XAALADDA SAMSAM IYO DAMIIRKA SHACABKA
SOMALILAND.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Hargeysa::: | Isha Sawirka: Google
Blogger... |
Qofkii
booqda Hargeysa, wuxuu faras
magaalaha ku arkayaa taallo weyn oo ay dhinac-kasta kaga dhajisantahay
sawirro farshaxan ah oo markaad eegto ay tiiraanyo ku qabaneyso, waxaadna ka
fahmeysaa in raggii hindisahaas lahaa ay rabeen, sii kala fogaynta dadkii
halka wadan walaalaha ku wada’ahaa, iyo sidii utun colaadeed looga dhex
abuuri lahaa jiilasha dhalan doona, si ay waligoodba isu lacnadaan.
Waxaan shaki ku jirin in dagaaladii W/Galbeed
ay dowladdii hore ku kacday qaabab ka fog xuquuqda aadanaha, waxay kamid
tahay falalkii ugu foosha xumaa ee ay dowladdii hore ku dhaqaaqday, waana
dhacdo ay taariikhdu si daacad ah u xusi doonto, annagoo maanka ku hayna in ciddii dhibkaas geysatay uu ahaa maamul dhisnaa oo ay Soomaali oo dhami
kuwada jirtay, ayna kamid ahaayeen ragga hadaba haya jagooyinka ugu sareeya
"Somaliland".
Waxaas oo dhib ah hadday ku dhaceen
shacabka W/Galbeed oo ayna hadda abuurteen nabad-galyo iyo kala danbeyn,
waxay dad badani islahaayeen dhibtii ku dhacday casharka ugu horreeya ee ay
kaqaataan wuxuu noqonayaa, ilaalin xuquuqul-insaanka, dhawrista xorriyadda
qofka, iyo dhisdda garsoor cadaaladda ilaaliya. Taasi sidii la filayey
manoqotay? Bal aan eegno qisadii Samsam Yarey, kadibna aan dib ugu soo
laabanno su’aashan.
SAMSAM: HABOWGEEDI BAA HALAAG KA TUURAY.
Tilmaantii oo qaldantay iyo darawalkii
gaariga oo si khaldan wax u fahmay ayaa meesha ay maanta Samsam taallo
gaarsiisay. Inta ay Saxaafaddu ogaatay iyo wax kaloo ka sii xun, ayey Samsam
lugta lagashay. Qofkaad rabto ahoow oo, hadaad adigu maanta joogto halka ay
Samsam bidatay, maxaad ka sugi lahayd dadka aad isku dhiigga, isku diinta,
isku dhaqanka, isku haybta, iyo isku dadkaba tihiin? Samsamey hadaad ka
sugaysay iney ku tusaan gurgii kaa khaldamay, kumey toosinee xabsi bey ku
dhigeen. Markaad xabsiga gashay, hadaad islahayd Abtigaa oo ordaya ayaa
imandoona, oo isla-markiiba ku soo dayn, dammiinba Allaha ka dhigee, wuu kuu
soo gurmanayaa, inuu kusoo daayo iska dhaafee, isagii baa dhuuntay, oo aan
ilaa iyo hadda ku dhiiran inuu xitaa sheego inuu waaridkaa ahaa. Askarigaad
islahayd intuu damiirkiisa qabto ayuu kula carari-doonaa, isagii baaba ---sey
saxaafadu qortay--- ku kufsaday oo jirkaagii daahirka ah faraxu-meeyey.
Haday inta ilamadii kaa qubatay ood
filaysay iney odayaashii dhaqanka kuu soo gurmadaan. Madhicin taas, oo
mindhaa hawsha tolka ay u hayaan, mid ka baxsan ayey u arkeen. Hadaad
xijaabkaad xirneyd Madaxweyne ku xigeenkii baaseysatay oo uu yiri, bidcadan
aduunka ka qariya, oo markaad hadalkaas maqashay is tiri, malaha
Wahaabiyadii dartood laguu ciqaabay baa degdeg kuu soo gaari doona, taasina
ma dhicin oo, iyaguna caadadoodii ahayd, horta wax hala hubsado ayey
kujiraan. Hadaad is tiri xisbiyaddii mucaaradka ku ahaa "dowladda" ayaa ka
faa’iidaysan doona dhibka kusoo gaaray, taasi madhicin oo iyagana wali
ma’ogaan inaadba kamid tahay hawlaha ay utaaganyihin.
Samsamey, waxaa kuu gurmaday Saxaafaddii
Soomaalida, walow ay laftoodu mardanbe warkaaga heleen. Intaan ogahayna
Barta Somalitalk ayaa dadaal mug leh kuu gashay. Saxaafadda Somaliland-na
markii hore seeftey kabaqeen, goortiise warkaagu dunida oo dhan gaaray, bey
siyar oo xishood ku jiro wax kaaga qoreen, waxaase abaal kugu leh
Barta
Somaliland.org.
Yuusuf Garaad oo isna Taliyihii Booliska ka xaqiijiyey inaad
iyaga uxirantahay. Sidoo kale, waxaa gurmad iyo gargaarba kuu qabtay,
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadaha iyo Looyarro damiir leh, oo afar kamid ahi
ay dartaa jeel ugu jiraan hadeer oo aanba qalinka haysto.
Hargeysa waxaa jooga Culima waaweyn oo
xagga diinta magac ku leh, laakiin wali kama aysan hadli xaalkaaga. Waxaa
kaloo jira laba gole oo kala ah Barlamaan iyo Guurti. Xubnihii labadaas gole
iyo madaxdoodiiba wey aamusanyihiin. Waxaa kaloo jira laba xisbi oo mucaarad
ah, iyaguna warkaagaba masoo qaadin. Shacab tiro leh ayaa ku nool Hargeysa,
laakiin hal mudaaharaadna kuumay dhigin, Waxaa yaab ah intaasoo dhan maxaa
wada aamuusiiyey oo damiir-koodii kicin waayey.
Waxaa kuwaas oo dhan ka sii xun,
Puntlan-tii aad ka timid halmar bey dhaheen gabar baa naga maqan,
warkoodiina intaas buu ku damay, waana mid ay taariikhdu kula xisaabtami
doono.
Walaalleey Samsameey, waxaan sugayaa adoo
goordhaw banaanka jooga oo noo sharxa wixii xilka lahaa ee ay kugula-keceen
kuwii anshaxa xumaa ee dunida kaaqariyey. Waxa Samsam ku dhacay waxay
tilmaan u tahay in "hogaanka Somaliland" uusan garosho iyo horumar dhaamin kii
Dektaa-tooriyada.
Hannoo danbeyso in "Somaliland" ay ka go’eyso
Soomaaliya inteeda kale’e, bal haddaan wali isku dhaqan-nahay, oo aad
qadarineysaan sharafta haweenka, waxaa waajib idinku ah inaad degdeg usii
daysaan Samsam oo ah Gabadh 16-jir ah oo ardayad ka’ah Iskuul ku yaal
Boosaaso. Rabbow adaa Samsam u maciin ah.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | November 29,
2004
LINK:
http://www.somalitalk.com/editorial/zamzam.html
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|