Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Nin
aan geeridiis maqlay baa ku heesi jiray:
-
Miyaan Aadan kuba dhalin?
-
Xaawo naaska kuu dhigin?
-
Dhabta hooyo kugu qaban?!
Samsam Axmed Ducaale |
War
miyuusan madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hablo iyo ubad lahayn? Sidee
waxa laga sheegayo inanta Samsam u dhaceen? Runtii 17 jir maanta jooga
waxaa la oran karaa waa ilmo yar, waqtiga oo is bedelay owgiis. Kama
wado qaangaar maaha ilayn wixii Ilaah saaray waa laga rabaaye.
Sanadihii dambe ee siddeetameeyadii ayaa waxaa Xamar ka dhacay arrin soo
shaacbaxday oo ku saabsanayd kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed oo
dhiganaysay Jaamacadda Lafoole. Kufsigaas waxaa geystay dhallinyaro
Soomaaliyeed oo midkood Jaamacadda Lafoole dhiganayey. Nimanka wax
kufsaday waxaa lagu tuhmayey inay kasoo jeedaan dad la islahaa waxay ku
tiirsanyihiin awood, hantina lahaa sida madaxweyne-ku-xigeenka
Somaliland loogu tuhmayo awood. Maxaa dhacay? Ma gabadhii baa la xiray?
Reerihii wiilashu ka dhasheen waxay sameeyeen wixii laga filayey dad
khalad ka dhacay. Waxaa la sheegaa in gabadhii iyo reerkoodii loo
balanqaaday in loo sameeyo wax kasta oo ay ku qancayaan laakiin ay
arrinta qariyaan oo aysan booliis iyo maxkamad midna gaarsiin. Reerihii
wiilashu ka dhasheen waxay dareemeen in arrintu tahay foolxumo ka mid ah
foolxumooyinka ugu daran dhaqanka Soomaaliyeed sidaas darteed waxay geed
dheer iyo mid gaaban u fuuleen inay raaligeliyaan reerkii gabadhu ka
dhalatay, hanti kasta haku kacdee. Waxaan filayaa in arrintu sidaas ku
dhammaatay.
Gabadha yari ma Wadkeed bay u socotay mise
Waalidkeed (Abtigeed)?
Raalli ha ahaadeen dadka u arka in dhimashadu dhaanto dhibaatooyinka
qaarkood. Warbixinnadii ugu dambeeyey ee Samsam laga qoro waxay sheegeen
in abtigeed uu Hargeysa joogo sidoo kalana ay inantu u socotay inay ka
sii aaddo Itoobiya sababo la xiriira arrimo iyada u khaas ah. Binu
Aadamku waxay xaq isagu leeyihiin inay ixtiraamaan dadka ay waalidkood
macruufka yihiin ama ay isla shaqeeyaan sidoo kalana ay ayaguna
ixtiraamaan waaliddiintaas dadkooda. Waxaa akhbaar saxiix ah ku soo
aroortay in maalin C/hi Binu Cumar (RC) oo dameer ku jooga isagoo safar
ahaa uu ku soo baxay nin reer baadiye ah oo ay aabbihiis Cumar (RC) is
yaqaaneen dabadeedna uu C/hi (RC) ninkii reer baadiyaha ahaa siiyey
cimaamaddiisii uu qorraxda iskaga celinayey. Dadkii C/hi (RC) la socday
baa ku yiri maxaad ninkaas reer baadiyaha ah u siisay cimaamad uusan u
baahnayn oo aad adigu u baahantahay? Wuxuu sheegay in la waanaajiyo
waalidkaa dadkey isyaqaaneen.
Miyaan Samsam abtigeed lagu sheegin nin ku jira golaha wasaaradaha
Somaliland? Hadday arrintu sidaas tahay miyaan madaxweyne ku-xigeenka
iyo wasiirkaasi isku xisbi ahayn? Sidaas bay u badantahay. Miyaan
wasiirku xaq u lahayn in gabadha ku soo degtay guriga madaxweyne
ku-xigeenka lagu soo simo? Haddii gabadhii madaxda dowladda u socotay
saas loo galay bal ka warrama mid kale oo u socota mucaaradka ay isku
meel ka soo jeedaan Samsam abtigeed? Mise mucaaradba kama joogo
Somaliland?
Ficilka noocaas ahi waa mid dhif iyo naadir ku ah dhaqanka Soomaaliyeed;
waxaana dhici karta in taariikhda Soomaaliyeed laga waayo mid u
dhiganta. Khaliif Siikh Maxamuud wuxuu Ismaaciil Cali Abokor ku
eedeynayey in la dilay wadaad sheekha oo marti u ahaa,
waa dilkii
wadaaddadii ee Kacaanku geystay. Khaliif wuxuu labo meeris ku yiri:
-
Ismaaciil wadaadkii martiyey magangelyeyn waaye
-
Muskaa lagala baxay Xaajiguu keenay Mowlaca’e.
Nin yaqaanay Kacaankii marna Khaliif arrintaas uguma garaabi karo weliba
markay Towraddu carcarteeda qabtay. Bal suuraysto Kacaankii oo jooga
1975! Yaa usoo banbixi kara? Waxaa jirta in mar uu Kacaankii debcay uu
Axmed Suleymaan Cabdalla (Ina Dafle) uu badbaadiyey nin kasoo badbaaday
xasuuqii Jasiira. Arrintaas darteed dadka badankiisu waxay indhaha ka
laabtaan Ina Dafle maaddaama uu ku dhiirraday inaan ninkaas gurigiisa
lagala bixin. Sidee noqonaysaa sumcadda madaxweyne ku-xigeenka marba
haddii gabar musaafur ah oo intaas le’eg gurigiisa lagala baxay?
Dhallaan dheddig ah
Dhaqanka Soomaalidu wuxuu leeyahay: hala tirsan/ hala doodin haween gar
iyo gardarraba. Haddaad ka gardarantahayna qiro oo xaqeeda sii; hadday
kaa gardarantahayna hala tirsan oo iska cafi ama si ehelkeeda xaqaaga ka
raadso. Hal mar ood ku afceliso ayaa keeni karta in xaqaagii meesha ka
baxo oo adiga daalac laguu sii raacdo. Dad baa u qaba in dumarka la
liidayo! Arrintu saas maaha ee waa sharaf dheeraad ah oo la siiyey
hooyada iyo dadka la jinsiga ah. Miyaan Hadraawi oran:
-
Hooyaa ka dhalatoo naaskii habreed baa iga hiilinaayee?!
Dumarkoo dhami waxay ku daaqayaan madaxa hooyada! Berigii Talyaanigu
Koonfurta Soomaaliya ka talin jiray baa maalin nin Talyaani ahaa wuxuu
shiriyey odayo-dhaqameedka Mudug dabadeedna ka dalbay inay u keenaan
haween u heesa oo ay la baashaalaan! Inta odayadii is dhugteen bay
dhaheen war maxaan samaynaa? Oday xakiim ahaa baa yiri aniga arrinta ii
daaya oo ninkaas gaalka ah berri aan la kulanno. Ninkii Talyaaniga ahaa
waxay ku dhaheen berri baad naga war helaysaa. Odayo-dhaqameedkii waxay
odaygii weydiiyeen qorshaha uu hayo? Odaygii wuxuu yiri: berri Allaha na
gaarsiiyo. Odayadii baa subixii dambe usoo shiray ninkii Talyaaniga ahaa
ee Gaalkacyo xukumay; waxaana hadalkii qaatay odaygii xakiimka ahaa;
wuxuu yiri: Talyaani dumarkii oo dhan baan soo indha-indheeyey waxayna
noqdeen mid na dhashay (hooyo, habaryar, eeddo, iwm.), mid aan dhalnay (gabadhayo,
mid aan waalid kale u nahay), mid noo dhaxda (xaasas) iyo mid nala
dhalatay (walaal, ina adeer, ina-abti iyo ina-eeddo); mana jiro nin raba
inuu dadka noocaas ah adiga kuu keeno marka naga raali ahoow.
Sheekadaasi halkaas bay ku xirantay. Muxuu madaxweyne ku-xigeenku
gabadhaas yartaa cadowga ugu loogay? Hal-abuurkii Somaliland soow ma
oran:
-
Marti waa la sooraa
-
Magan waa la bixiyaa
Abwaanku ma oran: marti waa la bixiyaa! Maxaa yeelay marti dil la dilo
ama la xumeeyo iska daaye waxay xaq kuugu leedahay inaad u loogto ood
siito waxaad naftaada iyo ehlkaaga u quuri weyday. Bal ka warran gabar
yar oo marti ku ahayd guri madaxweyne ku-xigeen sida loo sooray?!
Magantu waxay noqon kartaa mid adiga cadow kuu ahayd oo kuu soo hoos
gashay ama mid cadow kale ka soo carartay oo la rabo inaad badbaadiso
qiime kasta hakuugu kacdee.
Qaababka Kufsiga
Kufsiga Soomaaliya ka dhici jiray wuxuu u jiri karaa noocyo badan
laakiin bal aan seddex nooc ka soo qaadanno.
-
Mid dahsoon ama dadban. Waa midkii ka dhici jiray magaalooyinka
Soomaaliyeed oo badanaa dad madax ah ama hanti leh loo soo shirqooli
jiray gabdho ugub ah iyadoo loo sii marayo dumar kale ama gaashaan,
hanti ama been kale. Marka midka noocaas ah waxaa laga yaabaa in
qoftaas dumarka ahi si aysan raali ku ahayn ku qanacdo ama la
sasabto. Intiisa badan lama ogaan karin, marka wax weyn bulshada
kuma lahayn.
-
Kii dagaalkii sokeeye ee ugu dambeeyey keenay. Marka loo eego siduu
u badnaa isagoo kale horay looma arag. Lama fahmi karo wax ka
dambeeyey in dumar intaas le’eg la faro-xumeeyo iyagoo dumarka
qaarkood ahaayeen kuwo aad u da’ weynaa oo aysan suurtogal ahayn in
xitaa nin geed ku xirnaan jiray uu kufsi ugu hawoodo. Haweenkii
masaakiinta ahaa ee Xamar, Marka, Baraawe, Baydhabo iyo meelo kale
lagu kufsaday waa la eeday oo wataas ilaa maantadaan uu waddankii
degi la’yahay.
-
Tan seddexaad waxay ahayd tii ay askartii Soomaaliyeed kula
kicijireen haweenkii gobolladii uu Kacaanku weeraray sida kuwii
dhexe, Waqooyiga Soomaaliya iyo meelo kale. Waa askar jaahiliin u
badane, waxaa loogu sheekeeyey “reer hebel, dumarkooda iyo
xoolahoodu waa idiin xalaal”. Arrintaasi waxay keentay in askar
“Cali hebel” ahi ay helaan fursad ay wax ku halaagaan. Marka
majaajileystayaashu ay arrintaas ka warramayaan waxay sheegaan in
mar askari ka yimid Koonfurta Soomaaliya uu rabay inuu kufsado
haweenay xambaarsanayn ilmo yar; in inta ilmihii ka qaaday oo dhinac
u tuuray uu hooyadii dhulka dhigtay dabadeedna kufsaday. Waxay
sheegaan in ilmihii yaraa uu aad u ooyey dabadeedna askarigii oo
hooyadii saaran yiri: hobbar yare naga aamus isagoo ka wada:
mahbaryahow yari naga aamus!
Askartaas oo ka duulayey fikradaas aan soo sheegnay iyo iyagoo intooda
badan uga soo tagay xaasaskoodii gobolkey ku dhasheen. Maxaa waday
askarta Somaliland ee Samsam kufsatay? Ma “hobbar” yarihii baa
Majeerteen yaray lagu bedelay?
Madaxweyne ku-xigeenku ma Cigaal-shiidaad baa?
Oo Samsam ma kurtunkii Cigaal-shiidaad ka diday bay noqotay? Sidee ku
keeneen in gabar intaas le’eg la yiraahdo waxay u socotay inay
khaarajiso madaxweyne ku-xigeenka? Xataa ma ahan dhaqan ragga
Soomaaliyeed leeyahay. Mise madaxweyne ku-xigeenka laftiisu waxuu u
shaqayn jiray NSS-tii waa isaga ka hadlaya shirqool iyo waxaan loo
joogine? Miyaan ciidan gaaraya kun askari oo Bari ka yimid joogi jirin
Ceel Afweyn? Imisa nin oo Puntland ka soo jeedda baa Somaliland jooga?
Ma inantaas yar baa ku habboonaatay inay mas’uulkaas khaarajiso?
Inamaha intaas le’eg iska daa kufsiye xitaa haddii xilo ahaan loo heysto
waxay u baahanyihiin xannaaneyn dheeraad ah maxaa yeelay weli waa
yaryihiin. Muxuu Fiigtin ka yiri gabar yar oo xaggooda laga guursaday oo
qolyo ka sheegteen? Wuxuu qolyihii kale ku yiri:
Gabadhaas ilmaha la filka ah ee magaalooyinka Soomaaliya ama adduunka
kalaba jooga waxay u badanyihiin arday weli iskuul dhigta. Sooryo
xumayntii waxaad ugu darteen kufsi dabadeedna been-abuur (inay u socotay
inay disho mas’uulkaas) dabadeedna xabsi. Askartii kacaanku kuma
beenabuuran jirin haweenkey kufsadaan sidoo kalana ma xiran jirin.
Keliya waxay u arkayeen in raggii dhalay ay kacaan-diid ahaayeen marka
hadday dumarkaas kufsadaan aan loo qaban doonin.
Arrinta gabadhaas, sheeko iyo shaahidba tusaale u waayey. Waxaad mooddaa
in haweentii xirtay
Nabi Yuusuf (CS) ay ka macquulsanayd madaxda
Somaliland. Maxaa yeelay haweentaasi inta dumarkii shirisay bay ku tiri:
anaa doontay Yuusuf isna xumaan diid laakiin hadduusan i maqlin waxaa
yaqaan xabsi; weyna ka dhabaysay. Halka askartii Somaliland inta
kufsadeen ay been-abuur la yimaadeen; waana dhaqan aan horay loo arag.
Ugu dambeyntii haweentii Nabi Yuusuf xirtay waxay dambigii ka horqiratay
boqorka hortiisa. Goormaa madaxweye ku-xigeenka iyo askartii falkaas
geystay qiran doonaan?
Fiicnaan lahaydaa haddii markii gabadhaas la faraxumeey la iska sii deyn
lahaa! Arrintu heerkan ma gaarteen waxaana dhici kartay inaan arrinta
dad badani ogaadeen laakiin markii been-abuur iyo xabsi yimid oo weliba
dowladdii dhamayd arrintaas wax ka qaban weyday in arrintii cirka isku
shareerto oo lawada ogaado hadhowna saameyn weyn ku yeelato Soomaaliya
oo dhan.
Kii Dhaqaaqaba Dhegta
soo Qabo
Qofkii shaxda wax ka yaqaan wuxuu garanayaa marka irmaantu (kataan) kuu
furantahay oo aad mar kasta in seddex iyo toban u dhacdid aad dhagxaanta/ashyaada
qof kale aad midba mar la kacdid. Maamulka Somaliland waxaa lagu
eedeeyaa inay doorashadii musuqmaasuqeen. Mar ay seddex iyo taban kale u
dhaceen waxay la kaceen boqor Buur-madoow; tii ku xigtay Samsam; seddex
iyo tobankii u dambeeyeyna waxay salfatay qareemadii Samsam oo dhowr ah!
Dhaca dambe ma Raaqiya C/hi Oomaar baa ku xigta mise Rooble Maykal
Maryama?
Waxay
i xasuusisay kaftan laga sheego nin qaxooti ahaan Ingiriiska iska
dhiibay. Markuu dacwadda qoranayey ayuu wuxuu dilay ehelkiisii oo dhan
marka laga reebo hooyadiis iyo aabbihiis dabadeed turjumaankii baa ku
yiri: war dadka kala reeb. Ninkii sidii wax kale looga filayey buu
turjumaankii ku yiri haddaad hadalka sii waddid labadoodana waa dilayaa!
Waxaan uga danleeyahay haddaan maamulka Somaliland uusan birmageydo sida
boqor ama gabar aad u da’ yar uusan ka xishooneyn, yey marka xurmo u
hayaan?
Maxamed Siyaad ma Haweeney Falastiin ahayd
buu Badbaadshay Afduubkii Diyaaraddii Jarmalku lahaa ee Xamar la
Fariisiyey?
Waa tii diyaarad Jarmalku leeyahay ay afduubeen 4 qof oo Falastiin u
dhalatay 1977-dii. Waxaa la dilay seddex ka mid ah. Marka waxaa la
sheegaa in ay ku jirtay haweenay Falastiin u dhalatay oo ku dhaawacantay
markii kumaandooska Jarmalku dilayeen seddexdii kale. Waxaa la sheegaa
in Maxamed Siyaad u diiday inuu u dhiibo Jarmalkii oo yiri anaa xiraya
dabadeedna muddo ka dib la sii daayey. Hadday arrintu sidaas u dhacday
waxay muujinaysaa sida Soomaalidu u qaddariso dumarka weliba iyadoo
arrintaasi hadday jirto u keeni kartay madaxweynihii hore in la yiraahdo
waxaad hoosta gashatay argagixiso.
Maxaa gabadha yar Somaliland geeyey?
BILICDA
SOOMAALIYA |
Luuq
Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Soomaaliyeed, oo nayl yar dhabta kuwata
xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
|
|
Haldhaa
/ Goray
Waa haldhaa ama Goray dhex mushaaxaya dooga iyo Bilicda
Soomaaliya oo nabada. |
|
Si aad
waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku
duugan Guji
halkan |
|
Nin Carab ahaa oo dhallinyaraa oo ka arradnaa naxwaha ayaa la weydiiyey
meeshu ku maqnaa markaasuu yiri “shaqalatnaa ahluunaa”. Mid saaxiibkiis
ahaa oo la socday baa yiri waan aqaan meeshuu jumladdaas ka keenay oo ah
aayadda Qur’aanka ee ay ka mid tahay “shaqalatnaa amwaalunaa wa ahluunaa”!
Anigu waxaan isleeyahay Samsam waxaa xaday heesihii Soomaalidu qaadi
jirtay sidii midii Binti Cumar ku lahayd:
- Anigoo Balad Xaawo jooga muxuu Bari iiga yeeray
- Markaan Boosaaso gaaray muxuu Burco iiga heesay.
Samsam waxay moodday in Soomaaliya sidii hore tahay oo aad Berbera ama
Baydhabo aadi kartid adoon cidna ka baqayn. Sidii Binti jacaylka ka
sheegtay, haddii Ilaahay Samsam xabsiga ka soo saaro waxaan filayaa in
iyada iyo gabdhaha da’yartaa ee Soomaaliyeed aan laga maqli doonin aadid
Waqooyiga Soomaaliya.
Waxaan xasuustaa nin boolis ah oo darawal ahaa oo dhallaanku ku caayi
jiray garaacin. Haddii ilmo yar oo shan, lix ama toddobo jir ahi dhaho
garaacin, waxaad arkaysaa ninkaas booliiska ahaa oo ilmahaas caay tiro
badan u saaraya. Waxaa la ii sheegay sababta uu garaacin uga xanaaqayo
inay tahay: in mar uu makhaayad tagay uu garaacin maqlay dabadeedna
dalbaday dabadeedna adeegihii makhaayadu soo hordhigay calool iyo xaab.
Maalintaas laga bilaabo, ninkaasi wuu ka xanaaqi jiray magacaas. Malaga
yaabaa in Samsam rumaysato heesta ah:
Talo ku socoto Maamulka
Somaliland
Kollay ceeb aan la idiin ka horrayn baad sameyseene waxaa la rabaa inaad
raaligelin bixisaan, gabadhaas yarna soo deysaan dabadeedna sharciga la
horkeeno nimankii kufsaday. Gabadhaas waxay kaloo rabtaa magdhow iyo
daryeel caafimaad maxaa yeelay waxa gaaray waa wax weligeed la soconaya.
Xaqu mar kasta waa soo bixin lama qarin karo. Marka hadda runta
caddeeya. Haddii dimuqraaddinimo wax lagu doortay, arrintaas oo kale
waxay keeni lahayd in madaxda xukuumaddu iscasilaan.
Mahadcelin
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka dhiidhisay ficilkaas xun iyo
xaq-darrada gabadhaas yar lagula kacay. Waxaan aragnay akhyaar
Somaliland iyo Soomaalida kalaba leh ooy ku jiraan dad u dooda xuquuqda
Aadanaha sida Raaqiya Oomaar oo kale,
qareemo sida kuwii arrintaas loo xiray, qorayaal qaarkood caanyihiin oo
run iyo xaqiiqo sheeg lagu yaqaan iyagoon kala jeclayn waxa dadkoodu ka
yiraahdo, iyo dadweyne fara badan.
F.G.
Dhibaatada gaartay gabadhaas waxaa dhabarka u ridanaya madaxweyne
ku-xigeenka oo gurigiisa laga watay, taliyaha booliska, xeer ilaaliyaha
guud, guddoomiya maxkamadda, askarta faraxumeysay iyo guud ahaan
xukuumadda Somaliland laakiin marna dadweynaha caadigaa shuqul kuma laha.
Sidoo kale dhulka Somaliland ee aan maqaalka ku xusay dambi ma laha,
keliya maqaalkaan ku xardhayaa.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | November 27,
2004
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan