SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Daabaco Boggan | Print

XIL DHIBAANADU MA XIL DOONBAA MISE WAA XAL DOON? 

Ismail A.Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com

“Riwaayaddii uu arbaha ka ahaa geeddi oo dhammaatay iyadoon bilaabmin” 

Tan iyo intii ka dambaysay markii uu ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi ku dhawaaqay xukuumaddiisa waxaa  isa soo tarayay dadka ka biyo diidsan xukuumaddaas ee ka soo horjeeda. 

Waxa ay dad badani aad u dhaliileen tirade wasiirada oo aad u badan isla markaana ayna ka dhex muuqan shaqsiyaad lagu tilmaami karo karti iyo aqoon oo wax ka qaban kara  dhibaatada wadanka ka taagan. 

Sidoo kale waxaa jiray qabiilooyin iyo shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka oo ka cabanaya inaan lagu soo darin dawladdaas iyo kuwo saluugsan xilalkii loo magaabay oo qaarkood ay horeba isku casileen. 

Hadaba kalsoonida ay hadda xubnaha baarlamaanku kala noqdeen xukuumaddan ayaa dadku u arkeen siyaabo kala geddisan. 

Kuwo badan ayaa qaba in xildhibaanadu ay muujiyeen xilkasnimo, uuna falkoodu ka turjumayo walaaca ay shacabku ka muujiyeen xukuumaddan iyo sida aanay raali uga noqon karin  xukuumad tiro badan oo ujeedada keliya ee laga leeyahay ay tahay in lagu qanciyo shaqsiyaad jago doon ah. 

Dhanka kale ayaa iyana waxaa jira in dad badani ay u arkaan tallabadan ay xubnaha baarlamaanku qaadeen mid danaystanimo ah oo ujeedadeedu tahay mar haddii ay ku guuldarraysteen in wasiiro laga dhigo in iyaguna ay wax qasaan.(cunay ama ciideeyay). 

Mudane Cali Maxamed Geeddi oo intii aan la magacaabin ay saxaafaddu aad u hadal haysay, laguna tilmaamayay nin ay dawladda Itoobiya wadato ayaanay dad badani soo dhawayn magacaabistiisa, waxaanay candhuuftooda dib u sii liqeen ka dib markii uu magacaabay xukuumad u badan taageerayaasha Itoobiya oo sideetameeye wasiir gaadhaysa. 

Waxaa hadaba immika dad badani isweydiinayaan talaabada uu qaadi doono Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo inuu mar kale dib u magacaabi doono Mr Geeddi iyo inuu weji cusub oo kale baarlamaanka soo hor dhigi doono. 

Baarlamaanka oo iyagu horeba isugu koobay in dhexdooda laga soo magacaabo xukuumadda ayaa meesha ka saartay dad aqoon iyo karti la bidayay shacabkuna aad ugu qanci lahaa magaabistoodu inay xukuumadda ka mid noqdaan. 

Hadaba arinku si kastaba ha ahaadee waxa ay xildhibaanadani muujiyeen awoodda dastuuriga ah ee ay leeyihiin iyo in aanay dawladdu ahayn wax ay shaqsiyaad gaar ahi siday doonaan ka yeeli karaan.  

Isku dhaca hay’adaha dastuuriga ah ee dawladda FKMG ee Soomaaliya ee hadda bilawday ayay dhici ka kartaa inay noqoto caqabad  cusub oo ka hortimaadda dib u soo celinta dawladnimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed. 

Waxaa aad looga cabsi qabaa in ay laba sanno oo kale ay qaadato sidii loo soo dhisi lahaa dawlad raali gelisa dhammaanba dhinacyada isku khilaafsan, inkastoo aanay beesha caalamku dulqaad u yeelan doonin inay wakhti kale ku sii masruufaan wadanka Kenya xildhibaanada gorgortanka ku jira. 

Waxaa iyana isha aad loogu hayn doonaa dawladda Itoobiya iyo fara gelinta ay arintan ku samayso sidii horeba looga bartay iyo bal in ay xaalka dibadda ka fiirsato. 

Waxa ay shacabku isweydiinayeen goorta ay xukuumaddani tegi doonto Soomaaliya ee marnaba kumaanay tashanayn burburka hadda soo wajahay xukuumaddaas. 

Hadaba waxaynu ka war sugnaa waa madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo wax uu ka yeeli doono arintan iyo bal inay suurto gal noqoto inuu kasbado kalsoonida xildhibaanada kacdoonka sameeyay ama arinku noqdo i jiid aan ku jiidee iyo gacmao daalis. 

Ismail A.Hassan (khaliil)
khaliilha484@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
iyo Afhayeenka dowladda FKMG oo sheegay inaan waxba ka jirin go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi..
Guji... Dec 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD