SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ninka Yar iga Cesha (Itoobiya) aan kan Weyn la Xaalee (Maraykan) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ma aha sheeko nagu cusub: aabboow kan yar iga celi aan kan weyn iska ceshee! Horay baa qolyaha Jibuuti jooga sidii lo’ libaax aragtay uga dideen markay indhaha saareen safiirkii Itoobiya oo soo galay hoolkii shirku ka socday. Haddana waxaa Somaliweyn soo qortay in maanta oo taariikhda Miilaadigu tahay 17/09/08 ay haddana kooxdaasi ka dideen safiirka Itoobiya! Sabab? Soow Itoobiya ma ahan waxaa Soomaaliya heysta? Waa la ogaa iney diideen iney dagaal kula xaalaan Itoobiya ee maxay u diideen iney dood iyo wadahadal la galaan Itoobiya? Maxay u noqdeen waxaan B iyo T  midna ahayn (labada xaraf ugu dhawaaqa sida farta Soomaaliga loo higaadsho)? 

Inkastoon horay u sheegay inaan heshiiskii Xudeybiya loo daliishan karin qabsashada Itoobiya ee Soomaaliya haddana waxaa ceeb kale ka taagan tahay yaa heshiiskii Xudeybiya loo daliishaday haddey qolyaha Jibuuti diideen iney la xaalaan Tigreegii waddanka heystay? Haddey run noqoto iney ka baxeen hoolka shirka mar kale kaddib markey arkeen safiirka Itoobiya waxaa soo baxaysa oo bisha Ramadaan shacabka u caddaaneysa in qolyahaasi ay ciyaar ku jireen markay soo daliishanayeen heshiiskii Xudeybiya. Nabigu (SCW) wuxuu heshiiska la galay qoladii uu dagaalku ka dhaxeeyey ee Qureysh ee ma oran qoreysh waa qabiil yare waxaan rabaa iney Furus ama Ruum na dhexdhexaadiso! Marka wariyaasha waxaa laga rabaa iney weydiiyaan qolyaha Jibuuti jooga: maxaad u soo daliishataan heshiiskha Xudeybiya haddaad diideen inaad la hadashaan Tigreega waddanka heysta? Mise sidii dadkii naga horreeyey baad diinta Ilaahay si kale u isticmaaleysaan? Sidee heshiishka Xudeybiya loogu isticmaali karaa shirar/heshiis u dhaxeeya Soomaalida iyo Axmed Walad Cabdalla –Beesha  Caalamka? Kulligeen waan ognahay inaan Zenawi soo magacaabin Axmed Walad. 

Dadka qaar bey la tahay in Maraykanku soo geliyey Tigreega Soomaaliya. Wey jirtaa iney caawiyeen oo ku awr kacsadeen laakiin danta ay Tigreegu ka leeyihiin Soomaaliya ayaa ka da’ weyn oo ka badan tan Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya ee yaan ciyaar la isku maaweelin. Sidaan horay u sheegay haddii cid Soomaaliya lagala hadlo waa Itoobiya kuwa lala hadlayo. Teeda kale maxaa kuwa Jibuuti ula shirayaan qowsaaro u shaqeeya Tigreega halka ay diideen iney la hadlaan kuwii soo diray oo ah Tigreega? Waxaan horay ugu sheegay waa uun qabiil dartiis. 

Qowsaarada Soomaaliya jooga waxay heystaan dad ay u cararaan markey is qabtaan (Tigreega iyo Addis Ababa) halka qolyaha Jibuuti ay sidoo kale heystaan qolyo ay magangalaan markii cabsi ay dareemaan oo ah Beesha Caalamka. Labada qolo waxaa ila caqli badan qowsaarada Tigreega maxaa yeelay Addis Ababa waa magaalo madax waddan la yaqaan, Zenawi waa hogaami leh meel loogu hayaago ee waa kuwama Beesha Caalamku? Ma leh cid iyo meel loo abbaaro. Sidii Zenawi u dhexdhexaadiyo qowsaaradiisa ayaa Beesha Caalamkuna u kala saartaa dadkaas safiirka ka diday iyo safiirka Itoobiya. Ama iney safiirka dhahaan war libaaxyahay faraha ka qaad dadkaasi hakaa daaqeen oo ka dheeroow hoolka shirka iyagoo safiirka xasuusinaya in qowsaarada Soomaaliyeed ay Itoobiya metelaan marka caqliba maaha in safiirka Itoobiya halkaas tago maxaa yeelay waxaa metelaya dowladda Itoobiya waa kuwa dowlad ku-meelgaar ah sheeganaya. Mar horaba afhayeenka qolyaha Jibuuti baa yiri: kubbaddu waxay taal dhinaca Beesha Caalamka oo ah talada Soomaaliya waxay faraha ugu jirtaa Axmed Walad Cabdalla! Axmed Waladna waa isaga u booteynaya dal-xoreeyayaasha kaddib markii qolyaha Jibuuti ay wilaayadii Soomaaliya isaga u dhiibeen! 

Luuqadda Ingiriiska ayaa tiraahda “devil’s advocate” waa marka qofku afka ka sheego wax uusan qabin si uu u dhiirrigeliyo in hadalku sii socdo marka qolyaha Jibuuti waxay u beenguurayaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka iyagoo raba in shirku iska dheeraado si magacooda loo maqmaqlo maxaa yeelay dadkey la shirayaanba waxaa soo xulay Zenawi. Sidoo kale luuqadda Ingiriisku waxay Axmed Walad Cabdalla iyo waxa la midka ah ku dhahaan “fools rush in where angels fear to tread” oo ah doqomadu waxay isku maqiiqaan meeshii ay malaa’iguhu ka maagaan/ka biyo diidaan iney galaan. Marka waxaan la yaabbanahay waxa Bush iyo Maraykan handadaad iyo booto ku keeni waayeen waxa nin sideennoo kale madoow oo miskiin ah uu ku keeni karo? Keliya waxay ku tusineysaa in dadkeenna madoow u dhaqmaan sidii mashiin oo kale oo waxa lagu shubto laga daadsado. Marka qolyihii Jibuutina wa kuwaas ka diday safiirka Itoobiya, sidoo kalana jaallahood Axmed Waladna wakaas booto iyo indho-adeyg la soo taagan. 
 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

 

Madaxda IDS oo Kismaayo iyo Kisumu (Kenya) kala Booqanaya

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS