SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

CABDILAAHI XAAJIYOW CIMRI TAGAY CEEB HA KU SAGOOTIN

Abshir | abshir111@yahoo.com
Holland

Waxaa la yaab leh Cabdillaahi Xaaji oo ka mid ah weriyeyaasha waayeelka ah ee ugu caansan Soomaalida inuu ku sifoobo ku xadgudub xeerarka saxaafada mar uu maalin dhowayd waraysi la yeeshay duub dhaqameed Soomaaliyeed isagoo si ka ka baxsan saxaafada iyo dhaqankaba wax u weydiinayey duub dhaqameedka.

Cabdillaahi Xaaji oo ah qabyaaladiistihii huriyey colaada sokeeye isagoo maanta howlgab ah ayuu weli wuxuu sii wadaa inuu dadka iyo dalka isku diro, wuxuuna aad ugu raaxeystaa colaadda sokeeye waana neceb yahay wixii nabad iyo nabadgelyo ka hadlaya, Soomaali waxay tiraahdaa cimri tagay ceeb laguma sagootiyo Cabdillaahi Xaaji oo todobaatan sano jira inuu maanta ka shaqeeyo hagardaamada umada oo uu hareer maro maslaxada waxay muujinaysaa umada Soomaaliyeed weli inaysan u bisleyn nabadgelyo iyo cadaalad.

Xeerka saxaafadeed ee ay ku shaqeyso bbcda ayaa qoraaya in la xaqdhowro xuquuqda iyo dhaqamada bulshada wararka loo tebinayo ama la wareysanayo, Cabdillaahi Xaaji iyo bbcda waxaa ka muuqata inaysanba aqrisan haba yaraatee xeerarkaan oo ay sodan sano meesha isaga joogeen marna qaab qabiil marna garab uu ku soo celiyey yuusuf garaad;

Cabdillaahi Xaaji markuu ahaan jiray soo saaraha keliya ee bbcdu lahayd sanadihii sideetameeyadii waxaa bbcda ka muuqday inuu xoojinaayey ama taageeri jiray weeraradii lagu hayey Hargeysa iyo caburiskii beeshiisu ku haysay gobolada dhexe, isagoon weligiis hor taagnaa in idaacada laga sii daayo war ku saabsan dadkii lagu xasuuqi jiray Hargeysa iyo gobolada dhexe iyo xeebta Jasiira ee Xamar, wuxuuna caburin jiray jabhadaha hubeysan.

Cali Wardhiigley oo ahaa guddoomiyaha USC ayaa ALLAHA u naxariistee wuxuu ahaa ninkii shaqada u qoray Cabdillaahi Xaaji oo ka soo fakaday Itoobiya lixdameeyadii xiliguu Cali ahaa wasiirka warfaafinta, labaatan sano kadib sideetameeyadii ayuu Cabdilaahi Xaaji wareysi ka qaaday Cali Wardhiigley oo ahaa ninkii isaga shaqada u qoray wareysigaas oo abdullahi dhibsaday awgeed lama soo saarin raadiyaha, taasoo ka careysiisay mudane Wardhiigley kuna kaliftay inuu ku tilmaamo ninkii shaqada u qoray inuu yahay nin qabiil oo fekrad qabiil ku shaqeynaya.

Waxaa la yaab leh inaysan umada Soomaaliyeed fahmi karin shirqoolada iyo hagardaamada ay ku hayaan Abdlahi Haji iyo bbcda shaqaalaheeda, waxaan dhihi lahaa Abdullahiyow cimri tagay ceeb ha ku sagootin, saxaafaduna sidaas ma ahan, Hadraawi wuxuu yiri suugaantu iib ma ahan, Abdulahiyow saxaafaddu iib ma ahan ee ogow.

Abshir | abshir111@yahoo.com
Holland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
iyo Afhayeenka dowladda FKMG oo sheegay inaan waxba ka jirin go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi..
Guji... Dec 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD