SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Markii Ay Ciidamada Dowlada KMG ah Ee Dhex Deganaa Ay Ka Guureen.
  • Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Muqdishu una ambabaxay....
  • Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Bixitaanka Ciidamada Ay Ka Baxeen Bakaaraha Oo Ka Socda Muqdisho

Maarso 10, 2008

Suuqa Bakaaraha Oo Maanta Degan Kadib Markii Ay Ciidamada Dowlada KMG ah Ee Dhex Deganaa Ay Ka Guureen.

Xaalada Suuqa Bakaaraha oo dhowaanahanba ahayd mid aad u cakiran ayaa maanta degan kadib markii ay ciidamada dowlada KMG ah ee suuqaasi saladhiga ka samaystay ay dib uga Ruqaansadeen islamrkaana ay degeen meel aan sidaasi uga sii dheerayn.

Lama oga sababta dhabta ah ee ay ciidamadaasi uga guureen suuqa gudahiisa waloow ay jireen qaylo dhaan xoogan oo kasoo baxaysa ganacsatada ,waxgaradka iyo weliba aqoonyahnada gobolka banaadir taasoo ay si weyn uga walaaceen kadib markii mudo tiro ka dhowr jeer ah suuqaasi loo gaystay Bililiqo xoogan ay gaysteen ciidamada dowlada KMG ah .

Sidoo kale Gancsatada suuqa bakaaraha ayaa maanta lagu arkayaa iyagoo badankoodu kala Guuraya hantidooda islamrkaana ula baxsanaya meelaha ay isleeyihiin waxaa idinku amaan gelaya hantida ay haystaan sida ceelasha biyaha ,degmada wadajir iyo meelo kale .

Xaalada suuqa bakaaraha oo dhibaato dhac iyop boob ah loo gaystay ayaa ilaa iyo iminka aysan waxba ka oran masuuliyiinta dowlada KMG ah taasoo uu maamulka gobolka banaadir dhowr jeer ah uu sheegay in suuqa bakaaraha ay kaga soo duulaan kooxaha dowlada kasoo horjeeda.

Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yuusuf oo Ka Dhoofay Muqdishu una ambabaxay....

Madaxweynaha dowlada FKMG soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxay magaalada muqdisho isagoo la sheegay inuu u socdaalay dalka Ethiopia (Warar kalena sheegeen in uu uga si gudbi doono Nairobi) kadib markii la sheegay inuu sii xoogaystay khilaafkii u dhexeeyey isaga sarkaalka u sareeya ciidamada ethiopianka ee ku sugan wadanka soomaaliya Gen Gabra .

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo xarunta madaxtooyada ee villa soomaaliya oo uu ku yaalo Hoyga madaxweynaha DFKMG c/laahi yuusuf ayaa sheegaya in khilaaf xoogan oo in mudo ahba ku kala dhex jiray madaxweynaah DFKMG yuusuf iyo sarkaalka haysta ciidamada ethiopia ee wadanka soomaaliya ku sugan Gen gabra uu sii xoogaystay islamrkaana keenay inay khilaafkii madaxa la galo xaalada cakiran ee magaalada muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha .

Sidoo kale madaxweynaha DFKMG c/laahi yuusuf ayaa la sheegay inuu gaashaanka u daruuray inay ciidamada dowlada FKMG ah ka guuraan gudaha suuqa bakaaraha islamrkaana ay dacwooyin u gudbiyeen ganacsatada ,aqoonyahanada iyo waxgaradka magaalada muqdisho raysal wasaare nuur cadde iyo weliba sarkaalka haysta ciidamada ethiopia islamrkaana ciidamadii dowlada KMG ah ee ku sugnaa gudaha suuqa bakaaraha ,daafaha gaara ahaan isagoyska Howlwadaag iyo isgoyska bakaaraha lagu amray inay ka guuraan goobtaasi islamrkaana isugu wareegaan agagaarka madaxtooyada ee villa soomaaliya .

Arintan ayaa keentay inuu madaxweynaha DFKMG yuusuf maanta u ambabaxo magaalada adis ababa ee wadanka Ethiopia taasoo warar hoosaadyo laga helayo dadka ka ag dhowa madaxweynaha ay sheegayaan inuu dacwo ka yahay sarkaalka ugu sareeya ciidamada xukuumada ethiopia gen ,gabra .

Madaxweynaha oo safarkiisi ahaa mid aan lasii shaacin ayaa si deg deg ah saaka barqinamadii uga duulay garoonka weyn ee aadan cadde ee magaalada muqdisho iyadoo amaanka si weyn loo sugayey islamrkaana la xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdiosho sida wadada Maka Almukarama ,wadada garoonka iyo meelo kale .

Mudaharaadyo Lagu Taageerayo Bixitaanka Ciidamada Ay Ka Baxeen Bakaaraha Oo Ka Socda Muqdisho .

Isu soo bax balaaran oo lagu taageerayo bixitaanka ay ciidamada dowlada KMG ahi ka baxeen suuqa bakaraha wadadka wadnaha gaar ahaan isgoyska howlwadaag ,iyo kan bakaaraha ayaa ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqadisho

banaan baxan ayaa waxaa ka qayb qaadaney waxgaradka ,aqoon yahano ,Haweenka iyo caruurta kuwaasoo halkudhig ka dhiganey doonimayno dhac iyo boob iyo waxyaalo kale .

Dibad baxayasha ayaa socod dheer kusoo maray qaar ka tirsan wadooyinka magaalada muqdisho sida wadada sodonka ,wadada wadnaha agagaarka suuqa bakaaraha gaar ahaan qaybaha shirkadaha iyo meelo kale .

Banaan naxyadan lagu taageerayo guuritaanka ciidamada dowlada KMG ah ay ka guureen agagaarka suuqa ganacsiga ee bakaaraha ayaa kusoo beegmaya xili ay ciidamada dowladu bililiqo xoogan u gaysteen todobaadkii hore dabayaaqadiisii suuqa bakaaraha taasoo ay ganacsatada qaarkood ka rarteen alaabadoodii suuqaasi .

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa guuritaanka ciidamada ay ka baxeen agagaarka suuqa bakaraha waloow ay wararka qaar sheegayaan inay qayab ka yihiin dadaalada nabadeed ee uu raysal wasaare nuur cadde ka wado magaalada caasimada ah ee muqdisho.

yaasiin maxamed faytin

yaasiinfaytin@hotmail.com

somalitalk.com

Mid ka mid ah Nabadoonada Gobolka Sanaag oo ka hadla Xadhigii Nabadoon Cabdi Faarax Cilmi ay kula Kaceen Maamulka Puntland

Warbixin: Shirar Wadanka Uganda uga socda Ururro iyo dad Soomaali ah oo kala yimid Caalamka.

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com