NEWSWEEK: Itoobiya oo ku dhiiqatay Soomaaliya
Waxaa turjumey:
C/risaq maxamed
xuseen, Eskilstuna, Sweden.
habdirisak@hotmail.com
Meles Zenawi- reysul wasaaraha Itoobiya
ayaa ah xubin uu Mareykanku ku qabo kalsooni aad iyo aad u weyn. Gaar
ahaan kolkii laga hadlaayo arrinka uu Mareykanku ugu yeero “la dagaalanka
argagixisada”. Sanadkii 2006-da ayaa Mareykanku waxa uu ka caawiyey
dowlada itoobiya iney qabsato Soomaaliya. Wakhtigaas ka dib waxaa
itoobiya dhex gashay dagaal u eg kan ka socda wadanka ciraaq kaas oo ay
kula jirto dagaalyahano muslimiin ah iyo qabiilooyin. Haddaba waxaa
wareysi dheer la yeeshay Meles Zenawi weriyaha caanka ah ee joornaalka
NEWSWEEK. Waa weriyaha la yiraa Jason McLure. Wareysigaas oo ku
saabsanaa Ka bixitaanka itoobiya ee Soomaaliya, arrimaha eriteriya iyo
xiriirka itoobiya iyo Mareykanka. Waa kan qabtii hore ee wareysigaas oo
aan u turjuney af-soomaali.
Newsweek: Muxuu yahay qorshaha
Itoobiya ee ay kaga baxayso Soomaaliya?
Meles Zenawi: Laba arrimood baa
meesha taal. Tan kowaad waa khatartii uu nagu hayey ururka Al-shabaab la
yiraa, ka dib kolkii ay ku dhawaaqeen iney Soomaaliya oo dhan
qabsanayaan. Waxaa kale oo ururkaasi ku dhawaaqay inuu itoobiya jihad ku
qaadaayo. Khatartaas khasab ayey ahayd in la hor istaago, taasna waxaa
aanu samaynay usbuucyadii ugu horeeyey ee aanu Soomaaliya qabsanay.
Wadammada Afrika iyo qaar kale ayaa waxaa ay noo sheegeen in aanan ka
bixin Soomaaliya si aaney u abuurmin meel banaan. Ka dibna waxaanu
qolooyinkaas u sheegnay in aanu waxoogaa sugi karno inta ay ciidamada
Afrika ka imaanayaan. Taasina wakhti ayey qaadatay.
Newsweek: Marka hadda waa suurta gal
inaad ka baxdaan Soomaaliya iyagoo aaney ciidamada Afrika imaanin
wadanka?
Meles Zenawi: Hagaag, taasi waa
arrin noo furan. Balse ma aha arrin aan sahlaneyno. Laakiin waa arrin
noo furan.
Newsweek: Wakhti intee le eg ayaad
sugi doontaan ciidamo Afrikaan ah, ama kuwo qaramada midoobey ka yimaada
ama kuwa meel kale ka yimaada?
Meles Zenawi: Waxaa aanu hubnaa
in anaan sugi doonin mudo sanad kale ah. Waxaan qabaa rajo ah in
waxyaalo badani dhici doonaan, kuwaas oo noo suurto gelin doona inaan
dalka Soomaaliya ka baxno. Tan ugu horeysaa waa in la soo dhamays tira
ciidamada midowga Afrika. Tan labaad waa xoogeysiga ciidamada
dowlada ku meel gaarka ah. Tan saddexaad waa wadahadalka nabad raadinta
ee ka socda Muqdisho iyo meelo kaleba inuu miro dhalo
Newsweek: Itoobiya ma haysaa qorshe
lagu kalsoonaan karo bal haddii ay dowlada ku meel gaarka ahi burburto
ama ay awoodeedu Muqdisho dhaafi weydo?
Meles Zenawi: Sidaan horay u
sheegay Mar hore ayaa Soomaaliya ka bixi karney. Balse taasi ma dhalin
lahayn xaalad deggan oo Soomaaliya ka dhacda. In Soomaaliya wakhtiga fog
degaansho laga abuuro waxaa ku jirta danta qof walba. Ma rumeysni in
dowlada ku meel gaarka ahi burbureyso. Waxaa laga yaabaa in aaney
dowlada ku meelgaarka ahi sameyn horumar deg deg ah, balse ma aan
rumeysni iney si sahal ah isaga burbureyso.
Newsweek: Dad badan oo wax
falanqeeya ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in saameynta ay joogitaanka
ciidamada itoobiya ku leeyihiin dowlada ku meel gaarka ah uu yahay mid
wakhti gaaban ah.Taas oo ah inaad dowlada ka caawintaan xaga nabad
gelyada. Balse wakhtiga fog ee mustaqbalka ah aadba dhatar ku tihiin
dowlada maxaa yeelay joogitaankiina waxaa uu kicinayaa laabta kuwa
wadaniyiinta ah iyo kuwa xagga musliminimada u janjeera?
Meles Zenawi: Dhibaatadu ma aha
wadaniyiinta oo ku badan Soomaaliya balse dhibaatadu waa wadaniyiinya oo
ku yar Soomaaliya. Dhibaatada Soomaaliya waxaa weeyaan iyadoo ay aad ugu
bateen fikirka iyo dhaqanka qabiiliga ah. Dhaqanka jufa-jufada ah.
Dadaalkayaga iyo kan dowlada ku meelgaarka ahiba waxaa uu xooga saarayaa
isu soo dhoweynta jufooyinkaas kala tegey. Kolkii laga hadlaayo dhinaca
ku muslimiinta ah, itoobiya ma joogin Soomaaliya kolkii Al-shabaab
Muqdisho qabsanaayeen ayna ku hanjabeen iney dalka oo dhan qabsanayaan.
Itoobiya ma aaney joogin Soomaaliya kolkii al-shabaab ku hanjabtey iney
itoobiya jihad ku qaadeyso. Itoobiya waxaa ay samaysay iney arinka
al-shabaab wax ka qabato.
Newsweek: Imisa ciidamo itoobiyaan ah
ayaa ku dhintay Soomaaliya ilaa December 2006.Imisa ayaase ku
dhaawacantay?
Meles Zenawi: Wax aad u yar.
Newsweek: Ma haysaa tiro xaqiiq ah?
Boqolaal? Dhowr kun?
Meles Zenawi: Boqolaal
Newsweek: Imisa ciidan ah ayaa
Soomaaliya idinka joogta hadda?
Meles Zenawi: Dowr kun, labo ama
saddex kun
Newsweek: Imisa ayey qabsashada
Soomaaliya lacag ahaan ugu kacday Itoobiya?
Meles Zenawi: Lacag aad u badan
Newsweek: Boqolaal milyan oo dollar
miyaa?
Meles Zenawi: Maya, qalabka aan
isticmaalay qaali ma aha, waa howl gal aan qaali ahayn. Taas macnaheedu
ma aha in shilin kasta oo aan Soomaaliya geliney inaan si ka wanaagsan
loogu isticmaali Karin itoobiya. Balse guud ahaan waxaanu howsha qabanay
anagoo aan jebin lafdhabarta dhaqaalahayaga.
Newsweek: Kaalmo dhaqaale oo intee le
eg ayey itoobiya ka heshay mareykanka si aad u fulisaan qabsashada
Soomaaliya?
Meles Zenawi: Waxba, eber (Zero).
Newsweek: Itoobiya miyey ka niyad
xuntahay heerka kaalmada ay wadamada reer galbeedku siiyeen dowlada ku
meel gaarka ah iyo Itoobiya?
Meles Zenawi: Jawaabta kaalmada
ah ee ka timid xagga beesha caalamka iyo qaramada midoobeyba waa ay
yarayd. Waan fahmi karnaa sababta ay qaramada midoobey ciidamo u soo
diri Karin. Balse ma fahmi karno sababta ay qaramada middobey uga
gaabisay iney dhaqaale ahaan u kaalmeyso ciidamada midowga Afrika si ay
iyagu howshii nabad ilaalinta u qabtaan. Daafuur in UN-tu kaalmeyso
ciidamada jooga ayna howsha la wareegaan ayey diyaar u tahay. Laakiin
qaramada midoobey waa diidan yihiin iney bixiyaan dhaqaalihii ay
sheegeen iney ku kaalmeynayaan Soomaaliya. Mareykanku waa yara dadaaley.
Kaalmo ayey bixiyeen tusaale ahaan waxaa ay gacan ka geysteen imaatinka
ciidamada wadanka Yugaandha. Mareykanku siyaasad ahaan taageero badan
buu siiyey dowlada ku meel gaarka ah.
Newsweek: Dad ayaa waxaa ay leeyihiin
dowlada mareykanku si ujeedooyin badan ayey dowlada ula shaqeyneysaa.
Balse taasi ma kaalmeyneyso arimaha dib u heshiisiinta. Gaar ahaan Duqa
magaalada Muqdisho maxamed dheere. Kaas oo ah qab qable dadaal oo hore.
Meles Zenawi: Intii ka horeysey
wakhtigii al-shabaab Muqdisho qabsadeen (2006). Kooxaha sirta ee
mareykanku si qaab daran ayey u shaqeynayeen, iyagoo taageeri jirey
qab-qab layaashii dagaalka oo dhan kuwaas oo ku midoobey iney hal caddow
lahaayeen. Kaas oo ahaa Al-shabaab.Siyaasadaasi markiiba waa
gulldaraysatay.Balse waxii wakhtigaas ka dameeyey siyaasada mareykanku
waa isbedeshey.
Newsweek: Kolkii aad leedahay
mareykanku waxaa keliya oo uu si gaar ah isha ugu hayaa arinka
argagixisada. Taasi side bey saameyn ugu yeelan kartaa siyaasada guud?
Meles Zenawi: Wax sidaas ah kuma
yeelan karto. Waxaa jirey qorshooyin lagu doonaayey in lagu laayo qaar
ka mid ah argagixisada. Taasi waa arin fiican. Maxaa yeelay laynta
argagixisadu waa qayb ka mid ah xalka. Balse kolkii xoolo aad u badan
iyo wakhti la geliyo ugaarsashadooda, lana dayaco arinkii kale ee ahaa
in qaran la dhiso. Kolkaas dadaalku ma noqonaayo mid mira dhala. Hayàda
badan oo mareykan ah ayaa aad ugu janjeera dhinaca ah ugaarsashada
argagixisada.
Newsweek: Guud ahaan waxaa jira bar
tilmaameedyo qaali ah oo uu mareykanku donaayo inuu helo?
Meles Zenawi: Haa
Newsweek: Marka intii bar
tilmaamedyadaas oo keliya la ugaarsan lahaa waxa jira arimo kale oo
mareykanka looga baahnaa inuu tixgelin siiyo.
Meles Zenawi: Haa, suàashu waxaa weeyaan inaan miisaano sidii
aan u hawl gelin lahayn wakhtigeena iyo maalkeena.
Kusoo dhowaada qaybtii labaad ee
wareysigii Meles Zenawi uu siiyey joornaalka afka ingiriiska ku baxa ee
NEWSWEEK Newsweek: Wasaarada arimaha dibada ee
mareykanka waxaa ay liiska argagixisada ku dareen ururka Al-shabaab.
Taas saameyn intee leèg ayey ku leedahay dibuheshiisiinta?
Meles Zenawi: Waa igu adag tahay
inaan fahmo sababta ay wakhtigaas dheer u qaadatay in Al-shabaab lagu
daro liiska ururada argagixisada ah. Haddii uu jiro qof rumeysan in lala
xaajoon karo urur ku xiran shabakada al-qaacida, ururkaas oo qorshihiisa
ugu weyni yahay inuu geeska Afrika ka aasaaso maamul kii khulafadii oo
kale ah. Xaqiiq weeye markaas in haddii ururkaas lagu daro liiska
argagixisada ay xanibeyso wada xaajoodka. Haddii qofku u aqoonsan yahay
wadahadalka noocaas ah mid is-dhiib ah, markaas in ururkaan lagu daro
liiska argagixisada ma sameyneyso wax farqi ah. Waxaa jira dad badan oo
ka mid ah ururka lagu magacaabo maxkamadihii midoobey kuwaas oo aan ka
tirsanayn ururka al-shabaab.
Al-shabaab waa urur yar oo argagixiso
madax adag ah. Kooxdaas yar markii laga tago qof kasta oo kale waa lala
hadli karaa. Xitaa kuwo ka mid ah ururka al-shabaab ayaa lagu guuleysan
karaa in xagga wada hadalka loo soo duwo.
Newsweek: Kolkii laga hadlaayo
dhaqdhaqaada ciidan ee ka dhaca Ogadeenya, Maxay tahay heerka la
dagaalanka jabhada, ka dagaalanta bariga itoobiya, maxaase xiriir ah oo
ka dhexeeya dhaqdhaqaaqa ururka ONLF iyo waxyaalaha ka dhacaaya
soomaaliya?
Meles Zenawi: Waxaa jirey
mucaarad badan oo ay isku dubarideen Eriteriyaanku, kuwaas oo ka kooban
dhamaan itoobiyaanka naga soo horjeeda iyo ururka maxaakiimta islaamiga
ah ee soomaaliya. Jabhada ONLF waxaa ay ahayd qayb muhiim ah oo
ka mid ah isutagaas mucaaradka ah. Waxaan rumeysanahay inaanu jebiney
lafdhabartii dhaqdhaqaaqa ururka ONLF ee gabolka.
Newsweek: Itoobiya waxaa lagu
eedeeyey iney gabood fal ka geysatey gobolka Ogaadenya. Dayax gacmeedka
( satellites) mareykanka ayaa aqoonsadeen xaafado la gubey oo ku yaal
gobolka. Xadgudubkaasi weli ma dhacayaa?
Meles Zenawi: Maya. Ma jiro wax
gabood fal ah oo ka dhacaya gobolka Ogaadeenya. Sida caadiga ah, markii
uu jiro dagaal dhimasho ayaa jireysa iyo weliba mararka qaarkood
dhimasho dad aan waxba galabsan. Maadaama uu qalabka dagaalka loo
isticmaalay uu ahaa mid iska hooseeya oo aan casri ahayn, dhaawaca la
geysanayaa waa mid iska kooban. Ma ogi wax warar ah oo sirdoon ah oo
mareykanku soo bandhigeen, kuwaas oo muujinaaya in xad gudub balaaran oo
ka dhan ah xuquuqul insaanka uu dhacay. Ama in dad aan waxba galabsan la
laayey ama xaafado la gubey.
Newsweek: Xagaas iyo Eriteriya,
Ciidamadii UN-ta waa ka tageen agagaarka xuduuda. Maxaa ka celinaaya
labada wadan iney dagaaalamaan mar kale?
Meles Zenawi: Ma dooneyno inaanu
dagaal la galo Eriteriya. Maxaa yeelay anagu ma dooneyno taas. Hal
dagaal oo nacasnimo ah nagu filan. Dhinaca Eriteriya dagaalka waxaa ka
celinaaya ayaan u maleynayaa iney xaqiiqsadeen iney haddii ay dagaal
galaan aaney guul ka gaareynin.
Newsweek: Ma hayneysaa jagada
wasiirka kowaad kolkii uu dhamaado wakhtiga jagadaas laguu doortay ee
2010-ka?
Meles Zenawi: Waxay u eg tahay in
taasi noqon doonto wakhtigayga ugu dameeya ee aan jagadaan hayo.
Newsweek: Doorashooyinkii dalka
gudihiisa ahaa ayaa soo dhow, balse waxaa xiran hogaamiyayaal badan oo
mucaarad ah, kuwaas oo la xiray ka dib 2005-tii. Hogaamiyayaashaasi ka
qaybqadan maayaan doorashooyinka. Qaar ka mid ah mucaaradkana waxaa ay
leeyihiin iney la kulmaan sharaf ka qaadis badan iyo cagajugleyn. Maxaad
nooga sheegi kartaa heerka xaalada dimoqraadiyada ee wadanka Itoobiya?
Meles Zenawi: Talaabo-talaabo ayaan dimoqraadiyada u
adkeyneynaa. Waxii ka dameeyey 2005-tii waxaan la hadalay mucaaradka
baarlamaanka ku jira, oon ka codsanay iney sheegeen waxyaalaha ay ka
cabanayaan.
Waxaan bedeley qaabkii uu gudiga
doorashadu u shaqeynaayey. Qaabka fikirka loo soo bandhigo ee
baarlmaanka ayaan bedeley si xitaa qolooyinka baarlamaanka ku yari
ajandayaashooda u soo bandhigtaan.
Waxaan hadda gacanta ku haynaa sharci
cusub oo xagga saxaafada ah kaas oo aan rajeyneyno inuu ka mid noqdo
kuwa ugu fiican aduunka.Sidaas darteed mar walba waxbaan ka qabaneyney
meelaha aan ka liidano. Hadda mar kasta oo halkaan doorasho ka dhaceyso
qaar baa ka cabanaaya in wax la isdaba mariyey. Taasi nasiib daro waxaa
ay noqotay mid qaarada aad looga isticmaalo, ama cadeyn ha la hayo ama
yaan lahayn. Taasi waa mid aan maalin walba arki doono.
Newsweek: Itoobiya waa wadanka uu
dhaqaalihiisu si xowli ah ku socdo kolkii laga reebo wadamada saliida
leh, laakiin hayàda horumarinta caalamiga ah ee mareykanka waxaa ay
sheegtay in sagaal milyan oo itoobiyaan ahi ay u baahnaan doonaan
caawinaad cunto sanadkaan.
Meles Zenawi: Sida aanu horumar
dhaqaale iyo horukac uga gaarney meelaha magaalooyinka ah ugama gaarin
meelaha xoolaleydu degan yihiin. Meelaha dhul daaqeedka ahi aad bey ugu
nugul yihiin isbedelka xagga hawada ah. Waxaan isku deyeynaa inaan dadka
xoola dhaqatada ah waxsoo saarkooda kordhino. Iyo weilba inaan xoolo
dhaqatada ka dhaadhicino iney meel uun degaan. Tan kale waa inaan wax
badan ka qabanaa dhinaca hagaajinta dhul beereedka , gaar ahaan meelaha
abaaruhu saameeyeen si dadku faaìido u helo. Xaga faqrinimadu kolkii
hore waxaa ay ahayd dhibaato baadiye balse hada waxaaba ay usoo gudubtey
xagii magaalada madaama dakhligii dadka uu yaraaday. Sidaas darteed
waxaa jira arimo badan oo u baahan in wax laga qabto. Inkastoo aanu
haysaney shan sano oo wax soosaar sare leh.
Waxaa turjumey: C/risaq maxamed
xuseen, Eskilstuna, Sweden.
habdirisak@hotmail.com