Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed
Cabullaahi oo Jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeerey Mele Zanawi
(ee bixitaanka Ciidamada Itoobiya)....
Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed
Cabdullaahi, islamarkaana ah xubin ka tirsan gudiga wadajirka Arimaha
Siyaasada oo iigu waramayey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti
ayaa ka hadley hadalka ka soo yeerey Mele Zanawi, qaabka ay ku soo
galeen ciidamada Ethopia iyo sida ay uga baxayaan dalka, waxyaabihii ugu
muhiimsanaa ee ay ka wada hadleen Gudiga Siyaasada ARS iyo TFG ee shirka
uga socdey Jabuuti 16-18-ka bishan.
Axmed Cabdullaahi waxaa uu jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo
yeerey Ra’iisul Wasaaraha Ethopia Mele Zanawi “waa na soo gaarey
hadalka ka soo yeerey xukuumada Ethiopia, hadalkaas micnihiisa
waxaan u qaadaneynaa xirfad siyaasadeed oo dhaqaalo loogu raadsanayo
mash-ruuca bur burinta ah ee Ciidamada Ethiopia ay ka wadaan dalka
Soomaaliya, gaar ahaan dhibkii, gumaadkii iyo barakicintii ee
shacabka loo gaysanayey oo taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale
lagu doonayo iyo inay keenaan ciidan dheeraad ah ay ku doonayaan,
ayaan u aragnaa waana xaqiiqo in ciidamada Ethiopia aysan shacabka
Soomaaliyeed aysan soo dhaweynin, taasina ma aysan noqon sidii ay
filayeen in dalka ay ku joogaan, oo qorshihii ay rabeen ay ka
fuliyaan, shacabka Soomaaliyeed oo kaashanaya Alahooda, iskuna
tashadey waxay tuseen darsi, in dhulkooda ciidamada Gumeysiga waxay
rabaan ka sameyn karin, dhawaaqaas wuxuu natusinayaa xanuunka soo
gaarey, ciidankooda iyo awoodooda dhibaatada soo gaartey ayey
muujinaysaa, tan kalena waxay muujinaysaa xeelad kale oo siyaasadeed
oo ay mush-tamaca caalamka ay ku beer jileecsanayaan” ayuu yiri
Axmed cabdullaahi isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey
“ma ahan markii ugu horeysay oo ka soo yeero hadal noocaan oo kale,
inay damacsan yihiin in ciidamadooda dib ay ula laabtaan ama si uun
ay u tilmaanto, anagu ereyga ka soo yeerey Isha ayaan ku haynaa
waana garan karnaa micnaha uu leeyahay, mowqifkayaga wuxuu yahay
dhulkani waa dhul Soomaaliyeed, wax xuquuq ah oo siinaya in ciidan
Ethiopia ay joogaan ma jirto, abaalna loogama hayo, waa iney baxaan
waana xaq uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed oo aan daba taaganahay
sidii looga saari lahaa, qodobka kale ee meesha ku jira wuxuu yahay
Bulshada Caalamka ee u arkayey in ciidamada Ethiopia ay xal ka
keenikaraan Soomaaliya, waxaa gaarey sida ay ugu fashilmeen Ethiopia
in waxa ay doonto ka sameyn Karin ayaa u cadaatey, waxaa keloo
cadaatey sheegashadeedii in ay wakiil uga noqoto beesha caalamka
Soomaaliya, arimahaas iyo kuwo kale oo isu tagey ayaa waxay ka mid
tahay dhawaaqa hada ka soo yeerayo iyo inta iskaashatey, laakiin
waxa runta ah ee Biyo kama dhibcaanka ah, waa dabo taagnaanta
Is-bahaysiga uu dama taagan yahay sidii Ethiopia dalka uga saari
lahaa isagoo adeegsanaya Muqaawamada iyo Diblamaasiyada, labadaasi
dhinac waxay kusoo aruurayaan in Ethiopia dalka laga saaro”
Axmed Cabdullaahi mar uu ka hadlaayey in Is-bahaysigu uu diyaar u
yahay hadii uu dhab noqdo bixitaanka ciidamada Ethiopia in wado ay
siinayaan iyo in kale ayaa wuxuu yiri “ marka hore lama soo dhoweyn
oo xoog ayey kusoo galeen, mana doonayo inaan ka hordhaco, laakiin
shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uulyiintiisa iyo muqaawamadaba waxay u
hawlgalayaan in ciidamada Ethiopia laga saaro wadanka, cid ay abaal
uga helayaan in dalka ay ka baxaan ma jirto”.
Mar aan weydiiyey gudigii nabadgelyada labada dhinac TFG iyo ARS
balanku wuxuu ahaa in ay dejiyaan jadwalkii ay kaga bixi lahaayeen
dalka ciidamada Ethiopia ee arinkaas xagee buu maryaa ayaa wuxuu ku
jawaabey Axmed Cabdullaahi “wadahadaladii waxaa ku jirey in gudiga
amaanka ay ka shaqeeyaan, Jadwalka ay ku baxaan ciidamada Ethiopia
dalka, arintaasna waxaa loo xilsaarey gudigii amaanka ayaa ka
shaqeynaya, kulamadooduna waxay u balansan yihiin mudo bil
gudahooda, arintaas ayaa loo xilsaarey inay u soo sameeyaan jadwal,
wixii noocaas ku yimaada heshiiskaas ayuu dhinac ka marayaa, laakiin
hadii wado kale ay ku yimaadaan wax ka duwan heshiiskaas arin kale
ayey qaadan kartaa”
Mar uu ka jawaabayey Maloo fasirankaraa hadalkaada in ciidamada
Ethiopia aan loo furidoonin wado ay maraan, hadii ay dhacdo in ay
dalka ka baxaan ayaa wuxuu yiri “arintaas waxay ku xiran tahay
hawsha gudiga amaanka, wixii ku yimaada heshiis iyo is Af-garad
gudiga amaanka ayaa u xilsaaran, jadwalka, wadooyinka ay ku bixi
lahayd iyo sidii ay ku bixi lahayd gudiga amaanka ayaa soo
xadidaaya, in waqtigeeda loo daayo ayey ku fiican tahay,
Gudiga amaanka waxaa la hadal hayaa in shirkiisa soo socda uu ka
dhicidoono Magaalada Nayroobi ayna ka qaybgalayaan Mas’uuliyiinta
sar sare ee Is-bahaysiga iyo xubnihii gudiyada Amaanka TFG iyo ARS
iyo kuwa kale ee siyaasadaba bal kawaran arintaas? Waxaa uu ku
jawaabey Axmed Cabdullaahi “sida hada aan og-nahay wadahadalada
Jabuuti bay ka socdaan ee wixii intaas ka bedelan waxay u baahan
tahay in laysku Af-garto, inta aan ognahay shirarka
dibu-heshiisiinta waa in Jabuuti ay ka socdaan, Gudiga amaanka
hawshiisa dhabta ah waa inuu gudaha ka hawlgalo, hadii ay daruuf
keento ama gudaha uu tegi waayo, in Jabuuti meel aan ahayn ku
qabsado shirarka waxaana isleeyahay oo ilaa iyo hada xarun u ah inay
Jabuuti ka dhacaan”.

Gudiga siyaasada ARS iyo TFG dhowaantan markii ay shirayeen wax ka
badan Kumunikeegii lagama soo saarin, mana jiro wax kabadan intaas
oo ay saxaafadu heshey oo gudiga siyaasaduna soo saarey ee arintaas
xagee buu ku dambeeeyaa?
Gudiga siyaasadu waxa ay ka wada hadleen waxa ugu muhiimsanaa,
qaabka ay u dhacayaan shirarka soo socda, Ajendaha waxa laga
hadlidoono, waqtiga ay kulmi doonaan iyo sida uu noqondoono qaabka
wadahadlkooda, waxayna u badnaayeen waxyaabo farsamo ah inta badan,
waxayna ku balameen mudo bil gudahooda in ay isku soo noqdaan,waxa
kale oo xooga la saarey gudiga Amniga oo ka horeeyey arimahaan,
siyaasada in isaga hormaro shaqo culus ay qabtaan kadibna marka uu
helo gudiga siyaasada fursad sidii uu hore ugu sii talaabsan lahaa,
waxaa kale oo xooga la saarey shirka in ay bilaabato bixitaanka
ciidamada Ethiopia in lagu dhawaaqo waqtigooda, gudigii hawshaas ka
shaqeyn lahaana ay hawlgalaan, sida hada ka muuqatey waxa ka soo
baxay waxaa xoog badnaa arimaha Amniga.
Wadahadalada waxa ay ku dhisan yihiin in la fahmo ayaa wanaagsan,
waxayna ku dhisan yihiin in Ethiopia dalka laga saaro oo shacabka
Soomaaliyeed dilka ku socda, boobka hantidooda iyo barakicinta la
joojiyo ay wada hadaladu ku dhisan yihiin, qodobka labaad oo ay
muhiim tahay in la fahmo, wada hadalada darafka lagula jiro keliya
ma aha ee beesha caalamka ayaa qayb ka ah, hadii shaley Soomaaliya
dhib ka jira darteed ciidamada Ethiopia garab loogaa siiyey in loo
cadeeyo bulshada caalamka in waxba aysan ka jirin ayuu wada haddalku
ku dhisan yahay, arintuna ma ahan in loo fiiriyo shekh-siyaad ee waa
in loo fiiriyaa, wax kasta oo suurtagelinaya Ethiopia in dalk ay ka
baxdo, Wixii TFG u gaar ah iyada ayaan u deyneynaa
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
Cumar
Sh. Cali Idiris “waxayna doonayaan in ay ka dhigaan Soomaaliya
Kawaan xiran…” Qaybtii labaad Wareysi Xiiso badan
ee Ku xigeenka Arimaha Dibada Is-bahaysiga Dibu-xoreynta
Soomaaliya.. Akhri Aug 30