Madaxda IDS oo Kismaayo iyo Kisumu (Kenya) kala Booqanaya
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
“Waa adduunyo bogga laga rarayo oo tuurta laga ceynshay!” IDS
waxay u taagantahay Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya
laakiin meesha isbaheysi ma joogo oo waa lakala baxay. Qolo
waxay ku biireen dagaaloogayaal; kuwana halkoodii bey joogaan.
Waxaa la yaab leh dalxoreeyayaashu waxay sheegteen iney
dagaalooge Barre-hiiraale saareen halka kuwa kale leeyihiin
Cabdi Qeybdiid iyo Darwiish baan wax la qeybsaneynaa! Kuwii
Cabdi Qeybdiid wax la qeybsaday waxay booqanayaan Nairobi iyo
Kenya halka kuwii Asmara booqanayaan Kismaayo iyo gudaha
Soomaaliya.
Dalxoreeyayaashu waa fahmeen xaddiiskii ahaa in munkarka
gacanta lagu suusho qofkii awooda. Laga soo bilaabo Kismaayo
ilaa Afgooye ma laha isbaaro. Laga bilaabo Xamar ilaa Gaalkacyo
ma laha isbaaro. Laga bilaabo Xamar ilaa Baydhabo ma laha
isbaaro. Ka warran haddii la dhihi lahaa ha la sugo inta Golaha
Ammaanku naga qaadayaan isbaarooyinka oo aan huteello iska
seexanno? Sheekadu ma joogto gabadhii tiri sagaal wiil iyo
wadaad baa ila dhashay! Sidee u dulloobeen wadaado waagaas.
Inkastoo mar kasta ay joogeen faro-ku-tiris culumo ah oo fiican
laakiin waxay u bateen calooshood-u-shaqeystayaal fekeray xeelad
ay dadka xoolaha kaga qashaan – lafaha buurbuuran ee ridu waa
balaayee, wankii bari leh iyo bariis subag leh baa belaayada kaa
xijaabee! Micnuhu waa wixii xerta loo qolo baa belaayada celiya
ee maaha kuwii cid kale qashaan.
Dal-xoreeyayaashu nabi Muxamed (SCW) bey raaceen. Xasuusta
dagaalkii Badar, Uxud, Axzaab, Fatxu-Makkah, iyo Xuneyn. Soow
geesinimadii nabiga (SCW) ma xasuusanno? Ma taliskuu fariistay
mise Uxud iyo Xuneyn khatar buu galay oo isaga iyo gaaladii baa
is hor istaagay? Ka warran haddii nabi Muxamed (SCW) la eedeeyo
oo la dhaho xikmad ma lahayn maxaa yeelay Qureysh iyo
xulufadeedii baa iyagoo toban kun ka badan hareereeyey Madiina?!
Marka haddii dhib dhacdo ma aha in halgamayaashu khaldanyihiin
ee waa la is imtixaamayaa. Ilaahay waa imtixaamay kuwii Asmara
isagu tagay. Weli lama dhihi karo kuwa jooga Asmara waa dad wada
fiican ee waa qof walba iyo Alla-ka-cabsigiisa.
Culumada Carbeed ee Sacuudiga buuxda weydiiya Axmed Binu
Xanbal, Ibnu Taymiyah iyo Ibnu Qayim? Ma xabsi, xarbi iyo
xaq-sheegid bey ku jireen mise gogol bey ku dangiigeen sida
culumo badan sameyso? Maxay culumada uga qiseysaa oo u ammaantaa
sida Ibnu Taymiyah ula dagaalay Tataarkii halka ay qaarkood
dacaayad ka fidiyaan kuwa Soomaalida ah ee Tigreega kula
dagaalaya Soomaaliya? Cidna Ilaahay uga tazkiyeynmeyno laakiin
waxaan u rajeynaynaa Shariif C/Nuur inuu ku taaganyahay manhajka
saxiixa ah. Mar qolo sheekh Muqbil (AUN) ay ku direen sheekh
Shariif oo sheekh Muqbil si ka fiirsasho-la’aan ah u eedeeyey
Shariif C/Nuur bey su’aal kale weydiiyeen oo ku saabsaneyd dadka
ka dagaalaya gudaha Itoobiya dabadeedna sheekh Muqbil wuu
banneeyey isagoo soo daliishaday Abuu Jandal. Ogoow sheekh
Muqbil wixii Shariifka loogu diray waxay ahayd wuxuu banneeyey
in wadaadada Luuq kula dagaalaan Tigree soo weerartay
Soomaaliya! Wixii Shariifka lagu heystay ka badan baa sheekh
Muqbil fasaxay! Maalintaas baan arkay sida Ilaahay dhaqso u
aqbalo dacwada madluunka (Shariif C/Nuur). Marka waxaa socda
weerar seddex dhan ah: kuwa culumo sheeganaya oo caayaya Shariif
C/Nuur iyo culumada waaweyn, kuwa dhiiggii shuhadada been ka
dhigay markey dagaaloogihii dartiis loo daadshay la soo
dhoweystay iyo cadow gudo iyo dibad leh oo Tigreegu
horboodayaan. Marka jihaadka Tigreega lagu saarayo ninna la
weydiinmaayo.
Ramadaan baa la joogaa ee maa Ilaahay laga baqo. Waddankii
Tigree iyo Tigree-raac baa heysta. Ma sidii reer Binu Israa’iil
Muuse (CS) ku dhaheen oo ahayd: Muusoow adiga iyo Rabbigaa
jihaadka gala; annagu halkan baan idiin fariisaneynaa baan
dhahnaa! Iyadoo waddanka Tigree heyso qofkii dhaha: Golaha
Ammaanka ha naga saareen; annaguna huteello baan hurdeynaa soow
khalad maaha? Dal-xoreeyayaasha qaar ka mid ah sida labadii nin
ee wanaagsanaa ee reer Binuu Israa’iil bey leeyihiin war
walaalayaaloow ka soo taga huteellada oo noo imaada haddaan
dagaalanno Ilaah baa guusha na siinayee. Wataas hadda
dal-xoreeyayaasha ay maalin kasta tagaan Wanlaweyn oo u dhaxeysa
Xamar iyo Baydhabo. Hadda wataas qolyaha Jibuuti ku jiraan
Tiiha. Maraykan iyo Beesha Caalamkey kula shirayaan Nairobi;
Jowharna dhib bey la rabaan iyo isku-dhac. Madax dib-u-xoreyn
bey sheegtaan mana utagi karaan waddankii iyo dadka ay sheegaan
iney madaxda u yihiin sida muuqata.
Hadda waxaad moodda in Golaha Ammaanka garabkii Jibuuti ku
leeyihiin ma geli karno Soomaaliya oo waxaa jooga qoom dhimasho
raba marka soo heshiiya markaasaan ciidamo soo direynaa! Haddii
la heshiin karo maxaa ciidan loo rabaa? Waxay rabaan iney isku
diraan sidii Ciraaq la yeelay laakiin Soomaaliya Ciraaq maaha.
Qofkii dal-xoreeyayaasha xukuma waxay ahayd inuu tago
Kismaayo markii dagaalooge laga xoreeyey ee ma ahayn inuu booqdo
Kisumu iyo Nairobi! Kuwa Asmara ma aadin Kisumu ee waxay aadeen
Kismaayo. Waa arrintaas waxa hadda Beesha Caalamku is kaga
dhaaftay maaweeladii oo ay arkeen cidda ah dalxoreeye iyo cidda
xukunta. Marka Jibuuti iyo Kenya waxay ka tirsanyihiin IGADD.
IGADD waxay kaloo noqon kartaa: Isbaheysiga, Garabka Asmara
Diiday (Dibad-joog). Waxaan kula talin lahaa dalxoreeyayaasha in
ay u magacaabaan qolyaha Jibuuti jooga in loo xilsaaro arrimaha
qubo-joogta Soomaalida. Runtii Soomaali badan baa qurbaha ku
nool marka kuwaas ha lagu sharfo si ay maalinna Nairobi shir ugu
qabtaan maalin Qadar iyo Sweden. Ilaahay horti, booqashada
Kismaayo, Kabsuuma, Kisumu iyo Kampala kala wanaagsan.