LONDON
UK: Dec 4, 2006: Waxaa waqooyiga London hool ka kuyaal ee lagu magacabo Imaan shir jaraa'id
ku qabtay afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party [RPP] ee Yurub, C/Naasir Guure
Faarax [jeer]. Afhayeenku wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin
mowqifka fog ee xisbigiisu kataagan yahay ciidamada itoobiyanka ee kusugan
deeganada Puntland iyo gabi ahaanba ciidda Soomaaliyeed, iyo sidii meel looga
soo wada jeesan lahaa oo looga saari laha gayiga Soomaaliya.
Ula jeedada ugu wayn ee uu afhayeen C/Naasir u qabtay shirkan ayaa ahayd
wargalin uu dadka reer Puntland ku wargalinayay in xisbigiisa Ramaas uu guul
wayn soo hooyay maanta isagoo guusha ku sheegay in maxaakiimta Islaamka ay
dhowaan siin doonan xisbiga Ramaas dhaqaale lagu dhiso garoonka diyaaradaha
ee magaalada Garoowe, isagoo arrintaas afhayeenku ka hadlayana wuxuu yiri:
"Walaalayal maanta aniga iyo idin kaba waxaay nootahay farxad wayn, maxaa
yeelay hadaynu reer Puntland nahay caasumadeenu waa Garoowe waxaadna ogtihiin
oo ka warqbataan in aysan waxba dheerayn tuuloyinka iyo miyigaba, waxaaynu
kaloo ka warqabnaa in maamulka Puntland uusan wixii casumadaha loo qaban
jiray iskadaaye garoon diyaaradeed uu u quuriwayay, markaan aragnay in
maamulka Puntland caasumada uusan wax usoo wadin aniga C/Naasir ahna dad
badan oo reer Lascaanod ah oo reer Galkacayo ah oo reer Qardhood ah ay igu
yiraahden Garoowe baa garoon ku fiican maxaayelay waxay ku taal bartamaha
wadanka oo dhinac walba way u dhowdahay, ayaan waxaan go'aan saday in aan
darbi walba u qaraaco sidii garoon lagu heli lahaa,
Ilaahay mahadii waxaan arintan kala hadlay maxaakiimta Islaamka wayna soo
dhaweeyeen codsigayga, wuxuuna iga balan qaaday gudoomiyaha shuurudu Xasan
Daahir Aways in uu xisbigayaga Ramaas dhowaan usoo gacan galin doono
dhaqaalihii lagu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe.
C/Naasir [jeer] waxa uu SomaliTalk.com u sheegay in xisbiga Ramaas uu qiimayn ku
soo samayn doono kharashka kubixi doona Garoonka diyaarahada Garoowe,
qiimayntaasna ay gudbin doonaan Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliyeed oo ballan
qaaday in ay bixin doonaan kharashka ku bixi doona dhismaha
garoonkaas.
Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka:
keenadiid18@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 4, 2006
Afhayeenka Xisbiga Ramaas
ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland &
Gebi ahaanba Soomaaliya..

C/Naasir Guure
Faarax [jeer], afhayeenka xisbiga Ramaas Political
Party (RPP) ee Yurub |
Nov 29, 2006: Waxaa shir jaraa'id magaalada London ku qabtay afhayeenka
xisbiga Ramaas Political Party (RPP) ee Yurub, C/Naasir
Guure Faarax [jeer], shirkan ayuu afhayeenku kaga hadlay
arimaha kasoo cusboonaday baryahan deegamada Puntland iyo
gabi ahaan Soomaaliya oo dhan, waxyabihii uu ka hadlayna
waxaa ka mid ahaa:
"Waa inuusan maamulka Puntland ka noqon go'aankii ahaa
qaadashada shareecada Islaamka, waa inuu madax weyne Cadde
Muuse kala diraa dowlada hadda dhisan soona dhisaa dowlad
taya leh kana dhex muuqdan xisbiyada siyaasiga ah iyo
culama'awdiinka iyo aqoon yahanada wadani nimadu ku jirto,
waxaan kaloo madaxweynaha u soo jeedin inuu san iska indha
tirin dabaysha iyo isbadalka Puntland iyo Soomaaliya oo dhan
kusoo cusboonaday, yaraysana doonista shacabka Puntland waxa
ay rabaan iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, haddii u
madax weynuhu iska indha tiro arimahaas oo dhan wixii ka
yimada oo dhib ah isaga iyo maamulkiisa dhabarka u ridan."
Wuxuu kaloo afhayeen C/naasir si kulul u canbareeyay
joogista ciidamada Itoobiyanka ee kusugan magalada Galkacayo
wuxuna afhayeenku sheegay in ay cabashooyin badan ay uga
yimaadeen culumo kusugan Galkacayo oo ay handadad u gaysteen
ciidamada Tigreegu, wuxuuna si kulul u yiri :waa in maamulka
Puntland kasaara deegamada Puntland ciidamada Itoobiya hadii
ay kasaari waayaana waanu ku jahaadaynaa anagoo adeeg
sanayna tageerayasha xisbiga Ramaas iyo shacabka reer
Puntland ee diin tooda jecel sharaftoodana dhawranaya."
Maruu afhayeenku ka hadlayay mowqifka ay ka taagan yihiin
Maxaakiimta Islaamka wuxuu sheegay in ay xiriir leeyihin
maxaakiimta iyo xisbiga Ramaas kana midaysan yihiin in
Soomaaliya lagu dhaqo shereecada Islaamka iyo in meel looga
soo wada jeesto cadowga Soomaaliya sida Itoobiya iyo wixii
la mid ah, wuxuuna inta kudaray in maxaakiimtu aysan cadow
ku ahayn shacabka Puntland ee ay wanaag uun la rabaan,
arintasna C/Naasir ahaan ay dhawr jeer kawada hadleen
Gudoomiyaha golaha shuurada SHiikh Xasan Daahir Aways.
C/Naasir Guure Faarax [jeer] waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka:
keenadiid18@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2006