Faallo:Koonfurta Afrikaay Ileyn Birimageyday Dileen!!!!!
Marka hore, mahad idilkeed Allaah ayey u sugnaatay, Naxariis iyo nabadghelyana
Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Ina Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun.....Ina Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun
Qeexid Ereyga Biri Ma Geydo
Ereyga Birimageydo inkastoo siyaabooyin kala duwan loo yaqaan hadana ereygan
hadda waxaa loola jeedaa "Lama dilaan, lama taabtaan" iyo kuwo kale oo
macnaheedu yahay inkastoo ay khalad tahay in si sharci ah lagu dilo qof aan
dembi muteysan hadana dil loo geysto dadka aanay bannaaneyn in la dilo ama si
kale loo dhibaateeyo xilliga colaaduhu jiraan iyo xilliyada kaleba.
Ereygani asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa dadka beeraleyda ahna ay u isticmaali
jireen dhirta qaarkeed ee aan la goyn Karin iyadoo lagu tixgelinaayo harkooda,
mirahooda, madinimadooda ama waxyaabo kale.
Koonfur Afrika
Hooyo Soomaaliyeed iyo 3 da caruura ah oo ay dhashey lagu gowracay Koonfur
Afrika,waa dhacdo naxdin leh oo ay qabsatay qoys dhan oo Soomaaliyeed, hooyo iyo
caruurteeda, oo ka kooban labbo wiil iyo gabar 12 jir ah ayaa dhegta dhiiga loo
daray oo la gowracay magaalo ku taala koonfur Afrika xilli dilalka caadiga ay
sii kordhayaan.
Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan Qoys Soomaaliyeed oo la jarjaray ayaa soo
baxaysa, magacyada caruurta la gowracay, iyo hooyadood, meesha ay ku sugnayeen,
goorta iyo waxa loo isticmaalay dilkooda. ayaa waxaan ka waraysatay
goobjoogayaal xog-ogaal u ah.
Xalayto xilli aan la ogeyn goorta ay ahayd ayaa rag ku hubeysan baangado,
tooreeyo, iyo biro kale waxa ay u dhaceen dukaan ku yaala tuulada Queens Town ee
wadankan kuunfur afrika, dukaanka waxaa lahaa Qoys Soomaali ah oo ka kooban
hooyo iyo 3 caruur ah oo ay dhashay, labbo waa wiilal., midna waa gabar, rag aad
u hubeysan ayaa cad cad u jaray hilbaha qoyska, dadkii saakay tagay goobta oo uu
ka mid yahay Ismaaciil Cabdi Maxamuud.iyo dadkii dariska ahaa ayaa ka argagaxay
waxa ay indhahooda saareen.
Sida uu ii sheegey Ismaaciil Cabdi Maxamuud oo reerka daris la ahaa, waxaa
hooyada magaceeda lagu sheegey Saciido Aadan Maxamad, caruurta waxaa la kala
yiraahdaa Maxamed oo 19 jir ahaa, Ibaraahim oo 15 jir ahaa iyo Caasho oo 12 jir
ahayd. Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii goobta gaaray ayaa sheegey in waxa
indhihiisa uu ku arkay ay ahaayeen wixii ugu argagaxa badnaa ee uu waligiis
indhihiisa saaro, wuxuu ka waramay hilbo dad oo jarjaran, jirka dadka oo lagu
shafay seefo iyo tooriyo , dhiig sidii daadkii oo kale u daadsan dukaanka
dhexdiisa.
Ismaaciil oo warbixin iga siinaya xaalada qosyka wuxuu yiri "qoyskani labo
billood oo kaliya ayay halkani degeyihiin, aniga ayay markii hore illa soo
dageen, Cape Town ayay kasoo guureen, waxaa jirra xaas kale oo islaantani lala
qabay oo caruur leh oo Cape Town degen, aabahood wuxuu jirraa Engiriiska,
dukaankan mar dhow ayay heleen, bil oo kaliya ayayna dukaanka dhex degenyihiin,
wiilka ayaa u adeega, inta kale ee Qoyskana dukaanka ayay dhex degenyihiin,
marka xalayto ayaa loo dhacay, saake ayaase la ogaaday falka dhacay, mana la
garanayo waxa ka dambeeyey" ayuu yiri Ismaaciil oo qadka taleefoonka iigu
waramayay isagoo jooga meesha uu falka ka dhacey.
Dhacdadaani waxay noqoneysaa markii ugu horeysey ee dhacdo noocaan oo kala ah ay
dalka koonfur afrika ka dhacdo, waa jireen dad la gubey, laakiin in qoys idil la
wada gowroco waa mid naxdin leh oo aanan cidna filanaynin, Soomaalida dalkani ku
dhaqan ma jiraan qoysas baddan oo tuulooyinka ku nool, qoykanina wuxuu ka mid
yahay tirro qoysas ah oo sii kordhaya oo tuulooyinka u nolol doonanaya.
Ismaaciil ayaa sidoo kale ii sheegey in raga falka geystey ay dukaanka ka
dhaceen alaabo iyo lacago aan la garanayn cadadkooda, waxaana muuqata ayuu yiri
in raga falka geystey uu dagaal ku qabsaday goobta oo qoyska ay dagaalameen,
wuxuu intaasi ku daray in hooyada iyo wiilka weyn ay ahaayeen kuwa ugu daran
xagga dilka, taasina waxay muujineysaa ayuu yiri in ay dagaalameen, lagana yaabo
in ay isku dayeen in ay kufsadaan hooyada iyo gabadha.
Sidoo kale mid ka mid ah wariyaasha ka howl gala wadaankaani koonfur afrika ayaa
ii sheegey in dhawaan uu booqasho ku tagay isla goobta uu falka ka dhacay, wuxuu
sheegey in uu reerka yaqiiney, muddo todobaad ahna la joogey guri ay daris
ahaayeen oo uu marti u ahaa, wuxuu intaasi ku daray in reerka ay ahaayeen reer
dadaal baddan kana go’antahay in ay shaqeystaan oo aysan waxbo ka sugin
aabahooda dibada jira.
Waxaa xaalada fajac iyo naxdin ah ku jirra dhamaan dadka Soomaalida ah ee dalkan
ku nool, sidoo kale ilaa iyo hadda lama duugin reerka waxaana la sugayaa xubno
qoyska ka mid ah iyo madaxda jaaliyada Soomaalida koonfur afrika qaar ka mid ah
si ay arrinta u galaan, waxaa kale oo kusii xoomaya goobta qalabka warbaahinta
dalka.
Ma jirto cid loo qabtay falkani, police-kuna waa ay ku xeeranyihiin goobta,
iyadoo lasoo sheegayo howlgalo baaxad weyn leh oo lagu goobayo ragga falkaan
naxdinta leh geystey.
Sidoo kale markay arintaani soo shaac baxday maanta ayaa Sheekh Maxamed Aamiin
Jowhar oo ah imaamka masaajidka Soomaalida Johannesburg salaadii jimcaha ka dib
Soomaalida oga digey in eey xaasaskooda iyo caruurtooda geeyaan tuulooyinka,
marka uu boqolaalkii qof ee Soomaalada ahaa u sheegey warka ku saabsan dilka
qoyska ayaa markaliya la wada hogtey, murugo iyo hanfariir dadkii wada
saameeyey, qof kasta oo aad dariiqa ku aragtid waxa kaliya ee uu hadal hayo waa
dhacdadani naxdinta leh.
Marxuumiinta ayaa lagu wadaa in barito la aaso, balse waa uun kadib marka lagu
sameeyo qaliin aysan Soomaalidu jeclayn oo loo fahamsan yahay in qofka jirkiisa
xubno lagala baxayo, balse dhaqaatiirta ay ku micneeyaan qaliinka loo yaqaano
(Postmortem) ama baaritaanka ogaanshaha sababta dilka keentey, kaas oo natiijo
kasoo baxday aanan waligeed qofna loosoo xirin muddo 10 sanno ah.
Dilka iyo dhac kajiro wadankaani koonfurta afrika ayaa mudooyinkan danbe kusii
saa idayo aydoo anan loo ogalayn in ay qataan qorya sharciyeysan iyo kuwa
anansharciyesneen intaba Dadka qaxotiga ah oo anan laheeyn wax ka saacidaayo
dhibatada ay ku hayaan Burcada hubeysan ee ku hubeysan qoryaha noocyaha kala
gadisan leh sidaas si la mid ah ayaa waxaan meesha ka marnen jinsi nacaybkan ka
jiraa dalka koonfur africa uu yahay mid lawada ogyahay in uu maskaxada dadka
madaw ay raadayn xoogleh ku dhaaftay midab takoorkii dalkaasi kala qayday ee ka
jiray dhawr iyo toban sano ka hor xaalada oo sidaas ah ayaa la is dhihi karaa
soomaalida koonfur afrika ma ah dad isku duuban waxaana la dagay kala
qaybsanaanta iyo tafaraaruqa mana jiro ururu ama mareeg soomaalidu ay ku
bahaysanyihiin oo koonfur afrikaka jirtaa.
Arintaan ayaa ku soo aadey maalmo ka hor gumaadkii ay ciidamada aimisom u
geysteen shacabka soomaaliyeed iyadoo wax ka hadashey ilaa hada aan la arag waxa
aan ka ahayn inta ay idaacadaha sheeg sheegaan uun sidoo kale arintaan naxdinta
leh ayaa ku soo aadey saacado uun ka dib markii Shalay aqalka baarlamaanka
koonfurta Afrika ay u doorteen madaxweynaha cusub ee dalka Kgalema Motlanthe, oo
ahaa madaxweyne ku xigeenka African National Congress (ANC) ka dib markii uu
madaxweynihii hore dalka Koonfurta Afrika Thabo Mbeki ogolaaday in uu kursiga
isaga dago amar uga yimid xisbiga talada haya ee African National Congress
(ANC).
hadaba dhacdadaan iyo kuwo la mid ka ah ee ku dhaca shacabka soomaaliyeed yaa u
maqan aaway Soomaalida ku dooda innagaa ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta
Soomaalida. Ishoodu ma hal meel oo qura ayey aragtaa. Aaway Dowladda sheeganeysa
inay ummaddan hogaamiso, miyaanay u jeedin dadka Soomaaliyeed sida naxariis
darrada ah loogu leynayo Koonfurta Afrika, Maanta meel walboo aad tagto waxa ku
dhiban ama ku baaba’san waa Soomaali, waxa jeel ama Xabsi walboo aad tagto aad
ka heleysaa Soomaali cid u doodeysa aysan jirin, waxa maalin walba si naxariisa
darro ah loogu tooganayaa Soomaalida ka shaqeysata Koonfurta Afrika iyo meel
kasta hadaba soomaalida ilaahaay uun baa u maqan cid kale u maqan malahan.
Si Kastaba ha ahaatee Waxaa wax lala yaaba ah in uu weli arinku yahay, Fari kama
qodna faanoole!!!, waayo waxaa cad in umadda soomaaliyeed weli aanay ka
waantoobin dhibaatooyinkii ku dhacay iyo wixii sababayba, waa ay haboonaan lahay
inuu darsin u noqdo rafaadki iyo dhibki ay mareene, waxaa nasiib daro noqotay in
dadka soomaaliyeed weli uusan dareenkoodu siin bal inay daba qabtaan haraagooda
oo ay badbaadaadiyaan. Caano daatayba dabadood la qabaye!!!, weli soomalidu kama
aysan bislaan Hadimadii iyo Halaagii ay horay ugu hoobteen!!!! CAJIIB
Hadaba aniga oo soo afjarayo qormadaan ayaa waxaan rumays nahay , haddii
bulshada soomaaliyeed ay si wada jira oga shaqeeyaan sidii ay oga gudbi
lahaayeen labada cudur ee qabyaaladda iyo cadaalad darrada, ayaa waxaa hubaal ah
in ay ku guulaysan karaan helitaanka nidaam iyo kala dambayn u horseeda dibu
dhiska qarankoodii dumay.
Mohamed Ismail
mismacil@Live.co.za
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2008