SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Somali talk:hargaysa ma aha guwantinamo!

Qore: Dahir cumar abtidoon hassan1mhd@yahoo.com

 

Marka hore halkan waxan ka salamaya bahwaynta Somali talk,salan kadib waxan jeclahay inaan wax ka idhaahdo arinta samsam.

qoraalkaygani kalya wuxuu ku wajahanyahay maamuleyaasha website ka Somalitalk.com.waxana igu kalifay inaan qoraalkan diro markay si cadaan ah  Somali talk uga leexatay nidaamkii dhex dhexadka ahaa ey ku shaqayn jirtay.

Looyaradii Difaacayey Samsam oo Xabsiga Loo Taxaabay
Afar kamid ah Looyarradii Difaacayey Samsam Oo Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Guji... Nov 24

Somali talk maxay ahaan jirtay?

Marka hore waxaan jeclahay inaan dib ugu noqdo somailtalk waxay ahaan jirtay kagana duwanayd websites yada kale.

 

1=magaceeda wuxu ahaa sida hadaba yahay somailtalk kasoo ah mid soomaali oodhan udhexeeya, oon cid gooni ahi sheeganayan tasina waxay u sahashay inay umada somailyeed shacbiyad wayn ka hesho.

 

2=wararka waxay usoo gudbin jirtay si dhex dhexaad ah gobolkastana waxa ka socda si daacad ah ayay usoo gudbin jirtay.tasina waxay meesha ka saartay su,aalaha somalidu is waydiiyaan ee ah xagee laga leeyahay iyo ragu waa qolama .

 

3=waxay soo gudbin jirtay sida hadaba ay usoo gudbiyaan qoraalo diini ah oo aad xiiso uleh tasina waxay kordhisay shacbiyadooda.

 

Arinta samsam somalitalk siday uga qayb qaadatay?

Horta aniga iyo qofkasta oo soomaali ah ama muslim ah ama bani aami ah in qof bani aadmi ah la dulmiyo aad bay ugu adagtahay waxana ka sii daran marka la dulmiyo qof islaam ah una sii gee iyada oo gabadh ah.

Mar se haday arini dhacdo horta waxa la eegaa sababta ay u dhacday iyo waxa ka danbeeya iyo dhacdada sida loo sheegay intee run ah ,intaa ka dib waxa la gudo galaa sidii loo xalin lahaa.

Hadaba aniga oo mudo dheer ahaa akhristayaasha somalitalk waxa isoo jiidan jirtay sida indheer garadnimada ah ay wax usoo gudbin jirtay siiba qoraalada dadwaynaha waxay  daba dhigi jirtay afeef in aragtida uu iska leeyahay ninka soo qoray.waligayna ismaan waydiin qabiil ahaan Somali talk ciday raacsantahy waxana igaga filnaa Somali iyo mulimiin.

 

Manta se ninka ufiirsada qoralada ay soo diyaariso somalitalk maha kuwa dadwaynaha

Ee wakuwa ay iyadu soo diyaariso sida falada somalitlk ey kamid tahay faalada somalitalk ee bishan 5/nov /2004 waxa meel fog laga fahmi karaa cida mamusha ciday tahy iyo qabiilkooda.oo waxay u xuub siibteen inay umad dhan oo sama ka talis iyo qaar kaleba leh iska weeraraan.somaliland na u sawiraan sida xabsiga kuuba ku yaala ee guwantinaamo kaas oo qofkii mar tagaayi soo noqon.

Halka xaqiiqaduna tahay inay Somali cid kasiba joogto.

 

Sida meel kasta oo caalmka ah ka dhacda qofka tuhun amniga ku saabsan looga shakiyo waxa macquul ah in la xidho maxkamadna la horkeeno hadii wax danbi ah lagu waayana laga raali galiyo.laakiin waxa jariimo ah in gabadh soo maaliyeed ay kub sadaan askar soomaaliyeed .hadaba maamulk Somaliland waxa looga fadhiyaa

inuu danbigaa ka dabaasho hadiiba ay dhacdo inuu jiro.

 

Waxase ka horeeya maamulayaasha somalitalk oo iyana looga fadhiyo inay soo cadeeyaan tuhmada intaa la,eg iyaga oo ka soo guurinaya dad dhexdhexaad ah

 oon ka soo guurin askari baxsaday.

 

Somali talk arinta samsam maxaa kala gudboonaa.?

Somali talk arinta samsam waxa kala gudboonaa

1= in ay gabadha abtigeed la xidhiidhaan haday ku adkaato hooyadeed oy iyagu ku sheegeen inay hargaysa joogto la xidhiidhaan oy waydiiyaan siday wax u dhaceen.

 

2= inay la xidhiidhaan gabadha waliy amirgeega ama cida masuulk ka ah iyo qabiilkeeda waayo hadii qabadhan la dilo magteeda dadbaa iska leh.mana hayno cid qabiilkii gabadha ka socda oo odayaal ah  oo hargaysa ergo u tagay oo albaabada laga xidhay ama xabdiga loo taxaabay.

 

2=inay hargaysa dadka jooga la xidhiidhaan sida saxaafada aqoon yahanada iyo salaadiinta iyo odayaasha iyo culmaa uudiinke ka dibna horta war sugan keenaan si markaa xadhiga meesha ugu dhaw looga qabto.waayo umadi qalad isuma raacdo oo hargaysa waxa jooga boqor buur madaw oo ah ninkii nabada hada buntiland kajirta ka odayeeyay iyo rag iyo dumar badan oon khayr ku tuhmayno.

 

3=iyada oon ognahay dagaalkii dhawaanta dhex maray Somaliland iyo buntiland inuu xiisada sii kiciyay waxa haboon in wararka meelo dhexdhexaad ah  ay ka qaadato ama labada dhanba warkooga si dhex dhexaad usoo gudbiso ee maha in askari sheegtay inuu shaqada uga tagay xiisada qabyaaladeed laga soo xigto.

 

4=iyada oon wada ognahay inay buntiland tahay meesha kali ah oo laga dhoofiyo xoola dhidig iyo dhuxusha iyo gabdhaha iyo caruurta marka kastabana lagu daadiyo bada badhtameheeda waxa ka baxana lagu kubsado xadka u dhaxeeya dalalka yaman iyo sucuudiga sida ku cadayd maqaalo badan oo Somalitalk ku soo baxay hadana Somali talk umay ololayn sidii masiibadaas loo joojinlahaa .hadaba waxa fiicnayd arinta samsamna inay iska taagto dhanka wanaagsan .oo samsamna wax tari lahaa umada somaliyeedna isu soo dhawayn lahaa.

 

Waqtigan xaadirka ahna maxaa talo ah ?

Anigu manta waxan ku talin lahaa talo ah in arinta gabadha soomaaliyeed laga saaro xiisadaha waqtigan taagana la maro wadada saxda ah oo ah in gabadha elkoodu tagaan hargaysa ayna gudo galaan sidii ay marka hore jeelke uga soo dayn lahaayeen gabadha iyo waliba iyaga oo waliba xaqeeda maqan daba gaalaya

Waxaana hubaal ah iny helayaan dadbadan oon qaybaha kala duwan ee shacabka ahi taageerayaan

Ugu danbayntii Somali talk waxan  leehay taariikhda somaliyeed meel cad baad kaga jireen ee meel madaw ha is gelinina.

 

Dahir cumar abtidoon hassan1mhd@yahoo.com 24/nov/2004

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MAXKAMADII SAMSAM EE NOVEMBER 24.... GUJI

 
»»» :::QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM DUCAALE:::
samsam ducaale
»Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo

»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...
»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Samsam Ducaale Xabsiga ayaan ku ilaalin jirey..
»Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
»Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
CADAYMAHA SAMSAM

Eeg Sawirka oo Weyn: Caddeynta Warqadda Dhalashada

Eeg Sawirka oo Weyn: Warqadda Sugitaanka:


XAD-GUDUBYADA KA DHACA SOOMAALIYA::

GALKACYO OO NIN LAGU GOWRACAY [Nov 13, 2004]

Maxamed Dheere vs Xijaabka [March 28, 2004]

xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali [Feb 10, 2004  ]Dad Mooryaanta ka daran!  [June 28, 2004  ]

XASUUQII XEEBTA JASIIRA :: MUQDISHO [Oct 11, 2003]

Dubihii ku dhacay Dugsigii Maxamuud Axmed Cali [Sept 9, 2003 ]

Kufsi iyo isbaaro! [Aug 26, 2003

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho  [Agoosto 6, 2002 ]

Baaqii Amnesty International oo Af-Soomaali Loo Rogey [7 November 2002 ]

DHIBAATOOYINKA XILIGAN COLAAADAHA SOO GAADHAY DADKA REER BANAADIRIGA AH [Dec 3, 2002]

Dilkii Suldaan Hurre [8/17/02]



HTML CD