo la isku adeegsaday hub culus la ogeyn khasaaraha uu gaystay.

Warar ayaa waxay sheegayaan in gaari ay lahaayeen ciidamada Dowladda ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

Madaafiicdii la isweydaarsanayey ayaa waxaa la sheegay in dad rayid ah ay wax ku noqdeen, kuwaas oo dhaawacooda lagu hayo guryaha, maadaama aan la bixi Karin, gaadiidkuna uu socon Karin.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu soo qaado xeryaha ciidamada, iyadoo dagaaladii ugu dambeeyey ay ka dhaceen saldhiga Booliiska Hodan oo ay khasaaro ka soo gaartay ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka.

Madaafiic la sheegay in xalay ay ku dhaceen Suqa Bakaaraha..

Markii uu bilowday dabka ka kacay suuqa Bakaaraha oo mudo yar socday ayaa waxaa soo gaaray dadweyne dhowr ah oo doonayey in ay dabka halkaasi ku damiyaa, hase yeeshee waxaa madaafiic ku soo dhacday suuqa gaar ahaan goobtii uu ka bilowday dabka, waxayna tasi keentay dadkii damin lahaa dabka ay dib uga cararaan, waxa uuna dabkii uu bilaabay in u usii xoogeysto meelo baddana uu gaaro.

Ilaa iyo hadda cid caddeyn karta ma jirto halka uu ka yimaadeen madaafiicdaasi, iyadoo intii uusan bilaaban dabku uu dagaal xoogan ka dhacay Wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Xeradii Guulwadayaasha, waxaana halkaasi ka soo baxay dhowr madfac oo la sheegay in ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha, kuwas oo loo maleynayo in ay sababeen dabka Bakaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale waxaa xalay la arkayey dad bililiqeysana suuqa Bakaaraha gaar ahaan qaybta Maacuunta, waxaana la arkayey dad sita maacuun fara badan, oo ka soo bililiqeystay goobtii uu dabku ka kacay, waxaana la kala garan waayey dadkii hantida lahaa iyo kuwa bililiqo doonka ahaa.

Maamulka Somaliland oo iska diiday in uu wada hadal..

Iyadoo xurguf xoogan u dhexeyso, dhawaana uu dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa maamulka Somaliland waxaa la sheegayaa in uu ku gacansayrey dhex dhexaadin ay soo jeedisay Dowladda Itoobiya oo la xiriira sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya labada maamula. Ergay ka socda Itoobiya oo la filayey inuu gaaro Magaalada Hargeysa si uu maamulka Somaliland ugala hadlo khilaafka u dhexeeya iyada iyo Puntland ayaa Somaliland uu soo  gaaro Magaalada Hargeysa. Ergaygaan ayaa doonayey in uu isku soo maro labada maamul. Bishii Agoosto ayay ahayd markii madaxweynaha maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu diiday casuumaad uu ka helay Ra’siul Wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi oo ku saabsaneed in uu kulansiiyo isaga iyo C/llaahi Yuusuf, waxayna taasi keentay in Dowladda itoobiya ay si weyn uga carooto. Maamulka Somaliland iyo Dolwadda Itoobiya ayaa waayadan dambe waxaa soo kala dhex galay xurguf la xiriira khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, kadib markii Somaliland ay ku eedeeyey Dowladda Itoobiya in ay u xaklineyso dhanka Puntland, hase yeeshee Dowladda Itoobiya way beenisay, waxayna sheegtay in xurgufta u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay dhex dhexaad ka tahay.

Puntland oo beenisay in laga qabsaday magaaladda Laascaanod…

Maamul Gobaleedka Puntland ayaa si kulul u beeniyey in laga qabsaday magaalada Laascaanood, waxayna wararkaasi ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

“Ciidankeenu waxay joogaan duleedka Magaalada Laascaanood” ayuu yiri Afhayeen u hadlay maamul gobaleedka Puntland oo sheegay in ciidamada Puntland ay haatan gacanta ku hayaan Magaalada Laascaanood, hase yeeshee wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Somaliland ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Laascaanood, iyadoo ka yimid maamul gobaleedka Puntland ay haatan isku ruuursnayaan duleedka Magalada Laascaanood, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu ka qarxo Magaalada, waxaana la arkayey dadka ka qaxaya Magaaladaasi.

Lada dhinac ayaa waxaa soo gaaraa baaqyo ka kala imaanaya  caalamka, waxa uuna baaqii ugu dambeeyey ka soo gaaray Qaramada Midoobey oo iyadu u soo jeedisay in ay labada dhinac kala qaadaan ciidamada, oo ay wixii khilaaf ah ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

Dowladda Mareykanka oo ku hanjabtay in ay Cunaqaateyn hor leh ku soo rogi..

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in Dalka Suudaan cunaqabateyn dheeraad ah lagu soo rogi doono, iyadoo Mareykanku uu ku hanjabay in Xukumadda Suudaan keliya aysan aheyn midda cunaqabateynta la saarayo, balse sidoo kale la saari doono hogaamiyaasha kooxda Janjawiit ee iyagu dagaalada ka wada gobalka Dahfur ee koonfurta dalka Suudaan, waxa uuna mareykanku ku eedeeyey Dowladda Suudaan iyo madaxda Janjawiitka in ay xadgudubyo bini’aadannimada ka dhan ah gaysteen.

Dowladda Suudaan ayaa warkaasi dalka Mareykanka ka soo yeeray waxay ku timaantay kuwo gef ku ah sharafteeda, isla markaana waxay sheegtay in warkaasi uu yahay mid la iska yiri oo aan ku saleysan qiiq dhab ah oo jirta, waxayna Xukuumadda Suudaan u soo jeedisay dalka Mareykanka uu joojiyo qabweynida uu wado, isla markaana waxay tilmaantay in Mareykanku uu yahay haatan dalka gaysta xadgudubyada ugu badan ee Bini’aadannimada ka dhanka ah ee ka dhaca daafaha caalamka.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 3, 2007


C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2

baydhaboQoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct 1


Midowga Ganacsatada G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca.. Akhri Oct 1

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com