Ciidii iyo Kaakuma, Gedo, Minneapolis, Qardho, Muqdisho, K/afrika, Toronto
iyo Magaalada Leicester.....
Dabaal dega ciidul Fadriga oo si weyn looga oogey dalka Koonfurta Afrika.
Sawirada halkan ka daawo (K/afrika).....
 Boqolaal
qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta isugu soo baxay fagaarayaal ku yaala magalooyin
waaweyn ee dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay tahay markii ugu horeysey oo ay hal
maalin la ciidaan muslimiinta dalkani oo caadi ahaan ka dambeeya maalin aduunka
islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Magaalada Johannesburg oo aan salaada ku tukaday shaqsi ahaan ayaa waxaa
aroornimadii hore isugu soo baxay kumanaan Soomaali ah oo caruuro iyo
xaasaskooda watta, salaada waxaa lagu tukaday fagaaraha Fordsburg Bowling Club
oo aad ugu dhow xaafada ay Soomaalida degto ee Mayfair halkaas oo uu ku yaalo
masaajidka kaliya ee ay Soomaalida Johannesburg ku leedahay.
Iyadoo aduunka islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay laga ciiday shalayto oo
talaado ahayd ayaa culumada maamusha dacwada Soomaalida dalka ee magacooda la
yiraahdo Al-Bayaan ayaa go’aan ku gaartay in lala soomo, lalana ciido
muslimiinta dalka oo iyagu caadi ahaan ka dambeeya aduunka intiisa kale, Sheekh
Ibraahim Xirsi oo habeen ka hor ka hadlaya masaajidka Shaafici ayaa sheegey in
ay wada tashiyo dheer kadib ay isku raaceen in midnimada islaamka ay muhiim
tahay in la illaalsho, arrintaas oo ay fadwoodeen culuma waaweyn oo Soomaaliyed
oo sanadihii ugu dambeeyey booqasho ku yimid dalkani.
Takbiirta waxaa la bilaabay abaaro 6:00, aroornimo, waxaana salaada la tukaday
abaaro 7:15, waxaa ka horeeyey salaada qudbado ku kala baxay luuqadaha afka
Soomaaliga, Afka Oromaha, iyo luuqada English-ka, salaada kadibna waxaa la galay
qudbad carabi ah, dhaaman qudbadaha waxaa looga hadlay fadliga ciida,
waajibaadka dadka muslimiinta ah saaran, iyo in dadka ay wax sadaqaystaan,
fidradana iska baxshaan.
Dadka Soomaaliyeed ee maanta isugu yimid dabaal dega ciida Fadriga ayaa intooda
baddan ku joogey gawaari casri ah oo bilicsan, waxaana guud ahaan ka muuqatay
dhaqnaan iyo ladnaan, waxaa sidoo kale goobta si weyn oga soo muuqdey haween iyo
caruur aad u tiro baddan oo malaha aad is dhahaysay nin kasta oo goobta joogay
xaas iyo caruur ayuu wattay, arrintani waxa ay astaan u tahay sida qoysaska
Soomaaliyeed ugu soo badanayaan dalka gaar ahaan Johannesburg.
Salaadii kadib ayaa waxaa culumada iyo dadka magaalada ka sharfan ay isugu
tageen markazka Al-Bayaan ee mandarasada ah, halkaas oo ururka dacwada ee
Al-bayaan uu dadka ugu sameeyey quraac sharaf dad kooban loogu tallo galay.
Dhanka kale waxaa sidoo kale Soomaalida salaada ciida ay ka oogeen magaalooyinka
Cape iyo Port Elisaberth, Rustenburg iyo Pretoria iyo magaalooyin kale oo tiro
macquul ah ay ku joogaan.
Wallow Soomaalida inteeda baddan ay la afureen oo la ciideen muslimiinta dalka,
hadane waxaa jirrey dad aan tiro yarayn oo shalayto ciida tukaday, iyagoo u qiil
samaysanaya in Soomaaliya iyo aduunka islaamka laga ciidey.
Soomaalida ayaa ciida u dabaal dagayso iyadoo dalka ay ku heystaan dhibaatooyin
dilka iyo dhaca joogtada uu ka mid yahay, todobaadkani horaantiisii waxaa si
arxan darro ah loo harag siibey qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa hooyo iyo 3
deeda caruur, dabcan waxayna aheyd sheekada ugu weyn ee la hadal hayay
todobaadkani.
Cabdinaasir saxansoxo.
saxansoxo1@hotmail.com
Qaabkii looga ciiday Toronto Canada.
Sawirada sidii looga ciidey Toronto daawo...
Hambaly iyo bogaadiin farabada
dhammaan walaalaha Somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba gaar ahaanna walaalaha
ku nool Toronto. Allah ha idinka aqbalo acmaashiinna wanaagsan oo aad soo
gudateen bishii barakaysnayd ee Ramadan. Dadka ayaa waxaa ka muuqata bilicsami,
labis qurxoon, iyo farxad aad uga laacaysay wajiyadooda. Waxaa isugu soo baxay
makaanka ciidda lagu qabtay muslimiin aad iyo aad u fara badan oo isugu jira
dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo gudanaayey salaadda ciiddul
fidriga. Meesha lagu ciidayey oo ahayd meel aad u bilic san, baaxad wayn, gogol
aad u nadiif ahina taallay sida ka muuqata sawirrada ayaa waxaa soo agaasimay
markaska Darul Hijra, waxayna walaaluhu soo bandhigeen adeegyo (service) aad u
qanciyey walaalihii muslimiinta ahaa ee ka soo qayb galay salaadda. Waxaa in
badan walaalihii soo ciiday ay ku celcelinaayeen sida quruxda badan oo loo
agaasimay madasha ciidda, sida ay u ahayd meel aad ugu dhow meelaha ay dadku ku
badan yihiin iyo sida ay u lahayd meel waasac ah oo baabuurta la dhigto.
Ka hor inta aan salaadda la tukan waxaa halkaa hadal qiimo badan ka jeediyey Sh.
Adam Mox’ed Ciise oo warbixin ka bixiyey adeegyada kala duwan oo ay Darul hijra
u qabato una qaban doonto Ilaahay idankiis walaalohooda muslimiinta ah guud
ahaan gaar ahaanna Somalida ku nool Toronto. Sheikha ayaa intaas ku daray in
walaaluhu ay taageero naf iyo maal ahba la garab istaageen ururkooda Darul Hijra
isagoo sidoo kale ku boorriyey inay sii wadaan taageeradooda iyo waxtarkooda.
Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Sh. C/risaq Cilmi (Fagare) oo u hambalyeeyey
walaalihii soo ciiday uguna duceeyey inay sannadka sannadkiisa ku ciidaan farxad
iyo bogaadin, wuxuu kaloo shiikhu aad iyo aad ugu duceeyey dalkeenni Somaliya
isagoo ilaahay ka baryay walaalihii joogayna ka codsaday inay ilaahay u
waydiiyaan inuu colaadda iyo abaarta ka dulqaado uguna baddalo nabad iyo
baraare. Waxaa kaloo duco aad iyo aad u qurxoon una dheer ka jeediyey Oday
Mox’ed Nuur Cabdulle oo dalkii iyo dadkiiba gaarsiiyey ducadaas.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Sh. C/risaq Macallin Abshir (Sancani) oo isagu
khudbad aad iyo aad u qiimo badan meelo farabadanna taabanaysay halkaa ka soo
jeediyey. Sh. Sancaani oo ku dheeraaday khudbadiisa ayaa in badan muslimiinta ku
boorriyey inay caqiidadooda iyo diintooda ku dhagganaadaan, aysanna la falgalin
kuna milmin dadyowga diimaha iyo dhaqamada kale haysta oo lagu dhex nool yahay.
Shiikhu wuxuu musliminta ku baraarujiyey inay maraakizta diinta iyo masaajiddada
ku xirnaadaan arrimaha diintoodana aad uga walwalaan. Shiikhu wuxuu kaloo aad
ugu duceeyey muslimiinta ku dhibaataysan daafaha arlada guud ahaan gaar ahaanna
ummadda Somaliyeed wuxuuna ilaahay uga baryay inuu hoggaankeeda u dhiiba cidda
ugu habboon.
Ugu dambayntii waxaan dhammaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan Somalida ugu
hambalyaynaynaa farxadda ciidda annagoo sidoo kale Allaah u waydiinayna inuu
badbaadiyo dalka nabad waartana ku soo dabbaalo abaartana si dhaqsa leh uga
qaado. Aamiin Aamiin Aamiin.
Maamulka Dar-ul-Hijra Islamic Centre - Toronto
www.darulhijra.org
info@darulhijra.org
Sidee looga ciidey xeryaha qaxootiga ee Kakuma
Sawirada Ciida Kaakuma halkan ka daawo...
ASCWB.
Ugu horrayn ciid mubaarak.
Xeryaha qaxootiga Kakuma (Kakuma one, Kakuma two, Kakuma three iyo Kakuma four)
ay degen yihiin bulshooyin kala sinji iyo dhalasho duwan ayaa muslimiinta
halkaasi ku nool waxay maanta oo taariikhdu tahay 30/9/2008, u dabaal degayaan
ciidul-fidriga Islaamka.
Ummadaha halkaasi ku nool oo salaadda ciidda ku kala tukadey goobo aad u kala
fog, waxaa noo suura gashay in aan hal goob oo ka mid ah goobahaasi aan kala
qayb-galno tukashada salaadda ciidda barakaysan ee sannadka Islaamka ee 1429
Hijra.
Muslimiinta halkaasi isugu soo baxday ayaa waxay isla dhex marayeen hanbalyo iyo
bogaadin, iyada oo aad moodaysid in qof kasta afkiisa ay ka soo horrayo erayga
ah "Ciid Mubaarak" . Wajiyadoodana waxaa ka muuqanayey suruur iyo farxad.
Waxaana dhegahayaga buuxiyey takbiirta ay caanka ku yihiin salaadaha ciiddaha.
Carruuraha, dhallinyarada, dumarka iyo ragga ayaa dhammaantood soo xirtay
dharkii ugu bilicda iyo cusaybka badnaa ee ay haysteen, taas oo goobta salaadda
iyo faras magaalahaba ka dhigtay goob aad iyo aad u qurxoon.
Bulshada Soomaalida oo iyadu ka mid ahayd ummadihii halkaasi isugu soo baxay,
isla markaana ah dadka ugu badan ee goobtaasi joogay ayaa tibaaxayey ereyo
farxad iyo is-jeclaan ku dheehan; haseyeeshee qaar ka mid ah iyaga oo aan wax ka
waydiinay arrimaha ciidda ayaa tibaaxay in ay jeclaan lahaayeen in ay maanta ku
ciidayaan dhulkoodii hooyo oo nabad ah.
WABILLAAHI TAWFIIQ
C/fitaax Maxamed Jaamac (Atta)
Email: atta98@hotmail.com
Sidee ayaa looga Ciiday Magaalada Leicester
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana waxey
korkiisa ahaatay Rasuulkeenii Muxamed ahaa. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha
sharafta iyo qaayaha lahow iga gudooma Hamabalyada Ciidul Fitriga meel walboo
aad ka joogtaan Dunida.
Leicester oo ah magaalo ka tirsan magaalooyinka ku yaala East Midland Uk, ahna
magaalo ay degan yihiin Mujtamac aad iyo aad u ballaran oo Muslimiin ah,
kuwaasoo ka kala yimid waddamada India ( Gujarat ), Pakistan, Bangaladesh,
Zensibar, iyo Soomaali. Tirada dadka Muslimiinta ah ee ku nool Leicester waxaa
lagu qiyaasa illaa iyo Konton kun oo qofood.
Haddaba maalintii ciida aheeyd ee maanta, ayaa waxaa magaalada looga ciiday si
aad iyo aad u weyn, iyadoo ay aad u camirnaayeen dhammaan masaajidyada magaalada
kuwaaso aad iyo aad u tiro baddan, qaarkoodna ay ku tukadeen Beerta weyn ee
Spinney Hill Park. Waxaa kaloo magaalada Leicester ay uga duwan tahay
magaalooyinka kale ee ingiriiska, iyadoo uu Council ku uu calamada islaamka iyo
nalalka ciida ku sharaxo xaafadaha ay Muslimiinta ku baddan yihiin, taasoo
runtii soo jiidata indhaha dadka muslimiinta ah ee soo booqda magaalada
Leicester, iyadoo ay dadka qaar ayba moodaan in ay joogaan waddan ka mid ah
waddamada muslimiinta, halkaasoo ay kuwada qoran yihiin boorar lagu tarjumay
luqado baddan, oo ay ku qoran yihiin Ciid Mubaarak.
Soomaalida ku nool magaalada Leicester ayaa iyaguna maanta si aad iyo aad ah u
camiray saddexda masaajid ee ay soomaalidu ku leeyihiin magaalada Leicester: - {
Huda, Quba iyo Kowtharba }. Kadib salaaddii Ciida ayaa waxaa aad iyo aad u
camiray waddooyinka xaafadda soomaalidu ay ku baddan yihiin ee
St. Matthews, Soomaali fara baddan oo iyagu halkas si raxan raxan ah isugu
hambalyeeynayey, munaasibadda Ciidul Fitriga, iyagoo halkaas ay ku dhamaayeen
waayeel, carruur, rag iyo dumarba, wiilal iyo gabdhoba. Xaafadda St. matthews,
ayaa waxaa aad iyo aad ay u camireen soomaalidu dhammaan goobihii ganacsiga ee
Soomaalida iyo weliba goobihii kale ay lahaayeen dadka muslimiinta ahba.
Waxaa kaloo munaasibaddii maanta bar bar socotay xaflado iyo barnaamijyo ay soo
diyaariyeen komuunitiyada Soomaalida ee Leicester.
Guud ahaan magalada Leicester waxaa maanta looga ciiday si aad iyo aad u weyn
taasoo waayahan ku reebaysa xusuuta dadka muslimiinta mid ay waayahan ka
sheekeeyaan.
Waxaan mar labada fursaddan uga faa’ideysanyaa anigoo u hambalyeeynayaa dhammaan
ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba, haddey noqoto Qurbaha ama
waddanka gudihiisaba, waxaana leeyahay ku Ciid Mubaarak, Ciidaan, ciideeda
Allaha inagu gaarsiiyo caafimaad qab, Cibaado san iyo weliba kuwii ka shaqeeya
sidi aynu dalkeena u badbaadin laheyn, oo aynu gacmaha isu qabsan laheyn.
Qalinkii
Cabdixakiim Jaamac jooje
saicentadv@yahoo.com
Gedo Oo Dadku Ay Maanta Kala Ciideen
Inkastoo xiriiro aan la sameeyay qaar kamid ah culumaa'udiinka Ehlu-sunna
waljameeca ay ii xaqiijiyeen in maanta ay u tahay maalin soon ,oo aysan ciidi
doonan guud ahaan gobolka ayaa waxaa kumanaan dadweyne ah ay salaada ciida ku
tukadeen garoonka k/cagta ee degmadan baardheere.
Waxaa saakay Fagaraha weyn Ee Garoonka Kubada Cagta Ee mgaalada Baardheere i
sugu soo baxay kumanaan Qof oo doonayay in ay ku Tukadaan Salaada Ciida ayadoo
la Arki karayay Farxada ka Muuqaneysa dadkaasi.
Garoonka Kubada Cagta ayaa waxaa soo buuxiyay Dadweyne aad u farabadan oo ay ka
mid ahaayeen haween, Carruur ,dhalinyaro iyo dad da'ah.
Dadka ayaa isugu hambalyaynayay KULU CAAM WA’ANTUM BIKHEYR, waxaana dadkaasi ay
isku salaamayeen gacmaha ,iyaga oo ay faxcad ka muuqato.
Hase ahatee dad farabadan ayaan manta aana ciidin waxaana ciid iska daaye ay
gaajo ku dubaynaa guryahooda. dadkaasi ayaa ah kuwo horay uga soo cararay
dagaalad iyo abaaraha ku dhuftay gobolada dalka.
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO,Somalia
Sidii looga ciidey Minneapolis, USA...
Masjidka Abubakar Sadiiq ayaa Hogaan ka iyo majaraha u haya muslimiintaku
nool Gobal ka Minnesota
Maantay waa maalin ciida waana maalin ay muslimiinta caalam ku faraxsan nyihiin
Allahu Akbar Allahu Akbar Lilaahi Hamdu
Waa Takbiir waa shacuur aad u saraysa Culumo Hooyooyin Aaabayaal Dhalinyarao
Madax intaba waa Tuuran yihiin
Dad kuna wa agarbo siman dhar
qurux badan ayey xiran yihiin waa faraxsan yihiin waxay u eg yihiin dad danbi
dhaaf Rajaynaya
Waxaa Safka hore Fadhiya Culumada Gobal kaan Minnesota allah ha xiftiyee Sh
Abdirahman Shiikh Cumar Imaam ka Masjidka Abubakar
iyo Shiikh Waliid Idiris imaan ka masjida Alhudaa iyo Shiikh Faaruq waxaa
MUslimiinta si farxad leh u soo dhaweeyey Sh Abdirashid Hassan Aabi oo ku
hadlaya masjidka Abubakar oo ah maasjidka majaraha u haya muslimiinta gobal kaan
Ciida iyo Mutamarada Diinigaa .
Khudbadii Ciida ayuu Sh Abdirahman kaga hadlay Khayr ka in aan lagu khatimin
Shar iyo macsiyo waxuu sheekhu ku cel celiyey in L:aga Fogaado Xumaanta si danbi
dhaaf loo helo soon kiina uu noqdo mid mirihiisi ay dhaleen Goobaha baanaan kaa
ayaa waxaa yaalay Boorar dhaadheer oo ay ku qoran yihiin Barack Obama u Codee
waxaa kaloo banaan ka dad ku ku xoon sanaayeen Senator Keith Illison oo ka mid
ah Golaha Congress ka Ah Nin Muslim ah oo Salaaddaha Ciida iyo Mutamarada ka soo
qayb gala Senator ka ayaa ah Qof kii ugu horeeyey oo
MUslim ah oo Aqal ka Cad ee looga
talaiyo maraykan ka ah qayb islam markaana lagu dhaariyey kitaab ka jaamacaa ka
dibna loo ogolaaday Qol uu ku tokodo salaadda waxaana laga doortay Magalada
Minneapolis Mr Keith iyo Shiekh Abdirashid Hassan Aabi ayaa waraysi yar ka
qaaday Sh Abdirashid Ayaa su,aashii ugu horaysay ee aan waydiiyo ahayd maantay
oo ah maalin weyn waxa uu jecel yahay in uu Muslimiinta Gobal kaan MInnesota u
soo jeedinayo maadaama uu yahay Xubin ka mida maamulka Masjidka Abubakar
saddexdii snao oo ugu danbaysayna masaajid ku ee majaraha u haya ciidaha iyo
Mutamarada gobal kaan ? Sh Abdirashid waxuu ku jawaabay Dhammaan Musliinta
Caalam ka Danbi dhaaf ayaan allah u weydiinaynaa Gaar ahaan Reer Minnesota Ciid
wanaagsan ayaan leeyahay khayr ka in ay sii wadaana wana ku dhiira galinaynaa ?
Su,aashii labaad ayaa saan u dhacday Meeshaan Convention Center waa meel weyn
hadana qurux badan soo qaalina ah
Marka Lacagtaan yaa idin ka
caawiya ? Walaal Musliimta ayaa bixiya rere minnesota
(3) Maalmahan waxaa soo
badanaya dhalin yarada dil kooda marka ka maamul ahaan maxada u soo jeedin
lahaydeen ? Walaal Inaalilaahi Wa inaa ilayhi raajacuun waa wax laga naxo oo
muruga leh waana wax in wax laga qabto u baahan insha allah maamul ku waxbuu ka
qaban doonaa Tarbiyada iyo dhaqan celinta dhalinteena aanu jecel nahay
(4) Somalida meel kasta oo ay Joogaan maxaad u soo jeedinaysaa Sh Abdirashid ?
Walaal walaalahayga Somaliyeed waxaan leeyahay
Midnimada hala ogaado Culumadana hala jeclaado Waxaan leeyahay Tahniyada Ayuu
hawada idin soo marinayaa Maamul ka Masjidka Abubakar Sadiiq ee Gobal kaan
Minnesota Danbi dhaaf ayaan kuligeen allah ka rajaynaynaa waxaana somalida ku
adkaynayaa Midnimada
Umaddu waa muqadas taas ayaana hor mar lagu gaara kala taguna waa lagu jabaa
meelna laguma gaaro in kastoo Videdo naga Xumaaday
Haddana qayb ka mida waraysiga Sh Abdirashid waa kan
Senator Keith Ayaa asna halbayo u diray dhammana muslimiinta dal ka maraykan ka
iyo kuwa ku nool Caalam ka kale
Mr Keith waa nin dhalin yaraa oo fur furan lagama waayo Goobaha Mutamar ka
iyo Salaaddaha Ciida Somalida Waalidiinta ayuu ku guubaabiyey walaalayala
walaalahy muslimiina ayaad tihiin ha is laynina wadan kiinii xabad ayaa idin ka
soo saartay waan ka murugaysanahay dhalin yaradeena is laynaysa waarid ku asaga
ayaa ka masuula gurigiisa taas waa sharci diini ah ilmihiina la socda dhaq
dhaqaaqooda iyo saaxiibadooda mudlimiintu waa in ay ka shaqeeyaan midnimada
Maantay waa maalin weyne Ciida
Carruur iyo waayeel iyo dhalin yaro maantay waxay ahayd maalin aad u farxad
badan wadooyin Soogala Convention ka ayaa la xiray Muslimiintuna waxay lahaayeen
Waar diye adag Takbiirta ayaana ahayd mid meel kasta lagu qaadayo
Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon Minnesota
Sidee Looga Ciiday Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Wadanka
Soomaaliya.
Sept 30, 2008: Ciidan oo si weyn Uga duwan Ciidihii Hore ayaa
waxaa magaalada Muqdisho ka Ciiday dadweyne fara badan kuwaasoo
salaada Ciida Kusoo Gutay Masaajidada ku yaala xaafadaha
dhexdooda islamarkaana aysan Jirin haba yaraatee xarumo waaweyn
oo ay dadku ku Kulmaan sida barxadihii Hore Looga bartay inay
dadweynaha Reer Muqdisho Salaada Ciida Ku Tukadaan sida Studyow
Muqdisho Iyo masaajidka isbaahaysiga islaamka oo Qaarkood
fariisimo U ah Ciidamada dalka Ethiopia halka qaarkii kalena ay
Ka Ag dhow yihiin Ciidamada Dowlada FKMG ah oo Noqday Goobo
Haawanaya oo Cidla ah .
Boqolaal dadweyne ah iyo caruurtooda oo Ciidaya ayaa lagu dhex
arkayaa deegaanada Loo barakacay ee gudaha magaalada Muqdisho
iyo Duleedkeeda halkasoo ay dadka qaarkoodna ay la degtay Duruuf
dhaqaalo xumo iyo Colaado isbiirsaday kuwaasoo aysan Jirin wax
farxada oo Iyaga caruutooda ka Muuqanaya marka laga reebo
Gudashada salaada Ciida oo lawada tukaday .
Sidoo kale dadka reer Muqdisho oo ay Mudooyinkii Ugu dambeeyey
ay ragaadiyeen xaalado adag oo colaado iyo Abaaro ah ayaa
badankoodu la tiicayaan dhaqaalo xumo ay u waayeen inay ka
farxiyaan caruurtooda halka ay qaarkoodna caruurta Oo Ciidaya
aysan La damaashaadi Karin iyagoo cabsi ka qaba in iyagoo
caruurtooda gacanta haysta uu qarax ama dagaal dhaco islamrkaana
ay isku waayaan iyaga iyo caruutoodu .
 Si Kastaba ha
ahaatee Ciida Soonfureed ayaa maanta si habsami ah Uga dhacday
magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyadoo aysan Jirin khilaaf ka
dhex Muuqanaya Ciidan islamrkaana looga wada tukaday Masaajidada
ku yaala Muqdisho si isku Mid ah
Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Sidee Looga Ciiday Maanta Magaalooyinka Maamul Goboleedka
PuntLand
Sida uu soo werinayo weriye ku sugan Magaalada Qardho ee
maamulka soomaaliyeed ee puntland Cumar M Cumar Dheere ayaa
sheegaya in badanaaba maanta laga Ciiday magaalooyinka maamulka
soomaaliyeed ee Puntland Gaar ahaan Qardho.
Magaaladda Qardho oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee maamulka
Puntland ayaa saaka Laysugu soo baxay Fagaaraha weyn ee Buundada
Beeyada ee garoonka Kubada cagta ee Xorgoble
Halkaasoo tukashadda Salaada ciidul fidriga ay isugu Yimaadeen
Boqolaal dadweyne ah Oo u farabadan oo isugu Hambalyeynayey
Muunaasabada Ciidul Fidriga awgeed .
Sidoo Kale kuwaaso ku kala tukaday Masalayaasha waawayn ee
magaaalada Qardho sida Barxada way nee buunda, Beenyada iyo
garoonkaKubada cagta ee Xorgoble Tukashada Salaada ciida ayaa
waxa shacbiga kala qayb galay Wasiir ku xigenka qorshaynta iyo
xiriirka caalamiga, Duqa Degmada Qardho Cisman Bux Cali
G/xigeenka G/karkaar Faarax Gardheere iyo Culumaaudiinka Gobalka
Waxaana halkaa khudbad ka soo jeediyay Sheikh Daahir Aw Cabdi
sheekhu wuxuu aad uga hadlay Munaasabada ay Ciidul Fidrigu u
leedahay shucuubta islaamka meel kasta oo ay Ku sugan Yihiin
islamrkaana ay soo guteen Waajibaakoodii dii niga ahaa ee
saarnaa
Dhinaca kale Sheekha ayaa ka hadlay dhibaatoyinka ka taagan guud
ahaan gobolada puntland gaar ahaan arimaha burcada isagoo
sheegay in ay haboon tahay in loo noqdo kitaabka quraanka
kariimka, umadanana looga baahan yahay inay dawlad Goboleedka La
shaqeeyaan si looga baxo dhibaatooyinka In kastoo aysan maanta u
dhamayn ciida Soon Fureed bulshada Ku dhaqan Magaalada qardho Oo
laga dareemayo kuwo Diidan Ciida islamrkaana ku Adkaysanaya inay
maalin soonqaad tahay .
Waxaa Soo Tebiyey Cumar Maxamuud Cumar dheere oo Qardho Jooga.
Cumar M Cumar Dhere
Qardho Somali
ayaanle6@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2008
|