Qaadka ayaa Xakuma Ganacsiga Soomaaliya
Qaranka aan Dawladda lahayn, Dumarka waxbartay waxa ay door weyn ka
qaataan iibinta Geedka Daroogada ee sida fooqal-xadka ah loo Isticmaalo
- ISHA WARKA:
http://www.washingtonpost.com | Tarjumadii SomaliTalk.com | May 6,
2006
“Haddii dalku uu weligiis noqdo
caadi, waan joojinayaa (iibinta Qaadka), waxaana ku laabanayaa
macallinadii,”......
Maanta dalka Kenya waxa uu dhooofiyaa Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250
million sannadkiiba,.......
WAAJID, Soomaaliyaa – Ka hor intii aysan
burburin dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, Maryan Cali waxay macallimad
ka ahayd dugsi hoose halkaas oo ay maalmeheeda waqtiga ku bixin jirtey in ay
casharrada Juqraafiga iyo Xisaabta barto fasalka shanaad. Hadda waxa
ay nolol maalmeedkeeda ka soo saartaa Qaadka (Jaad), kaas oo ah geed daroogo
ah oo marka la ruugo dhaliya xaalad kacsan (neerfoose ah ama mirqaansan) iyo
dareen marka dambe qofka ka dhigaya mid tacbaan ah /daalan oo riyo ku jira.
Sidaas waxaa ku bilowday qoraal ay qortay jariidada Washington Post
cadaddkeedii Axad , April 16, 2006; kaas oo ku soo baxay bogga A11.
Qoraalka (Emily Wax ee Washington Post)
oo ay SomaliTalk.com soo tarjumtey waxa uu intaas ku daray:
Dumarka Soomaaliyeed ee waxbartay sida
Maryan Cali ayaa ugu badan ka ganacsiga Qaadka, oo ah xirfad halkan lagana
qadariyo iyo lagana caayo, waana inta yar ee ka haray fursadaha shaqo ee
dhaqaalaha sii liicaya ee dalka (Soomaaliya).
Maryan Cali (bidix), oo gada Qaadka, waxay ahaan jirtey macallimad ka hor
intii aysan
dhicin dawladdii Soomaaliya sannadkii 1991, Ducgsiyadii/iskooladiina waa la
xiray.
(www.washingtonpost.com
| Emily Wax)
“Haddii dalku uu weligiis noqdo caadi, waan
joojinayaa (iibinta Qaadka), waxaana ku laabanayaa macallinadii,” ayey tiri
Maryan oo 40-jir ah, taas oo kaydkeeda ku ilaalisa AK-47, waxana ay leedahay
ilig dahab ah kaas oo ay tiri waxa uu ka dhigayaa mid u muuqata “qof adag”.
“Maxaa kale oo aan sameeyaa si aan u noolaano?” ayey tiri.
Soomaaliya, dalka tirada dadkiisu tahay 8
million oo ay xukumaan qabqablayaasha dagaalku, waa dalka adduunka ugu
isticmaalka badan Qaadka, sida ay sheegeen cilmi baarisyo. Da’yarta
Soomaaliyeed oo ay cabsida geliyeen rabshadaha, kuna soo barbaaray qawaaniin
la’aan, waxa ay yiraahdeen Boqorka Qaadka (King Khat) ama mucjisada Miraa,
oo ah magaca daroogadan loo yaqaan, in ay ka caawiyaan yaraynta xanuunka.
Cilmibaarisyadu waxa ay ku qiyaaseen in
boqolkiiba 75% ay raga qaangaarka ah (ee Soomaaliyeed) ay isticmaalaan
daroogadaas (Qaadka). Magaalo kasta waxa ay leedahay qol loogu talo galay
Qaadka, halkaas oo raggu gabran yihiin saacado badan iyagoo dhegeysanaya
Muusik aad u cod dheer oo calashanaya caleenta cagaaran oo ay ka kasoo
dheecaameyso calyadu (candhuufta), kuna lingaxmaya ama ku dhegaya ilkahooda
dhexdooda.
Isticmaalka Aalkolada iyo badanaa
isticmaalka daroogadu ma ahan mid dhaqan ahaan laga aqbalo wadankan Muslimka
ah (Soomaaliya), laakiin calashiga iyo ka ganacsiga Qaadka waxaa loo tix
geliyaa arrin ciiro am ama mugdi ku jiro. Sidaas daraadeed Maryan Cali, oo
ah hooyo 10 carruur ah leh, waxay dhex mukhuuratay ganacsiga daroogadan ,
taas oo ay tiri waxay suurtagal uga dhigtay in ay hesho lacag iyo in ay
daacad u noqoto falsafada Soomaalida ee ah isku xirnaanta qabiilka: “Isku
soo xoori oo arrintu waa Quudi, oo Difaac.”
Qaadku mamnuuc kama aha wadama badan oo ku
yaal Afrikada ka hooseysa Saxaraha, waxana laga adeegsadaa guud ahaan
Afrikada Bari iyo qayb ka mid ah Bariga Dhexe, gaar ahaan Yemen. Waxa uu
mamnuuc ka yahay dhawr dal oo Afrika ah, sida Tanzania iyo Eritrea, sidoo
kale waxa uu mamnuuc ka yahay Maraykanka iyo Yurub.
Sannadkii 1980 ayaa Ururka Caafimaadka
Adduunka (ee loo soo gaabiyo WHO) waxa uu Qaadka u aqoonsaday daroogo aan
qofku ka fuqi-karin ama iska deyn karayn, xilligaas ayaa hoggaamiyayaashii
Geeska Afrika waxay u ololeeyeen ka soo horjeedsiga (Qaadka), iyagoo dhehaya
isticmaalka badan ee Qaadku waxa uu dhaliyey Furriin badan, dumarka oo la
garaacyo, iyo shaqo lumid. Dalka Soomaaliya dadka kasoo horjeeda dabeecadan
qaranka ee faraha ka baxday waxa ay yiraahdeen in ragga isticmaala daroogada
Jaadka waxa ay dayacaan qoysaskooda iyagoo lacag aad u farabadan iyo waqti
ku bixinaya (Qaadka).
Qaadku waa uu aad uga baxaa (ama ku kobcay)
dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, halkaas oo beeraleydu ay bilaabeen
in ay xididada u siibaan dhirta Qaxwaha (Coffee) oo ay booskaas ku beeraan
caleenta cagaaran (ee Qaadka) markaas oo uu hoos u dhac ku yimid suuqa
Qaxwaha sannadadii sagaashanaadkii iyo labadakun. Maanta dalka Kenya waxa uu
dhooofiyaa Qaad lagu qiyaasay lacag dhan $250 million sannadkiiba,
kaas oo ka badan ama ka kor maray lacagta ay Kenya ka hesho caleenta Shaaha
oo ah dalag lacag badani ka soo gasho dalka Kenya, sidaas waxaa laga soo
xigtey dawladda Kenya.
Maalin kasta waxaa labada garoon ee ugu
weyn Nairobi ka duula dersin diyaarado ah oo sida jawaano uu ka buuxo Qaad
oo usii jeeda Soomaaliya lacagta ay (Kenya ka hesho) waxaa lagu qiyaasay
$300,000 maalintiiba, sida ay sheegtay hay’adda Qaranka Kenya ee u
ololeysa kasoo horjeesiga Daroogada sida xun loo adeegsado.
Sida Tubaakada iyo Alkolada, ayaa Qaadku
waxa uu yahay ganacsi ay wadaan dad aad u xoog weyn.
Qabqablayaasha dagaalka ayaa xakuma
ganacsiga Qaadka, lacagata kasoo baxdana waxa ay ku iibsadaan hub, taas oo u
ogolaaneysa in ay sii haystaan xukunka qaybohooda dagaalka ee kala qoqoban,
sidaas waxaa laga soo xigtey warbixin ay sannadkii 2003 Soomaaliya ka soo
saareen koox khubaro ah oo ah Qaramada Midoobey.
“Dhawr ka mid ah kooxaha waaweyn iyo maamulada ayaa waxa ay si toos ah saami
ugu leeyihiin ganacsiga, iyagoo sii maraya ku xirnaanta kuwo Qaadka soo
waarida ama dalka soo geliya, ama cashuur laga qaado marka uu dalka soo
gelayo (Qaadku).” Sida ay sheegtay warbixintu.
Calashiga/Ruugidda Qaadku waxa ay yaraysaa
rabitaanka cuntada. Waxana uu muddo dheer ahaa dabeecada dadka magaalooyinka
deggan, badanaa dadka beeraleyda ah waa kuwo aad fakhri u ah oo aan iibsan
Karin, laakiin dadka u shaqeeya hay’adda gargaarka aadamino waxa ay sheegeen
in ragga ka yimaada beeraha ee u soo guura magaalooyinka in ay bilaabeen
isticmaalka geedka waqtiga lagu dilo, iyagoo lacag amaahanaya si ay ugu
kabaan dabeecadaas.
“Kulan kasta oo aan la yeelano Jaaliyadda
Soomaaliyeed, waxaa lagu xusaa in uu yahay (Qaadku) dhibaatada ugu weyn ee
kasii dareysa,” sidaas waxaa yiri Regine Kopplow, oo ah sarkaal ka tirsan
Qaramada Midoobey qaybta u qaabisan nafaqada caafimaad ee Carruurta ee
Soomaaliya. “Dadku ma garanayaan wax laga sameeyo arrintan. Waxaa jirta
Abaar. Waxaa jira dareen la xiriira ammaanka. Waxaa jira buufis (qulub)
xaqiiqo ah. Waxay ku dambeynesaa in ay dhibaato gaarsiiyaan carruurtooda,
kuwaas oo waayaaya iskuul iyo cunto.”
Maryan Cali waxa shixnadeeda Qaadka maalin
kasta ka heshaa qabqablaha dagaalka ee qabiilkeeda, oo ah mid ka mid ah
labada xakuma Qaadka Waajid, oo ah magaalo habaas leh oo 200 miles
woqooyi-galbeed ka xigta caasimada Muqdisho, halkaas oo ay isugu yimaadeen
dad aad u farabadan abaarta awgeed.
“Ma arko jid kale oo ka wanaagsan,” ayey ku
tiri cod xabeeb leh iyadoo hab saf ahaan ah ula fadhida dumar kale oo ka
ganacsada Qaadka iyagoo hoos fadhiya suuqa saqafkiisa laga sameeyey
cooshadda.
Iyadoo ay dumarku suulasha ku tirinayaan
lacagta caddaanka ah, Maryan waxa ay haysaa caleemo cusub iyo laamo qoyan oo
ku jira jawaanno dhabta u saran. Waa ay kala furtay, iskuna xirtay si ay u
tusto kuwa iibsanaya, waa sidii iyadoo soo bandhigeysa dahab qaali ah.
Qaadkeeda ugu wanaagsan waxaa la iibiyaa $15 xirmadiiba. Sida caadiga ah
waxay maalintiiba iibisaa 20 xirmo, taas oo ay lacagta ka qaadato boqolkiiba
20% oo faa’iido ah, taas oo ah lacag aad u badan meesha ay dadku ku
noolaadaan wax ka yar $1 doolar maalintiiba.
“Waxaan dareemaa mararka qaarkood in tani
ay tahay ciqaab,” ayey tiri iyada oo salaaxeysa dhafoorkeeda. “Qaraabadaydu
waxay mar kasta igu yiraahdaan faraha kala bax (iibinta Qaadka), laakiin
taas ma awoodo.”
Maryan Cali safarkeeda dheer ee ay ku timid
suuqa karaya ee Waajid waxa ka horreeyey dhacdooyinka hoobashada dalkeeda.
Waxay ku dhalatey Woqooyiga Soomaaliya, laakiin aabaheed oo ahaa sarkaal
sare oo askari ah, ayaa qoyska u soo raray magaalada Waajid. Waxay noqotay
macallimad, waxana ay ismehersadeen nin ay macallin wada ahaayeen.
“Waxaan jeclahay in aan derso carruurta, si
aad u aragtid sida looga baran karo dabeecadaha kala duwan ee bini’aadamka,”
ayey tiri. “Qaar carruuta ah waa faraxsanaayeen, qaarna ma faraxsanayn.
Xaqiiqadii taasi waxa ay iga caawisay shaqadaan Qaadka. Waxaa waajib kugu ah
in aad markasta dadka u kuur gashid ama firiisid dabeecadoodu sida ay
tahay.”
Markii Maxamed Siyaad Barre la saaray 1991,
qabqablayaasha dagaalku waxa ay bilaabeen in ay googooyaan dalka,
iskuuladiina la xiro, si degdeg ah ayaa markaas Maryan u noqotay shaqo
la’aan.
Iyada iyo dumar kale oo ay garaneyso waxa
ay galeen “shaqo kasta oo aan heli karno, Qaad ayeyna ahayd. Waxana ay u
muuqataa in ay dhaanto intii aan noqon lahayn kuwo dagaalamaya ama qaadanaya
cunto deeq ah oo gacanta loogu ridayo. Waxaan ahaa qof waxbaratay; taasna ma
samayn Karin.”
Ninkeedu waxa uu dhex muquurtay Qulub (ama
Buufis), shaqona ma heli karin, ayey tiri. “Ninku waa shaqo la’aan
(baagamuundo), gebi ahaanba aan wax shaqo hayn, oh...., anagoo dumar ah
maxaan samayn karnaa?, ayey tiri, waxana ay isku garaacday labadeeda
gacmood, kaddibna waxa ay fiirisay dumarka kale ee suuqa. “Raggu waxa keliya
oo ay garanamayaan waa dagaalka, iyo dhimashada. Dumarka Soomaaliya waxaa
waajib ku ah in ay noqdaan kuwo keenaya quutul-qaalibka (ama nolol
maalmeedka qoyska).”
Waxa ay (Maryan) sheegtay in aysan weligeed
Qaad calashan/ruugin ama cunin, waxa keliya oo ay ka qaadataa lacagta
caddaanka ah, waxana ay isku daydaa in ay ahaato “daacada uu noqon karo qof
Qaad-wale ah,” taas oo macneheedu yahay weligeed ma iibiso Qaad baarixi ah,
waxana ay ka dabooshaa fallaaraha cadceeda, ayey tiri. Laakiin in kasta oo
ay sidaas tahay, mararka qaarkood shaqadeedu waa mid aad halis u ah, oo aan
la saadaalin karin sida dalka iyada ku xeeran.
Bishii December, niman hubaysan ayaa ka
dhacay Qaad qiimihiisu ahaa qiyaastii $3,000, iyagoo rasaasta circa u
ridayey, markii dambena cagaheeda ku ridey rasaasta. Waxa ay tiri: waxaan u
maleeyey in la i dilayo.
Waxa ay aad uga calool xumaataa marka ay
aragto dad badan oo beeraley ah oo u soo guuraya magaalada iyo xeradan
qaabka daran, halkaas oo ay ka helayaan guryo laga sameeyey ulo iyo calal si
ay uga helaan kulayl gaaraya 115 derejo. Qaar ka mid ah dumarka baadiyaha
ayaa iyada weydiistey shaqo. Laakiin waa u diidey badanaa dadka.
“Waxa ay ku celcelinayaan, ‘fadlan i sii
kilo (Jaaad ah) oo aan sii iibiyo, inaa ogolow in aan lacagteeda ku siiyo
hadhow marka roobku da’o,” ayey tiri. “Laakiin waxaa waajib igu ah in aan
taxadaro. Haddii kale, dhibaatadani waxay noqoneysaa mid faraha ka baxda.”
Aamina Saman Maxamed, oo 37-jir ah, waxay
sidoo kale ahaan jirtey macallimad, waxana ay hadda ka shaqaysaa Maryan Cali
dhinaceeda ee geeska Qaadka ee suuqa Waajid. Waxa ay shaqadii macallimada
joojisey sannadkii 1991, waxa ay markiiba bilowday iibinta (Qaadka) sababtoo
ah, ayey tiri, “Waxaan lahaa siddeed carruur ah, iskuuladiina waa la xiray.
Majirin fursad kale oo ii furnayd, mana haysan lacag ku filan cuntada.”
Iyada iyo Maryan Cali badanaa waxay ka wada
hadlaan riyadooda ah in ay ku laabtaan macallinimadii.
“Tani waa dhibaatada ugu weyn ee
noloshanada: Taas oo ah in aysan weligeed jirin isbedel dhab ah, waxaana ku
xannibanay kala hufida caleemahan,” ayey tir Aamina. “Taasi waa hab
nololeedka Soomaaliya.”
Isha:
http://www.washingtonpost.com |
Tarjumadii SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2005
Ciribtirka
Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka
Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay
Dunida Guud Keeda...
Guji...
2002: Qaadka
oo Kusoo Qulqulaya Ameerika
2002: Soomaalida U.K. oo Ku Baaqay In La Mamnuuco
Qaadka
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE
QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo
qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba,
taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Qiyaas akhristow inta
ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji..
BOSASO: Kasoo horjeedka
Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay kasoo
baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay
$US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda
iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
ABC
Australia...
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|